Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.26aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.26aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Hooyo Ruquyo waxay ka xumaatay nabsiga ay gabadheedu ka gashay Macalinkeeda iyo carada ay kala kordhacday reerkiisa markaa ayay gabadheeda waydiisay: “maxaa kugu kallifay inaad sameyso intaas oo xumaan ah?” Deeqa Bashiir ayaa tiri: “maamulaha ayaan ka baqay” kadib waxay Deeqa ka sheekeysay qaabka ay ku raadisay guriga Maxamed Xuseen ilaa ay ka soo gaarto galabta oo ay laballameen Xasan iyo Busaad oo rabaan inay lakulansiiyaan Macalin Maxamed iyo qaabki ay ku baajiyeen inay soo raacdo Maxamed hooyadiis oo rabtay inay reerkooda u soo mahadceliso, Hooyo Ruquyo ayaa tiri: “maxaad aniga iigu sheegi waysay inuu maamulaha kugu yiri nabso Macalinkaaga? ileyn hadda waxaad saaxiibtaa ku kaliftay inay markhaati been ah kuu furto, midda kalana waxaad aaday reer aan dembi ka galnay, adigoo raba inaad ka raaligeliso, ma ogtahay cawaaqib xumada ka dhalan laheyd haddii aad ii keeni laheyd islaanta dhashay Macalinkaaga oo uu naga dhexeeyay naceyb aad adiga nagu dhex beertay!” Mulki ayaa tiri: “wax badan ayaan Deeqa kala hadlay inay arrintaa iska dayso, sirtaana uu qof kale ogaan oo ay noo noqoto Sirta Nolosha, waayoo waxaan aaminsanaa haddii arrintaa lagudagalo, inaan runta laga maarmi doonin” hooyo Ruquyo ayaa Mulki ku tiri: “Eedo waa runtaa inay arrintu wejiyo badan yeelan doonto lagana shakin doono midda saxda ah, waayoo haddii la ogaado inay meesha ku jirto inaad maamulaha ku furtay markhaati beeneed, waxaa looqaadan karaa inay qorshaha wax ka ogyihiin labada reerood, sidaa daraadeed way fiicnaan laheyd inay sirtaa qarsoonaato, laakiin hadda maxaa lasameyn karaa?” Mulki ayaa tiri: “way sahlan tahay oo waxay arrintu ku xalismi kartaa in aniga meesha la iga saaro, waxaana diyaar u ahay inuu Macalinkeeygu iga aaminsanaado inaan karfantiisa tolaayay” Deeqa intay ilmeysay ayay isku doobtay saaxiibteed, markaa ayay Mulki tiri: “Deeqa aad ayaan ugu faraxsanahay inaad wanaajiso xiriirka xumaaday ee labada reerood, taasoo ka muhiimsan wax walba, waxaana kugu boorinaa inaad dhammeystirto howsha aad billowday” markaa ayay Mulki ka tagtay.

Busaad markay gurigooda tagtay ayay Sureer waydiisay meesha ay aaday, Busaadna waxay u sheegtay kulanki ay Deeqa layeelatay iyo muraadki ay Deeqa laheyd oo ahaa inay Maxamed lakulanto iyo ballanta ay galabta ugu imaaneyso, markaa ayay Sureer tiri: “adiga iyo Xasan maxaa idinka quseeya Deeqa iyo Maxamed?” Busaad ayaa tiri: “wax naga khuseeya majiraan, laakiin Maxamed ayaan ku qancineynaa inuu gabadha qaabilo” Sureer ayaa tiri: “soow ma ogid inaan Maxamed jecelahay?” Busaad ayaa tiri: “haa, waan ogahay” Sureer ayaa tiri: “gabadha rabta inay iga qaado, maxaad ugu kaalmeyneysaa inay lakulanto?” Busaad intay qososhay ayay tiri: “Maxamed wuxuu diiday gabar 15 jir ah, gabadhaana waa 14 jir, mana filaayo inuu naag ka dhiganaayo, midda kale haddii aad Maxamed rabto waxaad joojisaa nimanka aad ku maseyrsii isleedahay, waxaadna billoowdaa inaad gurigooda tagto oo aad soo celiso xiriirkiini iyo kii reerkiisa aad lalaheyd” markaa ayay Busaad qolki ka soo baxday, waxayna kaligeed fadhiistay qolka fadhiga, ayadoo ka fekereysa xaaladaha murugsan ee ku soo fool leh, haddii uu Maxamed guursado habaryarteed, waayoo wiilka ay rabto inay mustaqbalka lawadaagto waa mid aaminsan inay laba walaala ah wada guursan karin gabar iyo habaryarteed.

Aabe Xuseen markuu salaadi jimcaha ka soo baxay, wuxuu soo maray Eedo Xabiibo iyo carruurteedi, asagoo islahaa xaalada reerka ka wardoon, markuu guriga soo galayna wuxuu arkay carruurti oo saxan ku cunaayaan cunto mushakal ah, cuntadaas oo ah reereeb laga keenay makhaayad oo aad arkeyso inay ku jiraan lafo waaweyn oo barooda ah, waxaa carruurta u keenay walaalkood Cabdi Taano oo muddooyinkaan u soo qaraabaayay, Aabe Xuseen markuu salaamay oo uu waydiiyay hooyadoodna waxay u sheegeen inay xanuunsan tahay oo ay qolka ku jirto, muddo seddex sitimaan ah islaantu jiifka kama kicin, wax shaqo ahna ma aadin, laakiin markay maqashay hadalka Aabe Xuseen ayay si dhib leh jiifka uga soo kacday, markay soo cuskatay albaabka qolka ayay tiri: “Xuseen waa lafiican yahay ee soo dhawoow” markaa ayay carruurti ku qeysay si ay Adeerkood gabar ugu keenaan, Aabe Xuseen ayaa yiri: “fadhi uma imaan oo waxaan rabay inaan idinka soo wardoono” Eedo Xabiibo oo uu hadalku dhibaayo ayaa boqol shilin guntigeeda ka soo saartay, boqolkaas oo ay u haysay inay siiso reerka ay guriga kaga jirto, waxaana lacagtaa ka baahnaa carruurteeda, taasoo ay kala muhiimsanaatay ijaarka guriga oo aan loogu imaanin seddex bilood ah, markay Aabe Xuseen lacagta u soo taagtay ayuu ku yiri: “Xabiibo ijaar kaama soo doonan, waana kuu jeedaa inaad xunuunsan tahay, waxaadna u egtahay qof muddo badan xanuunsanaa, wayna ii muuqataa duruufta ay reerku ku sugan yihiin, laakiin waxaan rabaa inaan ajar ka raadsado carruurtaada agoonta ah oo aan kaalmeeyo inti karaankeeyga ah, waase haddii aan adiga kaa helo ogolaansho iyo inaad ii sheegto xaqiiqda jirta” markaa ayay Eedo Xabiibo uga warantay duruufta reerka, kadibna wuxuu watay Mahad oo 12 jir ah kuna xiga Cabdi Taano, wuxuu wiilki lategay suuqa oo uu uga soo iibiyay loor bariis ah, loor bur ah, loor sokor ah, saliid iyo laba kartoon oo baasta ah, wuxuuna bac ugu soo shubay hilib iyo khudaar, wuxuuna u soo saaray gaari dameer u geeya guriga, Mahad ayuu soo faray inuu galabta u imaanaayo hooyadiis, kadibna wuxuu aaday gurigiisa.

Aabe Xuseen markuu guriga yimid ayay hooyo Khadiijo u sheegtay arrinti Deeqa Bashiir iyo inay rabto inay reerka ka raaligeliso khaladki ay ku masabidatay Maxamed, markaa ayuu asagana u sheegay duruufihi uu kala soo kulmay reer Xabiibo iyo inuu galabta rabo inay isu raacaan si ay ayadu u soo ogaato xanuunka islaanta haayo, kadibna ay dhakhtar ugu qaadaan, waxba waxbaa ka daran, hooyo Khadiijo ayaa tiri: “naagtaas gurigeeda u celi Rabbi ayaa xoolo nasiinaayee, ileyn waxaa cuqubo weyn ah boqolka shilin ay noo haysay oo carruurteeda agoonta ah ay ka qatanaayeene” Aabe Xuseen ayaa yiri: “Khadiijo yaa warkaaga diidi kara, waa lasiinaa booska, laakiin waxaa ila quman inaan annaga u haayno, ayadana aan u sheegno inay ijaar la’aan ku deganaato guriga, taasna waxaa ka sii muhimsan inaan wiilka weyn u shaqo baro si uu reerka ugu shaqeeyo”

 

La soco. …….27aad.

SHARE