Home Qoraallo Ka Fikir: Soomaaliya oo la hoos geliya Wasaayadda IGAD 2016

Ka Fikir: Soomaaliya oo la hoos geliya Wasaayadda IGAD 2016

0
SHARE

igad

Ka Fikir: Soomaaliya oo la hoos geliya Wasaayadda IGAD 2016

Maxamed Cusman Cumar — Qoraalka aad aqrinaysid qaar waa wax jira, qaarna waa wax mala awaal ah, kuna saabsan waxa dhici kara, marka ay dhammaato muddada jiritaanka Maamulka Federaalka iyo muddadii xafiiska loo doortay Maxadweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, haddii la qaban waayay doorashadii la ballan qaaday. Marna maku fikirnay?

Hal shey si hubaal ah aan u qadano. Qorshaha uu ururka Midowga Afrika hoosta ka wado, asigoo dahsoon, ayna  taageeraayaan Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka, waa diyaar in la hirgeliyo. Waxaa muuqda in Midowga Afrika uusan gacmaha ka laaban doonin in Soomaaliya ay meel eber ah ku dhacdo, haddii dawladda Federaalka ee hadda jirta ay ku fashasho in ay qabato doorasho xur ah sannadka 2016: Waa sabab loo raadinaayo sidii loo fulin lahay mashruuca  la wareegida awoodda Soomaaliya.

Suurto gal ma aha in afar sano ka bacdi dib loogu noqdo “Dawlad Ku-meel Gaar ah” mar kale, maxaa yeelay “Dawlad ku-Meel Gaar” waxaa lagu beddelay mid aan ahayn “Ku-meel Gaar” oo waqtigiisa ku ekyahay 2016, isla waqtigaasna waxaa dhacaayaa waqtigii Madaxweynaha Federaalka.

Ilaa hadda ma jiraan wax tilmaamayo waxa dhici kara, haddii dawlad la’aan dhacdo. Hase yeeshee, sida degdegga ah uu Ururka Midowga Afrika ugu soo daldalaayo dalka Soomaaliya  iyo qalab fara badan waxay bixinaayaan fikrad ah in la damacsan yahay in Ururka  u isticmaalo hirgelinta qorshe aan weli la soo bandhigin ee ma aha kali ah loo  wax isticmaalaayo sugitaanka ammaanka Dawladda iyo ka hor-tagga weerarada mucaaradka.

Midowga Afrika iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya,  gaar ahaan kuwa muranka dhulalka ka dhexeeyo iyaga iyo Soomaaliya, si weyn ayay u dabaal degayaan, sida ay ku guuleysteen in ay ka hor tagaan halganka Soomaaliya ay ugu jirtay dib u soo dhacsashada dhulalka ka maqan ee kuu yaalla Geeska Afrika.

Soomaalida maanta waxay u ektahay in ay ka aamuseen “midnimada” dalkooda. Waxaa la weyn arrimaha gudaha iyo qabiilaysiga oo noqday wax ka muhimsan midnimada Soomaalida dhexdooda.

Kuwii rabay in Soomaaliya ay ka tirtiranto khariidada Adduunka, wal-wal kama qabaan Soomaalida oo soo laba kaclayso, maxaa yeelay wadaninimadii ayaa ka tagtay.

Soomaalida ma fahamsana in madaxbanaanidii iyo dawlad-nimadii ay faraha ka baxeen. Wadaninimadiina ay beddeshay Qabiil.

Xarunta Midowga Afrika
Addis Ababa, Ethiopia, Sept. 2016

Waa su’aal khiyaali ah. Ka soo qaad in Soomaaliya ka soo bixin ballantii ahayd in doorasho guud ay qabanayso 2016. Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa, Ethiopia, waxaa u diyaar ah mashruuc laga hirgelinaayo Soomaaliya mustaqbalka. Mashruucaan weli shaaca lagama qaadin. Kulanka Xarunta Midowga Afrika waxaa fadhiya dad kooban, sida Beesha Calamka oo ah taageeraha ugu muhimsan ee  mashruuca Midowga Afrika ee Soomaaliya. Dad tiradooda aad u yar ayaa  ka jooga Soomaaliya oo weliba nasiib darro, arrinta dalkooda iyo dadkooda aan waxba laga weydiin.

Mashruuca wuxuu ku saabsan yahay in Soomaaliya laga dhigo Yaxaas (Shark) oo aan ilko lahayn oo siyaasad, dhaqaale iyo ciidan ahaan, waxba tari karin, si Badweynta Hindi u noqoto waddo adduunka oo dhan mari karo iyo Geesta Afrika (Soomaaliya) oo  la hoos geliyo Wasaayadda IGAD.

Waxaa jira Fikrad kale oo ay qabaan dalalka qaarkood oo ah in Soomaalidu ayan  is xukumi karin. Sidaas darted, ay wanaagsan tahay in loo qaybiyo laba gobol, mid la siiyo Ethiopia, mid kalena la siiyo Kenya.

Wakiilo sar-sare oo ka kala socdasy  waa oggolaadeen Beesha Caalamka mashruuca Midowga Afrika. Ilaa hadda IGAD waxay wadaa in awooddeeda ay ku baahisay dalka Soomaaliya oo dhan.

Siyaasiyiinta Soomaalida waxaa la moodaa in ay ka war haynin hadalada la isla dhex maraayo oo sheegaayo in la rabo in lala wareego dalka. Mar haddii uu Baarlamaanka jiri doono, xitaa haddii magac kale lahaado oo ah “Golaha Degaan” oo dawlad hoosaadna jiri doonto, cidii maamulayso ha maamusho.

Ka dib Markii 10 sano uu dalka ku hoos jiray Wasaayadda Taliyaaniga (1950-1960) Maamulka Taliyaaniga ayaa mas’uul ka ahaa mushaharada shaqaalaha, xildhibaanada Golaha Degaanka, Boliska iyo Ciidamada iyo Macallimiinta.

Haddii IGAD la wareegto xukunka Soomaaliya kharajkaas waxaa laga rabaa in Midowga Afrika bixiyo, inkastoo la ogsoon yahay  in dalalka loo yaqaan International Community ay bixin doonaan.

Hadda oo IGAD weli doorkeeda magac lahayn ayay faraha kula jirtaa siyaasadda dibadda Soomaaliya, in kasta oo arrimaha gudaha ay si buuxda u haysato. Mar dhoweyd waxaa la sheegaayay in Turkiya ay soo jeedisay in ay Soomaaliya ay dib ugu dhisto ciidamada qalabka sida, hase yeeshee, wakiilka IGAD oo goobta arrintaan looga hadlaayay joogay waa horjoogsaday soo jeedinta Turkiya.

Sida warka aan ku maqlay, wakiilka IGAD uu qaabilsan Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo noolaynta Ciidankii xoogga badnaa ay Soomaaliya lahaan jirtay, wuxuu u sheegay in wixii Soomaaliya la siinaayo waa in uu soo maraa IGAD, gaar ahaan wixii la xiriira dib-u-dhiska Ciidamada iyo qalabka ciidamada.

(Khiyaal – Fiction)

IGAD oo La Wareegtay Maamulka Soomaaliya

Xafladda waxaa lagu bilaabay hal daqiiqo oo la istaagay lana aamusay iyadoo laga tacsiyeynaayo  xaaladda adag ay Soomaaliya ku jirto. Waxaa ka sii darran in cidna sheegi karin sida mustaqbalkeedu noqon doono.

Laba qoryaha calanka ayaa la suray dhaxbartanka barxadda xafladda lagu dhigaayo. Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa suran. Wax kasto way dhan yihiin. Jiritaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka haray daqiiqado. Cutubyo ka tirsay ciidanka AMISOM waa diyaar. Dhaqdhaqaaq ma jiraan, qof walba halkiisa ayuu fadhiyaa marka laga reebo sawir-qaadayaasha Midowga Afrika iyo kuwo kale oo dibadaha laga keenay. Wariyeyaal Soomaali ah tirada kuma jiraan. Tigta saacadda  way  socotaa waxaa la sugaayaa  saacadda Muqdishu marka ay tahay 00:00. Muusikada Midowga Afrika ayaa la tumaayaa.

Saacadda gow habeen bar ama 00:00 saac markay noqotay waxaa qoryaha calamada hoostooda soo istaagay Guddoomiyaha Midowga Afrika. Sarkaal ka tirsan guddiga xafladda waxuu u dhiibay  xarigga calanka  Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Guddoomiyaha  Midowga Afrika.

Ciidankii salaan sharafta ayaa soo qayliyay “Ku salaan Dab” (Salaan oo aad u shaqal dheer)   muusikaddii Qaranka Soomaaliyeed ayaa la tuman isla markaasna Guddoomiyaha Midowga Afrika wuxuu hoos u soo dejiyay calanka Soomaaliyeed. Haddana waxaa la tumay muusikadii Midowga Afrika oo isla markaasna Guddoomiyaha Midowga Afrika kor u jiiday ilaa dhammaadka xaragii calanka Midowga Afrika. Waxii maanta 16ka September 2016, ka bilowdo, Soomaaliya waxay gashay Wasaayadda (Trusteeship) Midowga Afrika oo IGAD Awoodda Maamulka loo dhiibay.

Xubin-nimada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay waa la hakiyay waxii hadda ka bilawdo. Hase yeeshee, xafiiskii Wakiilka Joogtada ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaa loo fasaxay in uu noqdo xafiiska war baahinta.

Madaxda Soomaalida horey looguma sheegin qorshaha Midowga Afrika, inkasta oo dhammaan dadka kale ay la socdeen mashruuca AU iyo tillaabadaha kale oo si qarsoodiga ah loo hirgalinaayay.

Dawlad goboleedyada dalka Soomaaliya waxaa loo diray ciidanka Militariga iyo ciidanka booliska si ay u sugaan nabadda, haddii ay dhacaan iska hor-imaad lama filaan ah, inkastoo war ku saabsan dhaqdhaqaaq aan caadi ahayn ama hadallo ku-tiri-ku-teen ah la soo sheegin. Qaar ka mid dadweynaha deggan magaaladda Muqdishu mar hore ayay seexdeen, inkastoo qaar ay weli TVga ama Raadiaha naftooda ku maawelinayaan si ay waqtiga habenka oo dheer isku ilowsiyaan.

Goobta lagu dhigaayo xafladda waa Xeradii Xalane, hase yeeshe, hadda noqotay meel “lama galaan ah” ama “No Go Zone”. Waxay leedahay Meel (hool) shirweyne 300 qof loogu qaban karo. Waxay leedahay qaboojiyeyaal. Waxaa lagu dhisay alaabta aan xabadda ama bomka karin.  Waxay leedahay 30 qol oo u dhigma kuwa Hotel 5 Xiddigleyaasha oo kale. Waxaa kale xerada ka dhisan villooyin la seexin karo Madaxweyne oo habeen ama laba maalmood booqasho dalka ku joogi kara.

Martida sharafta leh, waxaa laga codsaday in ay kuraastooda fadhiistaan. Midowga Afrika waxba uma dhinna in ay qabsato Soomaaliya oo ay xukunkeeda la wareegto. Soomaalidana waxaa dib loogu celiyay taariikhda markay ahayd 1950, markii ay Qaramada Midoobay ay Taliyaani u dhiibtay Maamulka Soomaaliya. Ku fikir, 50 sano markay madax-banaaneed ka bacdi oo mar kale Soomaaliya  gumeysi dib loogu celiyo.

Iyadoo aan la fileynin ayaa hal mar goobtii shib tiri, sida aan cid joogin oo kale, oo wax dhawaaqaaya la waayay. Nalal kale ayaa la sii shiday oo aad iyo aad u kordhisay iyadoo markii horeba iftiin ahayd. Marti sharafta qaar waxay sitaan dharka Afrikaanta, kuwa kalena labiska reer galbeedka. Saraakiil ka tirsan Waaxda Hab Maamuuska Midowga Afrika ayaa martida u tilmaamaaya qofba kursiga uu ku qoran yahay.

Hoggaamiyaha Midowga Afrika wuxuu fadhiistay dhexbartanka. Midigtiisa waxaa la fadhiisiyay madaxda Soomaalida qofka ugu sareeyo.

(Khiyaal – Fiction)

Guddoomiyaha Midowga Afrika khudbaddii uu jeediyay, asigoo ku hadlaayo magaca mujtamaca adduunka iyo magaca Midowga Afrika iyo magaciisa munaasabada xilka dawladda Soomaaliyeed loogu dhiibaayo IGAD, caawa ay taariikhda tahay September 16, 2016.

Marwooyin iyo Mudaneyaal Soomaalida

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Wakiilada Beesha Caalamka

Saaxibayaasha Midowga Afrika

Taliyaha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya

Martida sharafta leh

Mudaneyaal iyo Marwooyin

Waxaan jeclaan lahaa in duruufta ay ka duwan tahay midda aan caawa idin soo bandhigi doono, haddaad Soomaali tihiin. Labaatan iyo shantii  sano (ama rubac qarni) oo la soo dhaafay ama ka badan, ilaa markii dawladdii ciidamada ay burburtay 1991, ma jiro Shirweyne ay isugu yimaadeen Madaxda Afrika aan laga soo saarin baaq ku  jeeda Soomaalida oo la idinkaga codsanaayo in aad heshiisaan.Wa nassiib darro, in madaxda dalkiina (Raalli iga ahaada Mudane Madaxweyne iyo Madaxda kale) ay fududeystaan dhibaatada ka iman karta nabad gelyo la’aanta ka jirto Soomaaliya.

Caawa waa cawo calaamad gaar ah leh, haa, cawo calaamad gaar ah leh, maxaa yeelay, waa wax aan taariikhda soo marin in dal xubin buuxa ka ah Qaramada Midoobay la hoos geliyo Wasaayad ahaan Urur Goboleed lagana joojiyo xubinnimada Qaramada Midoobay oo calankiisa laga dejiyo halka ay calamada dalalka addunka ka bidbidayaan.

Waxaan ula jeedaa dalkii loo yaqiinay Jamhuuriyadda Soomaaliya oo ka dhalatay midowga dhulkii Soomaalida ee Ingiriisku haystay iyo dhulkii uu haysan jiray Taliyaaniga 1960, kaddib markii, nassiib darro, xubinnimadii Qaramada Midoobay laga joojiyay oo la hoos galiyay Wasaayadda ururka IGAD laga bilaabo maanta September 16, 2016.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Sida ula socotaan, Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, waxay ahayd maamul dhexe la’aan, kaddib  markii ay dawladdii jirtay burburtay 1991, kooxo kala duwan oo ka soo horjeeday dawladda, ayaa  ku guul darreystay in ay keenaan nabad iyo dib-u-heshiisiin. Dagalkii sokeeyee oo ka dhacay dalka boqolaal qof oo ay ka mid yihiin carruur, dumar iyo waayeel, iyadoo la burburiyay hanti maguurto ah oo  lahaayeen dadweyne  iyo dawlad,lana bara-kiciyay boqolaallo dad Soomaali ah.

Anigoo ku hadlaayo magaca Midowga Afrika, Waxaan tacsi u diraayaa qoysaskii ay geeriyoodeen dadkii ay jeclayeen labaatankii sano ay ka socdeen dalka Soomaaliya dagaaladda sokeeye.

Walalayaal wiilasha iyo gabdhaha Soomaaliyeed,

Waxaa caawa dalkiina ka dhacaayo ma aha weerar ama qabsasho Midowga Afrika ama xubin ka mid ah Midowga Afrika. Ma aha Qaramada Midoobay oo idiin qabsatay ama kuwa  ka mid ah Beeesha Caalamka.

Waxaan caawa halkaan u joognaa in aan idiin sheegno in 25 sano ka badan Beesha Caalamka uu garabkiina  joogay, hiil iyo hooba idinkuga taageeray, dalka Soomaaliya gudahiisa ama dibaddiisa iyo xitaa dalalka deriska idinla ah, halkaas oo ay ku sugan yihiin dad tiro badan oo xaqooti Soomaali ah.  Waxaan jeclaan lahayn, annagoo wada jir ah in aan nabad gaarsiiyo dalka oo dhan.

Taasi ma dhicin, sababtoo ah Hoggaamiyeyaashiina ayaan waxba idiin qaban idinka iyo Beesha Caalamka. Way ku guul darreysteen in ay dhisaan dawlad wax u tarta ummaddeeda, ilaalisa danta dalkeeda.

Afar sano ka hor, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka waxay marqaati ka ahaayeen doorasho bishii September 12da 2012, lagu  doortay Madaxweyne oo aan ahayn “Ku-meelgaar” oo ballan qaaday in adduunka ay arki doon aan wax ka duwan Soomaaliyadii soo jirtay laga soo bilaabo 1991.

Labaatan iyo shantii sano oo Soomaliya ay ku jirtay dagaalkii sokeeye, waxaan  idiin nimid in aan gacan idinku siino dib-u-dhiska hay’adahiina, in aan dhameystirno Dastuurka Qabyo Qoraalka iyo inaan idiin diyaarino doorasho dimoqaradi ah in la qabto ugu dambeyn September 12, 2014. Waxaan la kulannay carqalado midba midka kale ka dambeeyo oo inooga yimid madaxdiina. Ilaa hadda natiijada waxay noqotay eber.

Si loo soo gaaro halka aan hadda joogno, Beesha Caalamka waxaa ugu baxay malaayiin doolaar oo laga soo urruriyay dadkooda canshuurta bixiya. Waxay taageereen Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM oo joogo Soomaaliya si ay u difaacaan hay’adaha dawladda iyo xubnaha dawladda Federaalka.

Gacaliyeyaal ummadda Soomaaliyeed,

Midowga Afrika wuxuu u huray naf, si uu u difaaco dalkiina, dawladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Ilaa markii ay dhacday dawladda 1991, Ururka Midowga Afrika, oo markii dambe loo bixiyay Midowga Afrika, oo Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ay si buuxda uga galeen, waxaa ku  baxay waqti iyo lacag, si Soomaaliya dib loogu soo celiyo. Nasiib darro, sidii la rabay ugama qayb qaadanin si dalkiina dib loogu soo celiyo Beesha Caalamka.

Markii aad ka fullin  weydeen ballankii aad qaadeen in aad doorasho sameysaan 2016, Beesha Caalamka waa ay ka qalbi jabeen Dawladda Federaalka, lacagtii loo soo diri jiray Dawladda Federaalka, hadda wixii ka dambeeya waxaa toos loogu diraayaa Maamulka Wasaayadda Soomaaliya ee IGAD.

Mudaneyaal iyo Marwooyin,

Waa 25 sano, Soomaaliyana weli ma laha Dawlad Dhexe, dhibaatadaas dalka ayay burburisay xasiiloni darrana waxay ka dhigtay Geeska Afrika oo gobol muhim  u ah isku xirka Afrika iyo adduunweynaha.

Iyadoo 20 sano ka badan ay maqan tahay  maamul dhexe, shacabka Soomaaliyeed doorasho ayuu gali lahay 2016 si uu u doorto dawlad aan “Ku-meel Gaar” ahayn. Hase yeeshee waa lagu fashalay.

Maanta Soomaaliya dawlad ay dooratay ma laha, sidaas darteed, dhib waxay ku tahay Qaramada Midoobay in ay aqoonsato dawlad si aan demoqraadi iyo xaq iyo xur ahayn loo dooran oo shacabka u dirsaday Qaramada Midoobay si u matilo. Beesha Caalamka  waxay si caddaan ah ugu sheegeen Dawladda Federaalka, haddii  aysan awoodin  in ay dalka maamusho, ay iska wareejiyaan xukunka.

Waa dhab, sida nidaamka Qaramada Midoobay dhigaayo, Soomaaliya lama hoos keeni karo Wasaayadda Qaramada Midoobay. Sida Qodobka 78 ee Dastuurka Qaramada Midoobay: “Nidaamka Wasaayadda looma isticmaali karo dhul soo noqday xubin Qaramada Midoobay, xiriirka dalalkaas iyo dalalka kale waxaa  lagu dhaqaa nidaamka sinnaanta”

Martida sharafta leh,

Rajadayna ugu dambeysay wuxuu ahaa in Dawladda ay ballanqaaday in ay xididaha u siibaayso musuqmaasuq iyo ku takrifalasho dhaqaale, hase yeeshee, ayidii lafteeda ayaa lagu cambaareyay in ay gashay “tirada kowaad” ee musuqmaasuqa adduunka. Haddii wax yar ay intaas dhaami lahayd geesinimo gelin ayay u ahaan lahayd Beesha Caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Anigoo ku haldlaayo magaca Midowga Afrika, Beesha Caalamka, dawladaha deeqda bixiya iyo magacayga, waxaan idiin sheegaayaa in Adduunku go’aansaday in xubinnimada Soomaaliya ee Qaramada Midoobay, la joojiyay ilaa go’aan dambe, sababtoo ah, in dalkaas ku fashilay in uu guto waajibaadka ka saaray xagga Qaramada Midoobay.

Ergayda joogtada ah ee Soomaaliya oo fadhida Qaramada Midoobay, sida horeyna loo sheegay, waxaa loo fasaxaayaa in ay u shaqeyso sida “Ergayda Goobjoogtada ah ee Soomaaliya” oo ku taalla Qaramada Midoobay, New York.

Mudaneyaal iyo Martida Sharfta Leh,

Sidaas darteeda, Midowga Afrika (MA) wuxuu soo saaray Go’aan Qaas ah oo Soomaaliya hoos keeneyso Nidaamka Wasaayadda ee Midowga Afrika. IGAD ayaa loo magacaabay inay noqoto Maamulaha Wasaaayadda Midowga Afrika ee Soomaaliya. Golaha Wasaayadda waxaa xubno ka noqonaayaa dalalka ku bahoobay IGAD oo si wareegto ah sannadkiiba hal dal madax ka noqonaayo Maamulka. Xubnaha kale ee Golaha Wasaayadda waxaa noqonaaya dalalka daneeya Soomaaliya, hase yeeshee, aan xaq u lahayn in ay ku fadhistaan kursiga Maamulaha ama inay wax doortaan ama la doorto.

Laga bilaabo maanta, ciidanka AMISOM wuxuu noqonaayaa 50 kun qof oo ka hawl galaayo meel kasto ee dalka Soomaaliya, si ay uga daafacaan Qaranka Soomaaliyeed weerar iyo in ay sugaan ammaanka gudaha ee dalka.

Waxaa kale imaandoona dalka Soomaaliya tiro ku filan Takhaatiir, Macallimiin iyo xirfadleyaal oo ka kala socda  dalalka qaaradda Afrika iyo qaaradaha kale oo la shaqeyn doono Soomaalida, kana howlgeli doona Waaxaha kala duwan ee Wasaaradaha.

Ugu dameystii, anigoo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, kuna hadlaayo magaca Midowga Afrika, waxaan shacabka Soomaaliyeed u rajeynaayaa barwaaqo iyo horumar. Waxaan ka codsanayaa shacabka Soomaaliyeed in ay soo dhoweeyaan Midowga Afrika, gacanna  ku siiyaan gudashada waajibka ka saaran dib u soo celinta nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya.

Waxaan aad iyo aad ugu mahad celinaayaa martida sharafta leh ee caawa nala joogo munaasabadaan gaarka ah.

Afrika hannollaato.

Soomaaliya hannollaato.

Taasi waxay ahayd khudbaddii uu u jeediyay Guddoomiyaha Midowga Afrika kulan kooban oo ay ka soo qaybgaleen  dad la soo xulay, magic ku leh qaaradda Afrika, Beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay oo isugu yimid Muqdishu, xerada loo yaqaan “Lama Galaan” si ay uga qayb qaataan xafladda uu Midowga Afrika ku qabsaday dalka Soomaaaliya. (Khbadda anigaa qoray, waa khiyaal)

Madaxweynaha, Ra’iisul Baarlamaanka iyo Madaxa Cadaladda Sare ee Soomaaliya waa lagu soo martiqaaday xafladda hase yeeshee looma sheegin waxa xagga dambe ka socday.

Ciyaarta waxay noqotay hal dhinac. Midowga Afrika ayaa wax kasta faraha ku haaya, Soomaalidana, madaama aan waxba gacantooda ku jirin, xitaa inay hadlaan looguma darin barnaamijka. Waxaa loola dhaqmay si aan brotokoolka ahayn.  Waxaa loo dhiibay warqad magacyadooda ku qoran oo lagu yiri: “magaciina hoostiisa saxiixa”.  Kaddibna qof walba waxaa loo dhiibay warqad diyaar ah oo la faray in ay u aqriyaan shacabka Soomaaliyeed, waxayna u qorneed sidatan: “Iyadoo aan cidna amrin ayaa iskooda ugu wareejiyay dalka Soomaaliya Wasaayadda Midowga Afrika.”

Saddexda hoggaamiye ee Soomaaliya iyo Madaxa Caddaaladda Sare ee Soomaaliya oo ahaa martida looga yeeray dhinaca Dawladda Soomaaliyeed, waxaa loo dhiibay dokumento diyaar ah oo ku cad in Soomaaliya la galiyay Wasaayadda Midowga Afrika laga soo bilaabo 16 September 2016 ilaa waqti aan la sheegin.

Jawiga siyasadeed aad ayuu u kacsanaa, saddexdii madax ee Soomaalida ee sar-sare iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare  ee Soomaaliya way rumeysan kari waayeen waxa dhagahooda ku dhacay, iyagoo haba yaraatee aan waxba lagu wargerlinin. Indhahooda markay  isku dhaceen carro ayay iska arkeen, hase yeeshee, madaama il gaar ah lagu fiirinaayay, waxay fahmeen in nabadooda ay ku jirto aamusnaanta.

“Aan ka tagno meeshaan”, ayay is yiraahdeen. Hase yeeshee, meel ay u dhaqaaqaan ma laha, maxaa yeelay talo farahooda kuma jiro. Kursigooda kama kici karaan, sababtoo ah Booliskii Wasaayadda aya howshiisa bilawday, kuwaas oo aan u fasaxaynin in ay dhaqaaqaan. Fijirkii 03:00 ayaa xafladdii  la xiray. Dhammaan martidii joogtayna waa kala tageen. Kuwii Nairobi, Kenya, ka yimid dayaaradahooda gaarka ahaa ayay ku dhoofeen. Qaarka kale waxaa Helikoptaro u qaaday maraakiibta dayaradaha qaada oo sii joogay Badweynta Hinbdiya.

Madaxdii Soomaalida madaama ay noqdeen dad xabisan oo kale, waxaa qolal laga siiyay hoteelka xerada Xalane ee “Lama Galaan”.

Shacabka Muqdisho ayaa bilaabay in ay u soo kacaan salaadda Fijirka. Dadka deggan madaxtoodaya akteeda, Xamar Weyne, dhinaca badda xigta iyo meelaha kale ee stratejiyada ah ishooda waa rumaysan kari waayeen, markay arkeen askari tankiyaal wata oo jidadka qabsaday. Madaama weli iftiinka yar yahay, qaar, sida dad riyo ku jiro oo kale, waxaa  maskaxkooda ku soo dhacay ciidamadii Soomaaliyeed oo 21kii Oktoobar 1969 af gambiyay dawladii rayidka ahayd. Dumarkii markay maqleen waxa socda, iyagoon aan hubinin, ayay dhirtii ka soo goosteen baalashii calaynta oo mashxarad jidadka lasoo istaagay.

Madaama ay ilaaween sida uu u ekaa labiskii ciidamada Soomaaliyeed,  waagii aan weli baryin iyo indhahooda oo weli hurdo ku jiraan iyo kalgaceelkii (hamuunkii) ay u qabeen Ciidankii Soomaalida oo ka maqnaa labaatankii sano ee dalka ka socday dagaaladii sokeeye, dadka Xamar deggan, xitaa kii aan salaadda masjidka u tagi jirin ayaa guryahooda ka soo baxay oo ku biiray dadkii soo dhoweynaayay ciidamada sidii ay u soo dhoweeyeen kuwii dhigay “Kacaankii aan dhiigga ku bixin” ee 21kii Oktober 1969.

Hase ahaatee, saacadda Muqdisho markay gaartay 06:30 aroornimo markay Radio Muqdishu hawada soo gashay oo ay ku dhawaaqday in Midowga Afrika ay la wareegtay awoodda Dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo in saddexdii sar-sare ee Madaxda Soomaaliyeed iyo Guddoomiyaha Maxkamada Sare lagu ilaalinaayo xerada nabad suggida AMISOM, Soomaalida waxaa u caddaatay in Madax-banaanidii iyo Dawladnimadii ay u dhammaadeen.

Sheekadaas waxay ahayd khiyaal (fiction) oo aniga abuuray, hase yeeshee, waxaan aaminsanahay in haddii labada sano soo socda gudahooda, Soomaaliya sidaas aan waxba iska beddelin, waxa hadda fiction-ka ah fact noqon doono.

Waxaan rajeynaayaa in aan aniga khaldanahay.

Wa billahi at Towfiiq.

Danjire Maxamed Cusman Cumar,
E-Mail: mohd.osman75@gmail.com
www.ambassadorosman.com

Xigasho; www.Keydmedia.net


Danjire Maxamed Cusman Cumar wuxuu ahaan jiray Safiirka Soomaaliya u fadhiyay Dalalka Hindia, Siri Lanka, Singapore iyo Yugoslavia. Sidoo kale wuxuu Sanadkii 1982 ilaa 1986 ahaa Safiirka Soomaaliya ee Dalka Sudan.

SHARE