Home Qoraallo Da’ yarta qurbaha iyo Qamriga! W/Q: Nimco Noor

Da’ yarta qurbaha iyo Qamriga! W/Q: Nimco Noor

0
SHARE

Nimco

Da’ yarta qurbaha iyo Qamriga!

 

Qamrigu waa shay si dabiici ah u baddala dabciga iyo fahanka qof kasta oo isticmaala, da’ kasta iyo marxalad kastaa. Waxuu leeyahay ur iyo siifad u gooni ah, marka laga soo tago waxyeellada uu u gaysto dadka caba, haddana, waxaa jira dhibaatooyin u gaar ah dhallinyarada.

Burburkii ka dhacay Soomaaliya waxuu sababay in bulshadu u kala hayaanto daafaha caalamka, muddadii uu socday dagaalkii sokeeyey iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa dhashay carruur badan, kuwaas oo ku dhashay meelo aad oo aad uga durugsan halkii ay ku dhasheen waalidiintood iyo deegaannadoodii.

Durugsanaantaasi kuma koobna oo kaliya cabbirka fogaaansho ee uu u jiro dalkoodii hooyo, balse, waxa jira kala fogaansho dhinacyo badan ah, sida; diinta, dhaqanka iyo caadooyinka.

Waa wax jirta in qof kastaa oo nool uu ka soo maro heerar kala duwan nolosha, taasoo uu kala kulmo dhibaatooyin iyo waayo aragnimo xusuus ku reebta noloshiisa, qaraar iyo macaan, uu mararka qaar jeclaysto in waqtigu uu dib isu celiyo si uu u saxo wixii uu horay u khalday.

Marxallada dhallinyaronimada waa mid ay da’yartu ku jiraan nolol heehaab ah, oo ay ku dul sabbeyaan adduunka iyo waayihiisa aysan war u hayn. Sidoo kale, waa mid wax walbaa ay sahal la yihiin,  iyagoo ku qiimeeya in wali waqti u dhimman yahay, goor kalena ay ka faa’iidaysan doonaan amaba aan war u hayn, oo aan garanayn wax u dhaafsan inay nool yihiin.

Kolkaas waxay u baahan yihiin u waayeelayn, hogo-tusaalayn iyo in lagu baraarujiyo in waqti walbaayi uu leeyahay dhibkiisa iyo waxyeelladiisa. Sidoo kale, dheeftiisa iyo guushiisa, ayna habboon tahay in looga faa’iidaysto xilligiisa.

Haddaba, carruurta Somaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha, maxaa u gaar ah oo noloshoodu ay ku sugan tahay? Miyaynu is waydiinaa inay qabaan dhibaatooyin iyaga u gaar ah, oo aysan ku helin wax garab iyo gargaar ah? Hadday ahaan lahayd waalidkii dhalay, walaalihii la dhashay iyo guud ahaan bulshada uu ka soo jeedo farac iyo asalba.

Waxaa u gaar ah dhibaato aad u baaxad wayn, oo ay yar tahay cid ku baraarugsan! Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo badan, oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin.

Waxaan isku dayi doonaa idanka Eebbe, bal in aan in yar ka taabto Qamriga iyo dhibka uu ku hayo dhallinyarada Somaaliyeed, ee ku kortay ama ku dhalatay qurbaha!

Dhallinyartani waxay la koreen oo ay ilaa yaraantoodii la qabsadeen carruur ay soo wada barbaareen, kuwaas oo ka duwan dhaqan, diin iyo caado intaba bulshadeenna. Ilmaha Yurubiyaanka ah ee u dhashay waddamadan aynu qaxootinimada ku soo galnay, marka uu gaaro xilliga qaangaarka, waalidkiisu waxay kala sheekaystaan waxii ku soo kordhay noloshiisa iyo qaabkii u u maarayn lahaa. Waxay la socdaan hadba xaaladda uu marayo baahidiisa qof ahaaneed, dhinaca xiriirka lammaane, jinsiga iyo dhanka cabitaanka Qamriga iyo wixii balwad ah ee kale, maadaama ay ku cusub tahay oo yaraantiisii carruurnimo laga ilaalin jiray.

Intaas kadib waxaa lagu layliyaa sidii uu u isticmaali lahaa cabitaanka Qamriga, isagoo leh xad go’an oo uusan ka badsan karin. Ujeedku ma ahan, haddii uusan rabin ama lala rabin in ay qasab tahay in mar walba la siiyo, balse, waxay tahay in si miyir ku jiro uu jirkiisa iyo oogadiisu ula qabsadaan maandooriyahan uusan hore u aqoon.

Sidaas si la mida waxay u diyaariyaan meel ammaan ah, oo uusan wax dhibaato ah kala kulmayn marka uu cabbayo, si uusan derbayada madaxa ula dhicin ama qof wax u yeelin.

Wuxuu dareemaa cabsi la’aan, cannaan la’aan iyo inuu waqtigani yahay waqti uu nasanayo, intaas kadib isaga oo aan wax cabsi iyo walwal ahi ku jirin ayuu waqtigiisa kale sidii si la mida waxuu ku cabbaa jawi daggan, warwar iyo cabsi la’aan. Kuwaasi waa ilmaha Yurubiyaanka ah.

Waalidiinta Somaalida qaar badan oo ka mida  kuma baraarugsana in ilmaha looga digo dhibka uu leeyahay Qamrigu, marka laga reebo tiro yar, kuwaas oo ah dad cilmi diini iyo maaddiba leh, fahansanna caafimaad ahaan, dhaqaalo ahaan, dhaqan ahaan iyo qof ahaan sharaftiisa bulshadeenna dhexdeeda. Xiriirkii oo yar dartiis waxaa adag in aynu la soconno xaaladda ilmaha iyo isbadalka ku dhaca.

Waalidka Somaaliyeed dhaqan ahaan waa in ilmuhu ka danbeeyo, oo uusan hadalka la goos goosan khalad iyo saxba! Haddii ay hooyadu khaldan tahay ama aabbuhu, waa in ay iyagu hadlaan, mana siiyaan waqti uu ilmuhu iskaga difaaco eedaynta loo soo jeedinayo iyo canaanta la duldhigayo, sidaas darted, waxaa la baray oo uu la qabsaday; “WARYAA AAMUS! Ma anaad igu soo af celinaysaa!”.

Taasi waxay sababtay in uusan iska difaaci karin hujuunka iyo weerarka kaga yimaada saaxiibbadiis iyo isku dayga ah inuu sameeyo rabitaankooda, waayoo, waxuusan baran difaaca naftiisa, waxaa ka maqan kalsoonidii qof ahaaneed. Waa wax fiican in ilmaha la baraa cisada waalidka, balse, waa inuu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerar kastaa oo ku saabsan dhanka fikirka.

Taasi waxay sababtay in ilmihii uu ku dhaco (LABA DARAN MID DOORO). Mid waa dhallinyaradii ay isla soo koreen, oo ay isku mar wada hanaqaadeen oo ku cadaadinaysa inuu mar uun dhadhamiyo Qamriga, ama ku qalqaalinayaan, iyagoo doonayo inay ka saaraan dansanaanta iyo kalinimada waqtiga ay cabayaan Qamriga, si uusan uga baxsanaan, oo ay u wada noqdaan koox midaysan.

Midda kale waa cadaadis ka haysata waalidkii oo dhaqan iyo diin ahaanba xaaraan ka ah inay cabaan Qamriga, intaas kadib wiilkii ama gabadhii dhallinyarada ahayd waxay cabaysaa ama uu cabbayaa isagoo ah mid walwal iyo cabsi ku cabay.

Waxuu ka fakarayaa inuu la kulmi doono dhibaato wayn, oo waalidkiis ay cayrin doonaan ama dilidoonaan (u gacan qaadi doonaan), maadaama uu ku kacay wax ka baxsan dhaqankooda iyo diintooda, oo qoyskii laga takoori doono. Mar waxuu diidayaa inuu lumiyo saaxiibbadiis, marna waxuu diidayaa inuu lumiyo qoyskiisii! Maxaa xal ah?

Haddii uu qirto waxaa halkaas ku go’aya xiriirkii macaanaa ee kala dhexeeyay hooyo, aabbo, walaal iyo guud ahaan bulshadii uu ka dhashay. Markuu ka horyimaado ma helayo cid si faraxsanaan ku jirto iyo waji furraan u salaanta, oo dadku way ka waji dadbayaan, wuxuuna noqonayaa qof la fongaray ama la weelduway.

Haddii uu saaxiibbadii ku gacan sayro, waxuu noqonayaa doqon la mid ah sabiga xoolka ku jira, oo aan naftiisa kalsooni ku qabin, sidaana ku noqonaya gooni socod aan garab haysan, kolkaas wuxuu ku qasban yahay inuu bal karti iska raadiyo, oo uu maalin uun cabbo. Intaas kadib ilmihii waxuu isku  arkayaa mid qoyskii ka fallaagoobay.

Haddii ay ogaadaan reerkood oo xiriirkii  uu go’o, waxuu ku qasbanaan inuu raaco kuwa aan haysan nolosha wanaagsan ee qoysaskoodii iyagana ka soo fallaagoobay ama laga soo raacdeyey. Halkaas waxaa ka dhalanaya burburka aayaha iyo mustaqbalka ilmihii oo niyad jaba kana leexda hilinka toosan, isuna arka mid aan adduunkani nolol u oollin. Waxuu ku dhaqaaqayaa wax kasta oo uu u arki jiray danbi, waayoo, waxuu qirsan yahay inuu isagu danbi ka wayn galay ama uu ku nool yahy nolol aan danbi wax dhaamin.

Runtu waxay tahay in aan la dayicin lana fogayn, balse, lagula tacaalo dhiirrigalin, lana tuso in nafluhu uu khaldamo, kana soo noqdo, haddii ay dhacdo in aad ilmahaaga kala kulantid wax aadan ku qanacsanayn, waalidoow ku qanacsanoow inaadan Shaydaanka u sii eryin, oo aadan  ka dhigin mid fallaagoobay, balse, aad soo dhawaysatid lana midowdid si uu kaaga helo kalsooni. Taladu Alle ayay agtaal, Ilahay awlaadda haynoo xafido, adiguna dedaal waalidoow.

 

W/Q: Nimco Noor

http://hooyosuuban.blogspot.it/

SHARE