Home Qoraallo Wanaag rajee mar walba W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

Wanaag rajee mar walba W/Q; Mohamed Musa Shiikh Noor

0
SHARE

Nor1

Wanaag rajee mar walba

 

Dunidan waa mid darrimaad badan leh, dareenkeedana waa mid isku badala hadba sida dabeeshu u duusho,  duul walba oo uu Allah abuurtayna,  wuxuu meel  la dul yuuraraa,  Xikimad, iyo Qibradda uu Allah ugu deeqay, la yaabna ma lahan marka aad aragto wax kugu adag oo muddooyin aad ku fakaraysay gaariddooda, in ay qof kale la fududdahay adigana dhib kugu tahay.

Xikmadda ayaa ah, deeq Rabbi xaggiisa ka timaadda mar walba, mana ahan wax la isi siiyo,  ama la isugu deeqo,  hase ahaatee,  xikmaddu waxay xikmad noqotaa, marka qofka loogu deeqay uu la wadaago bulshada uu markaa ku dhex noolyahay, haddiise uu la aamuso lama dhihi karo qofkaas waa qof xikmad leh,  maxaa yeelay, awoodda Aadanaha ayaa ah, mid wax ku garata kuna qiimaysa, waxa ay aragto ama maqasho.

Waxaan safar ugu socday xaggaa iyo Congo,  waxaa i casuumay mid aan ilma adeer nahay, maalin Axad ah bey ahayd,  oo laga nasanayay shaqooyinkii markaa lagu mashquulsanaa, salaadda Duhur kadib ayaan iska xaadirshay meeshii la iga casuumay,  markii aan meesha tagay ayaan kula kulmay, dad badan oo qaarkood aan hayb aqiin qaarna aanan aqoon oo waligey aanan ka daalacan shaashadaha la iska daawado, balse,  markii la igu yiri waa ina hebel aan qaarkood soo qabtay.

Shaqsiyan ma ahayn dadkaa qaarkood,  dad aan ku soo qabtay aqoon shaqsiyadeed,  ee waxaan ku soo qabanayay magaca awoowahood iyo aabbayaashood oo qaar aan aqiin, qaarna maqalkoodu uusan igu cusbayn.

Waa la wada qadeeyay,  sheeko ayaa bilaabatay,  iyo is barasho dhexdeena ah,  mar walbana dadka oo dhan sheekada kuuguma wada baxdo,  oo waxaa jiraya qof si gaar ah kuu soo jiidanaya hadalkiisa iyo qaabka uu u hadlayo, quruxda iyo qiimaha ay leedahay. Waxaa si lami falaan ah ii soo jiitay nin ka mid ah dadkii halkaa isugu yimid,  oo aan ku qiyaasayay in uu ka mid ahaa dadka Qurba joogta ah,  lahaana aqoon maaddi ah  iyo mid diineedba,  haddana, ahaa dadka aadka uga dambeeyo una riyaaqsan cilmiga la dhaho Filasoofka, inkastoo ay maqal igu ahayd waxa la dhaho filasoof maalintaas ka hor ma baran,  wax badan ayaana ka faa’iiday runtii qaabka uu u hadlayay ninkaas, hadalladiisana waxaa laga dheehan karay xikmado fara badan oo isugu jiray mid maaddi iyo diin ba ah.

Aqoonta diinta kuma yarayn,  qofka aan meeshaas ku arkay, mar walba uu hadlayayna wuxuu ahaa mid isku kalsoon,  oo waxa uu ku hadlayo macnayntooda awood u leh,  haybadna uu Allah u siiyay in uu sida uu rabo uga dhaa-dhacsho Dadka.

Sheekada uu markaa noo waday waxay ahayd, sheeko si guud uu ugu wada sheekaynayay dadka oo dhan, oo ma ahayn sheeko qof qaas ah uu u waday ama ugu dan lahaa, balse, aniga sidaa waa iiga duwanayd, oo waxaan si gaar ah ula socday afkiisa iyo waxa ka soo burqanayay qalbigiisa, iyo dareenka uu markaa ku cabbirayay, waxa uu dhahayay iyo qaabka uu u dhahayay, haddana, sidaa ay tahay marka diinta laga hadlayo qofka nuucaas ah ma ahayn qof wadaad ah, oo wuxuu iska ahaa qof iska caadi ah, oo aan sidaa loogu tilmaami karin, qof diinta xaggeeda u badan, marka aan sidaa leeyahayna kama wado in uu ka gaabiyo diinta iyo cibaadada, ee waxaan ka wadaa,  wuxuu iska ahaa qof qunyar socod ah,   tilmaantaas waxaan ugu daliishaday, intii uu sheekada noo waday ayaa waxaa dhacay addinkii salaadda cassir aniga iyo ninkii na martiqaaday iyo koox kale isla markiiba meesha waan ka istaagnay oo waxaan u dhaqaajinay xaggaa iyo Masjidka, isaga wuu naga haray oo wuxu ka mid ah dadkii ku tukaday meesha aan markaa ku qadaynnay,  waasa Allah mahaddii haddiiba uu mar tukanayay oo uusan salaadda ka tagin.

Meesha waxaan  ka soo dhaqaajiyay aniga oo ay igu taagantahay Qodax ah in ninka sidaas hadalkiisa ii qanciyay aan si qaas ah ula kulmo waliba, aan  kula kaliyoobo goob labadeenna nagu qaas ah, waxaanna goostay in aan ka codsado in uu i siiyo waqti ka mid ah waqtiyadiisa,  si aan wax badan oo ku saabsan qibradda noloshiisa u waydiiyo.

Ujeeddada aan lahaana waxay ahayd,  in xikmadda ninkaas ka soo baxaysa aan kaligey isku ogaado, qofna aysan ila wadaagin,  maalinka kulankaasna wax walba ay dushayda noqdaan, qalinkayga iyo warqadayddana diyaar ii ahaadaan.

Markii aan soo kala tagaynay, ayaan aniga oo u rogmayana fadhi uu markaa ku fadhiyay,  gacantaydana u taagaya,  muujinayana in aan aad ugu farax sanahay la kulankiisa meeshan,  aadna ugu mahad celinaya sida quruxda badan ee uu noogu faaideeyay,  ayaan ku iri;

“Magacayga waa Maxamad aad ayaanna ugu faraxsanahay la kulankaaga, waana nasiib wanaagsan runtii in qof adiga oo kale ah meel sidan oo kale lagula kulmo, waana nimcooyinka Eebbe uu ku mannaysto qofka uu wax la doonayo” inta yara dhoolla cadeeyay ayuu garabkayga gacantiisa saaray isaga oo igu oranaya;

“Xitaa aniga waan dareemi karaa in aad tahay qof wax badan ku aasan yihiin, maxaa yeelay, birqabatada waxay dareentaa oo kaliya waxa ay qaban karto, waana ku dareemi karaa Maxamad, soo dhawowo ayaana ku leeyahay magacayga waa C/laahi”.

Sidii ayaan isku barannay iskuna maca salaamaynnay. Aniga oo ka codsanaya in aan mar wada shaahno, taleefonnada  in aan kala qaadanno, sidaas ayaanna ku balannay in aan isi soo wacno  oo uu xiriirku joogta inoo ahaado.

Aniga oo faraxsan ayaan ka soo tagay meesha, Allaahna uga mahad celinaya in uu mar walba ila kulansiiyo dadka aan wax ka faa’iidayo, runtiina waa nimco ka mid ah nimcooyinka Eebbe ku mannaysto umaddiisa qofka uu la kulansiinayo marba haddii uu yahay qof aad wax ka faa’iidi karto, oo haddana, wax kugu siyaadin kara.

Waqti badan in aan sugo ninkaas la kulankiisa qorshaha iiguma jirin, maadaama aniga naftayda aan ahaa masaafur waqtiga la diriraya oo jadwal ku socday,  habeenkii markii aan isku diyaarinayay jiifka, ayaan is iri bal hadda qararaf uga sii telka.

Si wacan oo naxariis iyo xushmad ku jirto ayaa la iga qabtay, maadama galabtii markii aan soo baxaynay uu isaguna telkayga qortay oo maba ahayn lambarkayga mid ku cusub, taas ayaana abuurtay xaaladda marxabaynta ku dhisan iyo soo dhawaynta, mar walba oo qof kugu dheer ama xushmad kaa mudan oo aad wax badan ka filaysid la hadashidna waa astaantaas astaanta laga filan karo.

Salaan kadib, waxaan ka codsaday in uu i siiyo waqtigiisa qayb ka mid ah, uuna ii sheego xilliga aan wada shaahi karno,  si aan uga gaaro danaha aan ka leeyahay la kulankiisa, waana laga yaabaa in dadka qaarkii ay iswaydiiyaan waxa uu Maxamad ka doonayo la kulanka ninkan, waana su’aalo mudan in la is waydiiyo, mar walba oo aad dareentid wax su’aal kugu noqda, is waydiintana waa qayb ka mid ah garashada Aadanaha, oo qof wax garta ayaa wax is waydiiya, mid aan waxba garan maba helo waqti uu iskula sheekaysto .

Wuxuu ii sheegay in aan kulano habeen dambe, xiliiga maqribka lagasoo baxo, wuxuuna ii asteeyay meel fadhiga ku wacan oo isaga dookhiisa ahayd, waana ku xushmeeyay runtii meeshaas oo meel daggan ahayd  aqoonna aan u lahaa, waxayna ahayd meel neecow qabow leh dhawaqa  shimbirahana laga maqlayay .

Waqtigii aan ku balannay ayuu qof walba ku yimid, is marxabbayn kadib,  qof walba wuxuu dhiibtay dalabkii uu fadhiga ku waheshan lahaa (micnaha wax la cabbo ama la cuno) sheekadii ayaanna noo billaabatay aniga oo shaqsiyan si wacan isku baraya, isaguna sidaas si la mid ah ayuu isku key barayay, waxaa nagu dhexmartay meeshaas sheeko aad u dheer oo uu qof walba ku raaxaysanayay.

Hadalladiisa oo dhan waxay u dhacayeen sida aan rabay, oo wada xikmad ayay ahaayeen muhiimaddana maahan in aan halkan ku soo wada kobo, balse, waxaan  jeclaan lahaa in aan hal eray ka soo qaato kaas oo aad ii cajab galshay, wuxuuna ahaa eraygaas;

Waad qaldamaysaa waligaa Maxamad, ee nolosha  wajjah,  oo noqo mid wax wanaagsan rajeeya

Waa hadal xikmad leh runtii, qofka hadduu ka fakaro ama ka cabsado in uu qalad ku dhacayo hor u socod ma samayn karo, qof ay ku taagan tahay mar walba utun ah in haddii uu afka kala qaado, uu ku hadlayo wax qaldan, sidaasna uu u Ilaalinayo carrabkiisa, shibanaantiisuna ay sidaa ku badan tahay, waxaa la dhihi karaa waa qof aan wax badan ogaan karin.

Carrabkaaga waa u wanaag in uu mar walba ka asturan yahay xumaanta ku qowlkeeda, (ama ku hadalkeeda) balse, waa u dhib in uu mar walba ka aamuso,  waxa uu jecelyahay ogaanshahooda  kuna qowli karin, waxaana taas ka wanaagsan in uu qofku noqdaa qof aanba war u ahayn in uu god ku dhacayo,  wayna iska fiican tahay in mar walba la taxadarro, balse,  nolosha sideedaba waa sahan aadan ogayn wax aad kala kulmaysid, sidaa darteed, waa wax wanaagsan in mar walba ay wanaagsanaato rajada, wax fiicanna qalbiga lagu hayo.

Haddaba,  taas macnaheeda maahan, in aan mar walba la gafi karin, adiga oo wax wanaagsan niyadda ku haya kuna qowlaya ayaad qaldami kartaa,  ha yeeshee,  xikmadda ayaa ah mid laga faa’iidayo in qofku kalsooni fiican ku qabo naftiisa, mar walbana uusan fiirin caqabadaha ka hor-imaan kara,  ee uu si dhab ah u wajaho waddada uu doonayo, oo uu is leeyahay waad ku gaari kartaa tiiksiga himilada uu markaa leeyahay, sidaa darteed, waxaa mar walba loo baahan yahay in la iska joojiiyo cabsida sababta in talaabo hor-umar keeni karta la qaado, haddana,  sidaa ay tahay taxadar la muujiyo oo aan la xad-gudbin, sidaas si la mid waa in uu qofku mar walba ku fakaraa,  in wax wanaagsan mooyee xumaan uusan la kulmayn.

Waxaa jira, Xaddiisul Qudsi ka sugnaaday Rasuulkeena scw, oo oranaya; “In mar walba uu Allah ka jiro Addoonkiisa halka uu ka fisho”  macanaha Xadiiskan waxaan ka fahmi karnaa,  in ay wanaagsan tahay mar walba in samaha la rajeeyo,  xumaantana aan maanka lagu hayn, marka ay ku soo asiibtana lagu samro oo lala tacaalo, sida la isaga xallin karana la iskaga xalliyo, balse, ka cararka qaladka ama xumaanta ay tahay mid aan waxba laga faa’iidi karin,  xalkeeduna uu ku jiro in la wajaho waliba si toos ah loo wajaho marka ay ku soo asiibto.

Tacliinta marka lagu jirana waad aragteen ayaan filaa,  ardayga iska ilaalsha qaladka iyo kan mar walba macallinka hortaagan ee ka jawaabo su’aal waliba, si qaldan in uu uga jawaabo aan ka cabsanayn in uu mar walba kaga dhibco badan yahay xagga wax barashada midka aamusan ee ka cabsanaya in uu wax qaldo.

Gabagabada hadalkayga ayaa ah; “Si wacan oo miisaaman ha loo socdo,  iyada oo aan laga cabsanayn waxa lala kulmayo, balse, la eegayo waxa la gaarayo.”

 

Mohamed Musa Shiikh Noor

Ekisyare@hotmail.com

SHARE