Home Qoraallo CAAL-WAA! Q:1AAD W/Q; Mahad Xaashi Maxamed

CAAL-WAA! Q:1AAD W/Q; Mahad Xaashi Maxamed

0
SHARE

CAAL-WAA! Q:1AAD
qormo
Bilowgii hore ee nolosha ayey la bilaabatay wax-yeellada nooluhu isu geysto, mana ahan wax moorada maan-galka ka baxsan in aadanuhu dhiggiisa ku xad-gudbo, oo sunnada nolosha ayeyba qayb ka tahay, hayeeshee tan geyigeena ka dhacdayi waa mid maanka aadanuhu ka gayoodo inuu rog-rogo xumaanta ka dhex muuqata awgeed, sidaasoo ay tahayna waannu ku qasbannahay inaan ka hadalno, oo weliba gudaha u galno si aan xalka u gaarno.
Curiska CAAL-WAA wuxuu sawirayaa soo-yaalkii dhowaa iyo berya tegey xummaantood, wuxuuna muuqaal illaa heer dhammaystiran kaa siin doonaa dhibta gaartay bulshada Soomaaliyeed, tiiyoo curisku u socon doono qaab xiiso leh oo ku salaysan qiso jacayl oo dhex maraysa laba gayaan ah oo doonay inay si caadi ah nolol degan u wadaagaan balse dulmiga dadkoodu isu gaysanayaan ku haftay.
F.G. haddii dhacdo noloshaada soo martay iyo tani isu ekaadaan, ma jiraan wax ula kac ah, kaliya waxaa ila mideeyey dareenka. Waxaa kaloo sheegid mudan, sheekadan waxaad ka dhex heli, doontaa suugaan qalin ku qor ah, taasoo aan ugu tala galay inay u adeegto soo gudbinta sheekada, marka haddii ay xoogaa kuu cuntami wayso ka raali noqo, waayo anigu abwaan ma ihi, kaliya waa uun qalin wax lagu qoray.

Qaybta.1aad.

Inkastoo aanu jewigu ahayn mid nabad, farxad, iyo rayn-rayn kuu sheegaya, haddana aroornimo hore ayaan gurigayga ka soo baqoolay anigoo u arkayey inaan bulshada hawl muhiim ah u hayay ayna lama huraan tahay inaan sii wado, sidii caadada ii ahaydna anigoo wata gaarigeygii duugga ahaa ayaan soo abbaaray goobtaydii shaqo ee aan ka howl gali jiray.
Muuqaalka guud ee magaalada Muqdisho wuxuu ahaa subaxnimadaas mid aad u cakiran ayna ka dhadhameyso colaad iyo hoog, socodka dadku wuxuu ahaa mid teel teel ah, ruux kastana wajigiisa dhiillada waad ka dheehan kartay, dhawaq rasaaseed oo goos goos ah ayaan meel fog ka maqlayay, waxayna u badneyd in saacadaha soo socda dhawaqa rasaastu uu xoogaysto, sida caadada ahayd oo deegaanku la qabsaday ayaamahaas dambe. Aragtida guud ee magaaladu waxay kuu sheegaysay in dhibaato wayni ay geyiga ka dhacday, goobaha ganacsigu inta badan waa ay xirnaayeen kuwana kal hore ayaaba laga guuray oo waa ay haawanayeen.
Waxaan galay fikir dheer, waxaana aan la yaabay musiibadan baaxadda leh ee ku habsatay dadkeenna iyo dalkeenna, waxaan is waydiiyey sababta ay dadkani dalkooda sidan ugu galayaan, mid kastaaba kan kale waa uu ka daran yahay, waxaadba is leedahay malaha duulka dhul kale oo ay deggaan ayaa loogu baaqay marka wixii qaadmi kara way ka qaadanayaan dhulkan hadda loo yaqaan Soomaaliya oo waxay ula guurayaan halka aay dagi rabaan.
Dhaawacyo ba’an iyo wax-yeello aan la soo koobi karin ayaa loo geystay xitaa goobihii saldhigyada u ahaa adeegyada bulshada, sida isbitaalada iyo goobihii waxbarashada. Anigoo fikirkaas dheer ku fogaaday ayaan si lama filaan ah uga war helay koox baabuur ah oo nooca xamuulka qaada ah oo ay dhuxuli ku raran tahay oo wadadii isku gadaamay meel laga marana aan lahayn, runtii waxaa argagax lahayd sida ay baabuurtaasi u rarnaayeen oo aad moodaysay midkasta in lagu yiri hal maalin oo qura dhirta soomaaliya ku taal oo dhan ku soo xaalufi.
Intii aan sidaa u xayirnaa aanna sugayay uun fursad aan ku dhaafo wadada ayaa waxaa dhinacayga soo istaagay gaari yar oo aad u qurux badnaa aanna ku qiyaasayey qiima ahaan inuu joogo lacag aad u farada badan, gaariga waxaa watay nin ay haybad iyo mas’uuliyadi ka muuqato una muuqday nin xilkas ah, durbadiiba ninkaasi intuu isoo eegay isagoo faraha iigu fiiqaya dhanka dhuxusha baabuurta ku dul tubneyd si hal-haleel ah iigu yiri “ RAG MACNAHA GANACSIGA WAX KA YAQAAN AYAA LACAG KA TACBADAY”.

Runtii hadalka ruuxaasi aad ayuu ii xanuujiyey damiir keygana u gil-gilay, waxaana aan doonay inaan u jawaabo una sheego in tani ay tahay dembi wayn oo laga gelayo dalka iyo dadkaba ee anay ahayn ganacsi layskana xisaabin doono goorey ahaataba, laakin intii aanan wax hadal ah u celin ayaa mid ka mid ah gawaaridii waxoogaa baneeyey wadadii isla markiibana waan kasoo xaluushay muuqaaladii foosha xumaa ee ay indhahaygu qabteen, iyo codkii kasoo yeerayay mid ka mid ah damiir laawayaasha dalkeenna aafeeyey.
madaxa ayaa i xanuunay waxaana aan dhibsada sida dadkeygu u dhaqmayaan, horay ayaanan iskaga soo dhaqaaqay ayidoo erayadani maankayga soo buuxiyeen.

Dammanow dadkaygow

Damiir laawihii xumaayow

Doqon aan wax tarinow

Damiin aan wax garanow

Danta tiisa gaariyo,

Aan u nixin Dadkiisow

Damiir laawe yaad tahay!

Dalkan aad gureysee

Daarihiisii dumiseen

Ma duul kalaa u maqanoo

Cirkaas uuga soo degi

Ma dunida midoobiyo

Daaraha qaxootiga

Yaad qaylo u dirsee

Ku oranin na daabula!

Mise Yemantii dacalkeed

Carabtaad u duulee

Dawarsiga galbeed iyo

Doonta lagu tahriibiyo

Diihaalka saxaraha

Miyaad moodday darajiyo

Inay tahay dan kugu wacan?!

War dadow warkay maqal

Waa dood abwaan iyo

Deelleey udguunoo

Dahaboo ujeeddo leh;

Maansada ha durinoo

Ha degdegin sideeda;

Yey ku qaadin doqonnimo

Dabcci xumo ka dheeraaw.

Qisadaan la daabici

innagaa ku daabane

Quruxdii dalkeenniyo

Qiimihiisii duugnaye

Qalqallooc ku daarnoo

Qarankii dalkeennana

Bilicdiisi duugnaye!

Qamandhacada daankiyo

Qamuunyada dushaydiyo

La dubaaxshay diirkay

Dayacaan na haystiyo

Diiftaan na daashatay

Qaraxaan dadkii guray

Daa’imow na sama bixi!

 

Waa socotaa…..

Mahad Xaashi Maxamed

mahdixaashi@hotmail.com

 

SHARE