Home Qoraallo Damac Waashay baa Jira: Axmed Idaajaa iyo Raage Ugaas – W/Q. Cabdixakiin...

Damac Waashay baa Jira: Axmed Idaajaa iyo Raage Ugaas – W/Q. Cabdixakiin Marayare

0
SHARE

Damac Waashay baa Jira: Axmed Idaajaa iyo Raage Ugaas

Axmed Faarax Cali, oo İdaajaa lagu garan og yahay waa suugaan dhaadhi iyo taariikh yaqaan wax badan ka og suugaanta soomaalida. Aqoonta uu suugaanta u leeyahay  waxa sare u qaaday waayaha

badan ee  uu soo noolaa iyo dedaallada uu kaga daba tagay sooyaalkii hore ayaan anigu qabaa.

İn badan baan akhriyay qoraallo naqdin ah oo İdaajaa ku jihaysan waxba se, kama soo qaadin naqdintaas waayo qof na looma xukumo Hebel baa lahaa ilaa aad usha soo taabato (inaad runta ogaato maahaane). Waxyaalaha İdaajaa lagu dhaliilayo waxa ka mid ah inuu suugaanta soomaalida dhex keenay xafiiltankii tolalka soomaalida ka dhaxayn jiray, amaba wali ka dhex aloosan.Dadka taas  ku talaxtagay waxa ka mid ah qoraagii Cabdiqaaddir Arooma(İHU) oo weedhsan ku falkiyay qoraalkan:

http://www.weedhsan.com/index.php/5391-v-o-a-idaajaa-iyo-qabyaaladaynta-suugaanta-wq-cabdulqaadir-aroma.

Aqoonyahannada kale ee Axmed İdaajaa naqdiyay na waxa ka mid ah Boobe Y Ducaale iyo İbraahin Hawd oo ay qudhqudhsami wayday  dirsooca uu suugaanta soomaalida ku hayo oday İdaajaa. Ku talagal la’aan bay indhahayga iyo dhagahayga ba isu hor keentay Qalloocintaas ku talo galka ah ee İdaajaa suugaanta ku luqun jibbaadhayo.

Qoraa İdaajaa, haddeer wuxuu ka hawl galaa İdaacadda VOA’da oo carro Maraykan laga leeyahay, isagoo tebiye ka ah “Barnaamijka Dhaqanka iyo Hiddaha”.

Qaybta 52-aad ee barnaamijkaas  oo  Axmed İdaajaa  ku soo qaatay abwaankii weynaa ee Raage Ugaas, ayaan dhawaan nasiib u yeeshay inaan dhagaysto, kaddibna aan aragtidayda ka idhaahdo.

Yaan loo qaadan inaan ahay nin odayga iska baacsanayee bal waxaad ila wadaagtaan Idaajaa oo Raage Ugaas ka hadlaya:

Halabuur ay maansayahannada cusubi higsan jireen iskuna dayi jireen inay isku dhereriyaan,hayeeshee ay inta badan ku daba lumi jireen. Dhanka kalena,waxa Raage loo tiriyaa inuu ahaa maansayahankii gabayga soomaalida fadhiisiyay;taas oo loo la jeedo inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee gabayga ku bilaabay: Hooyaalayeey hooyaleey, hoyalayeey  hooye. Sidaana uu ku noqday ninkii dhidibbada u aasay farsamo ahaan habka ilaa maanta maansada qaybteeda gabayga loo yaqaan loo curiyo.Haddii si kale loo yidhaahda na waxa la rumaysan yahay inuu isagu aasaaska u dhigay tirada alannada meeriska gabayga ah lagu jaangooyo…”   

İdaajaa wuxuu sheegay arrimo badan oo aynnu doonayno inaynnu intii karaan keenna ah ka war celino si aynnu İdaajaa uga badbaadino caqligeenna uu doonayo inuu gashado wax aan sal iyo raad toona lahayn oo uu isagu  mala awaashay.

Raage Ugaas waa maansayahankii gabayga Soomaalida fadhiisiyay

Kolkuu sidan  İdaajaa leeyahay waxa  muuqata in gabayga soomaaliyeed sidan uu maanta yahay si ka duwan  inuu ahaa, sidaas darteedna, Raage Ugaas fadhiisiyay oo uu wax ku soo kordhiyay amma uu wax ka dhimay. Wuxuu sii raaciyay İdaajaa, fadhiisinta uu Raage maansada fadhiisiyay waxa loola jeedaa; inuu ahaa ninkii ugu horreeyay ee  gabayga ku bilaabay  Hooyaalayeey hooyaleey, hoyalayeey  hooye.

Maxaa ka run ah in Raage Ugaas gabayga ugu hor bilaabay Hooyaalayeey?

Bare-sare Cabdillaahi Diiriye Guuleed “Carraale” ayaa buuggiisa Gorfaynta gabayga si faahfaahsan weydiintaas uga hal celiyay. Carraale, markuu sidaas buuggiisa ku dhigayay  oo ahayd 1976-kii wuxuu ku baraarugsanaa weydiintan inna hor qotanta, wuxuu yidhi:

Lama iimaansan karo in xilli go’an oo la tilmaami karo uu gabaygu bilawday. Lamana rumaysan karo, sugid la’aan in la yidhaahdo hebel baa “Hooyaalayeey” qof gabayga ku isticmaala ugu horreeyay .”Helloy”, “helleloy”, “hoobaalayey” iwm. Waa codad lagu habeeyo luuq kasta oo xubin maanso lagu qaado. Codad ha ahaadeen e, haddana mid waliba ujeeddo qoto leh ayuu ku yimid. “Heello” waxa looga dan leeyahay hadasho jacayl; waa wixii loo heellanaa ama kuwii u heellanaaba.

“Hoobaalayey” waa hawlihii ama waa waxii hoobalka; waa kii hoobaloobey ama tibaax looga jeedo waan hoobaloobayey. İn codadkaasi yihiin halqabsi sugan,
maansadana lagu habeeyo waxa qeexay Raage Ugaas  oo qirayna in wax jira la wada adeegsado ay yihiin. Waa kii lahaa Raage; sida la leeyahay:

Hooyaalayey gabayga way ugu horraysaa e

Halna kuma tarto e maansadaa lagu hagaajaa e.

Waxa kale oo ay codadkaasi (ha kale la haadeene) halqabsi ahaan  ugu jiraan xubnaha maansada intooda badan, gaar ahaanna wiglada ama hirwada, batarka, gabayga, heesta kebedda heesta geela, ta cawska,ta maqasha, ta carruurta, baloolleyda iyo kuwo kale oo badankoodu gabayga ka horreeyay . Sidaas darteed baa codadkaas loo odhan karaa waa “hooyadii” maansada, una nadiir ah in

Raage iyo qarnigiisii shalay ahaaba ka da’ weyn yihiin. Dad badani waxay qabaan kalsoonina ku carrabaabeen in Raage ahaa ninkii ugu horreeyay ee codka “hooyaalayeey”  gabayga ku bilaaba. Qaar kuwaas kaba sii geesisanina waxa’ay aqoonsan yihiin in gabaygaba curiyeen Raage Ugaas, Salaan Carrabey, Qamaan Bulxan iyo Cali-dhuux.

 Kala se fog Raage iyo inta kale. Waa tan iyo hadda inta aynnu raad hayno uun….”

Kaa gaysan baynnu leenahay Carraale, İdaajaana waxaannu ka leenahay sheekh baanu u leenahay maansada ee raallinoqo adeerow gacalliye.

WAA KUMA RAAGE UGAAS?

Raage aabbihii waa Ugaas Warfaa Faarax Xirsi oo sida muuqata ahaa Ugaas talin jiray waagaas. Raage waxa uu ahaa fardo-fuul, abbaanduule dagaal iyo gabyaa ka caan baxay deegaannada dhagax-buur ku hareeraysan; fardo-fuulnimada iyo gabyaanimada isugu darsantay Raage baa magaciisa durkisay.

Gabayada Raage Ugaas waxay safka hore kaga jiraan kuwa loogu jecel yahay ee haddii ba la qiimayn lahaa maansada soomaalida  xul ka ah. Ka sokow, inuu Raage ku dhex dhashay, kuna barbaaray deegaan colaaddu badnayd oo af iyo addin ba lagu dagaalami jiray, misna gabayada  Raage kolka miisaanka la saaro waxay u badanayaan dhanka dumarka iyo fardaha inuu aad uga gabyey. Gabayo badan oo baane iyo gooddi isugu jira oo dhiiggu da’yo iyo kuwa ay rag isku halgaadeenna waa jiraan. Yeelkadood, siday doonaan ba ha noqdeenee, waxa jirta Raage gabayadiisu  inay bulshada u noqdeen halku dheg iyo halhaysyo.

Aan innoo halaanhaliyo meerisyo gabayadiisa ka mid ah oo dumar la xidhiidha: Gabayga caan baxay ee Alleyl Dumay waxa uu Raage Ugaas mariyay mar gabadh uu jeclaa laga maroorsaday. Gabaygaas arartiisa iyo gondo deggaba dadku kama xiiso gooyaan. Waa gabayada hanaqaadka ah ee maansadeenna dhex ceegaagan:

Alleyl dumay albaabbadoo la xidhay,uunkoo wada seexday 

Onkod yeedhay  uugaamo roob,alif banaadiikh ah

İihdayda bixibaa libaax iman la moodaaye…

İsla gabaygan meerisyo kale waa ka leh:

Orod uma hollado ooglihii ,adhaxda beelaaye

Ma aarsado il iyo oof nimay, iimi kaga taalle..

Haddana Alleyl dumay:

Geeluba markuu oomo wuu, olol badnaadaaye

Sidii inan yar oo hooyadeed, aakhirow  hoyatay

Oo aabbeheed aqal midkale meel illina seexshay

Raage Ugaas intaas oo dhan inuu ararta innagu daalliyo waxa uu uga dan leeyahay inuu inna dulgeeyo gabadh, wuxuu odhanayaa:

Ninkaa ila xidhkiisii ninkale, eegaybaan ahaye

Ninka ilo biyaleh soo arkee ooman baan ahaye

Ninka ooridiisii ninkale loo igdhaan ahaye

…………

Gabay kale na wuxuu ku odhanayaa:

Geeluba Ugaasooy hadduu ayda miranaayo

Abeertiisa naaxdiyo hadduu aaranku is waayo

İsaguba ma kala aamusee waa isu olollaaye

…………………………..

Raage oo damcay inuu gabadh la qabo la baxo ayaa odhanaya:

Qumbe malabba oo meel qotoma oo rag wada quuto

Ma nalagu qoonsanayaa hadday gaajo noo qabato

……………………………………..

Raage Ugaas oo gabadhiisii libaax ka qaatay waa  kii lahaa:

Maantana kataankii miyaa ,layga kala qaaday

Kob abaar ah meel dhexe miyaa,koore ila meeray

Kub miyaan ka jabay biixiyaan, kabayo loo haynin

Kun iyo kow kurtood dumar haddii, laysu wada keeno

Kolna waxaana heli hayn, Faadumoo kale’e

…………………………………

Raage Ugaas oo inan uu walaasheed yaqaannay la kaftamayana waa kan  leh:

Caku dunida cuur wada dhashuu qaar ba cayn yahaye

Yaa yidhi Cibaadiyo tanaa caano wada nuugay

………………………..

Gabayada kale ee Raage iyana waa kuwo xalladdu ku badan tahay sida meerisyadan aynnu qadhiidhannay. İntaas u dhaafimayno maansada mucda miidhan ah ee Raage Ugaas. Raage kaas buu ahaa.Soomaaliduna sidaas bay ku baratay Raage Ugaas. Haddaba midda meesha taallaa waxay tahay Raage Ugaas ma u baahan yahay in taariikh booli ah loo soo mala-awaalo oo laydhaahdo isagaa cid gabayda ugu horreeyay iyo waxa kale ee cantara-baqashta ee uu İdaajaa caroogyada la taagan yahay? Maya uma baahna wixii uu Raage ahaa in wax loogu dabakaro.Waa abwaan waajibkiisii maanso-curineed gutay.

Maxaa İdaajaa U sanqadhay?

Hooyaalayey gabayga way ugu horraysaa e

Halna kuma tarto e maansadaa lagu hagaajaa e .

Axmed Faarax Cali,wuxuu rabaa inuu labadaas meeris oo Raage Ugaas lahaa in uu gado, buunbuuniyo si uu dhallinyarada dambe dhagaha uga ga khuukhiyo in labadaas meeris ee gabayga ahi yihiin kuwii gabayada soomaaliyeed dhidibbada u taagay. İdaajaa caddayn kale iyo wax kale oo labadaas meeris ka baxsan meesha kuma hayo. İn hoyaalayeey gabayga ugu horrayso iyo inaanay waxba tarinee maansada uun lagu hagaajisto waxaan ahayn miyuu sheegay Raage Ugaas?

Waxaan hadalka kaga baxayaa, waxa jirtay odhaah waagii dagaaladii koowaad iyo labaad ee dunidu taabbudka ahaayeen in wasiirkii warfaafinta ee Kali-taliyihii Hitler oo naanaystiisuna ahayd wasiirka beenta uu yidhi:”Been sheeg oo haddana been sheeg ilaa iyo inta beentaada dadku rumaysanayaan”. Axmed İdaajaa wax kale ma wado ee odhaahdaas buu cuskanayaa.

Cabdixakiin M Maxamuud Marayare 

Email:marayare@live.com

Xigasho; www.weedhsan.com

SHARE