Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.22aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.22aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Deeqa Bashiir waxay habeenkaa seexatay ayadoo faraxsan, subaxdi oo jimca aheyd ayay soo aaday Biibitadi reer Xuseen, waxay ugu timid Caasha oo kaligeed joogta, Biibitada waxaa subaxdi furi jirtay hooyo Khadiijo oo aan maanta furin, waxaana dhakhtarka u weday Aabe Xuseen inkastoo ay hooyo Khadiijo diidaneyd, ayadoo ku doodaysa in xalay loo soo iibiyay daawo ku fiican qofka gubta, Aabe Xuseen ayaa ku qanciyay: “waxaan daawada soo tuseynaa dhakhtarka, si uu noogu sheego inay tahay daawo ku fiican qofka gubta iyo inkale, haddii aanay aheyna uu mid kale noogu soo qoro” sidaa daraadeed ayay hooyo Khadiijo ugu raacday inay soo qanciso odaygeeda ka naxaaya.

Xuseen iyo Khadiijo waxay isqabaan muddo 26 sanadood ah, 13 kamid ah waxaa lagu wada noolaa dagaal iyo buuq joogta ah, dhowr goor ayay hooyo Khadiijo ka tagtay gurigeeda oo ay aaday reerkooda, intaana waxaa lagu soo celinaayay si dhib leh, 13kaa sanadood wuxuu reerku ku dhisnaa dulqaadka Aabe Xuseen, 13ka kalana wuxuu ku dhisan yahay dadaalka iyo samirka hooyo Khadiijo oo ku talagashay inay ninkeeda ugu samirto karaankiisa iyo inay kaalmeyso oo kabto nolosha qeyska, waayoo waxay aragtay inuu Xuseen jecel yahay xaaskiisa iyo carruurtiisa, welibana uu yahay nin aan ka badneyn shaqadiisa iyo gurigiisa, waxay aragtay inuu ayada kala tashanaayo tallaabo kasta uu qaadaayo, hooyo Khadiijo waxay Xuseen kula dagaali jirtay wax aanu awoodin iyo inuu ka celiyo markay carruurta dileyso, kuwaasoo ay mararka qaarkood u garaaci jirtay asaga daraadiis, ayadoo rabta inay asaga daandaansato, wiilka ama gabadha ay tumeysana uu Aabe u carari jiray si uu uga celiyo, waxaa kaliya oo aan Aabe u ordi jirin Xasan oo fahamsanaa inay isku qeylinaayaan Aabe iyo hooyo, haddii uu Aabe ka megen galo usha hooyo ladheceyso, taasoo uu Aabe Xuseen aad iyo aad u dhibsado ooyinta carruurtiisa laga ooysiinaayo, waayoo weligiis madharbaaxin cunug uu dhalay, laakiin hadal dharbaaco ka kulul ayuu ku yiraahdaa canuga uu canaananaayo, kadibna wuu u caqli celiyaa, inta badana wuu lasheekeystaa carruurtiisa markuu shaqada ka yimaado, waayihi hore wuxuu ka kaalmeyn jiray duruusta loo soo dhigo, ilaa uu howshaas kala wareegay Macalin Maxamed oo ku sii wareejiyay Xasan oo howshaas gabay markay xaafadda soo degeen reer Saxardiid oo uu gurigooda ku jeclaaday inuu luqadda Ingiriiska ka barto wiilasha ka yimid Mareykanka iyo inuu Busaad baro sirta waxbarashada uu asagu ku aflaxay, Busaadna markii ay tijaabisay ay aragtay inay sannadi hore kaalinta labaad u gashay asaga, Busaad waxay Xasan ka heshay qaab aad iyo aad u sahlan oo uu qofku wax ku baran karo, asagoo aan had iyo goor wax akhrin.

Aabe Xuseen wuxuu ku soo qancay dhakhtarki oo u soo sheegay inay fiican tahay bamaatada hooyo Khadiijo loo mariyay iyo inay marsato laba jeer maalinti ayna iska illaaliso biyaha ilaa muddo sitimaan ah, hadalada uu dhakhtarku ku yirina waa kuwii uu Caydaruus xalay ku yiri oo aan waxna lagu darin, waxna laga dhimin, hooyo Khadiijo waxay fiirisay odaygeeda oo agtaagnaa kursiga ay ku fadhiday markuu dhakhtarku fiirinaayay gacanteeda iyo daawada ay isticmaaleysay, markay cisbitaalki ka soo bexeen ayuu Aabe Xuseen waydiiyay: “wiilka xalay kuu soo gaday daawada, ma wuxuu bartaa dhakhtarnimo?” hooyo Khadiijo ayaa ugu jawaabtay: “Caashaa ii sheegtay inuu jaamicad dhigto, laakiin wuxuu barto ma aqaan” Aabe Xuseen ayaa waydiiyay: “maxaa isbaray Caasha iyo wiilkaas?” hooyo Khadiijo ayaa u sharaxday siday isku barteen Caasha iyo Caydaruus, markaa ayuu ku yiri: “gabadha il gaar ah ku fiiri, waayoo marabo inuu nala xidido wiil Jaad cuna” hooyo Khadiijo ayaa ku tiri: “Rabbi wax kheyr qabo hakeeno, annagu ma naqaano cidda albaabkeena soo garaaci doonto iyo cidda aan soo garaaceyn, laakiin shar iyo shaydaan Allaha naga haayo” Aabe Xuseen ayaa yiri: “Aamiin yaa Rabbi, walaasheey waa qalbi fiican tahay, ducadaana Rabbi waa noo aqbalaa, markaad kurbootana kurbada waa naga feydaa” kadib hooyo Khadiijo waxaa lakeenay gurigeeda si ay uga nasato shaqada Biibitada oo u badan koobab ladhaqo.

Deeqa Bashiir waxay Caasho waydiisay inay Maxamed u sheegtay arrinteeda, Caasha ayaa ku tiri: “xalay ma ii imaanin Maxamed, waxaana beddelkiisa ila joogay Xasan oo ay hooyo ii soo dirtay, markaan guriga tegayna wuxuu Maxamed lajoogay Aabe iyo hooyo oo markii aan u galay igu yiraahdeen: (Caasha waxaan wada hadleynaa walaalkaa Maxamed ee adiga qolkaaga aad) sidaa daraadeed fursad aan ugu sheego farriintaadi uma helin, waayoo doodoodu waxay qaadatay wakhti badan, wax aan kala socdana majiraan wixi ay ka wada hadlaayeen oo aan ka aheyn inay Hooyo iyo Aabe rabeen inuu Maxamed guursado, balse ay isku afgaran waayeen gabadha lala rabo oo ah gabar Abtigeey dhalay oo aad u yar, ugu dambeyntiina waan hurday ayagoo weli wada hadlaayo, saakana waxaan Biibitada soo aaday walaalaheey oo jiifaan” Deeqa ayaa tiri: “aad ayaan ugu farxay guurka macalinkeeyga, haddii uu ogolaadana waxay ii noqoneysaa fursad aan hadiyad ugu keeno, ugana soo qeyb galo arooskiisa” markaa ayuu albaabka ka soo galay Macalin Maxamed.

 

La soco. ……..22aad.

Qoraaga kala xiriir xaayoow09@hotmail.com

 

SHARE