Home Qoraallo Aragtida Cadaaladda W/Q Ahmed Hayow

Aragtida Cadaaladda W/Q Ahmed Hayow

2
SHARE

Cadaalad

Cadaaladda dadku way jecel yihiin inay ku dhaqmaana waxaa ka horeeysa inay Cadaaladda bartaan, sida dadka badankii u yaqaanaana way ka duwan tahay, waana aragtida aan anigu ka qabo, sideedana qofka loo caddaalad falaa way la nacaan tahay, qofka cadaalad lagu xukumana way la qaraar tahay.

Markaan fiirino mecnaha cadaaladda waxay noqoneysaa xaqsiin oo ah inaad xaq wax u qeybiso ama xaq wax ku xukunto iwm, balse way kala duwan tahay nidaamka loo cadaalad falo, tusaale haddii lagu yiraahdo laba qofood waxaad u qeybisaa seddex loor oo bariis ah, waxay cadaaladdu tahay inaad mid walba siiso loor iyo bar, haddii ay yihiin laba nin ama laba naag ama nin iyo naag, kawaran haddii ay dhacdo inay ku jirto naag uur leh, ma waxaad u xisaabinee naagta uurka leh inay laba tahay oo laba loor ayaad siineeysaa? su’aashaa waxay ka mid tahay su’aalaha layska weydiin karo Cadaaladda, tusaale kale haddii laguu dhiibo raashin karsan oo aad siineyso dad loogu tala galay inay ku qadeeyaan, markaana ay kuu yimaadaan nin weyn iyo wiil yar, mid walba ma waxaad u gureysaa saxan buuxa? mise qofba inta uu cuni karo? ileyn cadaaladdu waa inaad dadka sintaa, waxaana meesha ku jirta inuu qof walba uu dhameysto wasladda aad siiso.

Waxaa jirta sheeko caan ah oo ay dadka badankii yaqaanaan, waxay dhacday wakhtigi uu Cumar binu Khadaab (rc) uu amiirka muslimiinta ahaa, waxaa dhacday inay labada nin ku murmeen lacag ay wadaagi lahaayeen, lacagtaasoo uu uga tegay nin la cunay khubus ay wateen, labada nin mid ka mid ah ayaa watay shan xabo oo khubus ah, ninka kalana wuxuu watay seddex xabo, markuu u yimid ninki safarka ahaa ayay isku dareen khubusti ay wateen, kadibna waxay u qeybsadeen seddex meelood, markay cuneen ayuu ninki wuxuu sideed dirham u dhiibay midki shanta khubus lahaa, markuu ka tegay ayuu seddex dirham siiyay ninki seddexda khubus lahaa, kaasoo diiday qeybta uu ka siiyay lacagti uu ninku dhiibay, waxay u soo cadaalad doonteen Cumar binu khadaab (rc) marki arrinta loo sheegay ayuu Cumar gooni ula faqay ninki seddexda khubus watay oo uu ku yiri qaado inta lagu siiyay, markuu diiday wax cadaaladda ka baxsan inuu qaato, ayuu Cumar xukmiyay wuxuuna siiyay hal dirham, ninki shanta khubus lahaana wuxuu siiyay todoba dirham, sababtoo ah wuxuu halki khubus u qeybiyay seddex waaxood oo noqotay 3×8=24 waaxood, markaana nin walba wuxuu cunay 24÷3=8 waaxood, labada ninna waxay kala wateen 5×3=15 waaxood iyo 3×3=9 waaxood, sidaa daraadeed ninki martida ahaa wuxuu cunay 7 waaxood oo uu leeyahay ninki shanta khubus watay iyo hal waax uu leeyahay ninki seddexda khubus watay, waana taa cadaaladda.

Dhanka kale markaan ka fiirino waxaa jira cadaalad Rabaani ah sida dhaxalka iyo hishiiska ay dadku wada galaan oo markhaatiga iyo qoraalba leh, kaasoo ah lama taabtaan, haddana waxaa jira arrimo badan oo aan laga hadlin sidi cadaalad loogu qeybsan lahaa, tusaale markaan u soo qaadano kheyraadka dabiiciga ah iyo wadaaga xukunka dadka ka dhexeeya oo laftooda u baahan in cadaalad lagu saleeyo, dhibka jira wuxuu yahay in ummada intooda badan aanay u cuntameynin sida cadaaladdu ku jirto.

Waxaan soo qaadaneynaa laba degaan oo mid ay ku nool yihiin 20,000 oo qofood, midna ay ku nool yihiin 200,000 oo qofood, midka dadka yar ku nool yihiin haddii uu leeyahay kheyraad dabiici ah, waxay xaq u leeyihiin in dadka ku nool laga siiyo saami u gaar ah, haddii bishi laga siiyo qof walba 10,000 oo degaanka kalana qof walba laga siiyo 1000, maxay cadaaladu ka qabtaa? dhanka kale marka laga fiiriyo, haddii 50 kunba ay hal qof u soo dooraneyso siyaasada, maxay cadaaladu ka qabtaa in laga soo doorto degaanka ay dadku ku badan yihiin? haddii ay cadaalad daro tahay in si siman loogu qeybiyo saamiga dheefta kheyraadka? soow cadaalad daro maaha in loo qeybiyo xubnaha siyaasada ama ay qaataan kuwa kheyraadka leh?.

Sidaan hore u soo sheegay cadaaladdu waa mid ka farxisa qofka xaqiisa ka hela, waana mid ay la xun tahay qofka looga guuleysto, ummadna kuma jiri karto lajiifiyaana bannaan, sidaa daraadeed ma filaayo inay jiri karto wax cadaalad ka fiican, ayadoo aan cadaaladda lagu koobi karin qoraal iyo wax la mid ah, sidaa daraadeed ayaan intaa ugu soo koobay qormadaan.

SHARE

2 COMMENTS

  1. Masha alaah waa qoraal xambaarsan wxa lagu dhaqmo laga maarmaan thy umada oo idil kii xukun ino heeyo iyo kii shacbiga ah allah wada fahamsiiyo xaqa cadaalad lagu dhaqmo
    Runti anga qurbo baan kunoolahay waxaad laayaabesaa gaaladii noogu fcn xaga cadaalada anagoo muslimiin nahay inaa cadalad wanajino nagala baahanyhy ayagaa runti kudhaqmo
    Mahadsanid walaalka waqtigiisa uhuray inu qoraal sidaan uqiimo badan soo qoro ajir xasanaad allah hakaa siiyo qof wlba oo arkana allah hafahamsiiyo xaqa iyo cadaalada diinteena suuban nafartay sido kle bahda laashin waad wada mahadsantihn

  2. Walaalka qoraalkan qorey waxan kalo kacodsanaya ango ah walashada somaliyed sheekada qoraaga katahay e cinwankedu yahay sirta nolosha runti waa sheeko aad uwanagsan inaa meshedi kasii wado ayan kacodsan lahaa walaal mahadsanidiin adiga iyo bahda laashin oo idil asc wrwb

Comments are closed.