Home Qoraallo Gefkeedii baa gar lagu siiyay! W/Q: Bashiir Cali Xuseen

Gefkeedii baa gar lagu siiyay! W/Q: Bashiir Cali Xuseen

0
SHARE

156585_10150852611965878_341235953_n

Gefkeedii baa gar lagu siiyay!

Dalku waa Norway goobta ay sheekadu ka dhaceysana waa magaalo madaxdiisa Oslo. 12:30 kii iyo barkii habeennimo, ayey irbad gooreysada saacadeed sii caga cageyneysay. Waxey aheyd saq dhexe xilli ay sii yaraaneysay shanqarta buuqa leh ee ka dhalaneysay is dhaaf dhaafka gawaarida faraha badan iyo jabaq yeermada sawaxanka leh ee ka soo baxeysay dad weynaha is dhex yaacayay ee magaalada ka sii hoyanayay. Dr; Zakariye, keligii buu dhex fadhiyay qol yar oo ciriiri ah oo ay degganaashihiisu ku cusbeyd, isaga oo weliba aad iyo aad u murugeysanaa!. Lugaha ayaa isu dulsaarnaa, aadna wuu u fekerayay oo gacanta iyo dhafoorka ayuu isku dul hayay. Xummaddiisa ayaa aad u kacsaneyd oo wejiga ayuu dhidid badan ka seyrayay, kaba sii darane mararka qaarkoodna ( Faruuryaha dibnaha ) ama bushimihiisa ayuu qaniinayay ciilka haya dartii!!!.

Waa iska xaal adduune Dr; Zakariye kursiga uu ku fadhiyay hortiisa waxaa ka muuqday miis yar oo ay dul saarnaayeen falaas ama tarmuus iyo koob yar oo uu ku cabbayay bun madoobe tiq ah ( Coffe ) iyo weliba haashtari sigaar fara badan lagu demiyay, taasoo ku dareensiineysa in uu wax badan maankiisa dagaal la xisaabtan ah kula jiray!!!. In cabbaar ah ka dib, Dr; Zakariye, fikirkii uu muddada dheer ku soo dhex jiray iyo qalbi ka sheekeyntii uur gubyada laheyd, waxaa ka kala gooyay oo dhegehiisa si naxdin leh ugu soo dhacay dhawaaqa reenka dawanka telefoonka ( Ring ring ring ) Dottoorku markiiba intuu si hal haleel ah u booday buu telefoonkii dhegta saaray isaga oo leh «Hallo waa kuma?». Hallo Dottoore, waa Xaaji Yaasiin qofka kula hadlaaya ee ii warran sidee tahay?. Haa Xaaji, walaalow aad baan u fiicanahay waanse yara mashquulay. Maxaa kugu dhacay, ma xanuun baa kuugu soo kordhay? Maya Xaaji, waan yara caajisay un mooyaane dhibaato kale ma jirto. Sxb, maanta ma aadan soo shaqo tagin caawana kumaan arkine see wax u jiraan?.

Yaasiin, telefoon kuugu ma sheekeyn karo xaalkuna mid sahlan maaha!. Dottoore waan dareemay in ay wax jiraan ee hadda ma gurigaadii baad joogtaa?. Maya xalayba ma aanan seexan gurigaasi baasi!. Oo maxaa dhacay ma safar baad gashay, mise xurguf baa jirta?. Maya maya ee boliiska ayaa i keenay meel aan seexdo!. Macnaha taa waxaan u fahmay « inaad i leedahay waa ley xiray, sow sidaa maaha?». Arrinku sidaa waa ka duwan yahay boliiskuna badbaado ayey halkan ii keeneen!. Dottoore ma dumaashidey baad isku dhacdeen, maxaa boliis meesha keenay?. Taasi waa sheeko dheer ee bal berri 9:30 halkan iigu imow. Ma saldhigga boliiska ayaan kuugu imanayaa? Maya hoteelka cagaaran ee qaxootiga la dejiyo qolka 24aad iigu imow. Cajiib !!!, waa yahay Dottoore waa inoo berrito, hadduu alle yiraa. OK …. By. Macsalaama.

Dr; Zakariye waa dhaqtar takhasus caafimaad leh oo in ka badan soddomeeyo sano iyo dheeraad waddamada carabta ka soo shaqeeyay, wuxuuna da’ yaraan ku soo guursaday afadiisa Aamina Luul ah oo ay jacayl qaangaaray iyo kalgacal isku guursadeen, muddo ka dibna wuxuu keenay dalka Norway oo ah halka uu isagaba ku nool yahay. Dr: Zakariye afadiisa Aamina Luul ah, waxey u dhashay wiil iyo gabar mataana ah, waxeyse noqotay mid iska beddesha dabeecadihii lagu soo guursaday iyo waajibaadkii lagu lahaa ee ku aaddanaa dhanka rag la dhaqanka iyo ixtiraamka seygeeda. Aamina Luul markii ay cusbeyd dumarkii wax ka soo dhoweeyay duruus ay u dhigaan bey xafidsan tahay, waxaana aad loo baray halkani ineysan Soomaaliya aheyn oo ay dumarku xuquuqo fara badan leeyihiin ragguna ay tahay in ay dumarka ka danbeeyaan. Waaba cajiibe, maxaa dhacay markaa, maxaase noloshoodii iska beddelay, ilbaxnimada cusub maxey reerka ku soo kordhisay?.

Maalin ka dib, sidii ay ballantu aheyd Xaaji yaasiin wuxuu soo aaday Hoteelkii cagaarnaa wuxuuna toos u soo abbaaray qolka 24aad ee uu saaxiibkii xalay u tilmaamay. Albaabka ayuu si aayar ah u garaacay isaga oo fartiisa dhexe ( dhag dhag ) ku siiyay. Waxaa markiiba ka furay Dr; Zakariye oo isaguna ballanta dhararsanaa, salaan kalgacaltooyo ayey isku jiideen iyaga shafka isa saarayay. Dr; Zakariye oo aanay ka muuqan faxaddii lagu yaqiinnay ayaa si hoose u yiri «saaxib ku soo dhowo meel aadan mudneyn in laguugu soo casumo!». «Waan dhowahay walaal, anoo weliba aad iyo aad uga xun inaan halkan kugu la kulmo» ayuu si khushuuc leh u yiri Xaaji Yaasiin oo saaxiibkii la murugeysnaa welise aan fahamsaneyn sartu halka ay ka qurunsan tahay!. Dr; Zakariye oo weli soo dhoweyntiisii ku guda jira ayaa saaxiibkii su’aalay « walaal maxaad cabbeysaa kuleyl iyo qabow midkii aad doontaba?». « Cabbitaan igamaba degayee wax un» ayuu Xaaji Yaasin dalabkiisa ku soo koobay.

Laba koob oo ah bun caana leh ( Cappochino ) ayuu Dr; Zakariye goobta soo dhigay, markaa ka dibna, waxaa u wada billowday is wareysi ku saabsan xaalka meesha yaal iyo wixii ku dhacay Dr; Zakariye ee ilmihiisii ka soo dhex saaray halkan ciriiriga ahna soo dejiyay.

Xaaji Yaasiin oo raba inuu si dhab ah u ogaada xogta qoyska, ayaa yiri « Saaxib warka hoos iigu dhig maxaa qaldan, sidee wax u jiraan?, ma dumaashidey baad kala tagteen?, maxaa halkan ku soo dejiyay oo arrintaada heer boliis gaarsiiyay, adiga oo weliba nin caan ah oo magaaladan oo dhan lagaa wada xushmeeyo?». « Runtii saaxiibkeeyow ragannimo rafaad bey mudatay iyo xad gudub, dumaashidaa weli ma aanan furin, laakin hab lagu la sii noolaa iiga ma harin, abaalkeedana ma ay sameysan, waayo inaan gurigeyga ka soo tago markii u horreysay maaha, oo laba jeer oo hore ayaa bacda bannaanka la ii dhigay oo aan qarsanayay markanina waa tii seddexaad, taa ayaana keeneysa inuu dulqaadka iga dhamaado intaasi ka sii badanna waan tabanayaa, mana fileyn iney sidani igu dhaceyso» ayuu ku cawday Dr; Zakariye oo ay indhihiisu ilmo ku soo istaagtay!. Xaaji Yaasiin oo aad u daneynayay inuu reerka isu maslaxo dottorkuna uu gurigiisii ku celiyo ayaa yiri « Dottoore adduunkani wax waliba waa ka dhacaanaad baanan uga xumahay sida ay wax kuu gaareen, laakin walaalkeeyow dumar waa carruur caga weyn ee samirka aan kaashanno igana oggolow inaan gurigii kuu celiyo». «Maya maya, taa ma oggolaan karo» ayuu Dr; Zakariye si murugo leh u yiri!. Xaaji Yaasiin ayaa mar kale su’aalay oo yiri « Sxb inta aad ii soo sheegtay maahee ma wax kale oo aad ka cabaneysaa jira oo kuu diidaya inaad gurigii iyo ciyaalkii dib ugu noqoto». «Dabcan haa» buu yiri isaga oo ay indhuhu casaadeen!. « Maxaad iiga sheegi kartaa» ayuu yiri Xaaji Yaasiin oo weli xog raadis ah.

Dr; Zakariye cunaha ayaa buuxsamay ciil dartii, wuxuu isku dayay inuu su’aashaasi jawaab u helo laakin afka wuu soo marin kari waayay, markaas ayuu candhuuftiisa dib u liqay, isaga oo indhihiisa ilmo ka sii tirayay, wuxuuna mar kaliya la soo booday « mama mio ma waxaasaa loo dulqaadan karaa!? Xaaji Yaasiin wuxuu is yiri «saaxiibkaa ciil buu la il daran yahay ee bal waqti uu ku nasto yara sii» si uu dareenkiisa kacsan u dego wuxuuna mar kale ku yiri saaxib bal koob biya ah cab oo is deji.

Dr; Zakariye wuxuu isu heystaa inuu sheekeynayo, laakin ereyada uu qalbiga ka leeyahay afkiisa ka ma soo baxayaan, wuxuuse ku hadaaqayaa « ma sax baa in ay xaaskaada kugu tiraahdo adoo rag kuu soo martiyay la jooga « waryaa codkaada iga gaabi khad baan ku jiraa oo dumar saaxiibadey ah baan la hadlayaaye!!!» Taa ma u dulqaadan laheyd!? Ma dow baa adoo rag asxaabtaada ah la sheekeysanaya iney afadaadu si anshax la’aan ah kuu tiraahdo « War kaalay ilmaha xafaayadda ka soo beddel hablo marti ah baa ila joogee» adigu taa ma qaadan laheyd?.

Ka warran ooridaada oo dumar kale dhex fadhida haddeey kugu tiraahdo « Waryaahee shaah noo keen marti baa ila joogtee!!!, adigu taa ma yeeli laheyd?. Sidoo kale aabbahaa iyo hooyadaa waxba loo diri maayo anna hooyadey iyo aabbaheyba waa la biilayaa, ma taasaad qaado i leedahay, maya diiday taas wallee inaanan kaa yeeleyn!!!!. Dr; Zakariye isaga un baa qalbiga ka sheekeynayay, wuxuuna is moodayay in la maqlaayo laakin afkiisa cod kama uusan soo baxeynin, markaa Xaaji Yaasiin oo aad u yaabban baa weydiiyay « Walaal horta aad baad u careysan tahay ee bal is deji, teeda kale adiga iyo xaaskaaga wax kastaba ha idin dhex maraane maxaa arrinkiinna Boliis soo dhex geliyay?».

Xaaji qoftani kabaheeda ayey igu la dul socotay oo waxba ii ma ay reeban, waa abaallaay xataa dhaqaalaheygii burburisay, waayo usbuuc waliba waxey u baahan tahay diric baac weyne ah iyo naash naashkiisa, maxaa yeelay xaflad waliba kalyanti bey ka tahay sida: Xafladaha aroosyada, xafladaha shaash saarka, xafladaga soo dhoweynta, xafladaha sii sagootinta, xafladaha muusig tumashada iyo xafladaha ka meyro wixii ku soo maray intaba, waxeyna toddobaad walba ii soo garaaceysaa 5ta subaxnimo, taasi ayaan dhibsaday sababtaa darteed ayeyna boliisku noo soo dhex galeen, sababta oo ah markaan yara canaatay ayey isku dayday in ay i dharbaaxdo markaasaan gacanteeda iska qabtay dhanna isaga tuuray, markaa iyada u yeeratay Boliiska!. Xaaji yaasiin oo weli yaabban baa weydiiyay « sidee leydin kugu gar naqay?».

Xaajiyow wax badan baan degmada iyo Boliiskuba u dacwooday arrinkeygana u faah faahiyay, laakin jawaabaha ay i siiyeen, waxey ahaayeen «iyadaa gar leh ee amarkeeda raac ama guriga isaga tag» taa ayaana ugu danbeystii bacdeyda bannaanka soo dhigtay?. Dottoore, sidan ku ma anfaceyso ee haddii aanad i raaceen oo aanad gurigii ku noqoneyn maxaad damacsan tahay, maxaase kuu go’aan ah oo aad ku dhaqaaqeysaa?.

Xumihii ay gashiyo

Gefkii ay sameysay

Haddii loogu garaabay

Gartana lagu siiyay

Anshax darro ma geeyee

Dalkii baan guddoonsaday

Gulufkeygu waa sidaa

Inaan berri guura oon

Tigid goosto weeyaan

Gurigeygu waa halkaas

Godob baase meel taal!

Dhammaad.

Bashiir Cali Xuseen

Barbaariye@hotmail.com

SHARE