Home Curis Yaa Khaldan? Yaana Dulman? p.26-30aad W/Q Ahmed Hayow

Yaa Khaldan? Yaana Dulman? p.26-30aad W/Q Ahmed Hayow

0
SHARE

 

Marki ay magaalada soo galeen, ayuu Dooli la soo maray saldhigi si uu warqada nikaaxa u soo tuso, markuu gaarigi istaajiyay saldhiga hortiisa, ayuu Raage la soo degay Jamaal, balse markuu Dooli arkay inay Deeqa ku hartay gaariga gudahiisa, ayuu Raage ku yiri: “Dd la sii joog, dhakhso ayaan saldhiga uga soo baxaa, markaan warqada tuso” Dooli intuu maqnaa ayay Deeqa tiri: “waxaan tegay guriga saaxiibtaa Yaasmiin, laakiin waan ka soo waayay” Raage ayaa yiri: “Deeqa, qoftaas inaan saaxiib aheyn waad ogtahaye, maxaad sanka iiga gelineysaa?” Deeqa intay indhaha kala rogtay ayay tiri: “saaxiib keyd ah ayay ii tahay soow imaadan dhihin?” Raage ayaa ku jawaabay: “kuma dhihin keyd ayay ii tahay, waxaan ku dhahay ayadaa igu tiri” Deeqa ayaa tiri: “inta ay sawirkaaga haysato, keyd ayay kuu tahay” kadib markuu Raage ku calaacalay inuu Yaasmiin ka soo qaadan lahaa sawirkiisa, haddii uu gurigeeda yaqaano ayay Deeqa ku tiri: “haddii aan gurigeeda ku soo tuso, ma ka soo qaadanee sawirka?” markuu Raage yiri: “haa” ayay Deeqa qososhay qosolki uu ku yaqiinay, Raagana farxadeeda ayaa qaboojisay qalbigiisa, waxayna ku heshiiyeen inuu Dooli geeyo guriga Yaasmiin, markuu Raage kaga soo harana ay Deeqa la soo laabato Dooli, asagana uu isa soo dabero.

Saacid Axmed wuxuu walaashii waydiiyay waxa ka jira sawirka ay ka soo qaaday guriga wiilka ay bartay Deeqa Daahir, markaa ayay Yaasmiin waydiisay cidda warkaas u sheegtay, markuu Saacid u sheegay inay Deeqa timid guriga ayay Yaasmiin tiri: “wiilkaas waa wiil aan Xalane ku wada baranay, inkastoo ay habeen iiga horeeysay, waxa aan ka soo qaato ama uu iga qaatana, wax Deeqa ka quseeya ma jiraan” Saacid ayaa yiri: “haddii uu sidaa yahay maxay Deeqa u rabtaa inay sawirka kaa qaado?” Yaasmiin ayaa ku jawaabtay: “maqaan, malaha Raage ayay iiga maseyrtay” su’aashaas jawaabta ay Yaasmiin ka bixisay, wuxuu Saacid ka helay xurgufta jirta iyo inay isku haystaan Raage, wuxuuna jeclaan lahaa inuu arko wiilkaas.

Mar uu maqribka soo dhawaa ayaa Raage lagu dejiyay meel u dhow guriga Yaasmiin, markuu istaagay gurigi loo tilmaamay hortiisa, Deeqana ay suulka kor ugu taagtay ayay ka dhaqaaqeen, asagana wuxuu garaacay albaabka guriga Yaasmiin, waxaa ka furtay Yaasmiin oo maleysan wayday inuu Raage yahay iyo in kale, waxay ku salaantay: “Raage waa soo dheeraatay, soo gal walaal” markuu gudaha galay oo ay fadhiga fadhiisteen ayay Yaasmiin ku tiri: “Raage yaa xaafadda kuu soo tilmaamay?” Raage ayaa yiri: “waxaan kuugu imid adigoo raali iga ah inaad i siiso sawirki aad iga soo qaadatay” Yaasmiin way malaysan wayday inuu intaa ugu yimid, markaa ayay ku tiri: “Raage, dadka walaalaha ah sawir way kala qaataan waana isi siiyaan, waxaan kaaga soo qaatayna waa sidaa iyo inaan ku jecelahay, waana kuu sheegay inaan Deeqa raali ka ahay inay xaaskaaga noqoto, sawirkana adigaa leh, laakiin waxaan garan waayay sababta ay Dd intay gurigeena u timid ay sawirka iiga soo doontay” Raage ayaa u sheegay sababta oo ah inay Deeqa ka maseyrtay sawirka ay ka qaadatay iyo inay shardi uga dhigay inuu ka soo qaado, markaa ayay Yaasmiin tiri: “xiriirkiina ma wuxuu ku xiran yahay inaan sawirka dhiibo?” Raage ayaa yiri: “haa” markaa ayay Yaasmiin tiri: “waa guul iyo horumar aad gaartay, waana ku faraxsanahay inaad xal ku hesho sawir aan kaa soo qaatay, waana ku siinaa sawirkaaga, laakiin waxaad ii ogolaataa inaan hadda isku kaa sawiro, anigana waxaan kuu ballan qaadaa inaan qof kale arkin ama maqlin” Raage marba haddii uu helaayo sawirki xujada ahaa, wuxuu ogolaaday inay Yaasmiin ku sawirato gurigeeda dhexdiisa, waxay ka qaadatay mid ay isla sawiran yihiin iyo mid kaligiis ah, kadib ayuu ku adkeeyay inay sirtaa u xafido, Yaasmiina way ka ballan qaaday.

27.

Raage markuu ka soo baxay guriga Yaasmiin, wuxuu iska aaday gurigiisa, ileyn daal fara badan iyo gaajo ayaa haayay, markuu casheeyayna wuu iska seexday asagoo ku faraxsan howshi uu maanta soo qabatay.

Deeqa habeenkaas oo dhan waxay sugeysay Raage inuu u yimaado asagoo sawirki wada, laakiin waxaa dhacay is afgaran waa ah hadalki ay Deeqa ku tiri Raage marki ay gaariga saarnaayeen oo ahaa: (markaan tagno guriga Yaasmiin oo aan ku tuso, waxaan la soo laabanaa Dooli adigana isa soo dabar) eraygaas “isa soo dabar” waxay Deeqa ula jeeday, gaari soo raac oo xaafada iigu imoow, waxayna rabtay inay aragto inuu sawirka ka soo qaaday Yaasmiin, si ay habeenkaas si fiican ugu seexato, balse Rr sidaa uma qaadan oo erayga isa soo dabarta wuxuu u qaatay xaafadaada sidi aad ku tegi karto ku tag, Deeqa indho isuma geyn habeenkaas waxay u dhexeysay qolkeeda iyo albaabka guriga oo ay islaheyd: (armuu Raage soo garaacaa) dhowr goor ayay ku fekertay xaafadiisa ma aadaa? iyo armey Yaasmiin ka diiday inay sawirka siiso? intaa waxaa uga sii darnaa inay u qaadato inuu Yaasmiinta caawa la joogo oo sheeko fiican u socoto, ileyn waa boos-hayntiisa ama keydkiisa, Deeqa walwal iyo walbahaar aanay weligeed arkin ayay aragtay, waxayna istiri: (nabsigi aad wiilasha badan ka geleysay, waxaa kaa gooyay Raage).

Xalay markuu Dooli soo dhigay Raage oo uu soo qaaday Deeqa ayuu ku yiri: “filinkaan cusub muxuu yahay?” Deeqa ayaa ku tiri: “ma xasuusataa Yaasmiinti xaafadda nala deganeyd?” Dooli ayaa yiri: “si fiican” Deeqa ayaa tiri: “Yaasmiintaas ayaa degan gurigaan, waxayna sawir ka soo qaadatay Rr, haddana wuxuu rabaa inuu sawirkiisa ka soo qaato” Dooli ayaa yiri: “ma fahmin” Deeqa ayaa waydiisay: “maxaadan fahmin?” Dooli ayaa yiri: “sawir leyska qaato wax macna ah oo ku jira ma jiraan, sidaa daraadeed waxaanan fahmin sababta uu Yaasmiin uga soo qaadanaayo sawirkiisa” Deeqa ayaa tiri: “sawirka way ka soo xaday” Dooli intuu isu fiiriyay sawirka ay Deeqa marna tiri: ka soo qaadatay, marna tiri: ka soo xaday, ayuu yiri: “hadda ayaan fahmay” Deeqa ayaa waydiisay: “maxaad fahamtay?” Dooli ayaa yiri: “waxaan fahmay inay sawirka soo xaday Yaasmiin” Dd oo gartay inuu Dooli hadalka kor maraayo ayaa tiri: “Yaasmiin waxay jeceshahay Raage, laakiin asaga ayaan rabin, ayaamahaan oo dhan ayaan ka baryaayay iyo inuu sawirka u daayo si ay iskaga weheshato, balse wuu iga diiday” Dooli intuu Deeqa soo fiiriyay asagoo gaariga wada ayuu yiri: “waad igu ciyaareysaa, waayoo aniga si kale ayaan u qaatay” Deeqa ayaa waydiisay: “sidee kaloo u qaadatay?” Dooli ayaa u sheegay inuu aaminsanaa inay Raage iyo Deeqa wada socdaan iyo in sawirka Yaasmiin looga soo qaadaayo ayada daraadeed, Deeqa intay qososhay ayay tiri: “ma sidaas ayaad aaminsaneyd, mise waa laguu sheegay?” wuxuu Dooli ugu dhaartay inaan waxba loo sheegin, laakiin uu asagu iska qiyaastay, markaa ayay Deeqa ka dhaadhicisay inay Raage kala hadleysay Yaasmiin, laakiin uu Raage ku yiri madoonaayo gabadhaas, Deeqana way aamintay dhaarti Raage oo aheyd inay asaga iyo Dooli inay ka wada sheekeysan arrimahooda.

Caasha Cumar wuxuu sharcigu soo siiyay Dooli, wiilashi xirnaana waa la soo daayay, waxaana looga digay inay reerkaas isqaba agtooda tagaan, Faarax waxaa lagu yiri: “lacagta doonashada ah aad hore uga dhiibtay Caasha, xaq uguma lihid Jamaal, lacagtaada waxaad kala xaajootaa reer Cumar sidi ay kugu siin lahaayeen gabadhi aad ka bixisay ama xoolahaaga” sidaa daraadeed ayaa waxaa la qaban qaabiyay gogol ay ku kulmaan reer Cumar iyo reer Dooli, taas oo la dhigi doono jimcaha soo socda.

 

28.

Subaxdi sabtida ayaa loo wada xaadiray howshi gurmadka qaranka, xerada guulwadayaasha waxaa isugu yimid, Deeqa oo aan xalay seexan iyo Raage oo hurdo ka soo dhergay, markuu salaamay ayay ku tiri: “naagti maka soo qaaday sawirki?” wuxuu ku yiri: “haa, waan ka soo qaaday” waxay waydiisay: “maxaad xalay iigu imaan wayday? soow kumaan dhihin isi soo dabar?” Raage ayaa yiri: “waxaan u qaatay inaad ka wado sida aad rabto gurigaaga ku aad, uma haysan inaad rabto inaan kuu imaado oo aan sawirka ku soo tuso” Deeqa ayaa tiri: “hadda ayaad khalad iga fahamsan tahay, kaasoo ah inaan rabay inaad sawirka i soo tusto, anigana waxaan rabay inaan ogaado inay kuu soo diiday ama inay ku soo siisay, waayoo anigaa ku baray naagtaas” Raage ayaa yiri: “hadda way dhammaatay, marba haddii aan sawirkeeyga ka soo qaatay” Deeqa ayaa tiri: “walwalka uu igu haayay, xalay oo dhan ma seexan, saaxiibkaa Doolina waan u sheegay inay sawirka kaa soo xaday iyo inay ku jeceshahay Yaasmiin” Raage oo garan waayay sababta ay u fidineyso sheekadaas ayaa ku yiri: “waan ka xumahay inaad xalay seexanin, anigana aan fiid hore seexday, taana ka raali ahoow, waayoo is afgaranwaa ayay ku dhacday” kadib waxay galeen safki ciidamada, waxayna wada noqdeen isku koox, laakiin laba unug ayay kala noqdeen.

Marki dharki cagaarnaa iyo kobihi loo qeybiyay, ayaa la kala diray oo loo sheegay inay berri subax lixda yimaadaan ayagoo dareyska qaba, markay soo bexeen waxaa la soo aaday guriga Deeqa, inti ay soo socdeen ayay Deeqa tiri: “barashadi ugu horeeysaba waxaan ku arkay inaad saaxiibo badan tahay, waayoo waxaa la ii sheegay inaad habeenki soo daahdo” Raage oo aan waydiin cidda u sheegtay ayaa yiri: “inta aan kula joogin waxaan galaa filin, mana jirto gabar kale oo aan jecelahay ama aan la sheekeysto” Deeqa ayaa tiri: “haddii aan xiriir mustaqbal kula yeelan lahaa, waxaan ka baqaa laba arrimood inaad ka bixi waydo” Raage ayaa ka codsaday inay u sheegto labada arrimood markaa ayay tiri: “mid waa iska sahlan tahay, haddii midda kale lagaa helaayo” Raage ayaa yiri: “wax kasta oo aad ii sheegto sida aad u rabto ayay noqonaayaan” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “kula sahlanaa, ma filaayo inuu ka soo bixi karo wiil isbarashadi ka soo bixi waayay” Raage oo wax badan ka dalbaday inay u sheegto ayaa iska aamusay, markaa ayay Deeqa tiri: “haddii aad rabto inaad ogaato waan kuu sheegi karaa, laakiin inaad arrimahaa fuliso inay kugu adkaato ayaa laga yaabaa, sidaa daraadeed inaan la sugno wakhtigeeda ayaa igala fiican” Raage ayaa yiri: “waxaan maqlay in laguu soo doonay wiil Ingiriiska degan, adigana inaad diiday waa maqlay, qofki aad ku bedelan laheyd inaan noqdo ayaan diyaar u ahay, sidaa daraadeed ii sheeg arrimaha inaan fuliyo la iiga baahan yahay, waayoo inaan ku helo ayaa wax walba iiga muhiimsan” waxay yimaadeen guriga Deeqa, marki ay soo galeen ayay ayeeyo Mulaaxo sidi hore oo kale ku soo dhaweysay Alalaas, markaan waxay raacisay: “muxuu wiil London jira u sheegaa gabadheyda Deeqa Degan, waxaa la socda wiil baari ah oo gayaankeed ah” waayoo waxay aragtay inuu Raage u sido alaabti xerada laga soo siiyay.

Cabbaar markay reerki la joogeen, ayuu Raage intuu alaabtiisi ka tagtay ayay isu soo raaceen xaafada Jamaal Dooli, inti ay sii socdeen ayay Dd tiri: “wiilka la rabo in lay siiyo arrintiisu way iska sahlan tahay, kaasi waa middi sahlaneyd aan kuu sheegaayay, laakiin wiilka la hubo inuu booskiisa geli karo ama buuxin karo booskiisa, waa wiilka fulin kara arrinta hore, taasoo ah” Deeqa markay halkaa mareyso ayay aamustay, kadib intay wadada dhexdeeda Raage la istaagtay oo wejigiisa soo fiirisay ayay ku tiri: “haddii aad rabto inaan xiriir mustaqbal yeelano, waa inaad gabar kale la hadlin aan ka aheyn mida aan kuu fasaxo, iska daa inaad sawirkaaga siiso ama isku sawirto, midda kale waa inaad ila joogtaa marka aan kuu baahdo oo aad iga maqnaanin, wiilka intaa ka soo baxa ayaan nafteyda ku aamini karaa, haddii loo baahdana aan cagaaran la aadi karaa” Raage wuxuu yiri: “inta aad sheegtay diyaar ayaan u ahay inaan kuu fuliyo, marba haddii aad ii ogolaato inaan mustaqbal isu noqono, maantana waa maalinta aan adduunka ugu farxad badanahay” Deeqa ayaa tiri: “go’aankaas waxaan jeclaa inaan gaaro marka aan Jaamicad ka soo boxo, laakiin waxaa igu soo dedejiyay arrinka kale oo aan kuu sheegay, waayoo ma rabo wiil aan aqaanin wuxuu yahay”.

Raage oo arjigiisi ok loogu dhuftay, kadib markuu shuruudi qaatay, isla markaana loo sheegay in lagala laabanaayo haddii uu fulin waayo, ayay soo galeen guriga Dooli, markaa waxaa Raage salaan u soo taagtay Dooli walaashiis, asagoo aan ka qaadin ayuu Deeqa fiiriyay, marki ay u faraxday ayuu gacan qaaday, Jamiila Dooli waxaa arrintaa ka qancisay Deeqa oo ku tiri: “waxaan ka nimid xeradi gurmadka, waxaan ku heshiinay maalinba inuu qof xukumo qofka kale, si aan tababar ugu qaadano kala dambeynta ciidamada” Jamiila intay qososhay ayay tiri: “waa arrin fiican, laakiin Jamaal ma joogo, wuxuu doonay Caasha oo xalay hooyadeed uu u geeyay”.

 

29.

Yaasmiin iyo Shamso oo lagu wada qoray Ciidamada Asluubta ayaa ku kulmay xerada, Shamso ayaa waydiisay: “war maka haaysaa, Dd iyo Rr?” Yaasmiin ayaa uga sheekeysay intay kala soo kulantay, laakiin aan ku jirin labada sawir ay Rr ka qaadatay, markaa ayay Shamso tiri: “naa maxaad sawirka u dhiibtay? sawirkaas inaad dhiibto ma aheyn, waayoo Dd waa tii ku laheyd Mr.Rrka waad u fasaxan tahay, ma hadda ayuu la macaaday, wallaahi haddii aan adiga ku ahaan lahaa ma dhiibeen sawirkaas, maalin walba waan tusi lahaa Deeqa” Yaasmiin ayaa tiri: “Rr ayaan u diidaayay inuu dhib kala kulmo, waayoo waxaan arkay inuu si aad iyo aad ah Deeqa u jecel yahay” Shamso ayaa waydiisay: “soow adigu ma jeclid Rr? mise been ayaad sheegeysay?” Yaasmiin ayaa u sheegtay inay run u jeceshahay Raage, markaa ayay Shamso tiri: “marka jaceylkaaga ma fataatiir baa?” Yaasmiin ayaa ku qancisay: “walaal ma doonaayo inaan Raage helo inta uu qalbigiisu ku jiro dhibic yar oo jaceyl ah oo uu u qabo Deeqa, waana hubaa inay ayadu ka tirtiri doonto jaceylka uu u haayo, maalintaas iyo nasiibkeyga ayaan iska sugaa”.Cibaado iyo Cumar Sii Sii waxaa lagu qoray ciidanka Boliiska, laakiin Muuse ayaa Ciidanka melateriga lagu qoray, waxaana la geeyay xero ku taala gobalka Bakool oo xadka u dhow, waayoo wuxuu Muuse ahaa nin xoog badan oo adkeysi badan.

Muddo bil ah ayay wada socdeen Raage iyo Deeqa, ayadoo ay Deeqa la hadleyso wiilki ay doonto, Raagana uu la hadli karin gabadhi ay Deeqa u fasixin, wuxuuna Rr istusay inuu Halganki u dhamaaday, marba haddii uu ogolaansho ka helay Deeqa, wax cabsi ahna uu ka qabin wiilka London joogo, ileyn wuxuu ogyahay in cagaaran loo raacaayo haddii uu xal kale la waayo, hadda waxaa u billowday Adkeysigi, waxaana loo baahan yahay inuu adkeysto intuu guusha ka gaaraayo, wuxuuna aaminsan yahay inay wax walba isbeddelaayaan marki ay aqal galaan asaga iyo Deeqa, inkastoo aanu aaminsaneyn oraahda dheheysa (naag beenbaa lagu aqalkeenaa, runna waa lagu dhaqaa) balse uu qabo inay runta reerka u roon tahay, lana gaari karo maalin ay Deeqa aaminto inuu gabar kale dan iyo muraad ka laheyn.

Maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa soo xumaanaayay nabad gelyada wadanka guud ahaan, gaar ahaana magaalada caasimada ah, magaaladu way foolaneysay ilaa ay ka dhasho maalinti December ay ahayd 30ka 1990, subaxaas axada ahaa, waa subaxdi ugu horeysay aanay is arag Raage iyo Deeqa inti ay ku heshiiyeen xiriirka mustaqbalka, waayoo waxaa Raage celiyay Aabihiis Rooble oo ku yiri: “maanta xabado ayaa ka socda dhanka xeryooyinka, sidaa daraadeed waa inaadan bixin oo aad baxnaanisaa ilaa berri” maalinti xigtayna uma suurta gelin inuu ka soo boxo gurigooda, kadib marki ay billaabatay Madaafiic, subaxdaas cid guriga ka baxday waxaa ka jiray Aabahiis Rooble, dhowr maalin kadib, markay talo faraha ka baxday ayay reerki ku kaliftay inay iskaga qaxaan gurigoodi, Aabe Rooble ayaa keenay gaari siteey manoogta ah oo ay reerku lahaayeen oo uu u waday dareewal ku shaqeeya, markaas ayuu reerka ku yiri: “waxaad soo qaadataan waxaan badneyn, sababta oo ah waxaan aadeeynaa dhanka Balcad oo ay dadku u qexeen” waxaa gaarigi raacay Raage, Aabihiis iyo Hooyadiis, marka ay reerku baxaayaana wuxuu dagaal ba’an ka socdaa xarunta Sos ilaa suuqa xoolaha, waxaa gaarigoodi ku soo dhacay xabado marki ay maraayaan Warshada Baastada, xabadahaas waxaa ku dhintay darawalki iyo Raage hooyadiis oo markaa wiilkeeda kula dardaarmeeysay inuu wadankaan iskaga tago, waxaa ku dhaawacmay Aabe Rooble, waxaana lagala degay gaarigoodi inta leyska soo tuuray dadki ku dhex dhintay, wadada dhinaceeda ayaana looga tegay Raage oo Hooyadiis dhimatay, Aabihiis dhaawac yahay iyo meydki darawalka gaariga.

 

30.

Raage kama tegikaro maydadka oo waxaa u muuqda kuwo ay mukulaaluhu ku cunaayaan hortiisa, Aabihiisna asagoo dhaawac ah ayuu agtiisa ka taahaa (ka riimaa) dadki deganaa agagaarka Wershada Baastadana waa qexeen, waxaa ku caddaatay talo meel uu uga hagaago aanu aqoon, markii dambe ayuu maydadki geliyay guri xaafadda ku yiilay oo dhexda uga soo xirtay, markaa ayuu gaari gacan uu guriga ka dhex helay, intuu saaray Aabihii ayuu ku geeyay Isbitaal Digfeer.Raage markuu Aabahii Rooble seexiyay Isbitaalka, ayuu wadadiisi ku soo laabtay si uu u asturo maydka hooyadiis iyo dawalki gaariga u weday, nasiib xumo waxaa jidka ku helay koox wata afar nin oo indhaha ka xiran, markaas ayaa intii indhaha laga xiray lagu daray dadki la watay, waxaa lageeyay goob ay dadka ku dilaan, laakiin waxaa Raage arkay wiil ay isyaqaanaan oo gacanta ka soo qabtay, asagoo indhaha ka xiran ayuu ku yiri: “Rr, soow matihid?” Raage asagoo aan garan qofka la hadlaayo ayuu yiri: “Raage RR ayaan ahay ee yaa waaye adiga?” wiilki ayaa kala soo dhexbaxay dadki oo ka soo daayay, wuxuuna u soo dhaweeyay ilaa Hotelka Istaadiyo Muqdisho, Raage asagoo aan war ka hayn xaaladda ay ku sugan yihiin dadki laga soo dhex saaray, ayuu yimid gurigi uu ku qarsaday maydadka, wakhtigaa oo ahaa goor maqrib ah, wuxuu ugu yimid odaygi reerkiisa ka qixiyay guriga oo intuu ku laabtay ka naxay maydadka guriga u dhex yaal, odaygi oo yaaban ayuu Raage albaabka ka soo galay, markay iswareysteen kadib ayay maydadki ku aaseen Wersheda Baastada dhineceeda.

Raage asagoo daalan ayuu ka tegay habeen barki, wuxuuna aaday Isbitaal Digfeer, asagoo ka fogaaday meeshi lagu qabtay waloow aanu ogeyn in meel kasta ay joogaan dad dadka baaranaaya ama dilaaya, meel roon ma jirto, waxaa socda bililiqo iyo boob aan meelna loo aabayeeleyn, taasoo lajabsanaayo albaabki xiran xataa haddii uu yahay tabakaayo Tubaako, qofki la arko ee ku soo dhaca Isbaarada haddii aan la dilin waxaa laga qaadanaa wuxuu wato, Raage wuxuu yimid Isbitaalki oo dhaawaca buuxo aad ka nexeeyso aragtidooda, mid madfac ku dhacay, mid xabad ku dhacday, kuwo cabaadaaya oo sugaayo dhakhtar daaweeya.

Aabihiis waxaa laga soo dejiyay sariirti uu ku ogaa, waxaana la soo dhigay bannaanka asagoo aan xataa derin haaysan, Raage markuu arkay silica meesha yaalo ayuu niyada ka ooyay, sababtoo ah waxaa Isbitaalka imaanaayo dad qoryo wata oo cidi aan qore wadan ka wadanaaya dhakhtarka, oo sariiraha kala degaaya, ileyn waa dhammaaday nidaamki iyo kala dambeynti, mana jirto waa lagaa soo horeeyay, dhakhtarku ma dhihi karo waa daalay, shaqadana kama bixi karo ilaa inuu dhuunto ama haddii la qabto lagu handado [waa ku dilaa, haddii aad qofkaan daaweyn weeyso] xaaladi Isbitaalka sidaa ayay isku bedeshay.

Saacado kadib marki ay salaadi subax soo dhaweyd, ayay tii Alle u timid Aabe Rooble, waxaa calooshiisa laga soo saaray sedex xabadood oo uga dhacday markii qaliinka lagu sameeyay, Raage asagoo u haaysta inuu Aabahiis hurdo markuu korkiisa taabtay ayuu ka yaabay qaboowgiisa, hadal uu Aabe Rooble ku yiraahdo wiilkiisa Raage waxaa ugu dambeeyay: (ha noqon kuwa xaqdarada igu dilay oo kale, haddii aad wax kale waydo iskaga haajir wadanka inti illaaheey xaaladaan mid ka kheyroon ka keenaayo) subaxdaas Raage wuxuu ku Aasay Aabihiis Rooble Isbitaal Digfeer gadaashiisa, laakiin wixii wakhtigaas ka horeeyay qofki dhinto waxaa leeysugu yeeri jiray dadka qaraabada ah, markaas ayaa intii maydka la dhaqo oo naxash la geliyo ayaa Salaad Janaaso lagu dukan jiray, kadibna intii gawaari lagu qaado ayaa waxaa la geyn jiray qabuuraha Km 13, marka la aaso ayaa taqliin lagu akhrin jiray si dadka loo soo xasuusiyo xabaasha iyo aakhirada, waxaa dadka aaska ka soo qeyb galay la waydiin jiray inay jirto cid deyn ku laheyd marxuumka ama dembi kale u haaysata, waxaa loo dalbi jiray in la cafiyo marxuumka, kadibna waxaa leeysugu imaan jiray guriga reerka laga dhintay, halkaas oo qurbaan lagu sameeysan jiray, laakiin hadda sheekadaas waa dhammaatay oo qofkii god lagu rido oo aanay cunin Eeyaha ama Mukulaaha ayaa nasiib leh.

Casirki ayuu Raage ka soo huleelay goobti lagu aasay Aabihiis iyo dad kale oo fara badan oo Isbitaalka ugu dhintay daryeel xumo iyo daawo la’aan, waayoo daawadi Isbitaalka inteedi badaneyd waa la boobay, waxaa yaala in yar oo la qarsaday oo iib ah, maamulki,dhakhaatiirti iyo kalkaaliyaashi ayaa waxaa hoowshoodi kala wareegay dad qoro wata oo xoog ku qabsaday Isbitaalka, wax kale iska daaye xataa albaabki laga soo gelaayay Isbitaalka waxaa la dhigay Isbaaro, cid aan lacag bixina dhaawacooda u gudbimaayo gudaha Isbitaalka, wuxuu cudurkaas ku wada dhacay dhammaan Isbitaaladi oo dhan, taasina waxay keentay in xaafadaha dhexdooda laga sameeyo guryo dadka dhaawaca ah lagu daaweeyo.

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHARE