Home Curis Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.31-35aad. W/Q Ahmed Hayow

Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.31-35aad. W/Q Ahmed Hayow

0
SHARE

 

Raage inkasta oo loo sheegay inay adag tahay inuu u gudbo xaafadda Boondheere, haddana wuxuu soo warwareegaba wuxuu yimid gurigoodi, markuu albaabka ka soo galayna wuxuu arkay alaabti reerkooda oo deyrka la soo wada dhigay iyo qolalki oo wada furan, albaab kasta waa la jebiyay, ciyaal bililiqo ayaa shaqa xoog leh ka qabtay, wuxuu arkay armaajo intii la jebiyay wixii ku jiray bannaanka la soo dhigay, waa armaajadi tiilay qolka Aabihiis iyo Hooyadiis ay deganaayeen, mana garan karo lacagta lagala baxay armaajada Aabihiis inta ay dhan tahay, laakiin wuxuu helay Jeegag Bangi oo aanu ogeyn Bangiga looga doonaayo lacagta marba haddii la boobaayo Bangiyadi, inkastoo ay horaba u adkeyd in jeeg laguu sarifo, Raage intaanu imaan guriga wuxuu soo ag maray Bangigi dhexe oo la bililiqeeysanaayo, wuxuu wadada ku soo dul socday lacagti 50ka iyo 100ka aheyd oo inta laga soo saaray Bangigeedi ay daadsan yihiin  wadada dhexdeeda, tuugada gurigooda soo gashayna kama tegi laheyn Jeegaga haddii ay ogyihiin inuu jirto meel ay ka sariftaan.

Raage wuxuu billaabay inuu dharki ku celiyo armaajada, laakiin nasiib wanaag wuxuu ka dhex helay katiino dahab ah oo hooyadiis laheyd, tuugada dharki ay armaajada ka soo saaraayeen ayay katiinadu soo raacday guntiino ay hooyadiis laheyd, Raage wuxuu fiiriyay dun yar oo ay soo qabsatay katiinada, duntaas oo ah mida ka badbaadisay tuugadi, waxaa katiinada ka qarisay guntiinada oo ay uga tageen inay duug tahay, waayoo waxay qaateen dharki cusbaa oo dhan, waxay qaateen oo kale Mooto feesbo oo haleysneyd oo uu lahaa walaalkiis Maxamed Rooble, waxaa Rr uga daranaatay joodariyadi oo ay wada jeexjeexeen, ayagoo lacag ka raadinaayo iyo albumkiisi oo ay qaateen intay sawiradi ka soo daadiyeen, sawirada dhulka daadsan waxay soo xasuusiyeen Dd oo sawirkeeda uu ugu koreeyay kuwa dhulka daadsanaa, Raage intuu soo qaaday sawirkeeda ayuu fiiriyay indheheeda waaweyn oo la moodo inay kaa dhexbixi rabaan, wuxuu waydiiyay sawirka: (maxaad ku sugan tihiin adiga iyo reerkaaga) Deeqa gurigooda wuxuu ku yaalaa meel u dhexeeysa Hotel Daameey iyo Xerada Cagadhiig oo ah meelaha uu ka billowday dagaalka aan la ogeyn inuu dhammaanaayo iyo in kale, waxaa guriga laga qaatay Telefishinki iyo Raadiyihi iyo inti manaafacaadka laheyd.

Habeenkaas Raage maseexan, wuxuuna ka hurdi waayay xabado ka yeeraayay agagaarka Hotel Shabeele ilaa Bangiga dhexe, halkaas oo ay weli ka socotay bililiqo, mar wuxuu maqlaa dhawaaqa Ak 47 iyo Faalka, marna kuwo ka xoog badan oo ah Baroon iyo Dhashiike aan loo aaba yeeleeynin, kuwaas oo la moodo in laga ridaayo barkinta madaxa u saaran, gaajo iyo hurdo la’aan ayaa isugu darsan tahay, kadibna wuxuu galay riyo asagoo soo jeeda uu ku riyoonaayo maalmihi ka horeeyay masiibadaan socota.

32.

Subaxdi markuu Raage ka soo toosay joodarigi jeexjeexnaa, ayuu ku fekeray inuu ka wardoono xaaladda ay ku sugan yihiin Deeqa iyo reerkeeda, kadibna ka wardoono reer Abtigiis oo deganaa Xamar jajab, markuu si dhib leh ku tegay guriga Deeqa, wuxuu arkay guri uu madfac dudumiyay oo uu ka naxay sida uu u burbursan yahay, markuu gudaha u galayna waxaa gashay cabsi, waayoo waxaa isgaraacaayay daaqadaha iyo albaabada guriga, Raage wuu soo maray guryo sidaan oo kale isu garaacaayaan albaabadooda iyo daaqadahooda, laakiin waxaa kala xanuun badanaa guriga uu yaqaano oo ay degan tahay gacalisadiisa uu u samraayay mudada dheer, cid uu waydiiyo xaalada reerki deganaana ma arkin, markuu cabbaar guriga fiirfiiriyay, wuxuu soo xasuustay marki ugu horeeysay ee la keenay gurigaan rasaasta iyo madaafiicdu ay daldalooliyeen, waxaad moodaa inuu ahaa dhufeys ciidan oo la soo bartilmaameedsaday, maalintaas uu xamaaliga u ahaa Deeqa si uu u soo arko gurigeeda, wuxuu ahaa maalinti ugu farxada badneyd intuu Deeqa ka dhur sugaayay, waayoo wuxuu xasuustaa hadalki Deeqa ayeeyadeed Mulaaxo ay tiri marki ay aragtay gabadheeda oo la socoto wiilki ugu horeeyay ay ku aragto, ayeeyo Mulaaxo intay alalaastay ayay tiri: (waa marki iigu horeeysay ee aan arko Deeqa Degan oo wiil kheyrkeed ah la socoto) waxaa kale oo farxad geliyay inuu yahay kii ugu horeeyay ay Deeqa keento gurigeeda, midaas oo hal derejo Raage kor u qaaday, sidaana uu ku aaminay inuu ka sareeyay wiilasha loolanka kula jiray.

Raage wuxuu garan waayay ayeeyo Mulaaxo oo ah islaan aad u da’ weyn sida ay masiibadaan uga samata baxday, inkastoo uu aaminsan yahay (Alla dilaa dhinta) laakiin waxaan caadi aheyn halaaga guriga ka muuqda, kadibna wuxuu aaday guriga saaxiibkiis Jamaal Dooli oo uu cidna ugu tegin.

Raage wuxuu soo aaday xaafadda abtigiis Liibaan, laakiin wuxuu tegay guri jiingadi laga fiiqday oo shaki kaa gelaayo inay dad ku noolaayeen iyo in kale, inkastoo uu soo arkay guryo la fiiqday, waxaa kala xanuun badnaa guriga abtigiis, laakiin wuxuu helay dad xaafada degan oo u sheegay in abtigiis iyo reerkiisi ay mar hore ka qaxeen xaafadda, markii ugu war dambeeysayna ay aadeen dhanka Afgooye, waxaad moodaa in lagu ballamay inta aanay aafadan billaaban ka hor, abtigiis Liibaan cid uu ka jeclaa majirin iyo xaaskiisa Cadar oo u dhashay Max’ed Liibaan iyo Kaaha Liibaan oo asaga ka weeynaa iyo laba wiil oo kale oo ka yaraa asaga, marba haddii ay bed qabaan oo loo sheegay inay tageen, Raagana cid u joogta aanay jirin, wuxuu go’aansaday inuu lafihiisa la baxsado oo meesha iskaga tago.      Nasiib wanaag wuxuu Raage ka mid ahaa dadkii isku tuuray markabki Goobweyn oo rafaad iyo silic badan kadib lagu daadiyay Yaman xeebteeda, Raage wuxuu ka mid noqday kuwii ka soo badbaaday oo aan u dhiman oonka iyo gaajada, dabaal uu hore ugu bartay Geel-liq iyo Xeebta Liido ayuu kaga badbaaday inuu ka mid noqdo kuwa dabaalan waayay oo ay baddu liqday, waxaa la keenay magaalada Cadan oo uu maqli jiray {maanaa waalan mise Cadanaa laga heesaa} xilliga la keenayna wuxuu ahaa xilli kulul oo ay Buurta Shamsaan ku neefsaneeyso magaalada, qaboojiye ma laha waa xero qaxooti oo kaarar loo sameeyay iyo teendhooyin loo dhisay, wuxuu soo xasuustay Baar vinbay House oo ku yiilay daarta Jirde Xuseen oo ay subax ka wada quraacdeen asaga iyo Deeqa, baarka waxaa ka shidnaa qaboojiye ay aad u jecleeysatay Dd oo aan weligeed imaan Baarkaas.

33.

Seddex sano markuu Raage ku jiray xerada qaxootiga cadan, ayuu helay telefoon uu kala xiriiri karo walaalkiis Xasan Rooble oo sucuudiga joogay, kaasoo ka walwalsanaa reerka oo aanu warkooda maqlin inti ay aafadu socotay, Xasan markii loo sheegay mucjisada ku dhacday waalidka wuu iska ooyay, nasiib xumo waxaa Raage ka dhamaaday daqiiqadihi uu ku bixiyay inuu walaalkii la hadlo, markaas ayaa telefoonki laga jaray walaalkiis oo weli ku maqan murugadi reerka, Xasan haddii uu ku soo celin lahaana nambarka uu ka soo wacay kama qoran, sidaa ay tahayna dukaanka uu Raage ka wacay walaalkiis xataa haddii lagaa soo woco waxaad dhiibeysaa daqiiqadi lacag, haba ka yaraato marki aad adiga cid wacdo, Xasan wuu ka xumaaday khadka ka go’ay walaalkiis Raage, laakiin wuxuu ogaaday inuu Cadan joogo, isla markii ayuu 500 oo riyaal u soo dhigay xawaalada Dahabshiil oo berigaa la dhihi jiray Dhiigshiil, balse yaa Raage u sheegaayo inay lacag u taalo xawaaladda Dhiigshiil.

Raage oo markaan wuxuu yeeshay raja fiican, marba haddii uu helay walaalkiis Xasan, sidaa daraadeed maalintii xigtay ayuu lacag ka qaatay wiil ay saaxiibo noqdeen oo ay isla deganaayeen, wiilkaasoo la yiraahdo Cabdi Shiino, wuxuu Cabdi Shiino haystay lacag Talyaaniga looga soo diro bil walba, waxaana u soo dira gabdho walaalihiis ah, gabdhaas oo raba inay ka soo xambaaraan Yaman.

Raage markuu la hadlay walaalkiis ayuu Xasan yiri: “magaaladda caasimadda ah ee Sanca ku tag lacata aan Dhiigshiil kuu soo dhigay” maalmo kadibna Raage wuxuu macsalaameeyay Cadan iyo xeradi qaxootiga, waxaa kale uu macsalaameeyay saaxiibkiis Cabdi Shiino oo uu asagana u soo dhawaa safarkiisa Talyaaniga.

Raage markuu yimid magaaladi Sanca wuxuu kireystay guri ku yaal xaafadda Saafiya, kadibna wuxuu kala bartay magaaladda iyo somalida degan, wuxuu inta badan tagaa baar ay somalidu ku sheekeystaan, qorshaha walaalkii Xasan rabo waa inuu muddo nasto si ay diifta uga ba’do, kadibna uu u soo tahriibo sucuudiga, asagoo soo raacaaya baabuurta tahriibka, markuu soo helo laynka lagu galo sucuudiga, lix billood kadib ayuu diyaar noqday qorshihi bixitaanka, waxaase nasiib xumo noqotay habeenki lugta lagu gelaayay xadka sucuudiga, ayaa la wada qabtay qolooyinka tahriibaayay, laba sitimaan kadibna waxaa lagu soo daadiyay xadka Yaman, maalmihi xigtay ayuu Raage ku laabtay Sanca, waxay ku hishiiyeen Raage iyo walaalkii inuu raadsado qolooyin ka fiican kuwa uu hadda soo raacay, ileyn waxaa jira guruubo badan oo dadka tahriibiya, muddo badan ayuu Raage iska joogay Sanca, markii dambe ayuu soo helay kuwo uu isleeyahay waa lagu kalsoonaan karaa, walaalkiis Xasan ayaa u soo diray lacagti safarka iyo sahayda jidka, laakiin waxaa ka xadeen wiilal uu la sii degay markuu Sanca ku soo laabtay, waxaa jeebkiisa lagala baxay galabti uu gayn lahaa lacagta lagu qaadi rabay, waxaa ka xaday mid dulsaar ku ahaa guriga, safarkaasna sidaas ayuu Raage ku dhaafay, wuxuuna niyada iska yiri: (roonaana Rabbi ayaa og) wiilki lacagta ka xaday waa la raadiyay, laakiin magaalada oo dhan waa ka tegay.

Raage wuxuu wacay walaalkiis wuxuuna u sheegay wixi ku dhacay, Xasan oo ay lacag uga muhimsan tahay inuu walaalkiis ka soo saaro Yaman, ayaa u sheegay inuu ka guuro wiilashaas iyo inuu safarka dambe uu soo raaco, wixii ka dambeeyay culeys ayaa ka fuulay tahriibka Sucuudiga.

Raage maalin uu wacay walaalkiis oo ay iswaydiiyeen Maxamed Rooble, ayaa markuu ka soo baxay meeshi uu ka dirsaday telefoonka waxaa albaabka uu kula kulmay Deeqa Daahir oo la socota gabar kale, markay idhahoodu isku dheceen ayay qof walba intay indhaha maraamaratay mar labaad fiirisay inuu yahay Raage ama ay tahay Deeqa, kadib marki laysi salaamay oo lays gartay ayay Deeqa tiri “Rr, dib dambe ayaad isku arkeeysaan isma laheyn” Raage ayaa yiri “gurigiina ayaan kaa raadiyay, markaan reerki ka waayay oo aan cid akhbaarkiina i siisana waayay, ayaan aaday gurigi Jamaal oo isagana cidla ah, kadib waxay igu kaliftay inaan wadanki isaga soo tago” Deeqa ayaa gabadhi ay la socotay iska fasaxday si ay fursad isugu helaan Raage.

34.

Raage wuxuu Deeqa uga sheekeeyay intuu soo maray oo dhan, ayadana waxay tiri: “reerkeena waxaan soo baxnay maalinti axada ay xabaduhu billoowdeen talaadadeedi, warna kama hayno xabadaha iyo waxa guriga ku dhacay, kadibna waxaan bil joognay Addis Ababa ilaa aan Sanca ka nimaadno, markuu Raage dhibkiisa ka sheekeeyay, Deeqana ay dhib la’aanteedi ka sheekeysay ayaa loo soo laabtay arrimihi gudaha, waxayna ku tiri: “muddo dhowr sana ah wax war ah kaama helin, mar ayaan is dhahay armuu Yaasmiin la qaxay ama gabar kale, marna waxaan is dhahay armaa la dilay oo aanu nooleyn, sidaa daraadeed ayaan u ogolaaday wiilki London joogay, muddo badan anigoo diidanaa, laakiin aan ogeyn waxa aad ku sugan tahay” Raage muraayadaa ka jabtay, wuuna muraara dillaacay, markaa ayuu yiri: “ma iga aamineysaa haddii aan ku iraahdo, inti aan kala maqneyn wax gabar ah lama hadlin, anigoo amarkaagi fulinaaya, adigana waxaad i leedahay waxaan is iri armuu gabar kale raacay” wuxuu Deeqa waydiiyay: “hadda malagugu daray wiilkaas mise?” Deeqa ayaa tiri: “maya layguma darin, anigaana diiday in laygu daro asagoo maqan” Raage intay neef ka soo booday ayuu yiri: “D weli sidii iyo si ka daran ayaan kuu jeceshahay, waana Alle mahadiis haddii aan lagu guursan, hadda diyaar ma u tahay inaan reerka kaa doonto?” Deeqa ayaa tiri: “way ii soo kaa diidaayaan, taana waan hubaa, halkana waa ogtahay oo Somaliya maaha, maxaad faleysaa haddii la ii soo kaa diido?” wuxuu ku yiri: “meeshaan waxaa ku taalo meel ay Somalidu degan yihiin oo la yiraahdo Cadan Ticis, haddii aan tagno waxaan ka heleynaa wadaad Somali ah oo isku keen nikaaxiya, laakiin iga ogoloow inaan marka hore reerka kaa doonto” Deeqa ayaa tiri: “ma aqaano inaad si fiican uga soo baxday shuruudihi xiriirka saaxiibnimada mustaqbalka, waayoo inta badan kulama joogin, ulajeedada aan ka lahaa shuruudahaasna waxay ahaayeen, inaan ogaado inuu dhab yahay jacaylka aad sheegeyso inaad ii qabto, sidaa daraadeed, waxaan hadda kuu sheegaa inay jiraan shuruudaha doonashada, kuwaas oo ka fara badan kuwii hore” Raage ayaa yiri: “marba haddii aad xaas ii noqoneyso, wixi aad jeceshahay waa kuu sameynaa, maxaa kale oo harsan?” Deeqa ayaa tiri: “awaamiirteyda haddii aad qaadaneyso waa hagaag, ciddi aan iraahdo yay guriga soo gelin sooma geleyso, naag lama hadli kartid, wax aan raali ka aheyn iguma khasbi kartid, waa inay reerku ii kaa ogolaadaan, intaa haddii aad raali ku tahay, diyaar ayaan kuu ahay” Raage cirka iyo dhulka ayaa la wareegay, waxaa ugu daran reerka ka raali ahaanshahooda, reerkaas oo ay u sheegtay inay ogolaaneyn, markaa ayuu yiri: “wax walba raali ahaanshahaaga ayaa ka asal ah, haddii aad adiga raali ka tahay inta kale waa hagaagaayaan” wuxuuna u sii raaciyay: “waxaan ku waydiinaa hal su’aal oo aan weli ku waydiin, taasoo ah haba yaraatee wax jaceyl ah ma ii qabtaa?” Deeqa ayaa ku jawaabtay: “kuma necbi, laakiin jaceylkaaga ayaan kuu tixgeliyaa” Raage ayaa yiri: “waad ku mahadsan tahay tixgelinta aad i siisay” markaa ayuu ka dhaqaaqay, Deeqana intay ka daba dhaqaaqday ayay ku tiri: “Rr, xabiibi intee iga aaday!” Raage intuu baraf noqday ayuu ku yiri: “waan ogahay inaad i jeceshahay, laakiin sababta aad ii dhihi la’dahay waa ku jecelahay, maxay tahay?” Dd intay qososhay ayay tiri: “soow maadan maqal, dumarku waxa ay rabaan ayay ka xishoodaan” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “xaafadee degan tihiin?” Deeqa ayaa tiri: “xaafada Shucuub” markaa ayuu xaafadeeda u raacay oo guriga soo bartay, waxay siisay telefoon guriga ku jira nambarkiisa.

35.

Marki ay galeen guriga ay degan yihiin reer Daahir, ayay ayeeyo aragtay Raage, markaa intay gateeda fadhiisisay ayay ku tiri: “maandhoow reerihi ka waran?” Raage markuu u sheegay mucjisadi ku dhacday ayay ku tiri: “samir iyo iimaan Allaha kaa siiyo” markaa ayay Raage waydiisay inuu wax ka yaqaano nolosha Yurub, waayoo ayeeyo Mulaaxo waxaa ku dhacay isbedel weyn dhinaca caafimaadka, sababta oo ah waxay wayday wax yaabihi ay dalka ku haysatay, socsocodki iyo qaraaba salaanki, kii abaay abaayda iyo faalalki badnaa, ayeeyo Mulaaxo waxay aheyd boqorada ay garbaha kaga jiri jereen carruurteeda iyo kuwa ay dhaleen, waxay aadi jirtay aroosyada, xafladaha, tacsiyada iyo wax kasta oo la qabo, intaana waxay u ahaayeen caafimaad, laakiin hadda waxaa la keenay dhul islaameed oo dabeyl qaboow leh, oo aan la socan karin, haddana waxaa loo sheegay in Yurub loo sii qaadi doono, sidaa daraadeed ayay qof walba waydiisaa yurubta la sheegaayo, waxayna maqashaa dad leh: (meeshaan waa ka qabowdahay oo baraf ayaa ka da’a) ayeeyana qaboowga waa dhibaa, haddii lala tashanaayana waxay rabtaa in dalki lagu celiyo, Raage guriga waa lagu soo dhaweeyay, waloow aanu Dd Aabaheed joogin, asagana muraadkiisi sooma ban dhigin, wuxuuna la sugaayay wakhti kale iyo inuu u soo diyaargaroobo, sidaa darteed ayuu guri barasho uga dhigtay socodkaan, kadibna wuu ka soo tegay, Deeqa oo soo dhaweysay, waxayna ku ballameen berri galab inay ugu timaado Taxriir oo ah halka ay ku kulmeen.

Raage meeshi telefoonada laga dirsanaayay ayuu ku soo laabtay, kadibna wuxuu wacay walaalkiis Xasan, markuu u sheegay qorshaha uu Dd ka damacsan yahay haddii ay reerkeedu u soo ogolaadaan, ayuu walaalkiis Xasan ku yiri: “gabadha aad ii sheegtay in nin Yurub jooga loo haayo, ma filaayo inay reerku ku siinaayaan, laakiin haddii aad sidaa ku hesho rageedi ayaa tahay, waana kugu taageeraa” Raage intuu farxay ayuu waydiiyay inuu walaalkood Maxamed ka war helay, balse Xasan ayaa u sheegay inuu wax war ah ka haynin, marki ugu dambeysayna uu Kenya joogay inta aan dagaaladu wadanka ka dhicin.

Maxamed Rooble wuxuu galay dalka Ingiriiska, wuxuuna joogaa muddo gaaban oo aan ka badneyn laba sano,wuxuu degan yahay magaalada Manchester, wuxuuna war iyo wacaal ka la’ yahay reerkiisi, wuu ogyahay inuu Xasan sucuudiga joogo, laakiin meel uu kala xiriiro ma yaqaan, ilaa uu BBCda ka maqlo barnaamijka baafinta dadka kala maqan, markaas ayuu waraaq u diray BBCda, warqadaas oo soo deynteeda ay muddo badan qaadatay.

Raage markuu intaa dhammeystay, wuxuu aaday guri ay degan yihiin dhallinyaro ay Sanca isku barteen, markuu cabaar la joogay oo uu damcay inuu ka tago, ayaa wiil ka mid ah wuxuu Raage waydiistay lacag yar uu wax ku soo gato, Raage ayaa 100 riyaal u dhiibay oo ku yiri: “waxaad rabto ka soo gado, inta kalana ii soo celi” wiilki dukaanka aaday ayaa ku soo daahay, Raage oo ka xun soo daahista wiilka, ayay dhallinyaradi daareen idaacadda BBCda, warka kadibna waxaa soo galay barnaamijki baafinta, waxaana lagu billaabay: {waxaan waraaq baafin ah ka helnay, nin nagala soo xiriiray dalkan Ingiriiska oo la yiraahdo Maxamed Rooble, wuxuu baafinaayaa Aabihiis Rooble Cilmi iyo Hooyadiis Khadiijo Aadan iyo walaalkiis Raage Rooble oo loo aqaan Rr, oo ay ugu war dambeysay Magaalada Muqdisho ayagoo jooga, waxaa kale uu baafinayaa walaalkiis Xasan Rooble oo sucuudiga ugu war dambeysay, haddii ay dadkaasi na maqlaayaan ama cid taqaano ay jirto, hala soo xiriiraan unhcrta, ama annaga hanala soo xiriiraan annagaa akhbaarkooda gaarsiineynee} dhallinyaradi waxay garteen Rr inuu asaga yahay, Raagana ma sugin wiilki lacagta la maqnaa, wuxuuna toos u aaday xarunta telefoonada.

 

La soco qeybaha kale

 

 

SHARE