Home Qoraallo CARAB baad WALAALO tihiinna ha iga hadho!

CARAB baad WALAALO tihiinna ha iga hadho!

0
SHARE

arab-man-tied-up-rope-white-31039682

CARAB baad WALAALO tihiinna ha iga hadho!

Waxay ahayd goor galabnimo ah, ammin ku aaddan 2:00 Duhurnimo, waxaan markaa ku jirey waxyar oo bajiimo ah. Waxaan kala maareynayey hawlahayga shaqo, anigoo ku jira qol yar oo hawl bogod ii ahaa (Xafiis) ayaa waxaa kadinka isa soo taagay nin gadh isku jooga leh, wuxuuna i weydiistey;

“Ma soo geli karaa?”

Hubanti waa dareemi karay inuu yahay qof shaqo raadis ahaa. Waxaan ugu baaqay inuu soo galo. Ninkii ayaa markuu fadhisame (Kursi) i horyaallay fadhiistey, waxuu i bariidshay si habsami leh, oo weliba xushmo weheliso, wuxuuna ii shegeay in magaciisu yahay; “Cubeyd” waxaan ku idhi;

“Soo dhawoow Cubeyd”.

Cubeyd ayaa dantii u yimid gudagaley wuxuuna, raarrane(Miiska) ii saarey xaashiyo badan, oo ay ku qoran yihiin warbixin hawleedyadiisii hore iyo, aqoontiisa iyo aqoonsi qofeedkiisa.

Markaan indhaha la raacay ayaan u sheegay ineysan hadda jirin, wax kaalin shaqo ah oo naga bannaan, balse, haleelka ugu horreeya ee aan helno aannu si toos ah ula xidhiidhi doonno. Wuxuu igu yidhi;

“Saw Soomaali ma tihid?”. Waxaan ku idhi;

“Haa, Soomaali baan ahay”. Wuxuu yidhi;

“Waxaad tahay nin walaalkey ah, ee hay illaawin, Eebbe ayaan kugu dhaarshaye. Waxaan ahay nin qoys ah, oo weliba arrinkiisu adag yahay maanta!”. Waxaan idhi;

“Waa ballan” anigoo weliba werwer uu i geliyey ninkaa walaalnimada ii qirsan, ee sida dabacsan wax ii weydiiyey, haddana aan u deyrshay.

Guuleed ahaan anigu waxaan ahay shaqaale, meeshana waxaa iska leh ganacsato. Waxaa iga sarreeysa madax kale, waxaanse qaabilsanahay, xafiiska Shaqaalaha iyo Mareeynta guud. Waa goob ganacsi oo lagu iibiyo, cuntooyinka fudud iyo hore u qaaddo (Take away) waxaannu joognaa waddan shisheeye, waxaana qof walba hoosta kaga beeran xigsiga dadka ay wax wadaagaan; Dhaqan, Dhul, Af, Diin, Qaarad iwm.

Anigu waxaan ahay qof ahaan mid rumaysan inuu yahay CARAB, oo dhalashadayda jiriddeeda iyo gunteedu ku aroorto Carab, abtiriskayguna inuu yahay CARAB!

Waxaa maalintii dambe shaqadii ka tegay nin ka mid ahaa raggaan mudadda 10 sanno ah wada shaqayneynay. Waxaa meesha igala shaqeeya, rag badan oo isugu jira jinsiyado kala duwan. Waxaa ka mid ah, Bangaladheesh, Bosniyaan, Koroweshiyaan, Isbaanish, Talyaani, Sirilanka IQKB, wax dhiba nama dhexmarin dhammaantood, waxaannu isu xaqdhawrnaa una wada xoogsannaa si wanaag leh.

Waxaan ahay nin ooddin ku taagantahaye, waxaa markiiba igu soo dhacay ninkii ii keensaday codsiga shaqo, balse, nin kale oo aannu saaxiibbo weyn nahay ayaa iga codsadey inaan booska u daayo oo uu qof wadaaygiis ah keeno. Waxaan u sheegay inaan qof ka ballan qaaday. Wuxuu igu adkeeyey inuusan weligay waxba i weydiisan, ee maanta arrintaa aan ku qiimeeyo. Kama yeelin oo waan ka dhego adaygey, anigoo diintiisa iyo dalkiisa u arka mid aan waxba naga dhaxaynin, waxaanan kaalinta bannaan la doonayaa ninkii Carbeed ee Cubeyd ahaa.

Cubeyd ayaan la hadlay oo aan keenay shaqadii, waxaana uu ku soo kordhiyey dardar cusub, sida lagu yaqaan qof shaqa ku cusub oo kale. Wuxuu kale oo keenay, haad haad. Fufayd iyo hawlo kale. Wuxuu markiiba madaxa isu geliyey dad ka mida shaqaalaha, waxaana igu soo noqotey ergooyin ka dhan ah habdhaqankiisa, waxaana laygu yidhi; “Ninkan naga qabbo, adaa shaqaalaysiiyee, shaqaalana madax u ehe!”.

Mar labaad ayaan ka dhego adaygay baaqa widaayadii aan muddada 10ka sanno ah wada shaqaynayney waxaanan u arkay inay walaalkeyga CARABK ah dhibaateynayaa oo ay ka xun yihiin kaliya!

Waxay hadba maalin cugataba, waxay arrini wareegtaba, waxaa shaqadii ka tegay ninkii Maamulaha Guud ahaa, oo aan aad isugu wanaagsanayn, waxaana la keenay nin cusub oo aanan wax aqoona isu lahayn.

Cubeyd wuxuu shaqaynayaa markaas muddo dhan sannad, wuxuuna isku dayey inuu iska kaaya horkeeno rag aanu muddo dheer wada shaqaysanayney, oo aan wax dhimaale iyo dhibaato midna na dhex ool, horana noo dhexrmarin.

Cubeyd markuu arkay inaan dhinaca shaqaalaha layga mari karin, ayuu iga codsadey habeen inaan isla casheynno. Casuumad ayuu iigu fidiyey maqaayad Carbeed. Cunto iyo cabid wanaagsan dabadeed ayuu gudagalay inuu nin igu xigey oo waddanka Spayn u dhashay igu diro. Ninkii ayuu igu yidhi;

“Waxaa fiican inaad booskiisa igu bedesho, oo markaad bejin bileedkaa (Holiday Month) tahay iyo markaad nasashada maalmeedkaaga ku maqan tahay, inaan anigu buuxiyo kaalintaada, wixii meesha ka dhacayana kuu soo gudbiyo, maadaama aan walaalkaa ahay oo aynu isku nahay dad CARBEED”.

Arrintan waan ka biyo diidey, waxaanan u sheegay inuusan kooxdeyda faragelin, oo aannu nahay dad isku faraxsan, uuna iska shaqaysto, welibana tixgelin iyo mudnaan siiyo.

Shaqaalaha waxaa ku jira tuhun ah inaan ka xigsanayo, dhan diimeed iyo dhan carbeednimoba, inkastoo kaftan na dhexmaro ah; “Haddaad CARAB tahay ninkan isuma ekidin” haddana, waxaan ku doodaa in Qaaradda Afrika i madoobeysey, isku soo wada duuboo arrinkii waa isbedelay.

Cubeyd wuxuu ku faraq xidhay Maamulihii cusbaa, isagoo weliba gaadhay in xitaa fadhiga biririfta (Break time) inuu ag fadhiisto, warbixinnana ka gudbiyo dhaqalaha dhan. Waxaa yimid isku dhacyo maamulka sare ah iyo shaqaalaha, waxaanna ku daaley xallinta gadoodka shaqaalaha.

Shaqaaluhu way dareemeen inaan waxba iska kay bedelin, balse, waxaan la arki waayey halka hawshu ka jirtaa inay Cubeyd tahay. Cubeyd wuxuu la galay heshiis cusub Maamulka guud, waxaana loo heshiiyey in booskayga lagu bedelo.

Dhawr jeer ayaanu iskaga hornimid arrimo shaqo maamulka, maadaama aan meesha uga soo horreeyey, hase yeeshee, arrintaas ayaa keenay coloysi, markuu Cubeyd u sheegay inaan dhawr iyo toban sano meesha ka shaqeynayay, goobtana aan u maleeyo gurigayga oo kale, iyoo inaan ahay qof is mahdiyey.

Waxaa la degay qorshe cusub. Habeen habeennada ka mida ayaan ku daahay shaqada waxaanan ka baxay 23:00 habeennimo. Aniga waxaan maalin walba shaqayn jirey inta u dhaxaysa 8:30-17:30, balse, maadaama ninkii igu xigey ee shaqada habeennimada lahaa maqnaa ayaa waxaan isku daray labagelin shaqadood.

Ninka iga sarreeyey oo u dhashay waddanka Jarmalka ayaa markuu arkay inaan saacad kale ka baxay shaqada oo ka duwan waqtigaygii hore, isu geeyey inuu fursad ka dhigto inuu igu eedeeyo inaan ahay tuug oo aan u soo noqdey inaan wax xado, ka dibna wuxuu qasnadda ka saarey lacag aan xaddigeedu badnayn oo gaadhaysa 30 kun oo Doollar.

Aniga shaqadeydu, waa dalabka alaabta loo baahanyahay, qorshaynta xilli hawleedyada iyo jadwalka shaqaalaha, uruurinta lacagaha soo xeroodo iyo diiwaangelintooda, markuu dhammeeyo qof weliba shaqadiisa wuxuu tiriyaa lacagta ku jirta sanduuqiisa shaqo, waxaana la socda waraaqihii caddeymaha ahaa iyo faahfintooda intaan tiriyo ayaan ku dulqoraa cadadkeeda iyo magaca qofka, Sidoo kale, waxaa isna shaqadaa habeenkii u xil saaran saaxiibkayga kale ee u dhashay waddanka Spayn.

Ninkii Maamulaha ahaa ee Jarmalka u dhashay wuxuu go’aan ku gaadhay inuu Carabkii markhaatiga u furo, sidaana shaqada la iiga eryo uuna keensado qof uu isagu doonayo.

Ka dib wuxuu u gudbiyey xisaabtii oo ay ka maqantahay 30 kun, uuna ku eedeyey inaan habeenkaas u soo noqdey, oo aan kala baxay qasnadda kaydka intaan lagu xareyn Bankiga.

Eeddii waxay u gudubtey maamulka guud ee shirkadda, oo arrintii garoowsan waayey, waxaana lay soo direy warqad ku saabsan arrintaas iyo in aan u imaado shir lagaga hadlayo Xafiiska guud ee shirkadda.

Isla goobtii shaqadana waxaa tegay xubno ka mida maamulka guud oo qof qof u wareystay, shaqaalihii. Dhammaantood waxay isku raaceen inaan ahay qof aan lahayn iimaha laygu eedeyey, sidoo kalena iskala weyn waxaas iyo wax la mida, marka laga reebo Cubeyd oo isagu sheegay inuu igu ogyahay tuugnimo, iyo saqaanimo badan.

Layguma eedayn lacagtii maqnayd, balse waxaa wax layga weydiiyey, waxaan ka qabanayey xilligaas shirkadda, maadaama shaqaydaydu dhammaanaysay ka hor. Markaan sheegay in aan maalin iyo habeen isku bixis ah shaqaynayey booskaygii iyo bedelka saaxiibkayga jirrana, sidoo kalena shaqaaluhu wada ogyihiin, habeenkaana xisaabtaan xidhay aan ku haysto buuggayga gaarka ah, ayaa mar qudha lays wada eegay, waxaana buugga laga soo baxshay nin walba intuu xareeyey iyo iyo cadadkii guud ee lacagaha habeenkaas, kuwii baxay, wixii dalabaad ku yimid iwm.

Annagoo meesha fadhina ayaa waxaa yimid Cubeyd iyo Sameul, oo ah Maamulaha, ayaa ka dib Cubeyd la weydiyey maxaad ku taqaannaa Guuleed?.

Cubeyd ayaa yidhi;

“Guuleed waa nin u haysta inuu meesha leeyahay, aniga ayaaba is weydiin jirey mararka qaarkood, sida uu cuntada iyo raashinka cayriin iyo lacagaha kaashka ah isaga qaadanayo, miyaan lala xisaabtamin?”.

Waxaa mar kale Cubeyd loogu celiyey;

“Isagoo wax xadaya ma aragtey?”

Wuxuu ku celceliyey wax badan shaqaalaha oo dhamina waa ogyihiin ee waxay ka baqayaan inuu shaqada ka eryo! Samuel oo la dhacsan hadalka Cubeyd ayaa yidhi;

“Waxaan nasiib u yeeshay inaan ogaado in Guuleed aan ku ogaado arrintiisa muddo yar, weliba si fudud markaan u dhabbo galay”.

Arrintii ayaa la rogrogay, waxaana la yidhi; anagaa go’aan ka soo gaadhayna, ee inta ka horreysa Guuleed waxaad lacagtaada ku qaadanaysaa gurigaaga, ilaa kiisku ka caddaanayo.

Waxaa ay shirkaddu u dirsatey, rag xeeldheerayaal ah, oo qaarkood yihiin baarayaal gaara, waxaana la baadhay guud ahaan Kamaradaha qarsoon ee xarunta ku dhaggan. Sidoo kale, waxaa la baadhay inta jeer ee la furey maalintaas qasnadda oo iyo xilligii ugu dambeeyey.

Baadhitaan dheer ka dib, waxaa soo baxdey markaan baxay ka dib ee aan xisaab xidhka sameeyey in la furey qolka, qasnaddana lacag lagala baxay.

 

Samuel ayaa waxaa ku caddaatey arrintuu igu eedeyey, ee ahayd xatooyo lacageed. Halka Cubeydna ay ku soo baxaday inuu furey marag been ah, oo dhalisay in laga eryey labadoodiiba shaqadii ay hayeen, maadaama uu Samuel ku kacay khiyaano iyo wax is daba marin, halka Cubaydna u noqday marag beenaale!

Aniga Guuleed ahaan, inaysan igu caddaan falkaa la igu soo eedeeyey ka sokow, waxaan ba ka dhaxlay dallacsiin iyo in la ii dhiibay xil ka sii sarreeya kii hore, oo ah maamulaha guud ee xaruntii aan ka shaqaynayey mushaharkiina lay kordhiyey, haddaba, waxaa lay weydiiyey su’aal ah;

“Walaalkaagii Carabka ahaa ee Cubeyd, ee xitaa Muslimiinta kale ee Boosniyaanka Bangaladheeshka iyo Turkida aad ka jeclayd maxaa ku dhacay? Carabtu ma dad noocaas ah baa? Adigu weli miyaad aaminsantahay inaad Carabtahay ama aad jeceshaya?”

Waxaan ugu jawaabay;

Carab ayaan walaalo nahayna hayga hadho!” oo hadda iyada oo qoraal waaweyn ah xafiiskayga ku dheggan.

Dhacdadan waxay igu dhalatay ka dib markaan arkay ama la kulmay dad badan oo Soomaaliyreed oo wali aragtidaa CARABNIMO aaminsan ama qaba, sida aan beri ahaa oo kale, anoo filaya inay ku cibra qaataan wixii aan kala kulmay iyo wixii i soo maray.

Hadda anigu Carab maahi, hore waan u ogaa ee jacaylkooda ayaa igu qasbay inaan sheegto, sidoo kale, waxaan ka dugsanayey dad ka dhaqan wanaagsan, intaan kala kulmay iyo intii layga sheegaa igu filan.

 

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

 

SHARE