Home Qoraallo SOOMAALIYA INEY FEDERALISM NOQOTO WAQTIGANI MAXAA KEENNAY?

SOOMAALIYA INEY FEDERALISM NOQOTO WAQTIGANI MAXAA KEENNAY?

0
SHARE

Ilyaas

SOOMAALIYA INEY FEDERALISM NOQOTO WAQTIGANI MAXAA KEENNAY?

Waxaan la yaab laheyn, siyaasadda maanta caalamku kula dhaqmayo soomaaliya oo aan aheyn mid uggub ah oo wejiyo badan leh. Waxaase ka sii yaab badan hogaamiyaasha siyaasadda Soomaaliya intii burburka lagu guda jiray, aaney laheyd awood iyo farsammo cad oo shacab lagu hogaamin karo, caalamkana ka gadmi kara.

Mar hadaad maqasho Federalism, waa maamullo isu tagay (Gobollo) shacabkana afti ogolaansho laga soo qaaday oo sameystay awood dowlad dhexe oo kor ka maamusha, una qeybisa kheyraadkeeda dabiiciga ah hadba waxey xaq u yeeshaan 50% I.W.M. Gacanna ku qabata amniga iyo Garsoorka iyo dhamaan addeegyada arrimaha Bulshada si caddaalad ah, Maamulladana ay ku kalsoonaadan awoodda ay yeelaneyso dowladdaa Dhexe Gudaha iyo dibadaba kuna daba feeylaan.

Su’aashuse waxey tahay Soomaaliya Malaga qaaday waqtigani Afti dadweyne? Haa iyo maya!!! Ma u diyaarsan tahay nidaam Federalism ah? Shacabkuna mala fahamsiiyey macnaha iyo waxa uu yahay in lagu middoowo Federalism? Intuba ra’yigeyga anigoo cabiraya jawaabtu waa maya. Hadaba Soomaaliya iney Federalism noqoto waqtigani maxaa keennay?

Waxaa muuqanaya in ujeeddo fara badan laga leeyahay Federalismka umaddaan sanka laga gelinayo oo aanba fahamsaneen faa’iido iyo khasaaro wuxuu la imaan doono. Waxaan maqli jiray WARANKA IYO WEERTA MAXAA KULMIYAY? GABRE iyo MAXAMED CABDI YUUSUF maxaa kulmiyay Maamul kasta oo la dhoodhoobo inta qol la isku soo xiro iney hormuud ka noqdaan? Sow ma muuqaneyso waqtigaani in soomaaliya ay ku socoto sheekadii afartii dibbi ee midba si xeeladeysan loo cunay.

Maxamed Cabdi Yuusuf marka laga soo tago IGAD wuxuu ka soo jeeddaa deeggaan ahaan Waqooyiga Barri ee kenya ee gacan Gumeysi ku jira wuxuuna u addeegaa una yahay safiir dowladda Kenya iyo dammaceeda guracan ee Dhul balaarsiga ku dheehan. Jeneraal GABRE’SE waa nin Eithiopian ah, dhowr iyo labaatankii sanno ee dalku burburka uu ku jiray, wuxuu ku lug lahaa kala qeybinta iyo hub isu dhiibida hogaamiye kooxeedyadii dalka soo maray, waana nin Arxan daran jecelna in soomaaliya la hoos geeyo Eithiopia oo killil noqoto.

Hadii Federal State ay raggaasi hormuud ka yihiin la dhoodhoobayo xiligani maxaa garashada inaga qaaday oo noo diiday inaan cadowgeena iyo kan wax na taraya aan kala aqoon weyno, kawaanka naloo wadase oo nalagu gowraci doono aan u sii soofeeyno Middiyaha, waqti aan waqtigani aheyn aan ka shalayn doono.

Dariiqan waxaa furay oo soomaaliya laga soo maray maamuladdii horey u jiray sida Somali-land iyo Punt-land iyo Maamulkii gadaal ka gaarka ahaa ee Jubbooyinka (Axmed Madoobe) saddexdaa Maamul ee sare ku xusan waa hormuudka iyo aabayaasha Gumeysiga cusub ee federalism-ka ku hoos jira ee lagu qasbayo Gobollada Koofureed oo dhan. Somali-land garanay ayada oo Koofur naceybkii ay u qaaday ayey isu dhiibtay Eithiopia si loogu ololeeyo Aqoonsi caalamiya, Eithiopiana garwadeen ka noqoto.

Punt-land’se ayada oo og siyaasaddii duugowday laga soo bilaabo 1960, ay soomaalida kale kula dhaqmeysay inaaney gadmeyd, ayay ka door biday in Eithiopia laga maamulo, shaar soomaalinimana gashato, Eithiopiana ay u damaaciso koofur qeybaheeda kale. Xafiiska laga hago Siyaasadda Eithiopia ee burburinta iyo kala qeybinta Soomaaliyana laga furo Garoowe lagana soo raro Addis-ababa.

Kenya oo fahamtay qorsha Eithiopia ee soomaaliya ayaa durbadiiba bilowday iney ayadana dhulkaan dayacan iyo baddaan shidaalka iyo qeyraadka ka buuxo wax ku yeelato, Waxey ku bilowday tababarka 2000 askari oo jubbooyinka ah looguna magac daray shabaab ayey la dagaalamayaan, hogaamiyena loogu dhigay Axmed Maxamed Islaam (Axmed-Madoobe) iyo safiirka Imparatooriyada cusub (Maxamed Cabdi Yuusuf) U soo magacawdo, Kenya oo is celin kari weyday waxey muran iyo shaki gelisay Biyaha Soomaaliya iyo kheyraadka ku dhex jira ( Somali territorial water) oo dhererkeedu lagu qiyaaso 3333 Km.

Maamulka cusub ee koofur Galbeed, Kuwa as-aasmaya ee Gobollada dhexe, Hiiraan iyo Sh/dhexe iyo Banaadir waa mid lagu qasbayo iney wadooyinkaa raacaan, kaaga darane hormuud waxaa ka wada noqonaya rag jawaasiis wadamadaa u ah. Alloow amuurta sahal soomaalina u maciin!!!!!

W/Q: Ilyaas Xariirshe Ilyaas81@hotmail.com

SHARE