Home Curis Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 61-65aad. W/Q Ahmed Hayow

Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q. 61-65aad. W/Q Ahmed Hayow

0
SHARE

 

Qolki maxkamada reer Daahir ayuu soo fadhiistay Saalim, markanna waxaa ugu sarreyso Dd oo ku fadhida kursigi Aabe Daahir, waxay Deeqa waydiisay Saalim: “muxuu yahay dembiga culus oo Aabaheey lagu xiray?” Saalim ayaa yiri: “waa dembi uu dalkan ka galay, waayoo wuxuu dhoofinaayay kheyraadka dalkaan” dood dheer oo ah muxuu dhoofiyay ayaa lala galay Saalim, laakiin wuxuu isaga difaacay: “warbixin cad ayaa la haayaa, haddii ay been noqotana waa la soo deynaa, laakiin haddii ay run noqoto waxay u badan tahay xabsi daa’in, haddii aan dil lagu xukumin” hooyo Aamina ayaa iska ooysay markay intaa maqashay, markaana Deeqa ayaa Saalim waydiisay: “sidee lagu soo deyn karaa?” wuxuu yiri: “waa sahal, haddii aad rabto in howshaa la dhameeyo aan si gaar ah u hadalno” Raage ayaa soo dhax galay oo yiri: “Saalim haddii aad ku dhameyn karto 1000$ berri ayaan kuu keenaa” markaa waxaa isku buuqay Raage iyo Saalim oo ka carooday lacagta laaluushka ah uu dadka hortooda ka sheegay, asagoo leh: “Raage waad ogtahay inaan xabsiga kaa soo daayay lacag la’aan, sidee iiga dhegee inaan ahay laaluush qaate” Raage oo ka cudurdaaranaaya ayaa yiri: “saaxiib sidaa ulama jeedin, waan ogahay inaad laaluush qaadan ee waxaan ka weday looyar inuu ku soo deyn karo” Deeqa ayaa Saalim gacabta ku dhegtay oo bannaanka ula baxday, wax yar kadib ayay soo laabteen ayagoo gacanta iska haysta, Raage indhaa ka soo haray, markay gudaha fadhiga soo galeen ayuu Saalim yiri: “hadda ayaan keenaa Aabe Daahir” markuu albaabka ka baxay ayay Deeqa ka sheekeysay waxay isi soo dheheen, waxay tiri: “ujeedka Aabe loo xiray waa aniga daraadeey” intaa markay tiri ayuu Raage fadhiga ka kacay, wuxuuna ka baxay albaabka asagoo ay Deeqa wacaayso, gadaal sooma fiirin wuxuuna toos u aaday gurigiisa.

Deeqa waxay istustay inay Saalim ku soo deysato Aabaheed, asagana been been ku dhaafiso wakhtiga, waayoo waxay ku heshiiyeen marki laysla gartay inay isku xiran yihiin, ogolaasheheeda guurka Saalim iyo soodeynta Aabaheed, markaa inay Deeqa u ballan qaaday wuxuu Saalim rabay, laakiin waxay dib uga dhigtay xilliga doonashada ilaa ay mudo ka wada sheekeystaan, Saalimna wuu ogolaaday wuxuuna ballan ku qaaday inuu isla hadda Aabe Daahir ka soo saaro xabsiga, kiiskana uu baabi’iyo.

Aabe Daahir asagoo lagu wado gaarigi Saalim ayaa gurigiisi la keenay, intuu gaariga saarnaana lama hadlin Saalim, balse Saalim ayaa ku yiri: “Adeerkeey anigaa kala hadlaayo kiiska uu kugu haysto, waayoo wuxuu aaminsan yahay inaad shaqadiisa faraha la soo gashay” Aabe Daahir oo careysnaa ayaan wax hadal ah ka soo bixin ilaa uu gurigiisa ka galo, Saalimna kama soo degin gaarigiisa, arrinta asaga iyo Deeqana wuxuu u daayay Dd inay Aabaheed u sheegto.

Kamaal markuu muddo sugaayay in la soo woco oo laga raali geliyo telefoonki ay Deeqa ku dhigtay, ayuu waayay cid soo wacata, markaa ayuu telefoon ku waashay, caawa ayay hooyo Aamina ka qabatay inta ay Deeqa iyo Saalim banbaanka ku maqnaayeen, marki ay soo laabteena waxay hooyo Aamina la hadleysay Kamaal oo ay u sheegeysay inuu Aabe Daahir xiran yahay, kadib ayay Deeqa u dhiibtay markay bexeen Saalim iyo Raage oo careysan, Kamaal ayaa Dd ku yiri: “maxaad aniga ii soo weci waysay, marka Aabe la xiray?” Deeqa ayaa tiri: “ha wicis lahaanine, mar dambe haddii aad telefoonkeyga soo wacdo iska jir” markaa ayay ku goysay khadki, isla markiiba wuu ku soo celiyay, laakiin Dd ayaa markaa wacaysay Raage oo ay is laheyd gurigiisa wuu gaaray, balse cidna kama qaban, Deeqa ayaa ku fekertay inay wakhti siiso, markuu Kamaal kiisi soo dhacay oo ay garatay inuu asaga yahay ayay ku dhigtay oo mar kale ku dhigtay, Kamaal asagoo dhididaaya ayuu feker galay wuxuuna is yiri: (khaladka adigaa leh, waayoo Deeqa waxay joogtaa meel geeri go’an ah, sidaa daraadeed waxay kaaga baahneyd kaalmo iyo inaad ka war hayso had iyo goor, haddana waxaa saaran culeys ayada ka tan badan, marka waa inaad shan kun oo deg deg ah u dirtaa, si ay arrimaheeda ugu fushato) markaa ayuu wacay Xawaalada Al Barakaad oo u soo dhigay lacagti, wuxuuna ku fekeray inuu woco berri markay lacagta soo qaadato kadib.

Aabe Daahir oo aamusan markuu guriga soo galay, ayay reerku soo dhaweeyeen, kadib ayuu yiri: “yaa Saalim ii soo diray?” waxaa loo sheegay kulanki Saalim loogu qabtay guriga iyo Deeqa oo u sheegtay heshiiski ay wada galeen ayada iyo Saalim, markaa ayuu Aabe Daahir yiri: “Kamaal intaad iga diiday miyaad rabtaa inaan Saalim ku siiyo! taa waxaa ii dhaantay inaan xabsigeeyga ku sii jiro” Deeqa ayaa tiri: “Aabe Saalim ma rabo, laakiin waa dariiqa kali ah oo ila sahlanaaday inaan caawa xabsiga kaaga soo saaro, berrina inaan hadda ka tashano ayaa loo baahan yahay, waayoo haddii uu Saalim runta ogaado waxay noqoneysaa inuu xabsigi kugu celiyo” Aabe Daahir ayaa yiri: “waxaa isku xiran laba arrimood, mid waa arrin ka dhexeysa reer Kaahin iyo reer Baa Cubeyd, midda kalana waa Saalim oo raba inuu gabadheyda xoog ku guursado, marka waxay taladu ku jirtaa, maadaama labada arrimood ay yihiin kuwa ka dhexeeya labadaas qeys, annaga inaan reer Kaahin arrinta la socodsiino”.

 

62.

Deeqa markay firaaqo heshay oo qolkeeda dhexda ka soo xiratay ayay Raage wacday, intuu ka qabtay ayuu ku dhigay markuu codkeeda gartay, Deeqana waa ku soo celisay, markuu ka qabatay ayay ku tiri: “Raage, maxaad telefoonka iigu demisay?” asagoo aan la hadlin ayuu ku demiyay, Deeqa madaxa ayaa lagu dhuftay, markaa ayay wacday Xaawa Kiin, markay ka qabatay ayay ka codsatay inay siiso telefoonka Cali Baashi, markaa ayay Xaawa Kiin tiri: “Deeqa, Aabahaa ma la soo daayay?” Deeqa ayaa tiri: “yaa ku ogeeysiiyay in Aabe la xiray?” Xaawa Kiin intay qososhay ayay tiri: “cid ii waranta ma waayo, laakiin waan ka xumahay in loo xiro shaqada uu u haayo Kamaal Aabihii” Deeqa oo xanaaqday ayaa soo xasuusatay danta ay Xaawa Kiin ka leedahay markaa ayay tiri: “Aabe cidna uma shaqeeyo” Xaawa Kiin ayaa tiri: “Aabahaa, waxa lagu haystaba waa shaqdaa uu kala wareegay Saalim adeerkii, laakiin inaad inkirtaan ayaa idiin fiican, waayoo Saalim iyo Adeerkii waa mukulaal minikeeda joogta, haddana waxaan kuu qoraa telefoonka Cali Baashi ee qalin diyaarso” markay u qortay ayay Deeqa ku demisay telefoonka Xaawa Kiin oo sii hadli rabta, Cali Baashi markuu ka qabtay waxay waydiisay inuu yaqaano guriga Raage, markuu u sheegay inuu wax ka dejiyay ayay ka codsatay inuu taxi soo qaato oo u yimaado si uu u geeyo guriga Raage, Cali Baashi intuu ka ogolaaday ayuu Raage wacay, markuu u sheegay inay Deeqa ku tiri gurigiisa igee, ayuu Raage yiri: “iska daa, anigaa wacaaya oo la hadlaaya” Raage markuu soo wacay ayuu ku yiri: “Deeqa, saaxiib ayaan nahay ayaad igu tiri” wuxuu sii raaciyay: “haddana saaxiib kale ayaad iga dul keentay, waxaan kaa codsanaa inta aan kaa caafimaadaayo inaad ixsaan ii sameyso oo aad ila soo hadlin” Deeqa oo aragtay inuu ka niyad jabay ayaa tiri: “Saalim wax naga dhexeeya ma jiraan, muraadka aan ka leeyahayna wuxuu ahaa inuu Aabe soo daayo, haddana waxaad rabto ayaan kuu yeelaa, laakiin waxaa lagaa rabaa, sidi looga badbaadi lahaa reer Saalim” Raage wuxuu yiri: “Aabahaa waa Aabaheey sida aad uga naxayso ayaan uga naxaa, laakiin xiriirkeena ha ahaado mid sidaa oo kale u adag, yaanay dhicin inaad nin kheyrkeey ah gacanta ka qabsato” Deeqa intay qososhay ayay tiri: “Raage waa amarki u horeeyay aad bixiso, aniga ayay ijirtaa inaan kaa yeelo iyo inaan kaa diido, waayoo weli wiil i amray ma jiro oo adiga ayaa ugu horeeya, sidaa daraadeed waxa aan ka yeelaayo amarkaaga ayaan caawa ka soo fekeraa, berri haddii Alle idmo ayaan jawaab kaa siinaa, laakiin inta ka horeeysa booskaagi xiriirka mustaqbalka ku soo laabo” Raage ayaa ogolaaday, markaa ayay cabbaar isla fiiriyeen xaalada Aabe Daahir iyo sida wax looga qaban karo, Deeqa ayaa u sheegtay hadaladi ay Xaawa Kiin ku tiri, Raagana wuu gartay sheekada oo dhan halka ay ka socoto.

Subaxdi ayaa Raage laga soo wacay ex-Dhiigshiil, Deeqana waxaa laga soo wacay Al barakaad, markaa ayuu Raage wacay Deeqa si uu ugu sheego inay lacagti u timid oo uu hadda doonaayo, markaa ayay ku tiri: “anigana waxaa layga soo wacay Al barakaad oo laygu yiri lacag ayaa Ingiriiska kaaga timid, mana aqaan cid ii soo dirtay” Raage ayaa yiri: “Kamaal armuu kuu soo diray?” Deeqa ayaa tiri: “ma aqaan” Raage ayaa ku yiri: “haddii lagu waydiiyo yaa kuu soo diray maxaad leedahay?” Deeqa ayaa tiri: “yaa kale oo aan dhihi karaa oo aan Kamaal aheyn” kadib waxay ku ballameen xafiiska Al barakaad inuu Raage ugu tago.

Waxaa la soo wada qaaday kunki iyo shanti kun oo doolar, markaa ayay soo aadeen guriga reer Daahir oo Aabe ka maqan yahay, waayoo wuxuu raadiyay dad uu kala tashado wuxuu ka yeeli lahaa arrinta haysata, Deeqa iyo Raage waxay lacagti u dhiibeen Ayeeyo Mulaaxo si ay ayada u hayso.

Yaasmiin waxay xiriir la sameeysatay Raage walaalkii Maxamed, kaasoo ay u sheegtay inay ku kaalmeyneyso sidi walaalkiis Raage looga soo saari lahaa Yaman iyo inay diyaar u tahay inay Yaman kaga wado xaaskiisa inay tahay, arrintaas aad iyo aad ayuu ugu farxay Maxamed Rooble, laakiin wuxuu ka xumaaday markay Yaasmiin u sheegtay cillada jirta oo ah, inaanu ayada la hadleynin Raage iyo inuu jecel yahay gabar Sanca la joogta, laakiin haddana ay diyaar u tahay inay wax u qabato, xataa haddii uu Deeqa guursanaayo, Maxamed oo ku yiri aniga ayaa Raage kala hadlaaya arrintaas ayay Yaasmiin ku tiri: “dhib ayaa ka imaanaaya haddii aad kala hadasho, laakiin asaga oo aan waxba iga ogeyn ayaan rabaa inaan wax u qabto, qorshahana anigaa kuu keenaaya” waxay ku heshiiyeen inay Maxamed u dirto lacagta ay Raage ugu tala gashay iyo inuu ka war sugo inta ay qorshaha ka soo dhameyneyso.

 

63.

Aabe Daahir waxaa la soo taliyay saaxiibkii Oday Cabdulle, wuxuuna ku yiri: “inta aad ii sheegtay waxaa ugu sahlan kiiska adiga lagugu hayto, sababta oo ah waxaad uga bixi kartaa inaad is tusto Kaahin iyo Cali Cubeyd, waa haddii uu Kaahin kaa yeelo inuu ninkaa ku yiraahdo waxa aad Daahir ku haysato waxba kama jiraan, haddii uu u tegi karina waxaa kuu furan qareen inaad arrinta la socodsiiso Kaahina markhaati kuu noqdo, arrinta gabadha ayaa culus sababta oo ah waxay ku xalismi kartaa in Kamaal lagu daro marka uu Kaahin yimaado ama wiil kale lagu daro, laakiin haddii ay diidan tahay waxaa dhici karta inuu Saalim u habar wacdo reerahiisa, markaana ay qabiil dhan kuu soo fadhiistaan, ayagoo ogol wax Allaale waxa aad sheegato, markaana arrinku wuu sii cuslaanaa, sababta oo ah reer dhan oo uu hogaaminaayo sheekhooda qabiilka, sida wax loogu diidaa way dhib badan tahay” Aabe Daahir oo tala meel soo dhigtay ayaa guriga ugu yimid Raage iyo Deeqa oo markaa lacati u dhiibay Ayeeyo Mulaaxo, marki fadhiga laysugu tegay oo qadadi la wada cunay, ayaa Aabe Daahir loo sheegay inay u taalo lix kun oo doolar, asagana wuxuu yiri: “Raage kunkiisa hala siiyo, waayoo wuu u baahan yahay” Raage oo diiday ayuu Aabe Daahir ku adkeysatay in la siiyo lacagtiisa wuxuuna yiri: “shanta kun ayaa nagu filan, Raagana wuu mahadsan yahay, midda kale waxaan rabaa inaan qoys ahaan u tashano” markaa ayuu Raage ka soo tegay, markay isku soo hareen reer Daahir ayuu Aabe Daahir u sheegay, arrimihi uu kula soo taliyay saaxiibkiis Oday Cabdulle oo Yaman joogay 30 sano in ka badan, markaa ayuu Deeqa ku yiri: “ma rabo inuu carabkaas ku guursado, waxaan rabaa inaad dalkaan ka dhoofto oo aad joogin meel uu Saalim kaa arkaayo” Deeqa ayaa tiri: “Aabe Saalim iyo Kamaal labadaba ma rabo, Raage ayaan rabaa, laakiin laftiisa ma rabo in hadda laygu nikaaxo, waayoo weli ma gaarin xilligi aan guursan lahaa, balse waxaan sameyneynaa nikaax been ah aniga iyo Raage, si looga badbaado Saalim, arrinkaana aniga ayaa Raage ka soo dhaadhicinaayo” waxay ku sii dartay: “muhiimada ugu weyn waxay tahay inaad adiga ka badbaado shirqoolka oo aan xabsiga lagu geyn, markaan hubsado inaad ka badbaaday ayaan anigana qorshaheyga ku dhaqaaqaa” Aabe Daahir oo og arrimaha uu Kaahin u imaanaayo inay ku jirto guurka Kamaal iyo Deeqa, ayay u cuntami wayday sheekada Raage iyo nikaaxa been beenta ah, markaa ayuu yiri: “Deeqa waxaan ku siiyay Kamaal, waana kama dambeys hadalkeyga” Deeqa waxay ka baxday fadhiga, markaa ayay Ayeeyo Mulaaxo tiri: “Daahiroow gabadhaada intay xabsi geli laheyd, waxaa roon inaad adiga xabsi gasho” Aabe Daahir ayaa yiri: “gabadheyda waxaan rabaa inay Sanca ka tagto ee ma rabo nin Sanca jooga inay la joogto” markaa ayuu telefoonki kala soo baxay qolki Deeqa, wuxuu wacay Kamaal oo uu u sheegay inuu nikaaxooda dhacaayo marka uu Jimcaha yimaado Aabihii, Kamaal asagoo faraxsan ayuu Aabihii u sheegay inuu isbedelay qorshihi guurka asaga iyo Deeqa Daahir, nikaaxana laga dhigay inuu dhoco berri galab markuu Sanca tago.

Gabar ay Yaasmiin saaxiib yihiin oo uu walaalkeed joogo Adis Ababa oo rabta inay Mareykanka keento, ayay Yaasmiin kula heshiisay inay walaalkeed u keenayso, ayadana ay Raage uga soo wado Yaman, qorshahaas gabadhi way ogolaatay iyo inay arrinta sir ka dhigto oo aanu Raage ogaanin hawsheeda, markaa kadib ayay Maxamed Rooble u sheegtay qorshaha iyo inuu Raage uga dhigo inuu asaga u keenay, halkaa waxaa ka billowday qorshihi Yaasmiin ay ku heli laheyd Rr, laakiin Maxamed markuu u sheegay walaalkiis inuu u soo helay hab lagu geynaayo Mareykanka, ayuu Raage ku yiri: “waa qoshe fiican, laakiin waxaa meeshaan joogta gabar aan xiriir leeyahay, muddo dheerna aan wada soconay, kamana tegi karo” Maxamed ayaa ku yiri: “dhib malaha gabadhana leyn ayaa loo soo raadinaa” Raage ayaa ku yiri: “ayada ha la hormariyo, waayoo cid dibadda u jirta ma laha, markaa kadib aniga ha leygu xejiyo” Maxamed oo gartay inuu jiro warka ay Yaasmiin u sheegtay oo ah inuu Deeqa jecel yahay, ayaa waydiiyay magaca gabadha, markuu Deeqa yiri ayuu xaqiiqsaday wax walba, laakiin wuxuu ku tala galay inuu wakhti siiyo si uu uga dhaadhicinaayo arrinta dhoofka Mareykanka.

 

64.

Maxamed Rooble wuxuu Yaasmiin u sheegay inuu Raage ku yiri: “ha la iga hor mariyo Deeqa, waayoo ma haysato cid gargaarta ayada iyo waalidkeed” markaa ayay Yaasmiin tiri: “waxaan soo raadinaa wiil Deeqa ku keena inay xaaskiisa tahay, laakiin marka hore Raage ha u sheego Deeqa inay ogoshahay iyo in kale, markaa kadib ayaan wiilka raadinaa” Maxamed oo la yaabay Yaasmiin dadaalka ay ugu jirto inay Raage ku hesho iyo sababta ay raaliga uga tahay inay ugu soo wado gabadha uu jecel yahay, ayaa arrintaa Yaasmiin waydiiyay, markaa ayay Yaasmiin uga sheekeysay laga soo billaabo Xalane ilaa hadda, waxay u sheegin sawirada ay Raage ka haysato, laakiin waxay ka dalbatay inuu sawiro uga soo qaado, Maxamed oo gartay halganka ay Yaasmiin ku jirto ayaa ku yiri: “waan kula kaalmeynaa howsha aad ku jirto”.

Subaxdi jimcaha markuu Raage soo toosay, wuxuu salaan u aaday Oday Cawaale, markuu ka soo tegayna wuxuu soo maray Cali Baashi oo u sheegay inuu hadda gurigiisa wacaayay, Raage oo aan la socon isbedelki xalay ka dambeeyay, ayuu Cali Baashi u sheegay inay Deeqa soo wacday oo ay ku tiri: “waxaa la siin rabaa Kamaal” markaa ayuu telefoonka Cali Baashi ka wacay, Deeqa ayaa u sheegtay sida wax u jiraan iyo inuu Kamaal Aabihii galabta soo degaayo, isla caawana lagu nikaaxaayo Kamaal, Raage ayaa yiri: “maxaan sameynaa?” Deeqa ayaa ugu jawaabtay: “amarki aad habeen hore i siisay waan qaatay, haddana adiga waxaad igu amarto ayaan sameynaa” Raage ayaa yiri: “aniga iga war sug” Deeqa ayaa tiri: “Rr reerka adigaa rag u ah, waxaad ogsoonaataa inay Ayeeyo Mulaaxana ku sugeyso”.

Arrinka sidi wax looga qaban lahaa ayay ka fekereen Raage iyo Cali Baashi, ugu dambeyn waxaa la helay in sirtaas la fashiliyo oo lala socodsiiyo labada qofood oo cadowga ku ah inuu arooskaas dhoco, waa Saalim iyo Xaawa Kiin si marka hore arrintan loo fashiliyo, kadibna loo xaliyo dhibka ka yimaada, markaa ayay arrinta u qeybiyeen Saalim oo loo diray Cali Baashi iyo Xaawa Kiin oo telefoon loo diray, ayadoo arooska lagu casuumaayo, isla markiiba Xaawa Kiin waxay soo wacday Deeqa oo markay garatay inay Xaawa Kiin tahay ayay Aabaheed u dhiibtay, Aabe Daahir markuu telefoonki dhegta saaray, wuxuu maqlay Xaawa Kiin leh: “naayaa tuugo ayaa tihiin, waxaad rabtaan inaad Kamaal iga xadaan, laakiin idiin suurta geli meyso, caawana tii ka dhacda waa la ogaandoonaa” Aabe Daahir asagoo aan hadlin ayuu telefoonka isi saaray, markaa ayuu yiri: “Deeqa, sheekada aad wado jooji hadda wixii ka dambeeyana telefoon ma dirsan kartid” Deeqa ayaa tiri: “Aabe maxaan haleeyay?” Aabe Daahir ayaa yiri: “waxaad fidineysaa sirta reerka, waayoo adiga ayaa u sheegay gabadhi caytameysay” Deeqa ayaa tiri: “gabadhaa lama hadlin mana wicin aniga, waxaana laga yaabaa inuu saaxiibkeed Kamaal soo wacay” wax yar ka bacdi waxaa soo dhacay telefoon, waa Saalim oo Aabe Daahir ku yiri: “ballanti waad ka baxday, laakiin markaan cid dambe oo ku aamineysa ma jiraan, Deeqana nin aan aniga aheyn ma guuraan doono” markaa ayuu telefoonki ku dhigay, Aabe Daahir oo aamusan ayay Deeqa waydiisay cidda soo wacday, wuxuu ku yiri: “lacagti yaad u dhiibtay?” waxay ku tiri: “Ayeeyo Mulaaxo” intuu istaagay ayuu qolka Ayeeyo aaday, wuxuuna ka soo qaaday 5000 doolar, markaa ayuu reerka ku yiri: “is diyaariya”.

Cali Baashi markuu ka soo laabatay Saalim oo uu Raage ugu yimid gurigiisa, ayuu u sheegay inuu Saalim damacsan yahay inuu soo xiro Kamaal Aabihiis, markuu galabta ka soo dego garoonka diyaaradaha, kadibna uu Deeqa Aabaheed ugu geeyo xabsiga, arrintaa Raage way la xumaatay, markaa ayuu wacay reer Daahir si uu ugu digo, Aabe Daahir oo maqlay telefoonka soo dhacay ayaa qolkiisa ka dhex yiri: “yaan qofna laga qabanin telefoonki soo dhaca, qof walba ha isi soo diyaariyo” Aabe Daahir qorshihiisu wuxuu yahay inuu reerka hotel dejiyo, markaana uu ugu keeno Kamaal Aabihiis markuu ka soo dego garoonka diyaaradaha, sidaana ay howshooda ku dhameystaan dhib iyo buuq la’aan.

 

65.

Raage wuxuu deg deg u aaday guriga reer Daahir, laakiin wuxuu tegay guri aad moodo in laga guuray, markuu maskaxdiisa ka shaqeysiiyay, wuxuu go’aansaday inuu garoonka diyaaradaha aado, Aabe Daahir wuxuu reerki geeyay hotel, markaa ayuu garoonka diyaaradaha aaday si uu uga soo wado Kamaal Aabihii, wuxuuna laaluush siiyay ciidamada ilaalida, si ay ugu ogolaadaan inuu gudaha galo si uu u soo dhaweeyo qof dibadda ka imaanaaya.

Raage laftiisa ayaa laaluush ku galay gudaha garoonka, asagoo sheegtay inuu Adeerkii soo degaayo, markaana wuxuu istaagay meel uu Aabe Daahir dusha ka ilaashado, wuxuu ku fekerayay siduu yeeli lahaa marka ay odayaasha isa soo raacaan ama uu  jeegada ka qabto Saalim, waardiye ayuu galay Raage, aagi uu ku jiray meel u dhow ayaa la soo marsiiyay odayaashi oo dhinacyada laga socdo, Saalim ma imaan laakiin shaqada waa loo qabtay, waxaana u qabtay ciidamadi hore u soo qabtay Aabe Daahir, kuwaasoo uga faa’iideystay qabashada Kamaal Aabihiis oo aanay aqooni laheyn haddii uu tusin Aabe Daahir, Raage markii la agmariyay ayuu daba galay, markaana waxaa arkay Aabe Daahir, asagoo aan la hadlin ayuu dhulka ugu tuuray furaha hotelka, Raagana wuxuu qaatay furihi, waxaa ku dheganaa magaca hotel Sanca, markaa ayuu hotelka soo aaday, labadi odayna waxaa loo watay saldhiga.

Raage markuu yimid hotelki, wuxuu reerka u sheegay in la watay Aabe Daahir iyo Kamaal Aabihii, reerki ayaa ooyin iyo calaacal isku daray, markaa ayuu ku yiri: “waxaan soo ogaanaa saldhiga lagu xiray, markaa ayaan ka fekeraynaa waxa aan qaban karno” Deeqa ayaa ku tiri: “waa ku raacaa” wuxuu ku yiri: “D, adiga iska joog, ma rabo inuu Saalim ku arko, aniga nafteyda ma rabo inuu i arko ama inuu ogaado inaan aqaano halka aad joogtaan” Deeqa ayaa tiri: “waan iska wada qarineynaa ee aan ku raaco” Raage ayaa yiri: “haddii uu Saalim i arko, waxaan rabaa inaan iska dhigo nin aan waxa jira la socon, laakiin haddii aad ila socoto maxaan inkiraa?” sidaa ayay Deeqa uga hartay, Raage wuxuu soo abbaaray guriga Cali Baashi, markuu soo galayna wuxuu ugu yimid, Cali Baashi oo loo haysto inuu guriga Raage soo tuso, asagana uu leeyahay: “ma aqaano guriga Raage” sababta oo ah Saalim ayaa tegay guriga reer Daahir oo xiran, markaa ayuu ku fekeray inay reerku jiraan guriga Raage oo ay gabaad ka dhigteen, inkastoo uu ogyahay in Raage laftiisa uu hunguri ka haayo Dd, balse wuxuu is leeyahay, marba haddii uu Aabe Daahir xiray, Raage awood buuran kuma laha Deeqa, markuu Raage soo galay ayaa Cali Baashi loo daayay kuleetigi looga dheganaa, ileyn waxaa lagu lahaa: “ama Raage noo gee ama xabsiga aad” waxaa qolka ku jiray Saalim iyo laba askari oo la socda, Cali Baashi iyo laba wiil oo qolka ku qayilaayay, markaa ayuu Raage salaamay, salaan kadib ayuu Saalim ku yiri: “Raage waxaad nageysaa reer Daahir halka ay joogaan” Raage ayaa yiri: “halka ay degan yihiin waad taqaanaa ee maxaad ii waydiinee?” Saalim ayaa yiri: “halka ay degan yihiin kuma waydiin ee waxaan ku waydiiyay halka aad ku qarisay” Raage oo iska dhigay nin qarinta la yaaban ayaa yiri: “qarin sidee ah! maxaa reerka ku dhacay?” Saalim ayaa yiri: “saaxiib wax walba waad ogtahay” markaa Raage oo inkarsan ayaa xabsiga loo waday, inta aan qolka laga bixin ayuu codsaday inuu Cali Baashi la hadlo, marki loo ogolaaday ayuu boqol doolar iyo furihi hoteelka u dhiibay, kuna yiri: “Deeqa yay soo bixin u sheeg, adigana raashin noo keen, oday Cawaalana u sheeg waxa jira, asagaa reerkeyga wacaaya” markaa ayaa Raage lala aaday saldhiga, balse Saalim ayaa askarti ku yiri: “kan waa miskiin ee xoogaa shaq shaq ah qaata” markaa ayay Raage ku billaabeen handadaad iyo caga jugleyn intay xafiiska la galeen, ugu dambeyn waxay ku dheheen 100 $ keen aan ku deynee, markaa ayuu 50 siiyay, midka kalana wuxuu u ballan qaaday markuu cashada u soo qaado Aabe Daahir.

Maalintaa oo dhan waxaa Raage soo wacaayay walaalkiis Maxamed Rooble, kaasoo rabay inuu u sheego qorshihi Yaasmiin, laakiin markuu ku daalay ayuu wacay walaalkiis Xasan Rooble, kaasoo soo wacay Oday Cawaale oo markaa loo sheegay inuu Raage xiran yahay, markuu Xasan maqlay xariga walaalkii aad iyo aad ayuu uga murugooday, waxaana uga sii darnaa, markuu Oday Cawaale ku yiri: “ma aqaan waxa lagu xiray, laakiin hadda ayaan ka wardoonaa” waxay ku ballameen inuu Xasan soo wici doono goor dambe.

Oday Cawaale iyo Cali Baashi oo u socda saldhiga xagiisa, ayuu Raage ka hor yimid, markaa waxay isu qaybiyeen inuu Cali Baashi casho u soo gado odayaasha xiran, inuu Raage aado reeki una soo sheego halka lagu xiray odayaasha, wixii tala ahna ka keeno iyo Oday Cawaale oo loo qeybay inuu telefoonka  fadhiisto Xasana u sheego inuu Raage soo wici doono.

 

La soco qeybaha dambe

 

 

SHARE