Home Qoraallo DHEDHEMADA DHACDADII FEDERAALKA”

DHEDHEMADA DHACDADII FEDERAALKA”

0
SHARE

Faallo

DHEDHEMADA DHACDADII FEDERAALKA”

 

waa faalo aan ugu tala galay in aan ku faaqido kuna lafa guro wixii laga dhaxlay federaalka iyo waxa laga faa iiday .

1 august 2012 ayey aheed markii la meel maray oo la an saxiyey Dastuurka haatan soomaaliya ku dhaqanto sidiaan ayuuna ansax ku noqday:

cod aqlabiyad ah ayaa la gu meelmariyay Dastuurka cusub ee Soomaaliya yeelanayso oo ah  Nidaamka Federaalka ah.

621 ergay oo madasha shirka ku sugnaa ayaa ogolaaday Dastuurka cusub, waxa diiday 13 ergay, waxaa ka aamusay laba xildhibaan, waxaanna sidaa ku ansaxay Dastuurka cusub ee Soomaaliya.

Intaas kedib waxaa la doortay madaxdii dalka hugaamin lahed oo ku jiray madaxweynaha dalka mudane Xasan sh Maxmuud isa markii la doortay wuxuu sheegay wadanka in uu gaarsiinayo doorasho xor ah waxaase laga war sugayeye mudo wax isbedel ah oo la taaban karana lama helin oo lagau gaari karo buur markaas inaga sareysa .

 

Dhacdooyinkii maamulada

 

Waxaa aas aas may maamulo aan ku saleysneen sidii ku qorneed Dastuurka oo ah meesha ay sheegan in ay dhowrayaan raacaanna xiliyada ay tartanka ugu jiraan siyaasada madaxda Soomaaliya markii ay xilika qabtaana lagu dhaariyo .

Waxaa ka mid ah maamuladaas ;

Jubaland o iyadu ah maamulkii ugu horeeyye oo ay uga daydaan maamulada kale daciiftinimada dowlada iyo sida loo hantaatiqi karo waxaa maalmo is xig xiga looga dhwaaqay magaalda Kismaanyo madaxweyneyaal mid waliba uu lee ayhaay aniga ayaa xaq ah in yar kedib waxaa dagaal aad u qaraar uu dhex maray qaar ka mid ah madaxweyneyaashi oo is baheystay iyo Axmed madoobe oo garab ka helayey cidamada Kenya oo iyagu dano gaar ah kalahaa wadanka iyo weliba magaalada Kismaayo .

Dowladu waxay qoraal ka soo saartay in aysan aqoonsan doonin dhamantood waxaase labada madaxweyne ee kala ah Axmed madoobe iyo Xasan sh Maxmuud waa sida meesha ka muqatee lagu soo heshiisiiyey magaalda Adisababa oo noqotay waa yadii dambe meel Soomaalida lagu heshiisiiyo waxaana lagu yiri Xasan sh aqoonso Axmed madoobe waxaay noqotaba Axmed madoobe wuxuu dagaal mar kale la galay ciidamadii dowlda ee ku suganaa jubooyinka wuu xiray taliyihii cidan Soomaaliya ee jubooyinka intaasna wax u jawabay maleh ,

Xasan kor ayuu ka fiirsanayey intaas waxaase durbaba dadka ay ogaadeen wixii la shegayey ee ahaa awoodu in ay shacabka ka ka imaato kuna dhamaato shacabka in ay mesha ka baxday oo weli qab qable dagaal oo awood leeyahay .

Puntland

 

Puntland waxaay in ku dhow afar mar xariga u jartay dowlda dhexe ayadoo isku ekeen\siineysa dowlad la heer ah dowlada dhexe ,

Inta badan puntland waxay sheegan in ay yihiin dadkii ka dambeyey federaalka hadan waxaay aminsanyhiin in ay la tartamaan dowlda Soomaaliya waxaan umaleeynayaa in badan warka Puntland in la la wada socdo .

 

Koofur galbeed soomaaliya

 

Waxaa dhibaato badan laga soo maray oo dhiig ku daatay dhisidda maamulka K/galbeed oo madaxweynaha ka yahay Shariif sakiin .

lix gobol iyo sedax gobol ayaa la isku qabsaday runtiina waxaa la taageersanaa inta badna in lixda gobolka laga dhigo maamulkaas sababo badanba ha loo yeelee waxaase laba madaxweyne ka soo bexeen baidabo maalin cad Madoobe Nuunow iyo Shariif sakiin in badan kedbib dowlada waxay taageertay Shariif sakiin dadkase waxay la qabsadeen inta badan dowldadu waxay taageertaa wixii qaldan .

Waxaana ka soo baxay maamul sedexaad waxayna durbada isku dayeen in ay xaduudooda aqoonsadaan oo waxay ciidan soo dhoobeen xeebta jazeera magalada Muqdisho ayagoo ku andacoonaya in ay iyagu leeyihiin jazeera waxaa yaabe “dhacdada federaalku foolxuma badnaa” marka ciidan aad xaduud geyneysid waa in aad gudaha nadiif ka tahay shabab waxay joogaan inta badan maamulka k/galbeed dhulka ay ka arimiyaan lkn wax dagaal ah ama meel ay xoreeyeen ilaa iyo hada lama hayo waana midda yaab ka leh oo dhamaan maamulada ay ka dhigteen caado Axmed madoobe intii uu joogay kismaayo dhinac uma dhaafin hal dagaalna lama gelin al shabab. Bal meelo ayaaba laga siiq absaday.

 

GOBOLLODA DHEXE

 

Gobolada dhexe waa meesha keliya ee ugu indha heynta badan dhamaan mamuladi la dhisay iyo kuwa hada dhismaya marka loo eego stregiyada uu ku fadhiyo dhulkaas iyo dadka degan waxaa dowlad waliba dadaal ku bixineysa in ay si gaar ah ula socoto arinta gobolada dhexe ,

Waxaase dhacdo layaable aheed markii ra iisul waarihi hore Cabdi Sh axmed uu tegay Puntland soona saxiixay in maamulkaas uu noqonayo hal gobol iyo bar sababo qabiil awigiis

Sidoo kalna uu saxiisay qodo sheegaya in aaysan dadka ka soo soo jeeda waqooyiga Mudug aysan ka qeyb geli karin shirkaas , CADBI WALI GAASNA dil ayuuba ku xakumay cidii ka qeyb gasha “ federaalku ma qabiilka ayauu tir tirayeye mise qabiilka ayuu soo noolayeye “

Gobolada dhexe waxay noqotay mesaha ugu musharaxiinta badan dhamaan maamulada xitaa Somaliland iyo puntland oo in badan dhisnaa markey daarasho qabanayaan intaas oo qof isma soo taagto waxayna kor u sii dhaafayaan 14 musharax. .

 

Shirkii garoowe

 

“Madax weyne yaal aan kala garan waayey midka madax ah iyo kan madaxda loo yahaay oo mid waliba kan kale madaxweyne leeyahay micnihiiu waa maxay”

Madaxweyneyaashaas waxaay ku fadhiyeen kuraas wada siman mid gooni ah oo maamuus ka muqdana meshaas kuma anan arkin

Waxaanse lala fajacay in federaalka foolxumadiisa agend-hii shirka loogu tala galay wax ka baxsan mesha la keenay isla markaasna qodobo laga soo saaray . taas oo uu waday GAAS.

Waxaa ku jiray qodoba oo weliba ugu xumaa in aysan dadka degan waqooyiga gobolka muduG aysan ka qeyb geli Karin shirka gobolada dhexe waa yaabe “ sow hore looma oran cid walib cidii ay raaci karto ha raacdo shacabkuna isagaa go’anka iska leh ?

Mida kale oo layaab ka leh 1.5 ma noqon kartaa maamul goboleed ?

Halkaas waxaan ka fahmeynaa dhedhemada dhacdadii federaalka

 

Wq/Maslah Hashi Dhoore

 

Email: dhoore46@gmail.com

Facebook. Dhoore46@hotmail.com

 

 

 

SHARE