Home Qoraallo FANKU WAA FARRIIN! W/Q:Mohamed Musa Shiikh Noor

FANKU WAA FARRIIN! W/Q:Mohamed Musa Shiikh Noor

0
SHARE

Nor1

Fanku waa fariin gudbin nuucyo kala gadisan loo gudbinayo farriimaha markaa la sido, waana wax kasoo maaxda Maskaxda Qof markaa Dareen tabanayo nuuca uu doono ha ahaado dareenkiisa, mararka qaarna waa mid la isugu tirsho Amaan iyo Eedo dhinacyo badan ku kala imaan kara.

Ujeedada dhabta ah ee aan rabo maanta in aan uga hadlo Qoraalkan Fanka ku saabsan ma ahan in aan idinku baro fanka macnihiisa iyo inta qayb ee uu u kala baxo, ee waxaan doonayaa oo kaliya in aan idin tusaaleeyo in fanku uu ka waynyahay sida Dadka qaarkii u isticmaalaan uuna ka mid yahay Dhaxalka ay umad yeelan karto.

Dhaxal marka laga hadlayo waa wax lagala haro qof sii galbanaya, waxaas oo noqon kara wax lagu intifaaco aakhirka dambe, ama noqon kara wax aan lagu intifaacin ee umadda u sii horseeda dhibaato iyo jahwareer kale oo markaa noqda cashar wax laga barto, taas oo la dhihi karo waxay ku xirantahay qaabka dhaxalkaas loo xifdiyo, ama looga fiirsado marka lala wareegayo.

Soomaalida waa Dad lagu tiriyo in ay yihiin hal abuurayaal ku dabaqa fankooda dhaqankooda, ama qaab nololeedka ay u nool yihiin, tilmaantaas marka la bixinayayna waxay ahayd mar la daganaa Dhulkii hooyo, ninka wax allifaya ama maskaxdiisa la maalayana uu ahaa Nin Aqoon u leh waxa uu ka hadlayo ama uu umadda u gudbinayo.

Hal abuurada Soomaaliyeed, kuwii hore ayaan ka hadlayaa, waxaa la oran karaa waxay ahaayeen kuwa gutay waajibkooda Abwaanimo ama Shaqsinimo, marka loo eego qaybta Bulshada ay ka tabaysay, waana kuwa ku cabiray fankooda dhinac walba oo ku saabsanaa Nolosha markaas aan la tacaalaynay.

Fanka waa sida Warbaahin oo kale oo dhawaq aad dhawaaqdo ayaa wuxuu saamayn balaaran ku yeelan karaa Malaayin qof oo ku kala sugan xaalada kala duwan, qof walbana dhawaqaaga wuxuu u dhadhansan karaa sida uu markaa isagu doono, muhiimadda ayaasa ah in dhawaqaada uu mar walba yahay Faa’iido ay umaddu ku nasato waxna ka hesho.

Abwaanka mar walba shiilaya maskaxdiisa ee jecel in waxa ku jira ama ka guuxaya Dareen ahaan in uu umadda u gudbiyo, si dareenkaas kasoo bilowday Shaqsiyaddiisa uu u noqdo Dareen guud oo ay Umad dhan wada yeelato, Nafciga laga helana si guud loo wada maalo, waa middaas midda lagu yiqiin Abwaanadeedana Soomaaliyeed.

Marka uu Allaah kaa dhigo Abwaan ama Maskax-maal, waa in aad garataa in uu ku saaran yahay Xil aad u wayn laguuna dhiibay ama lagugu aaminay wax umadda dhan lagala leexday oo Dad qaas ah ama kooban oo aad adiga Abwaan ahaan ka mid tahay lagu mannaystay xikmaddaas, lana doonayo in aad uga soo baxdo si Masuuliyad ku jirto oo aadan Umadda u horseedin Waddo Mugdi ah oo aan Mustaqbalka dambe la mahdin.

Abwaanku waa iska Bani aadam, in kastoo Rabbi Xikmad ku mannaystay, hadana ma ahan mid xikmaddiisa ku koobi kara dhinac walba ee waa mid mar walba ku eg waxa uu arko iyo Deegaanka uu joogo ama ku nool yahay waxa uu kala kulmo, iyo waxa uu maqlo oo markaa uu ka cabiri karo wax kale ama wax ka yimaada dareenkiisa gudaha, intaas ayaa la oran karaa waa u Saldhig waxa uu abwaanku soo tufo markaana uu gudbin karo.

Abwaanada lagu yaqiin fanka Soomaaliyeed marka aad u fiirsato waxay ahaayeen kuwa ku noolaa Dhulka Miyiga ama ka yimid xagaas, mar walba oo ay wax cabirayaana waxaa laga garan karay qaabka ay wax u cabirayaan, maxaa yeelay Dhulka Miyiga mar walba waa meesha ay taalo Nolosha aan la mala awaalin ee dhabta ah, Qof walba oo Garaad iyo Caqli lehna waa meesha loo nisbeeyo, waana meesha fitnada ku salaysan Colaad Beeleedyada ay kasoo askumaan.

Bulsho walba marka laga hadlayo dhinaca Qabyaaladda ama Xoolaha la kala dhaco, ama Dagaalka ku salaysan Deegaanka, uu mar walba ka soo askumo Dhulka Miyiga ama Baadiyah, Sugaanta Soomaalidana marka aad si dhab ah oo hoose u  eegto waxaa kuu muuqanaya in saldhig ahaan halkaa ay ka soo duuli jirtay inta ay Magaalada soo galin lana casriyeen oo Music iyo Qalabka kalaba aan la saarin.

Dunida waa mid mar walba gadaal u wanaagsan, dadkuna waa kuwii hore, oo Jiilba Jiilka uu dunida uga soo horeeyay wuu ka wanaagsanaa marka xaqiiq ahaan laga hadlayo, dunidase taas waa ka duwan tahay oo waa mid Maalin walba horumar samaynaysa, wanaag ahaan, bilic ahaan, iyo Nolol ahaanba, balse, Dadka marka aad u fiirsato kuwooda wanaagsan, waa kuwa mar walba sii galbanaya amaba sii dhacay, tusaala gaaban adiga aqrinaya qoraalkan maanta meel ma isla dhigi lahayd Jiilkii noolaa 25 sano ka hor iyo Jiilka maanta nool, wax tar ahaan iyo Caqli ahaanba, jawaabta in ay maya tahay ayaan u gartay.

Fanka soomaliyeed ee aan naqiin wuxuu ahaa mid diiradda lagu saari jiray hadba baahida markaa Bulshada ay qabtay haddii ay ahaan lahayd dhanka Nabadda ama  ka wacyi galinta wax markaa bulshada dhibaato ku ahaa ,ama u wacyi galinta wax markaa la doonayay in lagu dhiirado, sidoo kale waxaan meesha ka marnayn in marka la doonayo in la sameeyo Suugaan wadaniyadeed oo uu Waddanku u bahanyahay ama markaa dagaalo lagu jiro, in Abwaanadeena ay hiil  la garab taagnayeen qaybta markaa u baahnayd in Bulshada laga dhiiri galsho.

Dhanka Caafimaadka marka loo baahdo sugaanteena waa lagu cabiri jiray, dhanka Jacaylka kama marnayn oo si asturan oo xikmadaysan ayaa loo cabiri jiray Duruufaha Jacaylka ee uu markaa soo maro, Abwaanka wax curinaya xaga Qabaa’ilka Iyana waxbaa laga taa taban jiray, dhinac walba ayaa la oran karay sugaanteena waa lagu cabiray, xitaa dhanka Ciyaaraha lagama tagin iyo Waxbarashada.

Hal mid ayaa jirtay laakin, taas oo ahayd in mar walba bidhaanta ka soo baxaysay Dumarka ku jiray fankeena mar walba waxaa saamayn ku lahaa qaab labiskooda Dhaqamada Galbeedka ee aan lagu amaanin Diinteena iyo Dadnimadeenaba, mar walbana qaawanaan ayaa jirtay, inkastoo la oran karo ma wada ahayn Fanaaniinteena oo dhan ee waxaa jiray kuwa aan ku talax tagin labiskaas qaawanaanta ah, balse, xaga Adaabta iyo Xushmaynta dhaqanka mar walba waa jirtay, Fankuna wuxuu ahaa mid Soomaaliyaysan, oo dhanka u ekaanta Fan Soomaaliyeed ay ahayd lama taabtaan, micnaha waxaa ka marnaa in la matalo ama lagu daydo Fananka kale ee ka jiray Dunida.

Markii ay dhacday Nasiib darradii sababtay in Waddanku uu bur buro,  waxaa hakad galay Fankii Soomaaliyeed, maxaa yeelay waxaa abuurantay xaalad adag oo qof walba oo Soomaali ah uu u wajahayay dhankiisa, mana jirin markaa Marxalad uu inta Abwaanku fadhiisto ku cabiri karay, oo wuxuu ku jiray Orod iyo Hardan kale oo markaa nagu wada cusbaa qaabka loo wajahayana ay nagu ahayd wax aan hore loo baran, taas ayaana la dhihi karaa waa sababta koowaad ee keentay hakasahada fanka, maxaa yeelay Nin ordaya oo meel uu ku harsada aan lahayn wax ma cabiri karo, hadduu wax cabirana waxay noqon orodkiisa iyo hardanka uu wajahayay, taas oo runtii marka la eego aan macna badan suubin karayn.

Waqtiga wuu dheeraaday inta lagu jiray hardankaas adag ee dhinacyada badan, Abwaaniinta iyo Fanaanintana waxaa qabtay Cimri iyo Geeri oo ma jirin 25 kii sano ee la soo dhaafay Abwaan  dhab ah oo u soo baxay Umaddan, Fanaanin way jireen ilaa haddana way jiraan, wayna jiri doonaan, balse, fanaanka waxaa ka muhiimsan Abwaanka, maxaa yeelay Maskax shiilid haddii aysan jirin Ninka dhawaaqayo (fanaanka ) dhawaqiisa macna ma yeelanayo, Qof hadduu rabo in uu dhawaaqana wuu dhawaaqi karaa iska dhawaaqse macna ma suubiso.

Xiligii Sagaashamaadkii ayaa mar qura waxaa soo wada butaacmay Musici Casri ah oo lagu laray Codod Cusub, balse, Miraha nasoo gaaraya waxay ahaayeen Mirihii hore ee aan haysanay, micnaha heesihii hore oo la soo wada cusboonaysiiyay, taas oo runtii Dhaliil xoogan loo jeedshay Fanaaninta markaa ku luuqeenayeen, kamana marnayn ayaa la oran karaa fanaaniintii hore qaarkood oo boorka inta iska soo jafeen kusoo luuqeeyeen Heesahoodi hore oo Music Casri ah la saaray.

Wixii markaa ka dambeeyay fanku kala go’ ma lahayn oo waa socdeen Heesaha illaa markii dambe loo gudbay heer laga tago in la soo cusboonaysiiyo heesihii hore oo lala yimaado Heeso cusub oo Nuxurkooda dhaliil ba’an loo jeedshay.

Dhaliisha mar walba waa jiraysaa oo lama sheegin wax inta ka yimaadeen qof Bani aadam ah aan la dhaleeceen, waxaan uga jeedaa Abwaanada cusub ee waayadan noo alifa heesaha lagu beer gooyay Muusiga Casriga ah ee qaatay nuxurkii laga dheehan lahaa Heesta.

Abwaanada hadda wax curiya ayaa u badan kuwa ku koray ama Muddo Fog joogay Qurbaha, iyo kuwa ku haray Waddankii ,oo jugta iyo Jabaqa Rasaasta dhacaysay ku koray, iyo kuwa ku dhashay firxadkii marka hore la firxaday oo ilaa hadda ayagana meel aan haysan,  dhamaantoodna waxaa la oran karaa waxay is dhaheen guta waajibaadka idin saaran, balse, waxaa Su’aal mar walb ka taagantahay qaabka ay u guteen waajibka ay isi saareen.

Maadama aan horey u iri Ninka Abwaanka ah waxa kasoo baxa Maskaxdiisa waa farriin u gudbaysa Jiilal waqtigiisa jira iyo kuwa imaan doonaba, waxaa wanaagsan in farriinta la dirayo ay noqotaa fariin dhaxal wanaagsan leh oo loo aayo sida Abwaanadii horaba ay inooga tageen Shaxal lama ilaawaan ah, sida Astaanta Calanka Soomaaliya, Heesaha Caafimaadka, kuwa Gumaysi la dirirka ah, iyo kuwa Waxbarashada ku salaysan, Jacaylka naftiisa qaabka ay u cabireen wuxuu mudan yahay in looga daydo, maadaama uu ahaa qaab asluubaysan xikmadna laga dheehan karay.

Hadaba kuwa maanta sida aan soo sheegayba fanaanka wuxuu wax ku cabiraa Dareenkiisa iyo Maqalkiisa iyo Muuqaalka uu markaa arko, hadaba Nin marka uu soo tooso arkayo nin iyo naag isku dhagan, Filimka uu maalin walba eegana uu yahay Filim ku salaysan Shahwo doonis, maqalada ay dhagihiis maqlaana ay yihiin Erayo lagu macaanaynayo doontisa shawadaas, soo lama oran karo markaas waa sababta maanta aan u wajahayno Heeso Anshaxeena,  Dhaqankeena, Diin iyo dadnimaba aan la jaan qaadi Karin? Nolosheenana ay caadi u noqotay in aan wajahno Saacad walba ama Sakan walba wax aanan asal u lahayn, dhaxalna aanan noo reebayn.

Fanaanka maanta hadduu rabo in u fanaan noqdo wax ka hor taagan ma jirto, wax Tafa tiraya hadalka uu ku hadlayo ma jirto, Kaamirada uu isku qabanayo isaga ayaa leh oo Xor u ah, xilliga uu rabana wuu soo galin karaa Baraha ay Bushada ku kulanto, marka maamulkii Fanka oo dhumay ayaa waxaas oo dhan leh sababtooda..

Bal u fiirso Hees walba oo la soo saaro Nuxur ma lahan, xitaa Eray bixinta Afka Soomaaliga waa ka aradantahay, kan soo alifay iyo kan ku luuqaynayaba waxba isma dhaamaan, wax walba waxay noqdeen iigu dar hala iga maqlee Caan aan noqdee, Qofka sidaas Fakarkiisa ku egyahya waa Qof ka fakaray Naftiisa baahida ay xilaag tabayso, ee ma ahan qof u naxay dhaxalka dambe ee Jiilkeena, Dhaqan xumada iyo qaabka maanta wax walba loola jaan qaadayana cawaaqib xun ayay bixinayaan.

Hadaba  wali lama daahin, Caana daatana daba qabad inta ay leeyihiin Rajo ayaa jirta ah in dib loo cabo, dhaawac Fankeena wuu soo gaaray walina Dhayis waa leeyahay sida aan qabo, ee hala daba qabto ayaan oran lahaa.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHARE