Home Qoraallo Maandhow Ina Ayaad Tahay?! W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane

Maandhow Ina Ayaad Tahay?! W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane

0
SHARE

images

Maandhow Ina Ayaad Tahay?!
—————————————
Siciid waa wiil ey is ka dhaleen laba waalid oo Soomaaliya, wuxuuna ku dhashay carriga Kanada, billaawgii nolashiisa iyo hanaqaadkiisii oo dhan ma uusan arag wax fadqaleeyay nolashiisa. Beyadda uu ku noolaay ayaa dareensiiasay sinnaan iyo dareen bini’aadnimo. Waalidkiisu waxay had iyo jeer ka tusi jireen tiifiiyada af-Soomaaliga ku baxa muuqaallada ka tarjumaya diifta iyo darxumada ka muuqata dalka waalidkiisu ka soo jeeddaan. Argagax iyo cabsi ayaa laa soo gudboonan jirtay mar waliba oo la tuso muuqaalladaas walaaca iyo walbahaarka xambaarsan. Muddo ka dib wuu la qabsaday daawashada waxa ka dhacaya Soomaaliya. Wuxuu arki jiray iyada oo la is ka aruuriyo lacag loo qoondeeyay in gurmad iyo kaalmo looga dhigo Soomaaliya. Kolkii uu soo gaaray da’da qaan-gaarka ayuu wacad ku maray in uu aado Soomaaliya, soona barto dhaqanka iyo diinta Islaamka ee laga haysto dalkaas. Af Soomaaliga si buuxda ugu ma hadli karin, balse danaha guud wuu ku dhammaysan karay. Aabbihiis ayaa wuxuu ku daray koox dhallinyaraa oo ey xigto is la yihiin, kana mid ah kooxda loo yaqaanno “Tabliiq”, si ey u baraan qaabka dacwadda iyo usluubta Islaamka.

Siciid wuu fahmad badnaay, dhugtiisuna aad ayey u sarreysay, maskaxdiisuna si wacan ayey u shaqaysaa. Wuxuu bartay xadiis eray ahaan kooban, balse micno ahaan ballaaran, kaas oo oranaya “Midkiin iimaan buuxa laga ma helin, ilaa uu walaalkiis la jecelaado waxa uu naftiisa laa jecelyahay”. Siciid wuxuu ku soo dhex barbaaray bulsho qofku wuxuu aamainsanyahay nolashiisa ku dabbaqo, hadalkana fal loo baddalo. Wuxuu arkay dad sabool ah oo Jimca kasta soo hor tubta Misaajidka weyn ee magaalada uu ku suganyahay, dadkaasi waxay is kugu jiraan waayeello, dumar ilmo yar wata, cuuryaan iyo cammoolayaal. Waa dadkii uu ka daanwan jiray tiifiiyada, xadiiskii uu xifdiyayna wuxuu ka dhex guuxayaa maskaxdiisa, muuqaalladaas uu jimca waliba arkana wuu dhibsaday.Wuxuu arkaa dad labisan oo carfaya, is salaamaya, is waraysanaya, balse aan dheg jalaq u siinayn masaakiintaas misaajidka hor fadhisa ee gacanta hoorsanaysa. Siciid maalin jimca ah ayuu waxuu billaabay in uu warqad iyo qalain soo qaato, si uu tira-koobo ugu sameeyo dadka ku tukada Misaajidka, tiradii waxay gaartay 500 oo qof, dadkii ayuu ka dhex istaaggay, markaas ayuu si naxariis leh u yiri ” Shan boqol oo qof ayaan nahay, qof kasta haddii uu kiilo badar ah keeno, dadkaan waan quudin karnaa, suurta gal ma ahan in aan Ilaahay hor istaagno innaga oo xil is ka saareen u kaalmaynta dadka dhibban”.

Wuxuu u soo qaatay xadiiskii yaraay ee uu macnihiisa dhuuxay, qalbigiisana ka dagaandaggay. Dadku waxay la yaabanyihiin wiilkaan yar ee dhaqankaan aan la aqoon la soo baxay iyo badar la is ka akruurinayo, dadkana tira koob ku samaynaya, af Soomaaliguna dhibayo. Hadalkii Siciid dheg jalaq loo ma siinin, halkaas ayuu ooyin iyo muraal dillaac ka billaabay. Su’aasha ugu badan ee la weydiinayeen ayaa waxay ahayd “Maandhow ina ayaad tahay”, taas oo uu fahmi waayay macnaha iyo ujeeddada ku jirta, ilaa uu ka wacay aabbihiis, kuna yiri “Aabbe ina ayaad tahay iyo u gargaaridda dadka tabaalaysan maxaa is ka galay?” Aabbihiis wuxuu garan la’yahay sida uu uga dhaadhiciyo dhaqan bulsheedkaas foosha xun. Ugu dambayntii Siciid Soomaaliya wuu ka soo laabatay, isaga oo aan la maqalsiin karin Soomaaliya iyo wax u aruurinteeda, wuxuuna ula baxay “Bulshadii ina ayaad tahay”, wuxuuna ka go’ay in uu xariir dambe la yeesho Soomaalida, iyo in uu tago goobaha ey fadhiistaan, si uusan ula wadaaggin dhib iyo dheefba, waxaana ugu wacan sidaas wixii uu la soo kulmay markii uu Soomaaliya tagay.
————————————————————————————–
W/Q; Cabdicasiis Maxamed Shidane

SHARE