Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.23aad W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.23aad W/Q. Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Doodi dheereyd oo xalay dhex martay Maxamed Xuseen iyo waalidkiis, waxay ku soo dhammaatay in Maxamed uu layimaado gabadha uu guursanaayo muddo lix bilood ah gudeheed, muddadaas oo ah inta ka harsan xiritaanka dugsiyada, haddii kalana loo doono gabadha uu Abtigiis dhalay, hishiiskaas oo uu Maxamed aqbalay asagoo aan ogeyn cid uu ku beddelanaayo gabadha Abtigiis, waayoo niyadiisa kuma jirin inuu hadda iyo wakhti udhow uu guursado.

Markuu Biibitada soo galay wuxuu isha ku dhuftay Deeqa Bashiir oo taagan maqalka Biibitada, markaana waxay lacag ka qaadaysay wiilal wax ka cunay oo u dhiibay 10 shilin, mid ka mid ah wiilashana ayaa Caasha waydiiyay inay gabadhaan walaasheed tahay iyo in kale, Caasha ayaa ugu jawaabtay: “waa walaasheey” kadibna ayuu wiilki ku yiri: “walaashaa kula dhalatay miyaa? mase waa walaashaa uu walaalkaa qabo?” Deeqa ayaa tiri: “maxaa kaa galay waxaan isu nahay!” kadibna intay u soo taagtay lacagti baaqiga aheyd ayay ku tiri: “qabso baaqigaaga” wiilki ayaa ku yiri: “baaqiga maqaadanaayo ilaa aan ogaado waxa aad isu tihiin adiga iyo Caasha” Maxamed wuxuu u yeeray walaashiis oo koobabka dhaqeysay, wiilashina markay Maxamed arkeen ayay lacagtoodi qaateen oo iska bexeen, markaa ayuu Caasha ula baxay bannaanka wuxuuna ku yiri: “gabadhaan maxay halkan ka soo doontay?” Caasha ayaa tiri: “waxay rabtay inay adiga kula kulanto” Maxamed ayaa yiri: “soow Xasan uma sheegin farriinti aan ugu faray?” Caasha ayaa tiri: “ma aanay kulmin ayada iyo Xasan, sababtoo ah Xasan wuxuu xalay aaday aroos” Maxamed ayaa ku yiri: “hadda waxaad u sheegtaa inay mar dambe isoo raadinin ayada iyo saaxiibteed, mar dambana yaan Biibitada ugu imaanin ayadoo kula joogta” markaa ayuu ka dhaqaaqay.

Caasha waxaa ka soo haray yaab, waxayna sii fiirisay walaalkeed oo sii socda, waxay garan wayday siday Deeqa ugu sheegeyso go’aanka walaalkeed, markay Biibitada ku soo laabtay ayay Deeqa waydiisay Maxamed inay u sheegtay arrinteeda iyo wuxuu ka yiri, Caasha ayaa tiri: “wuxuu yiri muhiim maaha inay iraali geliyaan ayada iyo saaxiibteed, sidaa daraadeed waxaad u sheegtaa inaan raali ka ahay, balse ay dhib igu tahay in laygu arko ayada oo ila taagan” Deeqa ayaa tiri: “waan ogahay xumaanta kala gaartay Maxamed iyo reerkeyga, wayna dhici kartaa inuu sidaa daraadeed uga baqaayo lakulankeyga, laakiin waxaan aaminsanahay inaan dhammeyn karo cuqdadda kala dhex gashay asaga iyo reerka” Caasha oo hadalki ku xirmay ayay Deeqa tiri: “aniga ayaa u sheegaya inuu dhib ka imaaneyn reerkeega ee hadda malaga yaabaa inuu aaday gurigiina?” Caasha ayaa tiri: “waa laga yaabaa” islamarkiiba Deeqa waxay isu diyaarisay inay aado guriga reer Xuseen, Caashana way ka aamustay oo waxba kuma darsan.

Guriga waxaa joogtay Busaad oo soo salaameysay hooyo Khadiijo oo ay maqashay dhibka gaaray, markay Deeqa albaabka soo garaacdayna waxaa ka furay Xasan oo ku soo dhaweeyay: “Deeqa waxaan ka xumahay inaan shalay galab ku sugi waayay” Deeqa ayaa tiri: “waan kaa soo daahay, waana maqlay inaad aroos aaday” markaa ayay gudaha soo gashay Xasan oo rabay inuu wax walba albaabka ugu sheego, laakiin Deeqa Bashiir waxay aaminsaneyd inuu Maxamed guriga joogo, markay gudaha soo gashay ayay tiri: “hooyo sidee noqotay?” Xasan ayaa ku yiri: “way roon tahay” Deeqana waxay abbaartay halka sariirta loo dhigay hooyo Khadiijo oo ay ag fadhido Busaad, waxaa Xasan mucjiso ku noqotay inay Deeqa dhinaca ka fadhiistay sariita hooyo ku jiiftay oo ay lugaha u riixriixday ayadoo ku leh: “hooyo macaan sidee xanuunkaagu yahay hadda” hooyo Khadiijana ay ku tiri: “gabadheydi waa fiicanahay hadda” kadibna waxaa lays baray Deeqa iyo Busaad, markay sheekeysteen oo ay Busaad u tilmaantay gurigooda ayay Deeqa tiri: “gurigaas waa guriga la iiga soo tilmaamay gurigaan, inkastoo ay walaashaa diidaneyd, haddana walaalkaa ayaa ii soo tilmaamay” Busaad oo rabtay inay ogaato dadka ay ka hadleyso, ayay Deeqa u tilmaantay Suleymaan iyo Sureer, markaana way fahamtay sababta ay habaryarteed ugu diidaneyn gabadha yar inay u sheegto guriga Maxamed Xuseen, kadibna waxay aad u fiirisay Deeqa oo ay ku qiyaastay inay ku da’ tahay ama kaba yar tahay gabadha uu Maxamed diidan yahay inuu guursado, arrintaa oo uu Xasan u sheegay, ayadana ay habaryarteed u sheegtay si haddii ay rajo ka leedahay ay uga faa’iideysato fursadda lixda bilood ah ee uu Maxamed haysto, balse waxaa u muuqatay inay Sureer ku guuldareysan doonto haddii ay tartan lagasho gabadhaan yar, kadib waxay Busaad ku fekertay inay baarto caqliga Deeqa Bashiir inuu gaarsiisan yahay inay Maxamed ku qancin karto inuu guursado, asagoo midda ku da’da ah ku diidan inay carruur tahay, markaa ayay Deeqa waydiisay: “Deeqa meeqa sano ayaa jirtaa?” Deeqa ayaa tiri: “dadku waxay yiraahdaan caqligaagu wuu ka weyn yahay da’daada, laakiin waxaan jiraa 14 sano, sidaa ay tahayna muuqaalkaygu waa 16 ilaa 17 sida la iigu sheego” markaa ayay Deeqa qososhay, hooyo Khadiijo ayaa tiri: “gabar caqli leh inaad tahay, waxaa markhaati u ah sidaad khaladkaagi u saxday” Busaad ayaa dooday: “qof caqli leh maba khaldamo” Deeqa ayaa tiri: “waa runtaa inuu qof caqli leh aanu khaldamin, hadduu khaldamana inuu saxo ayaa meesha ku jirta, waayoo ibnu Aabamka wuu khaldamaa, laakiin doqonta ayaan khaladkeeda ka soo laaban” hooyo Khadiijo ayaa Deeqa ku raacday, kadib ayay furtay muhimadi ay guriga u timid oo ah lakulanka Maxamed, waxaa loo sheegay inuu Biibitada aaday, markay Deeqa u sheegtay inay halkaa ayadu ka timid iyo inuu Maxamed guriga xagiisa ka soo aaday, ayay hooyo Khadiijo ku tiri: “salaada jimco kadib ayuu imaanaa” Deeqa oo aan awood u laheyn inay gurigooda ka maqnaato muddo intaa la’eg ayaa tiri: “Macalinkeeyga anigoo aan arkin muddo sanad iyo bar ku dhow, ayaan daqiiqado ka hor ku arkay Biibitada, laakiin nasiib xumadeyda waxaa markaa imashquulinaayay wiilal aan lacag ka qaadaayay, asagana intuu Caasha bannaanka ula baxay ayuu iska soo tegay, waxaana uga soo daba baxay inaan gurigiisa kula kulmo ugana cudur daarto khaladki aan ka galay, si uu iiga cafiyo khaladkaas iyo inaan reerkeeyga u sheego arrinta runteeda oo aan ka saaro cuqdadda kala dhex gashay, balse waxaa ayaandarro ii ah inaan fursadaas weli la’ahay” Deeqa inti ay hadleysay Busaad ayadoo dhabanka haysata ayay afkeeda fiirineysay, Xasana markuu hadalkaas maqlay, wuxuu lalaabtay farriinti xumeyd ee uu Maxamed ugu reebay, wuxuu gartay inay Caasha u sheegin fariintiisa iyo haddii uu Maxamed ugu faray farriin lamid ah, ayna suuragal tahay inuu Caasha ugu faray.

Hooyo Khadiijo ayaa waydiisay: “Deeqa intee degan tihiin?” markay Deeqa u sheegtay inay Howlwadaag degan yihiin, gurigoodana aanu sidaa uga fogeyn guriga ay ka iibsadeen Eedo Xabiibo, markaa ayay hooyo Khadiijo tiri: “nawadi waxaan kuu raacaa gurigiina si aan reerkaaga uga soo mahadceliyo wanaagi aad noo sameysay” Xasan ayaa yiri: “hooyo waad xanuunsan tahay ee iska joog, annaga ayaa reerka u soo mahadcelineynee” hooyo Khadiijo ayaa ku dooday: “lugaha ima xanuunaayaan, waana socon karaa, waxay gabadhaan yartaa garatay oo ah inay wanaajiso xiriirka labadeena qoys oo gaaray isnaceybka, ayaan garan waynay inaan uga mahadcelino xaqa ay gabadhoodu soo daahirisay, ma aheyn inay ayada nala soo doonato raali gelin, ayadoo madaxeena dhulka ka qaaday”.

 

La soco. ………24aad.

SHARE