Home Qoraallo Danbar iyo dhaay baa u lisane, ha u yaboohina ciir iyo barax...

Danbar iyo dhaay baa u lisane, ha u yaboohina ciir iyo barax aan dux laga heli karin!.

0
SHARE

156585_10150852611965878_341235953_n

 

 

Danbar iyo dhaay baa u lisane, ha u yaboohina ciir iyo barax aan dux laga heli karin!.

Dhegaha caalamku, markii ay maqleen in ay dhulka Soomaaliyeed macdan iyo batrool laga heli karo, shirkadaha waa weyn qaarkoodna ay billaabeen sahan iyo baaris, ayey waddamada saliidda soo saara walaac xoog leh ka muujiyeen, gaar ahaan dalalka ku yaalla gacanka carbeed oo joqoraafi ahaan uu ka hooseyso dhulka soomaaliyeed, taana ay keeni kartay inuu shidaalkoodu hoos ka maax ku yimaaddo ka dibna uu nabaad guur kaga dhaco ilaha ceelasha saliidda, walaaca sidaa ahna wuxuu dhaliyay dagaal siyaasadeysan oo lagu colaadinayay shacbiga soomaaliyeed.

(Soomaaliya waa dhul beereed aan saliid laga heli karin been la faafiyay bey aheyd).
Sirta nuucan ah waxaa horay u kashifay wasiirkii shidaalka boqortooyada sacuudi carabiya ee baxsadka ahaa ( Sheekh Axmed Zaki al-yamaani ) wuxuuna yiri :- marnaba raalli ka aanaan aheyn in soomaaliya saliid laga soo saaro, taa beddelkeedana shirkadaha wax baara ayaan la macaamili jirnay ka dibna war tabinta waxey u sheegi jireen xaqiiqada jirta mid ka duwan!!!, cajiib.

Dagaalkii 77 ee dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa ka soo qeyb galay dowlado uu hoggaaminayay midowgii sofiyeeti, waxaase la yaab laheyd in dowladaha gacanka carbeed ay kharash fara badan ku bixiyeen sidii loo ridi lahaa dowladdii dhexe ee soomaaliya, iyaga oo dhabarka ka soo riixayay yaman iyo liibiya oo ka mid noqday lana soo saftay Itoobiya iyo isbaheysigii burburinayay qarankii soomaaliyeed.

Intaasi kuma aysan ekeysane markii ay dowladdii dhexe meesha ka baxday, waxey ka shaqeeyeen inaanay soomaaliya mar kale cagaheeda isku taagin dowladnimadeediina aysan dib danbe u helin. Waxey nagu dhex beereen oo ay dhaqaale fara badan ku bixiyeen firqooyin diimeed iska soo horjeeda oo loo abuuray in ay ka shaqeeyaan dagaal iyo colaad aan dhamaad laheyn, si aan mar danbaba loo dhihin soomaaliya ayuu shidaal ku jiraa.

24 sano ayey shacbiga soomaaliyeed abaar iyo colaad, dhac iyo boob, qax iyo rafaad, kufsi iyo jir dil, macluul iyo geeri intaba ay soo dhex dabaalanayeen, waxeyna soo wada dhedhemiyeen murugo idilkeed oo dhan. Haddab intii ay dhibaatada intaa la’eg nooga soo gurman lahaayeen ayey beddelkeeda nooga dhigeen in ay dhirtii dalka dhuxul ahaan u rartaan iyaga oo shabaab u soo adeegsaday kana iibsanayay sidoo kalana xoolihii dalka dab joog iyo duur jooba isku wada darsaday, waxaana horay loogu tuhunsanaa in ay qaateen dhammaanba taallooyinkii dalka iyo dahabkii keydka ahaa ee bankiga dhexe.

Xilli ay caasimadda Muqdisho macaluul iyo barakacba la ciir ciireysay, ayey gacan sokeeye soo gaarsiiyeen walaalaha Turkiga oo ka danqaday dhibaatada jirta, waxaana booqasho gurmad ah ku yimid dalka mudane Ordogan iyo xaaskiisa, maalintaa wixii ka danbeeyayna soomaaliya waxey heshay hiil iyo taakuleyn dhab ah. Waxaa dhismo lagu billaabay waddooyinkii burbursanaa, dekedda iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Muqdisho wey nuurtay, waxaase yaab leh iyada oo uu turkigu horay u ballan qaaday inuu dhismo casri ah ku sameyn doono xaruunta baarlamaanka soomaaliyeed, in gadaal ka soo baraarugayaashu ay la yimaadaan naqshad cusub oo ay leeyihiin annaga ayaa dhiseyna xaruunta cusub ee baarlamaanka, taas oo aad moodeyso in ay ku timid hinaase iyo dano ilaashi gaar ah, ha yeeshee soomaalidu waxey ku mahmaahdaa ( libaax nin ganay iyo nin galladay kala garay).

Gurmad kasta oo gadaal ka gaar ah abaalkiisu wuxuu u noqonayaa walaalaha turkiga oo gartay walaalnimada iyo islaannimadu waxa ay tahay, sidaa darteed dalku wuu weyn yahay oo xamar kaliya maaha ee ciddii wax u qabaneysaay warshado dhisa, beeraha maal geliya, iskuullada iyo isbitaallada dhisa ee baarlamaanka, dekadda iyo ayroboorka un ha ku mashquulina turkidana ha ku qabsanina kolleyba kaalinta ay noo hayaan nooma buuxin kartaane. Ugu danbeystii waxaan leeyahay shacabka soomaaliyeed ( Danbar iyo dhaay baa u lisane, ha u yaboohine ciir iyo barax aan dux laga heli karin!).
Bashiir Cali Xuseen.
Barbaariye@hotmail.com

SHARE