Home Curis Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 56-60aad. W/Q Ahmed Hayow

Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 56-60aad. W/Q Ahmed Hayow

0
SHARE

 

Gaarigi Saalim wuxuu soo istaagay albaabka guriga reer Daahir, intuu ka soo degay ayuu albaabka garaacay, waxaa ka furtay Hooyo Aamina oo tiri: “yaad rabtay?” Saalim ayaa yiri: “Deeqa ma joogtaa?” hooyo Aamina ayaa tiri: “xagee naga soo salaantay?” Saalim ayaa yiri: “waxaan ahay Raage saaxiibkiis, waxaana xalay wada hadalnay Deeqa oo aan ku heshiinay inaan saaka u imaado” hooyo Aamina ayaa tiri: “war bal sug” markaa ayay Deeqa wacday, Deeqa oo aan shuka wadan oo malqabad madaxa soo saaratay ayaa soo aaday albaabka, markaa ayay hooyadeed ku tiri: “wiil aad xalay la ballantay ayaa albaabka kuu jooga” Deeqa ayadoo leh: “hooyo cid aan xalay la ballamay ma jirto” ayay soo fiirisay Saalim, markuu indheheeda arkay ayay jiriirico ku yaacday, waayoo sawirki uu arkay ayuu hadda nolol ku arkay, markaa ayay Deeqa tiri: “kumaa aheyd walaal?” Saalim ayaa yiri: “Saalim baa Cubeyd, wiilki aad xalay wada sheekeysaneyseen” Deeqa ayaa waydiisay: “maxaad iga soo doontay?” Saalim wuxuu ugu jawaabay: “Aabahaa ayaan rabaa inaan is aragno” Deeqa ayaa ku dooday: “ma anigaa kugu iri Aabaheey is arka?” markaa ayay hooyo Aamina ku soo laabatay waxayna tiri: “wiiloow waxaad ii sheegtay inuu Raage saaxiibkaa yahay iyo inaad Deeqa ballan leedihiin, laakiin intaba beentaa ayay noqotaye meesha iskaga tag” markaa ayay Deeqa guriga gudahiisa ku celisay, Saalim ayaa yiri: “Deeqa Aabaheed ayaan rabaa” hooya Aamina ayaa ku yiri: “ma joogo” Saalim ayaa yiri: “goormuu imaanaa?” hooyo Aamina ayaa ku tiri: “lama oga” wuxuu yiri: “guriga aan ku sii sugo” hooyo Aamina ayaa ku tiri: “kuma naqaano” wuxuu hadalki ku soo gabagabeeyay: “waxaan ku sii sugaa gaarigeyga dhexdiisa” markaa ayuu gaariga dhex fadhiistay, reer Daahir oo la yaaban ayaa iswaydiiyay wuxuu yahay, Deeqa ayaa tiri: “ma aqaan, balse xalay oo dhan ayuu telefoon igu soo wareeriyay, waxaan u maleynaa inay nambarka siisay Xaawa Kiin oo iiga maseyrsan Kamaal” hooyo Aamina tiri: “Xaawa Kiin yaa telefoonkeena siiyay?” Deeqa ayaa sheegtay sida ay telefoonka ku heshay, markaa ayay hooyo Aamina tiri: “wax walba waxay daba socdaan Rr, waayoo wiilkaanba xataa wuxuu lahaa saaxiib ayaan nahay” Deeqa ayaa tiri: “hooyo, wuxuu Aabe u sugaayo aan aragno”.

Raage wuxuu raacay Cali Baashi si uu gurigiisa telefoon uga dirsado, markuu wacay ayay Deeqa ka qabatay, markay u sheegtay Saalim inuu guriga hortiisa fadhiyo ayuu ku yiri: “waan ogahay” markaa ayay Deeqa ku tiri: “sidee ku ogaatay, ma adigaa soo diray oo telefoonkeena soo siisay?” Raage ayaa yiri: “sidee ugu qaadatay inaan nin kuu soo diro?” Deeqa ayaa tiri: “waa tahaye sidee ku ogaatay inuu Saalim nala joogo?” wuxuu u sharaxay inuu Saalim ku bartay guriga Cali Baashi oo ah wiilki la socday shalay, wiilkaa oo u sheegay Saalim iyo muraadkiisa, Saalimna inuu yahay wiilki xabsiga ka soo daayay markuu Aabaheed xiray iyo inuu adeerkii xabsiga haysto.

Saalim baa Cubeyd wuxuu ku dhashay Degmada Xamar weyne, Aabihii Cabadalla baa Cubeyd, waa nin ku noolaa Soomaaliya oo xaas ku guursaday, wuxuuna dhintay dagaalada sokeeye ka hor, balse markuu dagaalku billowday ayay Saalim iyo walaalkiis ay soo aadeen Yaman, waxayna la nool yihiin adeerkood Cali baa Cubeyd, waxaa Saalim la dhashay wiil aad u fiican oo Soomaalinimada jecel, wiilkaas oo la yiraahdo Caadil oo asaga ka yar, adeer Calina wuxuu jecel yahay Saalim oo Soomaalida uga soo qaada laaluushka marka la soo xiro, wuxuu waydiistana wuu u qabtaa, askarta joogta xabsiga waxay ka baqaan Saalim oo awood u leh inuu saldhiga ka bedel, haddii ay amarkiisa qaadan waayaan, sidaa daraadeed Saalim waa wiil awood u leh inuu gaba gabeeyo reer Daahir, haddii ay diidaan waxa uu ka dalbado.

 

57.

Aabe Daahir markuu magaalada ka yimid, wuxuu arkay gaari Land cruiser ah oo guriga hortiisa fadhiya, wuxuu fiiriyay qofka ku dhex jira markaa ayuu isaga gudbay guriga, markuu garaacay waxaa ka furtay adeegtadi oo isla markiiba u sheegtay inuu sugaayo ninka gaariga ku jira, Aabe Daahir intuu soo aaday ayuu Saalim ku yiri: “ma anigaad i sugeysay?” Saalim intuu gaariga ka soo degay ayuu salaamay odaygi, wuxuuna ku yiri: “adeer adiga ayaan akhbaar kuu waday” Aabe Daahir ayaa yiri: “adeer akhbaarka yaad iiga wadaa?” Saalim ayaa ku yiri: “dhaqanka Soomaalida maaha inay taagnaan wax isugu sheegaane, marka hore na fadhiisi” Aabe Daahir oo u qaatay inuu ka socdo dhanka Kamaal Aabihiis ayaa ku yiri: “wax yar inaad sido ayaan mooday, laakiin soo dhawaaw oo guriga soo gal” fadhiga ayuu geeyay, markaa ayuu dalbay in qado loo wada keeno, laakiin Saalim ayaa diiday, wax yar kadib ayay hooyo Aamina soo istaagtay albaabka qolka fadhiga waxayna u yeeratay Aabe Daahir, markay soo faqeen ayuu fadhigi ku soo laabtay Aabe Daahir oo markaan wax yar ka fahamsan danta Saalim, markaa ayuu Saalim yiri: “adeer waxaan rabaa gabadhaada inaad igu siisid sunatullaahi wa Rasuulihi, waxaana kuu keenaa adeerkeey oo ah taliyaha saldhiga Shucuub, kaasoo ii soo diray inaan farriinta ku soo gaarsiiyo, farriintaas oo ah inay kuu imaanaayaan maalinta jimcaha bacda salaad” Aabe Daahir ayaa yiri: “gabadheyda nin ayay u joogtaa” Saalim oo hadalka ka dhex galay ayaa yiri: “Raage ma aha nin awooda inuu gabadhaada farxad geliyo ama lacagta aad doonto kaa siin kara” Aabe Daahir ayaa yiri: “Raagaha aad sheegeyso maaha ninka ay u doonan tahay Deeqa” Saalim oo hadana hadalki ka dhex galay ayaa yiri: “Aabe Kaahinka dhalay Kamaalka ingiriiska jira, xoolaha uu London ku haayo waa xoolaheena, annaga ayuu noo iibiyaa alaabta aan Yaman ka dirno” Aabe Daahir oo wuxuu sheego garan la’ ayuu Saalim yiri: “adeer wax dhib ah ma jiraan, waadna waydiin kartaa Kamaal Aabihiis Kaahin, haddii aad telefoonkiisa haysanina waa kan” wuxuu Saalim miiska saaray warqad uu ku qoran yahay telefoonka Kaahin, markaa ayuu yiri: “adeer ma rabo adeerkeey Cali baa Cubeyd inuu u yimaado arrin ceeriin ah, sidaa daraadeed waxaan kaa codsanaa inaad ka hor war cad i siiso, waayoo ma rabo in leysku saqajaamo” Saalim intuu istaagay oo jaakada toosistay ayuu dhinaca ka tusay bostoolad u xiran, markaa ayuu yiri: “berri subax war cad aan kuugu imaado” markuu Saalim soo baxay, Aabe Daahir waxaa u baryay waa’ cusub, asagoo labada dhafoor haysta ayay u soo galeen Deeqa iyo hooyadeed, markuu u sheegay wixi dhex maray asaga iyo Saalim ayay hooyo Aamina tiri: “maxaan yeelaa?” Deeqa ayaa tiri: “hooyo, sidee leedahay, waa maxay maxaan yeelaa! aniga ilaa aan mid idiinkala imaado maad i sugtaan oo tiraahdaan gabadheena afkeeda midki ay ka dalbato ayaan siineynaa, Saalimna hadduu rag yahay muu afkeyga ka keensado” waxay sii raacisay: “Aabe, Saalim aniga igu soo xawil, aan arko wuxuu iga guree” markaa ayuu Aabe Daahir wacay nin ay saaxiib yihiin oo Oday Cabdulle la yiraahdo, wuxuu waydiiyay in wadankaan gabadha khasab lagu bixiyo iyo in kale, Oday Cabdulle ayaa yiri: “carabta marki gabar la nikaaxinaayo, waxay gabadha ka soo qaadaan ogolaansho iyo meherkeeda, haddii ay diido oo aanuu khasab jirin sharci maaha” markaa ayuu Aabe Daahir fahmay, Odaygi markuu telefoonka isi saaray, ayuu soo dhacay waxaana ka qabatay Deeqa, “hello” markay tiri, ayaa lagu yiri: “walaal ma taqaanaa wiil la yiraahdo Raage Rooble” Deeqa oo ka dhex gashay ayaa tiri: “Rr soow maaha? waa la yaqaanaahe yaa raba?” gabar Yaasmiin ay u dhiibtay talefoonka oo Deeqa la hadleysay ayaa tiri: “waxaa raba walaalkiis Maxamed ee telefoonkiisa ma haysaa?” Deeqa intay faraxday ayay u qortay telefoonka Raage, ayadoo rabta inay sii hadasho ayaa telefoonki lagu dhigay, isla markiiba Yaasmiin waxay wacday Raage, laakiin cidna kama qaban, asagana markaa intuu soo qadeeyay ayuu u soo socdaa guriga Deeqa, si uu uga wardoono Saalimki guriga hortiisa fadhiyay iyo odaygi macangaga ahaa uu sugaayay wixii dhex maray, balse markuu yimid asagoo aan hadalki loo sheegin ayay Deeqa ugu bishaareysay in walaalkiis ay u qortay nambarkiisa, markaa ayuu deg deg ku aaday gurigiisa.

 

58.

Kamaal Aabihiis waxaa badeeco looga diraa Yaman, howshaas waxaa wakiil uga ahaa Saalim adeerkiis oo saami fiican ku lahaa, laakiin waxaa soo kala dhex galay qilaaf xagga xisaabaadka iyo saamiga ah, sidaa daraadeed ayuu Aabe Kaahin wuxuu is tusay inuu howsha soo dirista ku wareejiyo Aabe Daahir, gabadhiisana uu ku darsado wiilkiisa, qorshihiisu waa inay reerku Yaman u joogaan inta aan ka aheyn Deeqa oo ninkeeda loo diro, laakiin Oday Daahir iyo Islaantiisu inay Yaman joogaan, laakiin Saalim ayaa soo ogaaday sheekada, wuxuuna ka soo ogaaday Xaawa Kiin oo uga sheekeysay Kamaalka inay isku haystaan ayada iyo Deeqa, kaasoo markuu sii waydiiyay ay ku tiri: “wuxuu Kamaal Aabihii ganacsi ku leeyahay Yaman oo alaab looga diro” waxaa kale oo ay u sheegtay magaca Aabihii iyo inuu goor dhow imaanaayo Yaman iyo Deeqa Aabaheed inuu u shaqeeyo, halkaa ayuu Saalim ka ogaaday, wuxuuna arrinta u sheegay Adeerkiis, kadibna waxay ku tala galeen inay qorshahaas fashiliyaan, marka waxaa isku soo aaday Saalim oo jeclaaday Dd iyo howsha burburinta qorshaha Aabe Kaahin, si uu ugu ogolaado inay dib u wada ganacsadaan, Saalim howshiisa waa laba shibirood hal dhagax ku dil.

Raage markuu gurigiisa tegay, waxay Yaasmiin soo wacday ilaa shan jeer, kadib ayay wacday walaakiis Maxamed oo shaqo ku maqan, laakiin waxay u doobtay fariin ah telefoonka walaalkiis, muddo kadib ayay Raage soo wacday, asagoo telefoonka fiirinaayo, markuu qabtay ayay Yaasmiin tiri: “Alxamdulillaah soow Raage maaha?” Raage ayaa yiri: “haa, yaa waaye adiga?” Yaasmiin ayaa tiri: “waa Yaasmiin Axmed, iska waran Rr?” Raage ayaa yiri: “yaa telefoonkeeyga ku soo siiyay?” Yaasmiin ayaa tiri: “waxaan joogaa Mareykanka, anigaa soo raadiyay telefoonkaaga, haddana waxaan fariin ugu reebay walaalkaa Maxamed oo Ingiriiska jooga” waxay sii raacisay: “reerki iiga waran?” Raage ayaa yiri: “walaaleey waad mahadsan tahay, Aabe iyo hooyo (AHN) laakiin waxaan kaa codsanaa inaad telefoonka Maxamed i siiso iyo inaad mar dambe i soo wicin, waana ogtahay sababta, waxaa intaa sii dheer ballan aan qaaday oo ah inaan gabar la hadlin iska daa adigee” Yaasmiin ayaa tiri: “waan ogahay inay Dd Sanca kula joogto, waxaan kuu rajeynaa inaad ku guuleysato, dib dambana ma kuu soo wacaayo, laakiin hal mid iga ballan qaad, taasoo ah haddii aad isweydaan Deeqa inaan booskaas aniga kuu galo” Raage ayaa yiri: “kuuma ballan qaadi karo” Yaasmiin waxay tiri: “sawiradaadi waan haayaa, waana kuu ballan qaaday inaan cid kale arkin, ballantaana weli waan kuu hayaa, lagamana yaabo inaan kaaga boxo, aniga oo og inaad Deeqa weli ka helin ogolaansho guur, marba haddii aadan weli guursan, laakiin ay ragga kale kaaga dhowdahay, marka maxaad ku diidaysaa inaad igu tiraahdo fursad ayaan ku siinaa” Raage oo diidan ayay Yaasmiin u qortay telefoonki walaalkiis, kadibna khadki ayuu uga baxday, Raage wuxuu wacay Deeqa si uu arrinti Saalim uga wareysto, balse markay ka qabatay ayay hore ka waydiisay: “walaalkaa ma kula soo hadlay?” Raage ayaa yiri: “waxaa ila soo hadashay Yaasmiin Axmed” Deeqa markaa ayay telefoonka dhigtay, Raage ayaa dhowr goor ku celceliyay laakiin waxay noqotay inuu gurigeeda soo aado, markuu yimidna qolkeeda ayay dhexda ka xiratay, wuxuu ka soo tegay asagoo maskaxda ka daalan, wuxuuna garan waayay inuu been sheego iyo inuu run sheego mida maslaxadu ku jirto, kadib wuxuu barta telefoonada ka wacay Maxamed, markuu waayay ayuu wacay walaalkiis Xasan, wuxuuna u qoray telefoonki Maxamed, markaa kadib ayuu gurigiisa aaday, laakiin habeenkaas oo dhan ma seexan, waxaa iskugu darsamay farxad iyo farxad la’aan.

Yaasmiin way faraxday marba haddii ay Rr la hadashay, haddii uu doono hadiido, laakiin inuu nool yahay iyo inuu caafimaad qabo ayaa farxad u ah iyo inay walaalkiis baratay.

 

59.

Raage gurigiisa murkuu cabbaar joogay wuxuu wacay Oday Cawaale, si uu ugu sheego inuu nabad qabo, ileyn wuxuu ka baqay haddii uu waayo inuu is yiraahdo armaa la xiray, markuu wacay gurigiisi hore ayuu carabki u diiday inuu qof u soo woco telefoon gudaha ah, marba haddii aanu dibadda aheyn, Raage wuxuu ilaalo ka noqday telefoonkiisa, wuxuuna uga tegi karaa oo kali ah muraad uu Deeqa ka leeyahay ama ay asaga ka leedahay.

Raage oo ka walwalsan Oday Cawaale ayuu telefoonki soo dhacay, hadalki ugu horeeyay ee lagu yiri wuxuu ahaa: “Raage miyaa qofka ila hadlaayo?” Raage ayaa yiri: “haa aboowe Maxamed” kadib wuxuu uga hadlay dhibaatooyinki uu soo maray, Maxamed intuu iska ooyay ayuu yiri: “inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun” kadib markay dhammaatay murugadi iyo tacsidi ayuu Maxamed yiri: “waxaan kuu soo diraa lacag aad Kenya ku aadid, waayoo halkaa ayaan leyn kaaga raadin karaa, sidaa daraadeed waa inaad deg deg uga soo baxdo Yaman” Raage oo aan ka tegi karin Dd ayaa yiri: “aboowe meeshaan waxaa laga aadi karaa meeshi la doono” markaa ayuu Maxamed yiri: “waa dhici kartaa, laakiin waxaa ka fursad badan Kenya, sidaa daraadeed waxaan rabaa inaad dhakhso iigu timaado” Raage ayaa ka codsaday inuu siiyo fursad dhowr bilood ah, waayoo wuxuu rabaa inuu Deeqa ka ag tegin ilaa uu ku guuleysto ama ku guuldareysato, Maxamedna wuu ka ogolaaday cadsigaas, wuxuuna u sheegay inuu hadda u soo diraayo 1000 doolar si uu rafaadka uga boxo, markaa kadib ayuu kala hadlay Xasan oo uu telefoonkiisa sucuudiga siiyay.

Galabti ballanta ayuu Saalim yimid guriga reer Daahir, laakiin asagoo aan gudaha gelin ayuu Aabe Daahir albaabka ugu sheegay inuu gabadhiisa siineyn, Saalim ayaa yiri: “sharaf inaad igu siiso oo aan reerkeena kuu soo diro jimcaha haddii aad diiday, waa arki doonaa waxa ku xiga” markaa ayuu ka tegay, Aabe Daahir wuxuu wacay booliska si uu ugu ashtakeeyo Saalim oo uu magaciisa hore oo kaliya u yaqaano, balse wax yar ka dib waxaa guriga soo hor istaagay ciidamo boolis ah, markay albaabka garaaceen oo laga furay, ayay Aabe Daahir wateen, waxaana loo taxaabay saldhiga, asagoo aan loo sheegin waxa laga rabo, marki saldhiga la geeyay, wuxuu ugu tegay Saalim oo ku jira xafiiska Adeerkiis, Aabe Daahir waxaa la hadlay taliyihi saldhiga, wuxuu ku yiri: “waxaan warbixin ku soo helnay inaad dalkeena ka dhoofiso badeeco la geeyo Ingiriiska, waana sharcidarro inaad dalka wax ka dhoofiso adiga oo laaji ku ah, welibana marti noogu ah” Aabe Daahir oo arrintaas inkirsan ayuu taliyihi waydiiyay: “soow uma shaqeysid nin la yiraahdo Kaahin Aadan oo dhalay wiil la yiraahdo Kamaal?” Aabe Daahir intuu qoslay ayuu yiri: “ninkaas saaxiib ayaan nahay, wuxuuna i waydiistay inaan gabadheyda siiyo wiilkiisa, laakiin nagama dhexeeyo xiriir ganacsi, mana jirto alaab aan u diro” Saalim Adeerkii waxaa u soo baxday inay arrintu run tahay, marba haddii ay labada nin saaxiib yihiin markaa ayuu waydiiyay: “Kaahin soow Sanca uma soo socdo?” Aabe Daahir ayaa yiri: “laba maalin kadib ayuu imaanaa Sanca” Saalim Adeerkiis ayaa yiri: “tuhmadu way kugu caddahay, laakiin haddii aad qirato, waxaa dhici karta in dembiga laguu khafiifiyo, balse haddii aad inkirto waxaad mudaneysaa ciqaab adag” Aabe Daahir ayaa diiday eedaynta loo soo jeediyay, kadib taliyihi wuxuu amray in xabsiga la dhigo, reer Daahir waxaa ku dhacay wareer, meel ay aadaan ama wax ka qabtaan ayay garan waayeen, Deeqa waxay wacday Raage oo markaa gurigiisa ka soo tegay, asagoo soo aaday guriga Oday Cawaale, kadibna raba inuu uga sii gudbo xaafada reer Daahir, markuu u tegay Odaygi Cawaale ahaa wuxuu u sheegay inuu Maxamed helay, kadib ayuu u sheegay inuu ninka guriga leh uu u diiday inuu ugu soo yeero, markaa ayuu Oday Cawaale yiri: “Raage telefoonkaaga i sii, anigaa ku soo wacaaya haddii aan ku waayee” markuu u qoray ayuu aaday reer Daahir, reerki oo barooranaaya markuu u tegay, oo ay u sheegeen inay Aabe Daahir wateen ciidamo boolis ah, oo ay uga sheekeeyeen hanjabaadihi Saalim, wuxuu Raage gartay in loo watay saldhiga Shucuub, markaa waxaa isa soo raaceen asaga Deeqa iyo hooyadeed, saldhiga markay yimaadeen, ayaa loo sheegay inuu xiran yahay iyo inuu ku xiran yahay dembi wayn, intaa markay maqashay hooyo Aamina waxay ku sigatay inay saldhiga hortiisa ku suuxdo, waxaana garbaha ka soo galay Raage iyo Deeqa, marki guriga la keenay ayaa la galay feker ah sidii lagu soo deyn lahaa Aabe Daahir, waxay Deeqa waydiisay: “Raage qofki ku soo daayay markuu Aabe ku xiray, maad la hadashid inuu Aabe noo soo daayo” Raage ayaa yiri: “Cali Baashi ayaa iigu tegay inuu i soo daayo wiil ay saaxiib yihiin, wiilkaas oo ah sida aan horaba kuugu sheegay midka Aabe Daahir xirtay, waa Saalim baa Cubeyd” Deeqa markaa ayuu waagu ku baryay, waayoo waxay ogaatay qadiyada Aabaheed u xiran yahay inay ayada tahay, markaa ayay Raage ku tiri: “ma haysaa telefoonka Cali Baashi?” markuu siiyay ayay wacday, waxaa ka qabtay Cali Baashi oo ay waydiisay inuu la joogo saaxiibkii Saalim, wuxuu ku yiri: “adiga oo gabar ah sideed nin u waydiinee nin kale?” Deeqa ayaa tiri: “waa tahay waa runtaa, laakiin ninkaan la hadal oo u sheeg” waxay telefoonki ugu dhiibtay Raage, markuu gartay codkiisa ayuu uga cudurdaartay siduu dumaashidii ula hadlay, kadib ayuu u sheegay inay Saalim iskugu dambeysay maalin uu waydiiyay guriga reer Daahir, markuu u sheegi waayayna uu ku yiri: (anigaa helaaya).

 

60.

Waxaa laga badin waayay in Aabe Daahir loo geeyo dhar iyo cunto, kadibna laga tashado wixii arrinta laga qaban karo, Raage wuxuu Deeqa u sheegay inuu la hadlay walaalkiis Maxamed Rooble iyo inuu u soo diraayo lacag gaareysa ilaa kun doolar, diyaarna inuu u yahay in Aabe Daahir looga soo saaro xabsiga, Deeqa ayaa tiri: “waad ku mahadsan tahay, laakiin ogoow ninka qaadanaaya lacagta waa ninka uu u xiran yahay, wuxuuna awoodaa inuu albaabka ka daayo, dabadeedna midka kale ka soo geliyo” Raage ayaa yiri: “maxaan qaban karnaa?” Deeqa ayaa tiri: “Saalim waa inaan aragnaa marka hore” markaa ayay tageen guriga Cali Baashi, markay u sheegeen danta ay ugu socdeen, ayuu geeyay guriga Saalim degan yahay, waxaa albaabka ka furay Saalim walaalkiis Caadil oo u sheegay inuu maqan yahay, markaa ayay Deeqa ugu dhaaftay fariin, kadibna waxay soo aadeen guriga Deeqa, inti ay soo socdeen ayay Deeqa tiri: “Raage ma kuu sheegay inaan hadda nahay dad saaxiiba ah? oo aan laheyn xiriir mustaqbal” Raage ayaa yiri: “maka baxday ballanti hore?” Deeqa ayaa ugu jawaabtay: “adigaa ka baxay waayoo waxaad la hadashay Yaasmiin, sidaa ayaad ballanti uga baxday” wuxuu yiri: “Yaasmiin ayadaa i soo wacday ee aniga ma wacan” Deeqa ayaa waydiisay: “Yaasmiin xageen joogtaa ayay kugu tiri?” Raage ayaa yiri: “Mareykanka” Deeqa ayaa tiri: “waaw Mareykanka, adigana halkaa ayay kuu wadan rabtaa soow maaha?” Raage ayaa yiri: “Yaasmiin waxaan ku iri mar dambe ha i soo wicin, waayoo ma rabo inaan kula hadlo” Deeqa ayaa tiri: “ayadana maxay kugu tiri?” Raage ayaa yiri: “waxay igu tiri: waan ogahay inay Dd Sanca kula joogto, waxaan kuu rajeynaa inaad ku guuleysato, dib dambana ma kuu soo wacaayo, laakiin hal mid iga ballan qaad, taasoo ah haddii aad isweysaan Deeqa inaan booskaas aniga kuu galo” Deeqa intay xanaaqday ayay tiri: “waxaad markhaati isaga dhigeysaa inaad Yaasmiin la sheekeysatay anigoo kuu sheegay inaad axdigeeni burburisay” Raage oo hadli raba ayay ku tiri: “qof la aamini kara ma tihid, waayoo waxay ahayd inaad Yaasmiin telefoonka ku dhigto, ma aheyn inaad la sheekeysato, haddana ma aqaan waxaan kugu iraahdo, ileyn Yaasmiin ayaa rabta inay Mareykanka kuu wadato, anigana mid Ingiriiska ii wadan rabay ayaan daraadaa u diiday” Raage ayaa yiri: “Deeqa aniga Mareykan iyo Ingiriis adigaa ii ah, haddii aan ku waayana wax qiima ah iima laha Mareykan iyo wax la mid ah, Yaasmiina isma aragneen haddii aan sugeynin telefoonka walaalkeey oo aad adiga igu tiri wuu ku soo wacaa” markaa ayay Deeqa tiri: “kaalay naagti aan xaaskiisa mooday oo ila soo hadashay miyaa Yaasmiin aheyd!” kadib ayay raacisay: “sideen codkeeda ku garan waayay?” Raage ayaa yiri: “Maxamed wuxuu ii sheegay inuu xaas laheyn, midda kale Yaasmiina waxay ii sheegtay inay nambarkeyga soo heshay iyo inay walaalkeey fariinta ugu duubtay” Deeqa oo markaan ogaatay inay Yaasmiin wada baratay reer Rooble oo dhan oo arrintaa ka carootay ayaa tiri: “maxaad tiri? Yaasmiin waxay taqaanaa walaalkeey Maxamed aa, maanaan garan inay naagtaas igula kaa tartameyso, laakiin adigaa ii jebenaayo” Raage ayaa hadalki ka dhex galay oo yiri: “Deeqa adduunka ma saarna gabar aan kaa jecelahay” Deeqa oo hadalki ku celisay ayaa tiri: “war iga aamus, jaceyl kulahaa, marba hadal aad Yaasmiin is tiraahdeen ayaa kaa soo fakanaaya ee hadda mid mid iigu sheeg” Raage ayaa yiri: “marki aan hello iri, waxay Yaasmiin tiri Alxamdulillaah Raage maa ila hadlaayo” Deeqa intaa markay maqashay barta uu Raage taagnaa ayay uga dhaqaaqday, asagoo leh: “Deeqa abaay been miyaa rabtaa mise run” ayuu ka soo daba baxay ilaa ay ka yimaadaan guriga reer Daahir.

Saalim markuu gurigooda tegay, waxaa loo sheegay farriinti Deeqa, markaa ayuu soo aaday guriga reer Daahir, asagoo dhoosha ka qoslaaya, wuxuuna ugu yimid reerki iyo Raage oo sugaaya.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHARE