Home Curis DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 1aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 1aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

0
SHARE

the hidden killer

SHEEKO(DILAAGII QARSOONAA!)

QAYBTII 1AAD

 

 

Dhibaatooyinka mar walba ma ahan kuwa ku wanaagsan Nolosha Aadanaha, saamaynta ay mararka qaar yeeshaana waa kuwa aad u xanuun badan oo ku ugaarsada ilaa inta noloshaada ka dhiman, Cuqdad Xun oo aan la mahdinna kugu abuura, kaana dhiga mararka qaar Shaqsi aadan u dhalan in aad ahaato, sidaa darteed, waxaa la oran karaa Waqtiga oo adkaada waa mid qayb ka qaata is badalka Qofka.

Waddankeena Soomaalia waxaa ka dhacay dhibaatooyin badan oo runtii u qalmin in Dad Walaala ah oo isku Isir ah aysan ahayn in ay isku suubiyaan, taas oo ragaadisay hor usocodka Bulshanimo ee Mustaqbalka Ubadkeena dambe ama Jiilka hadda noolba.

Hidaayo waa Gabar Hooyo u ah Caruur ka kooban 3 Wiil, waxay kasoo qaxeen dhibaatadii ka dhacday Soomaalia xiligii la ridayay Dowladdii Siyaad Bare, waxay la timid Qoyskeeda Waddanka Holand, halkaas oo ay ilaa hadda ku nooshahay.

Hidaayo waxaa jiro Xusuus aad u adag oo aan qalbigeeda ka go’ayn oo ay goob joog u ahayd Habeen ka mid ah habeenadii Murugada nolosheeda, waxayna ahayd Muqdisho meesha ay sheekadan ka dhacday.

Jabhadihii markii ay Muqdisho soo galayeen ma jirin wax la dhaho Qabiil, oo hadafka loo dirirayay ayaa ahaa in la iska tuuro Taliskii markaa jiray ee Siyaad, markii lagu guulaystayna waxaa dhacay in howshu iska badasho sidii la filayay oo ay Qabiil isku rogto, taas oo Dad badan oo Masaakiin ah warmoogna ka ahaa arrintaas Dulmiga ah ee daahsoon ay ku noqdeen dhibanayaal qaarkood ku waayay Naftooda, qaarna ay ka dhaxleen Dhaawac Qalbi oo sababy in inta noloshooda ka dhiman ay la noolaadaan Cadaawad.

Waxay ahayd Habeen, waxaa soo galay Guriga Hidaayo Afar Nin oo Qoryo ku hubaysan, waa xiligii Cashada loo fadhiistay oo hidaayo iyo qoyskeeda oo ka koobnaa laba Gabdhood iyo Aabaheed iyo Hooyadeed ay Geedkooda hoostiisa ku fiidsanayeen.

Waxaa mar qura albaabka si lama filaan ah u soo galay  afar Nin oo aad moodo in waxa ay u socdaan ay caddayd, hadafka ay lahaayeena uu ahaa mid meesha ku cad isla markii ay soo galeenba, waxay sheegeen waxa ay u socdaan, waxaas oo ahaa in aan isaga guurno Gurigan, waa haddii aan nafteena rabno, haddii kale qasab la inaga rari doono maadaama aan kasoo jeedno Beel hebel oo markaa ahayd mid ka mid ah beelaha laga saarayay Magaalada Muqdisho.

Aabaha Hidaayo ayaa isla markiiba inta istaagay ku yiri “waa Edab darantiihiin gurigan aniga ayaa iska leh meel aan uga socdana ma jirto, Soomaali baan ahay, Waddankayga ayaana joogaa, Qabiilka iyo waxa aad sheegaysaana wax shuqul ah kuma lihi fadlan iiga baxa Gurigayga”.

Hidaayo waa ay bar aqoon kartay Nimanka maadaaama ay xaafadda dhinac ka daganaayeen oo Hebel iyo Hebel ayay oran kartay ismana oranayn dhib wayn ayay idiin  geesanayaan, isla markiiba waxaa meesha ka bilowday muran ku saabsan arinta ay la yimaadeen Ragaas, Aabahayna kalsooni ayuu isku qabay wuuna yaqiin nimanka oo marnaba isma oranayn dhib ayay idiin geesanayaan, wuxuuna mar labaad ka codsaday in ay uga baxaan gurigiisa, balse, waa ka diideen oo waxay dhaheen “Cilmi wax aanan samayn lahayn ha inagu qasbin, fadlan yeel dalabkeena haddii kale naftaada ayaa u qoolan”.

Isla markiiba Aabahay wuu xanaaqay, buuq dheer kadib Xaafadda Dadkii daganaa qaar ka mid ah ayaa soo baxay waxaana la isla gartay in Nimankan ay naga gar daran yihiin ayna tahay in ay Xaafaddeena inooga baxaan, Dadkii Xaafadda oo dhan ayaa kasoo horjeestay, sidii ayay nasiib wanaag nooga baxeen Gurigeena sidaas ayaana habeenkaas ku seexanay, balse, Cabsi badan ayaa nasoo wajahday oo ku saabsan sida aan kusii joogi karno, iyo in ay arrintan Waji kala yeelan karto, maadaama xaaladdan na soo wajhaday ay ahayd Xaalad Waddanka oo dhan markaa ka jirtay, qaasatan Magaalada Muqdisho oo Maalin walba dhacdooyin la mid ah kuwa na haysta aan maqlaynay.

Waxaan ku qasbanaanay in aan wada tashano ka Qoys ahaan oo arinta aanan fududaysan, Hooyadey ayaa soo jeedisay in aan isaga baxno Magaalada, balse, waxaa diiday Aabe oo ay u cuntami waysay meesha uu ku dhashay anagana nagu korshay in uu ka dhaqaajiyo, wuxuuna ku adkaystay in uu joogi doono Gurigiisa oo Nafta uga bixi doonto uuna Allah tala saartay.

Wax badan kama soo wareegin markii ay nagu soo laabteen nimankii oo laga yaqiin Xaafadda oo ay ahaayeen Niman Dhiigyo cab ah oo Casabiyada Qabiilkuna ku fogaatay, waxaa dhacday in ay noogu soo galeen Galab Casar ah Guriga inaga oo wada dhan, waan xasuustaa waxay ahayd maalin Jimco ah casirka kadib, waxay bilaabeen in ay na baartaan, taas oo uu Aaba isku dayay in uu ka dhiidhiyo, laakin hooyo oo qabatay ayuu ku dagay, balse, waxay arintu qaraaraatay markii ay soo hunguri yaeeyeen mid ka mid ah Gabdhaha ila dhashay taas oo uu aabe aad uga dhiidhiiyay, dhalisayna in ay isla qabsadaan Qorayga mid ka mid ah Nimankii cadowga ahaa, taas oo sababtay Aabe in uu ka guulaysto mid ka mid ah oo uu qorayga ka qaato meeshana uu ku dilo mid ka mid ah Nimankii, waxaase si lama filaan ah Xabad ula helay Aabe mid ka mid ah Ragii oo aan aqiin, wajigiisana ilaa hadda uusan ka go’in xusuustayda, mar walbana Riyo ahaan ayaan ku arkaa qaabkii uu ugu dhuftay Xabadda Aabahay iyo sida  uu u dilay ee arxan darradda ahayd.

Waxaa meeshaas ku noqonay Agoon ka kooban sadex gabdhood iyo hooyadood, Aabaheena meesha waan ku waynay, waxaana dhacday in sadex maalin kadib uu isla Ninkii oo wata koox kale ay noogu yimaadeen Guriga ayna noogu hanjabeen in aan ka guurno haddi kale nafteena aan ku wayn doono.

Waxaa jiray Nin dariskeena ah oo ay aabo saaxiibo ahaayeen oo la oran jiray Xirsi, wuxuu ahaa Nin aad u fiican, Aabana ay ka wada qidmayn jireen Masjid ku yaala xafaddeena, waxaa dhacday in uu maalintaa goob joog ka noqday Dulmiga labaad ay nagula soo laabteen Ragii Aabahaya dilay, aad ayuuna uga dhiidhiyay, Nasiib darro waxaa dhacday in isagana uu meesha ku shahiido, taas oo soo dadajisay in hooyadeen go’aansasto in aan Waddanka isaga baxno oo aan u soo kicitino xagaa iyo Xeryaha Qaxootiga Kenya.

Waxaanu iibsanay mid ka mid ah hanitiidii Dhulalaka ahayd ee uu aabaheen inooga tagay, taas oo noo noqotay fara qabsi wanaagsan oo Waddada aan kusoo marno walibana qayb ka qaadatay in aan soo gaarno Wadankan aan maanta ku noolnahay, inaga oo kaalmo ka helnay Abtigeen la dhashay hooyadeen.

Waxaan ahaa Gabar aad u yar, balse xusuustayda kama go’i Karin qaabka loo dilay Aabahay iyo Ragii dilay sida ay u ekaayeen, waxaan meeshaas ka qaaday Cuqdad aad u daran oo noloshayda oo dhan dib ii ugaarsan jirtay, Ciilna aan u qaaday Dadka Magaaladii aan ku dhashay daganaa, mar walba oo aan Muqdisho maqlo Xanuun ayaa igu soo boodi jiray, Cadaawad gudahana waan dareemi jiray.

la soco Qaybta 2aaad

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHARE