Home Qoraallo Fal celinta caqliga!! (Qormo)

Fal celinta caqliga!! (Qormo)

0
SHARE

10672300_634722843313928_1169928553380477306_n

 

Fal celinta caqliga!! (Qormo)

 

In qof qof loo noolaado oo aan waxbana leysku darsan iyo in dan la wadaago tee baa kula qurxan?

 

Su’aasheydaas baad la yaabtay iyo sidaan uga dhacsanahay tareenka ay Dunida hormartay ood adigu ku daabantahay maanta wada saarantahay. Waxaad is tiri war kani xaguu uga gudbay Qodobkii caanka noqday ee Aduunyadu wada sheegtay, had iyo goorna Dowladaha iyo dadka danta guud hayaba loogu yeero, waa (Social Responsibility).

 

Tani waxay kaaga dhigantahay Qodob lama taabtaan ah. Waxaadna u aragtaa miraha ka dhashay Ilbaxnimada iyo ka xoroobiddi Siyaasadda ee Cullimada diinta.

 

Sidoo kale waxaad u aragtaa tan inay tusaaleyneyso Caqliga xoroobay ee Qufilkii ku xirnaa ka furtay, kaasoo gartay inaysan Dunidu kala maarmeyn oo aan baahi loo qabin eegista kala duwanaanta Diinta, Dhaqanka, Aragtida iyo wax kastaba, taas badalkeedana loo baahanyahay in leys caawiyo si kastoo loo kala duwanyahay.

 

Waa war fiican, waxaadse ku nasiib darantahay, in Caqligaagaas xuroobay uu hal dhinac un wax ka eego, isla waxa uu eegay wax ka duwanna uu arko.

 

Islaamku wuxuu ku saleysanyahay Social Responsibility. Wuxuuna saldhiggiisaas soo degay 1436 Sano ka hor. Kitaabka alle-na waa ka meelo badan ku caddeeyay is-kaalmeysiga iyo isu naxariisashada.

 

Aadanuhu wuxuu Indhaha kala qaaday ogaalna yeeshay isagoo dhex jooga Dunidan baaxad wayn ee ku noolaashaheeda uu noocyada badan leeyahay. Hardan, hargal, hilloow, harraad, iyo habaasba way isugu jirtaa Noloshan, intaas iyo kasii badan oo dhib iyo dheef ah, farxad iyo murugo ah iyo lamaanayaal iskasoo horjeeda oo badanina waa lagu arkayaa.

 

Qof garanayaa ma jiro halkii uga horeysay halkan iyo meeshuu ka yimid. Hadana iyadoo sidaas loo dhex qotomo dunidan is burinaysa ee wanaagga iyo xumaantaba leh, ayuu qofiba maalin un si lama filaan ah u hayaamayaa, meel uu kusii jeedanaya ma garanayo, walibana hayaankiisaas isagu ogaal uma lahane dadkaa hayaaminaya, waana uu dhintay oo waa Meyd.

 

Waxaa hubaal ah, in Noloshan ay mugdiga iyo shakigu ku hareereysanyihiin aanay ahayn mid uu qofku kaligiis ku filanyahay inuu baahiyadeeda maareeeyo. Kama hadlayo Baahida jireed ee Dharagta lagu xalin karo, Baahida cilmiyeed ee barashada iyo garaad kobcinta lagu xalin karo, iyo baahiyada kalee Aadanaha awooddiisa lagu dabooli karo.

 

Waxaan ka hadlayaa Baahida aad u qabto inaad ogaato Timaadaada nololeed, iyo tagtadaadii horeba!!

Waxaad ku dhex guureyneysaa gudcur. Kamana fagsan kartid guureyntaas illeen socod baa kugu jira, halka aad joogtana kuma hakan kartid oo ma aha meel hoyaad iyo hargal aad ku heleyso.

 

Hadaba si aad socodkaas guureynta ah uga guul gaarto, ood gudcurkana u dhex qaaddo adigoo ka bad-qaba halaqa iyo halista kuusoo dhuuman karta, wuxuu Ilaahay kuusoo dejiyay Diin kaaga dhigan Ileys iyo iftiimin aad mugdiga dhexdiisa wax ugaga arki karto, markaasna aad socdaalkaaga si habsami leh ugu wadan karto illaa aad ka gaarto halkii ujeedka kuu ahayd.

 

Tani waa mas’uuliyadda bulsheed (Social Responsibility) oo Diintu ay gudanayso. Waayo haddii aanay taasi ahayn, ma jirteen sabab Aadanahan loogu jir-naxo oo tusaaleyn iyo tilmaam saxan loo siiyo si dhibta loogaga ilaaliyo.

 

Muslimka, wuxuu u taaganyahay wax –sheeg iyo waano. Sidaas buuna Ilaahay ku amaanay qofka Muslimka ah oo loogu suntay (Inuu yahay kan ugu qayrka badan Aadanaha, marba haddii uu wanaagga farayo xumahana reebayo).

 

Taas badalkeedana, waxaad adigu ka marqaati tahay, inay maanta meel qura ku wada caweynayaan oo tamashle wadaagayaan Nin heysta Diin Alle iyo Aakhiraba taqaan, asaan Islaam ahayn , iyo ku Diin-laawe ah (Atheist) oo Ilahay iyo Aakhiraba aan loo sheegi karinee aaminsan inay Noloshani iskeed u dhalatay iskeedna u dhammaan doonto.

 

Labadaas nin waxay cadaw ku yihiin oo ay dagaal mid ah ku qaadayaan Muslimka, xitaa haddii uu yahay Muslim nabaddii Diinta Islaamka lagu yaqiinay wada oo dadka samo la doonaya.

 

Sababta colkaas wada jirka ah loogusoo qaadayo hal qof maxay tahay? Waxay malaha dad badani ku jawaabi doonaan Muslimka ayaa qof qalafsan oo Umadaha kale ka horjeeda ah, sidaas baana loogu midoobay!!

 

May, jawaabta saxani taas maaha, ee waxay tahay; Muslimka inuu had iyo goor xambaarsanyahay Mas’uuliyadda Bulshada oo uu gudashadeeda darteed ceebey, colaadin iyo ciilba ugu dul-qaato. Mana rabo qofka Muslimka ahi inuu Mas’uuliyadaas isaga tago si uu u noqdo Qof qaata dhaqanka qof-qofeysiga (Individualism-ka) ee haddiiba aad adigu toosantahay ku faraya inaadan qof qaloocan waxbana u sheegin.

 

Way caddahay in Cilmiga casriga ah iyo nolosha casriga ah ay is burinayaan, marba haddii Mabaadii’da Cilmiga ku jira ee Siyaasadda loo adeegsado aan la waafajinayn Nolosha kale ee Siyaasadda ka fog, si u daneynta Aadanaha ay u noqoto mid dhinac kastaba taabanaysa.

 

Danta aadanaha oo lagusoo koobay dunida iyo ku noolaashadheeda waxay dabool saareysaa guuxa caqliga ee dalbanaya jawaab u helidda su’aalo badan oo la xiriira nolosha dunida, sida Dhalashada iyo Geerida oo aadanuhu uu had iyo goor arkayo, hadana uusan wax badan kala socon.

 

Ugu dambeyntii, intii caqli furan waxaa la gudboon inay iskeed ugu guntado baarista arrimahan aan sheegay, si ay uga gudubto harraad ay la asqowday ee cid ka waraabineysaa aanay jirin hadaanay qof waliba gacmaheeda ku biya-cabin.

 

W/qoray: Mohamed Abdullahi Abubakar (Dhaaley)

Mogadishu-Somalia

Facebook: https://www.facebook.com/mohamed.dhaaley

SHARE