Home Qoraallo DADKA TAYADA LEH TALADA HA LOO DHIIBO W/Q; Danj. Maxamed Cusman Cumar

DADKA TAYADA LEH TALADA HA LOO DHIIBO W/Q; Danj. Maxamed Cusman Cumar

0
SHARE

download

DADKA TAYADA LEH TALADA HA LOO DHIIBO

Fiidnimadii markay bisha ahayd 22ka Oktoobar 2013, waxan ka qayb galay shir kooban (Panel) oo lagu qabtay SOAS ee Jaamacadda London, waxuuna ku saabsanaa dood lagu “falanqaynaayay arrimaha Soomaalida tirada yar, (Minorities), xaqooda iyo jinsiyadooda”. Waxaa martigaliyay SOAS xarunteeda Socotada iyo Diraasada Qurbajoogta, SWF, iyo Royal Africa Society.

Dooda waxaa guddoominaysay Prof. Anna Lindley oo macalimad ka ah SOAS. Lix qof oo ku xeel dheer arrimaha Soomaalida oo si gaar ahna ula socdo Soomaalida “Tirada yar” ayaa khudbado ay hore u soo diyaarsadeen ka jeediyay.

Runtii waa wax aan loo atkeysan karin wax ku saabsan kala soocida bani’aadanka, gaar ahaan marka looga dan leeyahay sabab oo mujtamaca guud lagaaga fogeenaayo. Iyadoo ay sidaas tahay ayaan haddana dhegta u taagaa dooda si aan ula socdo waxa laga soo jeedinaayo arrimahaan. Mujtamacaas ayan ka mid ahay oo aan dhib iyo dheefba la qaybsanaa.

Barnaamijka kuma jirin qof u hadlaayo dhinaca kale oo lala murmo ama la warsan karo su’aallo la xiriirta meesha ay tirakoobka sida loo kala badan yahay ka keeneen.

Runtii, waxay iga tagtay isla markii aan aqriyay warqadda ku qornaay cinwaanka shirka iyo magacyada aqoonyahaanta ka hadlaayo mawduuca ah: “Exploring Somali Minority issues, rights and citizenship” oo ka soo qaybgaleyaasha loo maquuniyay si ay ula socdaan kolba qofka hadalka haysta. Waxaan is warsaday cidda falanqaynayso “Xuquuqda iyo Jinsiyadda” oo ka xigto Soomaalinimada malaayiin oo aan weligood dembi ka galin dalka ama dulminin dadka.

Warqadda waxaa si kooban loogu tilmaamay, iyadoo laga shidaal qaadanaayo hawshii ay soo qabatay Dr. Virginia Luling (oo dhowaan geeriyootay), hadafka in uu yahay in la raadiyo maxaa laga qaban karaa hirgelinta siyaasad loo dhanyahay.

Runtii intii soo nidaamisay shirka aad iyo aad ayay ugu mahadsan yihiin iyo Aqoonyahaantii waqtigooda siiyay ka soo qayb galklooda iyo soo diyaarinta khudbaddaha ay ugu soo talo galeen shirka. Waxaa kale mahad naq mudan ardayda Jaamacadda London gaar ahaan ardayda SOAS oo daneeya arrimaha Soomaalida sida sharafta leh ay uga soo qayb galeen shirka.

Waxaase nassiib darro ah, sida aan ku habooneen oo loo takooro shacab jira oo door libaax ka soo qaatay gobanimadoonta, dhismaha axsaaabta siyaasadda, difaaca dalka, hor-u-marinta dhaqaalaha iyo hiddaha iyo dhaqanka ee Qaranka Soomaaliyeed, in la yiraahdo ha la falanqeeyo xaqooda iyo jinsiyadooda.

Takoorka ka jira Soomaaliya, runtii, waa xad dhaaf. Ma aha sidii Midab-takoorkii Koonfur Africa oo caddaanka takooraayay dadka midabka leh; ma aha dhibaatadii iyo takoorkii loo geestay dadkii Afrika laga qaaday in la addoonsado; ma aha xasuuqii dadka Aboriginka ahaa ee Australia oo ilmanhooda laga soo qaatay oo dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Australia ka cudur daartay oo raalli galinna ka siiyay shacabka Aborigine-ka; waxa Soomaaliya laga hadlaayo waa kala takoor isla dadkeeda oo isku diin ah, isku af ah, isku dhaqan ah, iwm oo la ogyahay in ay dalka marti ku ahayn ama hadda soo galay.

Waa nassiib darro in markii adduunka oo dhan dawladahii ku kici jiray takoorka ay cudurdaar u soo jeediyeen shucuubtooda oo ay cafis warsadeen oo dawladdahii iyo shacabkoodii gacmaha is qabsadeen, ayaa Soomaaliya lagu soo rogay nidaam ah in dadka qaarkood ay nus (4.5) yihiin ama loo bixiyay magaca ah “Dadka Tirada Yar” (Minorities).

XUQUUQ WAA LA SOO DHACSADAA, LA ISMA SIIYO

Dadka la leeyahay waa laga tiro badan yahay meel ay Soomaaliya ka degeneen ma jirto. Ceeb iyo cay midkoodna ma aha in la iska tiro bato, balse waxaa dulmi ah oo meel ka dhac weyn ah in la shakiyo ummaddaan sharafta leh oo waddani-nimadooda iyo wax qabad kooda taariikhda ku jira.

Marka taariikhda dhanka runta ah laga fiiriyo, ma jiraan cid si rasmi ah u sheegi karta xitaa hal gefay galeen dadkan maanta lagu sheegaayo mar inay nus yihiin, 4.5 marna yihiin “tiro yar”.Labadaba waa meel ka dhac oo loola jeedo in lagu qalbi jebiyo Soomaalida sharafta leh oo xalaal quutada ah si maskaxdooda loo geliyo in ay yihiin dad dhiman oo xaqooda yahay tiro dhiman. Mashruucaas oo ah dagaal maskaxeed “Psychological war” waxuu guuleysan karaa oo kali ah marka shacabka la yiraahdo “Minorities” ay kala qaybsamaan oo qarkoodna gooni u baxaan, qaarna hoos galaan qabaa’il.

Shirka SOAS markuu su’aalaha iyo faalooyinka ka soo qayb-galeyaasha loo gudbay ayaa Guddoonka shirka ii fasaxday in su’aasheyda aan jeediyo. Madaama waqtida loogu talo galay su’aalaha iyo faallooyinka uu aad u yaraa waxan doortay in ula jeedada hadalkeyga uu ku soo koobnaado laba sadar oo kali ah:

Astaanta Soomaalinimada:

Qofka Soomaaliga ah – Rag iyo Dumar – waxaa lagu gartaa waxa uu labisto ama ay labisato. Waxyaalaha ay Soomaalida ku faanto in uu astaan u yahay Soomaalinimada waa Koofiyadda loo yaqaan Koofi Baraawe (Brava).

Dumarkana waxay madaxa saartaan Shaash ayna guntadaan Maro Aliindi ama Maro Banaadir oo naqshaddooda u gaar ah dumarka Soomaaliyeed. Sida koofiyadda Baraawe, Shaashka iyo Guntiinada waxay muujinaayaan in haweneyda sidata ay tahay Dumar Soomaali.

Soomaaliga caloosha bukta naceeb uu u qabo “dadka tirada yar” augeed marka uu labisto uu cimaamadiisa garbaha saarto oo koofiyo Barawana madaxa gashto, uu muraayada hor istaago waxaa ka hor imaanaayaa sawirkii qofkii uu necbanaa.

Dadka laga hadlaayo in tiro yar yihiin, waa dad awowyaashooda dalka joogay boqollaallo sano. Ma aha dad soo galay dalka waxii ka dambeeyay 1991 oo xadka ka soo gudbay markii askarigii ilaaliyaayay baxsaday. Xitaa kuwaasi muddo ka bacdi Dastuurka dalka waxuu siinaayaa xaq iyo jinsiyad, cadaalad iyo sinnaan.

Waxaa xus mudan, Barack Xuseyn Obama, waxuu jinsiyad Maraykan haystaa 52 sano iyo 9 bilood uu ku jiray caloosha hooyadiisa. Waana dadka laga tirada badan yahay. Waxaa loo doortay Madaxweynaha Amerika oo ah dalka dhan kasta adduunka ugu awoodda badan.

Aqoonyahaantii ka hadashay shirka SOAS ee Jaamacadda London, 22 October 2013, oo beelahooda si gaarka ah uga hadlay waxan u sheegay in “dadka tirada yar” ay ku dhaceen isla dabintii loo dhigay Soomaali oo dhan oo ah in kala qaybsanaashaha ay dantooda ku jirto.

Soomaliya waxaa ururkii siyaasadeed ee ugu horeeyay ka sameeyay Xamar dhalinyaro oo facooda maanta lagu waco “dadka tirada yar” 15 Abriile 1943.

Hal bil ka bacdi 15 Maajo 1943 waxaa soo baxay mid kale oo la yiraahdo Somali Youth Club uu soo jeediyay Yaasiin Xaaji Cusman. Waxuu kala tashtay laba qof oo ka mid ahaa reer Banaadir, Cabdullqaadir Saqaawdiin iyo Xaaji Maxamed Xusein oo isla markiina taageeray.

Somali Youth Club, oo markii dambe magaca loogu beddelay SYL, Somali Youth League, waxaa aasaassai 13 dhalinyaro oo lix ahaa dadka maanta loo bixiyay magaca ah “Minorities” ama “dadka tirada yar”. Bilawgii hore waxaa Guddoomiyaha SYC loo doortay Cabdulqaadir Saqaawddiin. Waxuu geeriyooday, Ilahay ha u naxriistee 1947. Kaddib halkiisa waxaa loo doortay Xaaji Maxamed Xusein. Maanta dooda waxay maraysaa in jiritaank dadkaas loo soo dhigtay oo xitaa Soomaalinimadooda shaki la galiyay.

Soomaalidii qabaa’ilka waaweenaa oo sharciyeystay in maamulka dawladda ay keligood leeyihiin muddo 20 sano ah ayay ku soo celi waayeen dawladdii burburtay 1991 oo ay dalkana nabadeyn waayeen.

Soomaaliya xeello qabiil uma harin. Dadka ugu haboon oo dib u soo nooleynta dalka lagu aamini karo waa dadka Tayada leh haba tiro yaraadaanee. Waa dad dawladnimo soo arkay. Waa dad daacad ah, waa dad kartidooda iyo aqoontooda sareeyaan oo wadan jeceelna u dheer tahay.

Shacabka Soomaaliyeed waxuu u arkaa dadka la leeyahay waa laga tiro badanyahay in ay yihiin dad khibradda maamul dawladeedka aad ugu dheer yihiin oo uu dalkana u baahanyahay. Waxaa kale aan shaki lahayn in Soomaalida reer magaalka ah ay codkooda siin lahaayeen haddii arrintaan loo soo bandhigo.

“Soomaali badan ayaa qabta”, ayuu igu yiry oday aan saaxiib nahay, “haddii xukunka loo dhiibi lahay dadka tirada yar, in dalka degi lahaa, shacabkana nolol caadi ah heli lahay.”

Soomaaliya waxa ku soo socdo ma aha wax la saadaali karo. Hase yeeshee, Kaarkii ugu dambeeyay oo Qaranka Soomaaliyeed u hartay waa maamulka oo loo dhiibo dadka dawladnimada aqoonta u leh.

Maanta ayay ugu darran tahay in Soomaaliya ay u baahantahay in loo kaco oo laga badbaadiyo in ay faraha ka baxdo. Haddii ay is uruursadaan oo ay midoobaan dhammaan “Soomaalida Tirada Yar”, fursad wanaagsan ayaa muuqata in ay dalka ka badbaadiyaan xaaladdaan murugsan.

Baaqayga waxaan ku soo gabagabaynaayaa: midnimo hala abuuro. Waxaa iga dardaaran ah kaar muhim ah ayaad tahayee ha is gubin sidii kuwii idinka horeeyay 20kii sano la soo dhaafay oo kale. Guul waxa lagu gaari karaa midnimo iyo wadan jeceel. Soomaaliya cid kale u maqan ma jiraan. Wa hubaal dalka waa badbaadin karnaa, Haddii Ilahay nagu garab galo.

Danjire_M_Cumar_Cusman_Somalia_keydmedia_Online-620x330

Wa Billaahi at Towfiiq.

W/Q; Danj. Maxamed Cusman Cumar(AUN)

mohd.osman75@gmail.com

http://www.ambassadorosman.com

SHARE