Home Curis DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 5aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

DILAAGII QARSOONAA! (SHEEKO) Qaybtii 5aad W/Q: Mohamed Musa Sh Noor

0
SHARE

the hidden killer

 

 

 

SHEEKO (DILAAGII QARSOONAA!)

 

QAYBTII 5AAD

 

Xamiid intii uu hadalka waday waxaa ka muuqatay in uusan ka xumayn Dilka Aabihiis, maadaama isaga naftiisa waa aabahee uu dambi gaystay, dhaxalsiiyayna ilmihiisa in ay kusoo koraan Xaaraan, balse, waxa dhibaya ee uu la tiiraanyeesnaa ay ahayd in labadeena ay arintan sidaa u murugada badan na dhex marto, Qof walbana qofka kale uu sidaa u xanuujiyay.

Xamiid wuxuu kasoo jeedaa dhiiga ninka Aabahay dilay, gurigeenana xooga ku qaatay, anigana waxaan ka soo jeedaa in aan ahay Naagta dishay Xamiid Aabihiis, hadana isaga ilmaha u dhashay oo marwadiisa u dhaxda noqotay, taas oo runtii tiiraanyo igu ah, iguna noqon doonto inta noloshayda ka dhiman.

Gabdhaha ila dhashay iyo hooyaba waxay ahaayeen kuwa mar walba ciishoon oo ka ciishoonaa sida loo dilay aabahen, gurigeenana loo qaatay, balse, waxay ahaayeen kuwa warmoog ka ahaa in ninka aaba dilay aan aniga waa hore ku tagay oo uu isagana God ku jiro, balse, Ilmaha uu dhalay aan aniga ilma usii dhalay, waa dhibaato aniga ii gaar ahayd oo haddii aan uga farxiyo in aan ninkii Aaba dilay kusoo hubsaday God, hadana waxaa dib ii ugaarsanayay sida aan ugu sheegi lahaa in isla ninkaas uu ilmahayga Awoowe u yahay.

Waxaan go’aansaday in aan la aamuso arinkayga ilaa maalinta ku haboon oo ay ii fududaan karto in aan lasoo shir tago, dunidana aysan ku haboonayn marba haddii laga tagayo in sir lagala tago, maadaama ay cibra qaadasho u noqon karto Dad badan oo gadaasheena noolaan doona, iyo kuwa Casriga aan ku noolahayba nool.

Waxaa jirtay Utun igu taagnayd mar walba, taas oo ahayd in aan hooyo la wadaago xaalkayga, hadana waxaan ka baqayay in ay I fahmi wayso oo arinta igu dhacday darteed ay ifka uga tagto, maadaama ay qabto Xunuuno badan oo aan adkaysi u siin Karin In ay dhagaysato arinkaas oo kale.

Waxaan wada goosanay aniga iyo ninkayga in aan iska ilowno arinkaa, maadama aanan la wada ilaawi Karin oo ay nagu wada tahay Xaqiiq labadeenaba inta aan noolnahay in aan la noolaano nalaga doonayo, Xamiid wuxuu ka xumaa qaabka aabihiis loo dilay, wuxuu kaloo ka xumaa walaalihiis nolosha xaaraanta ah ee la baday, taas oo uu ku guulaystay in uu ka soo dhex saaro, maashaa Allah oo uu gaarsiiyo walaalkiis oo ka mid ahaa ilmaha gurigeena xaaraanta lagu haystay kusoo koray in uu jaamacadda Madiina u diro, uuna xagaa kagasoo Qalin jabsho Culuunta Diinta, runtii dib u habayn badan ayuu ku sameeyay Qoyska aabihii ka tagay, wuxuuse go’aansaday arin aniga dhib igu ahayd taas oo ahayd in uu hooyadeey iyo walaalahay Cafis u waydiiyo walaalhiiis iyo hooyadood, maadaama arinkan ninka watay uu ahaa aabihiisa isagana uu sababay dhibaatadan oo dhan.

Waxaa bilowday muran cusub oo naga dhex taftay aniga iyo ninkayga oo ku saabsan airinta lasoo bandhigayo, taas oo ka hor imaanaysay qorshayga ahaa in aan qariyo Arrinta, balse, wuu iga diiday xamiid wuxuuna igu eedaynayay in aan ahay qof teeda kaliya ka fakaraysa oo aan u naxayn dhibka dadkiisa, qalad wuu dhacay dadkii gaystay dad aan ahayna ma ahan in ay ciqaabta maraan  ayuu ku andacoonayay.

Waxaan isku dayay in aan u sharaxo bal in uu u kaadsho oo waqtiga ku haboon la sugo, wuusa iga diiday oo wuxuu go’aansaday in uu ula shir tago hooyo, taas oo aan uga digayay in ay sababi karto in hooyo dhimato oo aduunkan ay ka hayaanto.

Dhibaato tiii hore ka badan ayaa isoo wajahday, sidii aan doonayay wax uma socdaan, xamiidna ma qaldana anigana ma qaldani, wax lagu qasbanyahay in ay arintu tahayna waa iska muuqataa, ugu yaraan Allah ayaa ah Xaakinka caddaaladda arinkan, balse, wuxuu is lahaa Xamiid ugu yaraan si fiican hala isku barto oo dadka dhibka intaas la eg dhex maray in ay yihiin Dad Qoys isku ah oo maanta Mawo iyo Ninkeeda ah ilmana isku dhalay cajiib.

Arimaha qaar ee Dunida waxaa dhaanta in aan marqaati laga noqon oo la isaga dhaqaajiyo haddii la awoodo, balse mararka qaar si aad u heshid nabad galyo qalbi waa in aad soo tuftaa wax badan oo aan farax galin Karin naftaada iyo nafta dadka aad wax u bandhigaysaba.

Is qab qabsi dheer kadib, waxaan go’aansanay aniga iyo nikaygaba in loo wada yeero labada gabdhood ee ila dhashay iyo hooyadeen arinkana lagu gorfeeyo Guriga dhibaatada saldhiga u ah anigana aan noqdo cidda shaaca ka qaadaysa, taas oo runtii ani ahaan aan doortay maadaama aan qayb ka ahay bartankana ka dhex taaganahay dhibaatada, ayna ku haboontahay in aan aniga hadlo intii ay noqon lahayd in uu xamiid hadlo.

Waa arin adag oo aad u culus taas oo uu fahmi karo qofka ay hasato dadka kalana waa u maadaysi iyo cibro qaadasho waxayna noqon doontaa arinkan mid ka mid ah sheekooyinka ugu murugada badan ee dadkeena Soomaalida ah ka dhaxleen lacanadda Alle markii ay ku habsatay.

Sidii lagu balansanaa waxaa la isugu yimid gurigayga, hooyo iyo labada gabdhood ee ila dhashay kuwaas oo la kala dhihi jiray Hindi iyo Hudda iyo hooyo xaliimo, sida caadiga ah dadka qaarkii marka ay qoys ahaan isugu yimaadaan waxay samaystaan marti qaad iyo cunto wanaagsan oo macaan, balse kulankan wuu ka duwnaa sidaas.

Ma igu jirin hammi aan ku diyaarsho Cunto macaan oo wax ka badan cabitaan ma qasi Karin, waxaana maalintaa ilmaha isugu gaynay mid ka mid ah guriga gabadhaha ila dhashay, waxaana kali kuwada ahayn shanteena qo,f waa hooyo iyo gabadhaha ila dhashay iyo labadeena is qabta.

Qof walba wuu yaabanaa oo qof walba wuxuu la yaabanaa xaalka culus ee isku keenay dadkan aan sidan oo kale isugu iman jirin, kulan nuucan oo kala ahna yeelan jirin qof walbana si ayuu u fakarayay, gabadhaha ila dhashay mid ka mid ah ayaa hoos iila hadlaysay oo igu dhahaysay hidaayo abaayo haddaad is furaysaan maxaa inoogu yeerteen meeshan xun ee furiinku ka dhacayo? markaas ayaan ku iri “hinda abaayo maanta furiin wax ka wayn ayaa meesha ka dhacayo, lagana yaabee in Qof naga mid ah uu meesha ku sababsado noloshiisa, micnaha ay maanta dunida ugu dambayso”!

Hadalkaa markii aan iri ayaa si lama filaan ah waxaa ii maqlay Hudda oo ahayd walaasheyda aan ku xigay, gabadhahana aniga ayaa u yaraa oo hooyo aniga kadib waxba ma dhalin, Hudda waxay tiri hidaayo wax fiican ma aadan suubin qof dhan noloshiisa haddii aad is leedahay waa la wayn karaa, maxaa iskaga aamusi wayday oo dadka u bad baadin wayday?

Waxaan ugu jawaabay abaayo dhibka I haysta wuu ka wayn yahay sida aad u cabirayso, aniga wax badan ayaan la noolaa arimaha nuucan ah, wax badan ayaana qarinayay mana doonayn marnaba in aan sheego, balse xamiid ayaan ka fursan waayay oo igu kalifay in aan iskugu kiin yeero idina ogaysiiyo sida ay wax u jiraan.

Hooyo xaliimo ayaa hadalka qaadatay oo tiri qofkii tiisa gasha ayaa dhimanayee ee bal inoo sheega Xamiid iyo Hidaayo waxa idin cusleeyay ee aad meesha isugu keen keenteen, waxaana filayaa in aysan arrin fudud ahayn.

Xamiid ayaa isla markiiba hadalka qaatay isaga oo ilmaynaya markii uu bilaabayna wuuba iska aamusay oo wuu hadli waayay oohinta darteed, isla markiiba waa la wada fahmay in arinka uu culus yahay, Xamiid waa la aamusin waayay waxaana la gartay in kulanka loo kaadsho xoogaa inta Xamiid caadi uga soo laabanayo.

 

la soco qaybta 6aad

W/Q: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHARE