Home Curis SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.27aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

SIRTA NOLOSHA Sheeko taxane ah Q.27aad W/Q Ahmed Hayow (Dulmidiid)

0
SHARE

Hooyo Khadiijo ayaa u yeertay wiilkeeda Maxamed, waxayna u sheegtay inay u imaaneyso Deeqa oo rabta inay raaligeliso, Maxamed ayaa ku yiri: “hooyo sheekadaas goor hore ayay dhammaatay, mana rabo inaan lakulmo gabadhaas” hooyo Khadiijo ayaa tiri: “marka lafiiriyo wanaagi ay noosameysay, waxay aheyd inaan annaga uga mahadcelino reerkeeda, laakiin ma’aheyn inay gabadhoodu raaligelin nala soo doonato, midda kalana dadku wuu khaldamaa, haddana waxaa ugu kheyroon qofka qaladkiisa ka soo laabta, sidaa daraadeed waxaan ku leeyahay iska cafi gabadhaas” Maxamed ayaa yiri: “waan cafiyay, laakiin marabo inaan dhib kale kala kulmo mar dambe, waayoo haddii leysku keen arko waxaa suuragal ah inuu shaki yimaado” Aabe Xuseen ayaa yiri: “waa wax meesha ku jira in laga digtoonaado inuu shaki yimaado, taxadarkaasna wuxuu yimaadaa marka aad wax isku ogtahay, haddiise aad wax isku ogeyn, majiro cabsi kaa gelaayo in lagaa shakiyo” Maxamed ayaa sheegay inuu isku kalsoon yahay, wax u qarsoona aanay jirin, balse uu jecel yahay inay gabdhahaas kala fogaadaan, markaa ayuu qolkiisa ka aaday.

Markii laqadeeyay ayay hooyo Khadiijo lahadashay Xasan oo u sheegtay inay ayada Aabe aadaayaan guriga Eedo Xabiibo, asagana inuu sugo inta ay Deeqa ka imaaneyso, markay isarkaan Maxamed iyo Deeqana uu gurigeeda u raaco si uu u soo barto, markaa ayay bexeen Aabe iyo hooyo oo tegay guriga Eedo Xabiibo, waxay hooyo Khadiijo u gashay Eedo Xabiibo oo ay si hoose u soo wareysatay, Aabe Xuseena wuxuu lakulmay Cabdi Taano oo uu ka wareysatay wuxuu qabto, markuu Cabdi Taano u sheegay inuu shaqa fiican haynin iyo inuu makhaayad alaabta u dhaqo, ayuu Aabe Xuseen ku yiri: “kawaran haddii aad aniga ila shaqeyso?” Cabdi Taano oo hadalkaa ku farxay, laakiin aan ogeyn shaqada waxa ay tahay ayaa yiri: “adeer shaqo waa u baahanahay” Aabe Xuseen ayaa yiri: “marka hore waa ku shaqa baraa, inta aad shaqada baraneysana waxaan bishi ku siinaa 100 shilin, markaad baratana waa hishiineynaa” Cabdi Taano ayaa yiri: “waa yahay, waxba kama qabo” Aabe Xuseen ayaa waydiiyay: “mataqaanaa shaqada aad ii qabaneyso?” markuu Cabdi Taano yiri: “ma aqaano” ayuu Aabe Xuseen ku yiri: “waxaad igala shaqeeynaysaa xafiis Arjiqore” Cabdi Taano wuxuu layaabay shaqada uu Aabe Xuseen sheegaayo, shaqadaasoo aanu aqoon u laheyn Arjiqorenimo iska daaye aanu weligee teeb garaacin, markaa ayuu Aabe Xuseen ku yiri: “berri subax isdiyaari, waxaan ku soo maraa hal saac” Cabdi Taano wuxuu yiri: “waa tahay adeer” kadib waxaa soo baxday hooyo Khadiijo oo Aabe Xuseen ku tiri: “Taxi noodoon”.

Markii dhakhtarka lakeenay Eedo Xabiibo oo labaaray, wuxuu dhakhtarku ku yiri Aabe Xuseen: “islaanta waxaa haayo nafaqo la’aan iyo dhiig la’aan, waxaana u sabab ah raashin xumo iyo feker fara badan, sidaa daraadeed waxay u baahan tahay nasiino fara badan iyo in laga ilaaliyo inay fekerto, midda kale waxaan u qoraa kaniiniyaal iyo faleebooyin, kaniinyaasha waxaa ku jira midka hurdada si ay walwal la’aan iyo feker la’aan u siixato” markay dhakhtarki ka soo bexeen ayay hore ugu soo iibiyeen daawadeedi, laakiin laba arrimood ayaa lays waydiiyay, labadaas oo ah cidda faleebada ku mudeysa iyo cidda carruurta wehel u noqoneysa habeenki marki ay islaantu cabto kaniiniga hurdada, ileyn looma baahna inay ciyaalku hooyadood ku qeyliyaan ama hurdada ka toosiyaan, Cabdi Taanana waa wiil dhallinyara ah, mana qaadi karo masuuliyada ciyaalka ay ugu yartahay gabar afar sano jirta, waxaa ugu horeyn laxaliyay qofki faleebada suri lahaa oo loohelay gabar kalkaaliso ah oo xaafadda degan, gabadhaas oo ballan qaaday inay habeen walba ku xireyso faleebada iyo inay ku hubsaneyso kaniiniyada, arrinta kalana waxaa looga maarmi waayay hooyo Khadiijo inay habeenki lajoogto, taasoo farxad gelisay Eedo Xabiibo oo la ilmeysay naxariista ay reerkaan ka heshay, waxaa u soo laabtay rajo adduun, kadib markii ay ogaatay in wiilkeeda loo shaqa baraayo, ayada iyo carruurteedana laxanaaneynaayo.

Waxaa gurigi reer Bashiir iska soo raacay Deeqa iyo hooyadeed Ruqiyo, waxaana lasoo aaday guriga reer Xuseen, waxaa gurigaas joogaan Xasan iyo Busaad oo kali ah, Maxamedna wuu ka tegay guriga, waxaana u sabab ah Sureer oo soo raacday Busaad si ay dib ugu soo celiso xiriirki ay reerka lalaheyd iyo inay soo ogaato natiijada kulanka Macalinka iyo Deeqa Bashiir, soo raacista Sureer ay soo raacday Busaadna waxay keentay inuu Maxamed oo markii horaba diidanaa lakulanka Deeqa uu hadda ka caroodo imaatinka Sureer, sidaa daraadeedna uu guriga iskaga boxo, Sureerna waxay aaday gurigooda ayadoo ka carootay inuu salaanta ka qaadi waayo Maxamed Xuseen.

Reer Bashiir waxay yimaadeen guri aanu joogin Macalinki loo socday iyo waalidiinti reerka, kuwaasoo ay ugu socdeen inay ka raaligeliyaan wixii hore u dhacay, hooyo Ruqiyo way xanaaqday markay aragtay guriga cidlada ah oo aanay joogin dadki ay u soo muraadeen, Deeqana waxay ka xumaatay ballanta looga baxay, markaa ayay Xasan waydiisay sababta ay ku dhacday ballan xumada, Xasan ayaa yiri: “markii aan ballameynay waxaan illoownay inaan ku darno hadduu Rabbi idmo (inshaa Allaah) haddana waxaa dhacday inay ballanti u fulin sidi loogu tala galay” hooyo Ruqiyo oo hadalkaa ladhacday ayaa tiri: “waa runtaa waxaan Rabbi idmin ma ahaadaan, laakiin ma waxaa jira dhib reerka ku soo kordhay?” Xasan wuxuu uga sheekeeyay reer Eedo Xabiibo iyo gurmadka ay u aadeen reerka, asagoo aan u carabaabin inta aaday, Deeqa iyo hooyadeedna waxay u qaateen inay meeshaas wada aadeen Macalin Maxamed iyo waalidiinta, markaa ayay hooyo Ruqiyo waxay tiri: “islaantu Aabe miyay ladhalatay?” markuu Xasan u sheegay xiriirka ka dhexeeya reerkiisa iyo Eedo Xabiibo, ayay hooyo Ruqiyo layaabtay siday reerku u naxariis badan yihiin, markaa ayay tiri: “inaad reer wanaagsan tihiin waxaan ku dareemay siduu xaqiinu u soo daahiray iyo sida aad ugu sabarteen duruufihi aad soo marteen” Deeqa iyo hooyadeedna waxay ka tageen ayagoo ku qanacsan intuu Xasan u sheegay iyo ballan kale oo ay isugu soo laaban doonaan, ballantaas oo noqondoonta marka ay Deeqa soo ogaato xilliga munaasibka ku ah.

Busaad oo aan wax hadal ah ku darsan inta wada hadlaayeen Xasan iyo Deeqa hooyadeed, ayaa Xasan ku tiri: “si fiican ayaad u qancisay reerka, weliba adigoo aan been u sheegin, hadalkaagana uu ku jiray mid been ah, waayoo Maxamed kama mid aheyn dadka gurmadka aaday” Xasan ayaa yiri: “weligaa su’aasha lagu waydiiyo ayaa laga jawaabaa, anigana waxaa la iweydiiyay inuu reerku dhib ku dhacay iyo inkale ee la’ima waydiin Maxamed meesha uu aaday” Busaad ayaa waydiisay: “haddii lagu waydiin lahaa Maxamed, maxaad ku jawaabi laheyd?” Xasan ayaa yiri: “waxaan dhihi lahaa wuxuu ka carooday Sureer” Busaad intay qososhay ayay tiri: “ma ayagaa Sureer yaqaanaan” Xasan ayaa yiri: “Maxamed meesha uu aaday adigaa iwaydiiyay ee ma ayagaa iwaydiiyay” Busaad ayaa tiri: “soow kuma dhihin haddii ay ku waydiiyaan?” Xasan ayaa ugu jawaabay: “haddii lagu waydiiyo ayaad igu tiri, anigana middaa ayaan kaaga jawaabay” kadibna wuxuu Xasan beddelay muwduuci sheekada, wuxuuna Busaad waydiiyay sababta ay Sureer u soo raacday galabta, Busaad ayaa u sheegtay Sureer inay rabtay inay soo celiso xiriirki reerkooda iyo midki ay lahaayeen walaalkiis.

 

La soco. …..28aad.

SHARE