Home Curis Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.66-70aad. W/Q Ahmed Hayow

Yaa Khaldan? Yaana Dulman? Q.66-70aad. W/Q Ahmed Hayow

0
SHARE

 

Qofba meesha bugtaa asagay belbeshaa, Adeer Cali Baa Cubeyd waxaa xafiiska loogu geeyay Aabe Kaahin, markaa ayuu dadka dhan bannaanka isaga saaray oo albaabka xafiiska soo xirtay, wuxuu Kamaal Aabihii waydiiyay sababta uu uga wareejinaayo shaqadi ay shirkada ku ahaayeen, Aabe Kaahin wuxuu ku dooday inuu shaqada wareejin, laakiin uu iska dhaafay kadib markuu ku khasaaray alaabihi uu u soo diraayay, dood dheer ka bacdi ayuu Cali Baa Cubeyd yiri: “waxaan bedelaa qiimihi aan kaa qadan jiray, waxaan ka dhigaa 20% halki ay ka aheyd 30%, ascaarta aan kuu soo iibiyana wax badan ayaan ka dhimaa si aan faa’iido uga wada helno” Aabe Kaahin markuu arkay faa’iida ka soo geleysa sanadki ayuu qosol la dhacay, markuu aqbalay sicirka uu sheegaayo Cali Baa Cubeyd ayaa waa lays gacan qaaday, kadib Aabe Kaahin waxaa loo keenay boorsooyinkiisi oo ay askartu jabsadeen, waxaa lagala baxay Dakham dahab ah oo uu u siday gabadha wiilkiisa lagu daraayo, Dakhamkaas oo ka kooban katiinad weyn iyo mid yar, laba set oo dhega ah, seddex faraati, laba burjuleeto gacanta iyo hal lugta ah, suun weyn iyo taaj, dahabkaas oo Deeqa ka waaweyn oo loogu tala galay inay yareysato.

Cali Baa Cubeyd markuu ogaaday inay wax ka maqan yihiin Aabe Kaahin ayuu askarta u yeeray, markuu waydiiyayna way inkireen, laakiin Aabe Kaahin oo rabay inuu saldhiga ka boxo ayaa yiri: “wax dhib ah malaha, waa xoogaa yar oo dahab ah” kadib wuxuu damcay inuu yimaado Aabe Daahir hala soo daayo, laakiin askarti ayaa tiri: (arrimo kale ayaa lagu haystaa Daahir) ileyn qadiyada uu u xiran yahay waa mid Saalim khuseysa oo aan Adeerkii waxba ka gelin, Kaahin waxaa qaaday Cali Baa Cubeyd oo geeyay gurigiisa oo qol looga firaashay, waxaana loo soo dhaweeyay si heer sare ah, qorshahana waa inuu meel kale aadin ilaa uu berri subax dib ugu laabanaayo, isla markaana waxaa laga qaaday sawiro asagoo reerka la casheeynaaya iyo asagoo dhex taagan, si haddii uu wax kale la yiraahdo, cadeyn loogu helo inuu reerka la joogay iyo inuu ayaga ku soo degay, habeenkaas waxaa saldhiga ku hoyday Aabe Daahir oo saqdi dhexe lala soo baxay, waxaana lagu billaabay garaacis asagoo la waydiinaayo inuu qirto khayraadka dalka inuu dibadda u dhoofin jiray, cabaadka habeenkaas ka baxay mar buu ku fekeray Saalim iska sii gabadhaada si mar uun usha lagaaga dhaafo, haddana su’aasha la waydiinaayo iyo sababta loo garaacaayo ayaa kala duwan, Aabe Daahir markuu aad u xanuunsaday ayuu yiri: “Kaahin waydiiya inaan u shaqeeyo iyo in kale” waxaa lagu yiri: “Kaahin maxaad ka rabtaa? ninkaa waa la sii daayay” Aabe Daahir ayaa yiri: “haddii la sii daayay ninki daraadiis la ii haystay, maxaad aniga igu haysataan?” Askarigi ayaa ku yiri: “waxaa lagugu haystaa, waxa idinka dhexeeya” Aabe Daahir ayaa yiri: “inaan gabadheyda siiyo wiilkiisa ayaa naga dhexeeysa” kadib waxaa lagu celiyay qolki xabsiga.

Raage marki uu ku laabtay hotelki, wuxuu reerka u sheegay saldhiga la geeyay Aabe Daahir iyo Kaahin, kadib ayaa laysla fiiriyay sida wax loogu qaban karo, laakiin waxaa loo baahday in marka hore loo tago Aabe Daahir si loola soo arrinsado, markaa ayuu Raage soo aaday saldhiga iyo inuu ka wardoono Cali Baashi iyo Oday Cawaale, markuu Cali Baashi cashadi geeyay saldhiga ayuu ogaaday in Kamaal Aabihiis la sii daayay, wuxuuna la kulmay Aabe Daahir oo ku yiri: “Kaahin waa la sii daayay, anigana waa igaraaceen, laakiin kiiski dhoofinta xoolaha meesha wuu ka baxay, balse waxaa weli taagan kii Deeqa, sidaa daraadeed yaanay Deeqa soo bixin, wax lacag ahna yaan la bixinin, Kaahina hala raadiyo si aan isku aragno inta uu bixin” Cali Baashi markuu ka soo tegay, wuxuu soo aaday gurigiisa oo ay isku ogaayeen Raage inuu ugu yimaado.

Oday Cawaale waxaa soo wacay Xasan Rooble markaa ayuu u sheegay in Raage la soo daayay, laakiin aanu ogeyn sababta loo xiray iyo inuu u imaandoono, balse ay dhib ku tahay carabka guriga iska leh in wakhtigaan kadib la soo woco, Xasan ayaa ku yiri: “Raage waxaad u sheegtaa inaan gurigiisa ka soo wacaayo” Raagana markay wada kulmeen Cali Baashi oo loo sheegay in la soo daayay Kamaal Aabihiis iyo farriinti Aabe Daahir, ayuu 200 ugu dhiibay Cali Baashi inuu Aabe Daahir u geeyo berri subax, wuxuuna ka codsaday inuu quraac u qaado, kadib ayuu Oday Cawaale uga sii gudbay, kaasoo u sheegay farriinti walaalkiis Xasan ugu faray, balse wakhtiga oo Raage ciriiri ku ahaa aawgiis, wuxuu aaday hotelki ay deganaayeen reer Daahir, markuu warbixinta u geeyay kadibna waxay noqotay inuu seexdo qolka Aabe Daahir iyo Hooyo Aamina u kireysnaa, markaana ay hooyo Aamina la seexato gabadheeda Deeqa iyo hooyadeed Mulaaxo.

 

67.

Adeer Cali Cubeyd iyo wiilkiisa Saalim ayaa ka wada tashaday sida laga yeelaayo Oday Daahir, markaa ayuu Saalim yiri: “adeer waxaan rabaa inuu gabadhiisa isiiyo, asagana wuxuu rabay inuu siiyo wiilka Kaahin, wuxuuna u socday laba arrin oo mid tahay inuu ganacsiga u wakiisho iyo inuu gabadhiisa ku darsado wiilkiisa” Adeer Cali Cubeyd ayaa yiri: “hadda way dhamaatay marba haddii aan ka heshiinay ganacsigi, midda kalana way dhamaaneysaa haddii uu Kaahin berri galab diyaarada raaco, waxa isku soo haraaya waa adiga iyo sidi aad ogolaasho uga heli laheyd gabadha Aabaheed, laakiin soo dedeji xabsiga uu ku xiran yahay, waayoo ma rabo inuu muddo badan ku jiro” Saalim ayaa Adeerkiis ku yiri: “Adeer ilaa uu gabadha iiga ogolaado ma deynaayo” Adeer Cali ayaa kula taliyay: “hadda gabadha ma aragtid, meel ay jirtana ma ogid, haddii aad Aabaheed dayso waad arkeysaa, midda kale waxaa kuu fiican inaad Odayga deyso oo weji fiican ka sameysato” markaa ayuu Saalim ogolaaday inuu Deeqa Aabaheed sii daayo marka uu Kaahin ka duulo Sanca.

Raage walaalihiis waxay ku waasheen telefoon ay gurigiisa u diraan iyo mid ay ayaga isu diraan, ugu dambeyn waxay ku heshiiyeen inay Raage ka war sugaan, asagana ma seexan habeenkaas oo dhan, inta badan waxaa la joogtay Deeqa iyo hooyadeed oo mar dambe ka tagtay, waxay inta badan isla meel dhigaayeen, sida laga yeelaayo arrinta Aabe Daahir iyo howlaha berri la qabanaayo, laakiin markay hooyo Aamina u firaaqeysay ayay Deeqa ku tiri: “Raage, ma jecleyn inaan nin deg deg ku guursado iyo inaan gaaro go’aan deg deg ah, laakiin haddii ay khasab igu noqoto, waxaad ogaataa inaad adiga tahay midka ugu dhow oo aan fursadaas siin karo, taas ayaana keentay inaan si deg deg ah kuu iraahdo amarkaagi waan qaatay, inkastoo aan ku khasbanaa oo aan si xornimo ah go’aankaas ku gaarin, waayoo duruuf jirtay ayaa igu khasabtay” Deeqa oo xoogaa aamustay ayuu Raage yiri: “hadda inaad ka laabato miyaad rabtaa?” Deeqa ayaa tiri: “maya, laakiin waxaan kaa rabaa inaad amar dambe amar i siinin, waan kaa yeelay inaan nin dambe gacanta ka qabsanin, mana i arkeysid anigoo gacanta haysta inta ay wax naga dhexeeyaan” Raage ayaa yiri: “inta aan iska guursaneyno waa kaa yeelay inaan amar ku siinin” Deeqa ayaa waydiisay: “marki aan isguursano inaad i amarto miyaad rabtaa?” Raage intuu qoslay ayuu yiri: “waxaa jira amaro yar yar oo dhex mar labada isguursata” Deeqa ayaa tiri: “kuma fahmin” Raage ayaa ugu fasiray: “sida shaarkaas ii soo qabo, qadada ii boobsii, caawa soo dhakhso iwm, ayaan ka hadlaa, waayoo waa amaro yar yar oo nolosha la socda” Deeqa ayaa tiri: “amaradaa yar yar midki aan dhibsado waa inaad iga dhaaftaa” Raage ayaa ka ogolaaday, markaa ayay Deeqa tiri: “hadda ayaan diyaar u ahay inaad waalidkeey iga doonato, haddii ay igu yiraahdaan Raage ma rabaana waxaan ku leeyahay kun jeer haa” Raage intuu niyadda ka farxay ayuu Deeqa wejigeeda fiiriyay, markaa ayay ku tiri: “aboowe maxaad iga soo fiirisay” wuxuu ku yiri: “caawa waa habeenki uu ii dhammaaday Adkeysigi iyo habeenki iigu horeysay guusha inaan gaaro aan rabay, farxad daraadeed ayaan kuu soo fiiriyay” Deeqa intay xishootay ayay hoos fiirisay, markaa ayuu Raage u sheegay inuu walaalkii Maxamed ku yiri: “waxaan kuu soo helay leyn aad Mareykanka ku gasho” markaa ayuu wejiga Deeqa isbedelay waxayna tiri: “Raage inaad iga tegeyso iima sheegin, waad iga caqli badisay waayoo haddii aan ogaan lahaa inaad iga tegeyso, waxaan ogolaan lahaa Kamaalka Ingiriiska noo wadan lahaa aniga iyo reerkeyga” Raage ayaa ku yiri: “Dd adiga ayaa Mareykan ii ah, walaalkeeyna waa u sheegay arrintaa, meelna kaama aadaayo” Deeqa ayaa tiri: “waxaan ka baqaa inaad isbedesho oo lagu beddelo, markaana aad iga tagto ileyn sida aan reerkeeyga Kamaal uga diiday, ma filaayo inaad uga diidi karto ama ugu adkeysan karto” kadib Deeqa waxay ku calaacashay inay go’aanka ku deg degtay oo ay ku fududaatay fasaxa ay Raage siisay.

 

68.

Deeqa oo ka walwalsan go’aanka deg deg ah ay ku gaartay inay Raage siiso kalsoonida ayuu Raage ku yiri: “waxaan illoobay inaan idiin sheego in Kamaal Aabahii la soo daayay, laakiin aan la ogeyn meel uu aaday” Deeqa ayaa tiri: “adiga waxaan ku waydiiyay, ma taqaanid miyaa sida hadalka hal mar loo wada sheego?” Raage ayaa ku jawaabay: “Deeqa waan daalanahay waana fekersanahay, taas ayaa sabab u ah inaan wax badan illoobo” Deeqa ayaa tiri: “waa caadadaada haddii aad daalan tahay iyo haddii kalaba, midda kale Aabe way ku macdahay inuu xabsiga uga tago Kamaal Aabihiis, waayoo sida uu Aabe u qadariyo reerkaa ayagu uma qadariyaan” Raage ayaa yiri: “waxaan u maleynaa sababta Aabe Daahir u yiri (yaan lacag la bixinin) inuu qiyaasaayo haddii Kamaal Aabihiis la sii daayay in asagana la sii deyn doono” Deeqa ayaa tiri: “maxaa kale oo aad illowday?” Raage intuu madaxa qabsaday ayuu yiri: “wax kale ma illoobin, laakiin waxaa jirta arrin aan idinka qariyay, gaar ahaan hooyo Aamina oo aan ka baqay inaad xamili waydaan” Deeqa intay naxday ayay tiri: “Alla maxaa Aabaheey ku dhacay?” Raage ayaa u sheegay in xabsiga lagu garaacay, Deeqa way ooysay, Raagana ayaa aamusiyay, markaa ayay ku calaacashay: “maba i aqoonine maxaa Saalimkaan baas aniga i tusay!” Raage wuu ka baqay inuu yiraahdo (Saalim anigaa sawirkaaga tusay) ileyn waa siduu ku arkaye, laakiin wuxuu ku sabirsiiyay inuu ku dadaalaayo siduu Aabe ku soo bixi lahaa berri.

Raage asagoo aan wax badan hurdin ayuu salaadi soo aaday xaafadda Cali Baashi, qorshaha uu ka lahaana wuxuu ahaa inuu xooga saaro sidi lagu soo deyn lahaa Aabe Daahir iyo siduu ku ogaan lahaa Kaahin meesha uu joogo, markaa ayuu Cali Baashi u wakiishay soo ogaanshaha Kamaal Aabihiis, asagana inuu askarta saldhiga la soo gorgortamo, wuxuu quraacda u sii qaaday Aabe Daahir, nasiib wanaag wuxuu fursad u helay in loo geeyo taliyihi saldhiga oo ku yiri: “adeer odayga adeerkaa ah galabta ayaan sii deyneynaa, markuu noo saxiixo waraaqo ah inuu mar dambe u laabaneyn dembiga lagu soo xiray” Raage oo aan arrintaa dood ka keenin ayaa ku yiri: “waad mahadsan tahay taliye, meeqa saac ayaan soo doonaa?” Cali Cubeyd ayaa ku yiri: “saaca arbaca” oo ah afarta galabnimo, markuu ka soo tegay wuxuu toos u aaday hotelki ay deganaayeen reerka, wuxuu u tegay ayagoo wada ooynaaya kadib markii ay Deeqa u sheegtay in aabe la garaacay, wuxuu Raage tegay ayagoo raba inay saldhiga soo wada aadaan si ay Aabe Daahir uga war doonaan, markaa ayuu u sheegay akhbaarki farxadda lahaa, hooyo Aamina ayaa is tiri: (armuu niyadda idiinku dhisaa) kadibna waxay afka ka tiri: “Raage eedoow runtaa miyaa?” Deeqa ayaa tiri: “hooyo, wax inuu illoobo maahane, Raage been ma sheego” markaa ayay Ayeeyo Mulaaxo tiri: “Raage waa nin rag ah, wuuna ogyahay waxa aan ku habooneyn in dumarka loo sheego” markaa kadib ayuu ka soo laabtay si uu dabagal ugu sameeyo ogaanshihi Kamaal Aabihiis, waayoo Aabe Daahir ayaa codsaday inay is arkaan inta aanu bixin, sidaa daraadeed wuxuu Raage ku khasban yahay inuu suura geliyo is arraga labada oday, markuu u yimid Cali Baashi ayuu Raage u sheegay inuu Kamaal Aabihii joogo guriga Saalim, laakiin aan asaga la tusin balse uu u sheegay Saalim walaalkii Caadil iyo in garoonka diyaaradaha loo qaadaayo sedexda galabnimo, Raage markaa ayuu dareemay inay wax ku jiraan labada saacadood ee kala duwan, maadaama aanu waxba ka qaban karina wuxuu go’aansaday inuu Aabe Daahir u soo sheego saacada xabsiga laga deynaayo iyo saacada garoonka diyaaradaha la geeynaayo Aabe Kaahin, taas oo mecneheedu yahay: (adeer waan ku dadaalnay fulinta inti aad na fartay, laakiin dadaalkeeni halkaa ayuu dhaafi waayay)

Saalim wuxuu ogolaaday taladi adeerkiis Cali Cubeyd, wuxuuna ka fekeray siduu ku soo ceshan lahaa kalsoonidi Deeqa, waayoo wanaag ayaa ka dhexeeyay markuu Aabaheed u soo daayay, laakiin waxaa dhibka keenay odayga Ingiriiska ka yimid oo rabay inuu Deeqa ku darsado wiilkiisa, sidaa daraadeed wuxuu isleedahay cudurdaar fiican ayaad haysataa, haddana waxaad iska dhigi kartaa nin Aabe soo daayay, haddii aad gaarigaaga kaga qaado saldhiga oo aad mar kale ku gayso gurigiisa iyo inuu dhihi karo waan maqnaa marki laydin soo xiraayay, ileyn cid reerka ah oo aragtay majirto, waxa kalana wuu asturi karaa.

 

69.

Maalintaa uu Raage ku mashquulay soo deynta Aabe Daahir, walaalihiisna way soo wacaayeen, ilaa ay marki dambe Oday Cawaale taleefan ku waalaan, wuxuu u sheegay inuu Raage fiican yahay, subax walbana ka soo war doono iyo inuu u imaanaayo, laakiin shan daqiiqo gudahood ayuu mar kale ku soo celiyay Xasan Rooble, Oday Cawaale iyo Carabki guriga lahaa waa isku wareereen, carabku wuxuu la yaaban yahay Odaygan aan la soo wacan jirin oo saaka lagu soo waashay, markaa ayuu is yiri: (xaalkan armuu qumaneyn) markaa ayuu waydiiyay: “muxuu yahay telefoonkan saaka kugu soo waashay?” Oday Cawaale ayaa carabki ka maray meelaha ay carabtu u jilcan yihiin wuxuuna ku yiri: “gabadheyda ayaa la guursanaa, waxaana i soo wacaaya ninkeeda iyo sheekhi nikaaxa” markaa ayuu carabki yiri: “mabruuk, telefoonka ag fadhi ilaa uu nikaaxa ka dhammaado” laakiin markuu subaxaas Raage u imaan waayay ayuu aaday guriga saaxiibkiis Cali Baashi oo Rr ku dhex sugaayay inta uu saldhiga ka soo laabanaayo, markaa ayuu Raage ugu yimid Cali Baashi iyo Oday Cawaale oo u sheegay inay walaalihiis waali ku dhow yihiin, Raage ayaa ku yiri: “waxaad ku tiraahdaa wuu fiican yahay, wuuna mashquulsan yahay, laakiin goor dhow asagaa idin soo wacaaya” markaana wuxuu Raage go’aan ku gaaray inuu reerka gurigoodi ku celiyo, saaxiibkii Cali Baashina uga mahad celiyo dadaalka uu la dadaalay, markuu reerki u yimid ayuu ku yiri: “soo baxa waxaan idin geynaa gurigiini, ka hor inta aanu Aabe Daahir soo bixin” intuu gaariga taxi-ga ah ku soo waday ayuu u sheegay meesha uu Kamaal Aabihii xalay seexday iyo inuu galanta ambabaxaayo, markaa ayay Ayeeyo Mulaaxo tiri: “rag wax la’aan laguma ciilo, waa kaa kii Ingiriiska inuu noo wado laga sugaayay, maanta Raage la’aantii waxba ma tarneen” markuu gurigooda geeyay ayuu ka soo tegay, wuxuuna toos u soo aaday saldhiga si uu Aabe Daahir ula wadaago farxadda xuriyadiisa, laakiin nasiib xumo waxaa lagu celiyay albaabka, asagoo loo sheegay in adeerkiis uu ku jiro xafiiska taliyaha, Aabe Daahir waxaa xafiiska kula jira Saalim iyo Adeerkiis oo uu Cali Cubeyd ku yiri: “wiilkayga Saalim ayaa damaanad buuxda kaa noqday, waana sababta aan kugu sii daayay, ileyn waxaad la socotay nin raba inuu kheyraadkeena si sharcidara ah ku qaato, laakiin ninkaa waxaan hadda siinay aqoonsi uu kaga faa’iidaysan karo ganacsiga dalkeena, adiga iyo Saalim ayaa hadda ka bacdi u soo iibinaaya alaabta uu u baahan yahay, waxaadna wadaageysaan saamiga idinka dhexeeya, sidaa daraadeed waxaan rabaa inaad wada saxiixdaan warqadan aad saamiga ku leedihiin, sidaa iyo wada shaqeyn wacan”.

Raage oo albaabka taagan asagoo sugaayay Aabe Daahir oo lugeeynaaya inuu soo boxo, ayaa arkay Odaygi oo hore ka saaran gaarigi Saalim, markaa ayuu Aabe Daahir wuxuu Saalim ku yiri: “jooji gaariga, Raage ayaan waydiinaa reerki” markuu u sheegay inuu gurigoodi geeyay ayuu iskaga dhaqaaqay ayadoo uu Saalim leeyahay: “Rr gaariga soo raac” Aabe Daahir waxaa gurigiisa la geeyay asagoo gacanta ku wata warqadi aqoonsiga saamiga ganacsiga uu ku lahaa, reerkiisana waa yaabeen markuu guriga keenay midki ay daraadii uga qaxeen.

Raage wuxuu sii maray xarunta telefoonada, wuxuuna ka wacay walaalihiis Maxamed iyo Xasan Rooble, wuxuuna kula ballamay inay berri subax soo wacaan, waayoo wuxuu u sheegay inuu hadda daalan yahay, sidaa ayay ku ballameen, inkastoo uu mid walba ku canaantay sababta uu uga aamusnaa oo uu welwelka ugu dilay.

Kamaal wuxuu ka quustay in telefoonka reer Daahir laga qabto, wuxuuna waayay meel uu kala socdo farxada nikaaxiisa iyo inuu Aabihii la hadlo, Xaawa Kiin waxay soo baadi goobtay guriga reer Daahir oo loogu sheegay inuu ka dhacaayo xaflad nikaax, laakiin markay aragtay guri xiran oo nalalkiisu densan yihiin, ayay u qaadatay sheeko ayada lagu waalaayay, Kamaal oo soo wacay ayay ka hor keentay: “Kamaal caawa waxay igu dhigtay gabadhi Aabaheed shaqaalaha idiin ahaa haddii aan kuu sheego, wallaahi waad qosleysaa” Kamaal oo warbixintaa u baahnaa, kana baqaayay inuu waydiiyo ayaa yiri: “haye maxaa dhacay!” Xaawa Kiin ayaa tiri: “intii la i soo wacay ayaa leygu yiri caawa Kamaal iyo Deeqa ayaa laysku mehrinaa, markaan gurigi tegayna waxaan arkay guri laga guuray” Kamaal oo hadalkaa ka naxay ayaa yiri: “laga guuray aa, xagee u guureen?” Xaawa Kiin ayaa tiri: “xabiibi waa ku sidee, waxaad moodaa inay meel ku damaqday, markaan kuu sheegay inay guureene” Kamaal ayaa yiri: “soow kuuma sheegin Aabe inuu ayaga ku soo degaayay?” markaa ayay Xaawa Kiin niyadda u degtay, wixii ka dambeeyana waxay baadi goob ugu jirtay reer Daahir, ayadoo uu Kamaal had iyo goor soo wacaayay, ileyn waxaa loo sheegay inuu sodogeed ku soo degaayay guriga reerkaas.

 

70.

Kamaal oo yaaban markay Aabihii is arkeen ayuu Aabe Kaahin ku yiri: “labadi dan aan u baxay waxaan ku guuleystay midi ganacsiga, tii kalana firaaqo ayaan u waayay, waayoo waxaan tegay Odaygi reer Daahir oo xiran” Kamaal ayaa yiri: “Aabe, adeer maxaa lagu haystay? maxaadse xabsiga uga soo deyn waysay si aad howsha nikaaxa u dhameysaan?” Aabe Kaahin ayaa yiri: “waxa lagu haystay waa howsha aan rabay inaan u igmado (u dhiibto) laakiin marki aan heshiinay aniga iyo Cali Cubeyd, markaa ayuu iga ballan qaaday inuu Daahir soo deynaayo, haddana waxaan filaa inuu soo daayay” Kamaal ayaa markiiba telefoonka la booday oo guriga reer Daahir wacay, Deeqa ayaa intay qabatay ku tiri: “waryaa wax ma kuu sheegaa, dib dambe ha ii soo wicin, soow ma ogid Aabahaa inuu xabsi uga tegay Aabaheey” isla markiina waa ku dhigtay, mar labaad ayuu ku soo celiyay, asagoo ka codsaday inay u sheegto sida wax u jiraan, Deeqana tafaasiil ayay ka siisay, markaa ayuu ku yiri: “dahabki aan Aabe kuugu soo dhiibay laguuma keenin miyaa?” Deeqa waxay u sheegtay inay arkin dahab loo keenay, markaa ayuu Kamaal u sheegay intuu ka koobnaa iyo inuu hadiyad ahaan ugu soo dhiibay,  Deeqa maskaxdeeda waa geli waysay dahabka uu sheegaayo ee ayada loogu tala galay, dahabkaa inuu Kamaal Aabihii u keeni waayo, markaa ayay tiri: “ma arag waxa aad sheegeyso, malaha saaxiibtaa Xaawa Kiin ayuu Aabahaa u geeyay” kadib Kamaal wuxuu Aabihii waydiiyay waxa ku dhacay dahaki uu Deeqa ugu dhiibay, Aabe Kaahin oo careysan ayaa yiri: “reer mushkiladeysan ayaan u tegay, markaan mushkiladoodi lugaha la galayna waxaa leyga xaday boosradi dahabka ku jiray” wuxuu sii raaciyay: “reerkaa iyo mushkiladooda naga daa oo dib dambe ha iigu soo qaadin” Kamaal oo diiday warka Aabihii ayaa yiri: “goor dhow ayaan Sanca aadaa” laakiin Aabe Kaahin wuu ka diiday.

Telefoonki u horeeyay ee Raage hurdada ka kiciya waxaa soo dirtay Deeqa oo ku tiri: “maxaad xalay noogu imaan wayday?” Raage ayaa yiri: “Aabahaa wuxuu soo raacay gaariga Saalim, anigana waxaan iska aaday gurigeeygi, waayoo waxaan garan waayay waxa dhex maray Aabe iyo ninki xirtay” markaa ayay Deeqa u sheegtay inay ku heshiiyeen ganacsi ay shirkad ku wada noqdaan iyo inuu Saalim guriga soo gelin markuu Aabe Daahir keenay, Raage ayaa yiri: “warqadi laga saxiixaayay miyaa aheyd mid ganacsi?” Deeqa ayaa u sheegtay inuu warqad gacanta ku sitay Aabe Daahir, markuu Raage aamusay ayay Deeqa ku tiri: “soow nooma imaaneysid? ileyn caawa waxaan rabnaa inaan xaflad yar guriga ku sameysanee” Raage ayaa yiri: “xaflad sidee ah ayaad qabtaan?” Deeqa ayaa u sheegtay inay qabaan xaflad ku saabsan shaqada Aabe, Raagana wuu gartay inuu Saalim imaanaayo xafladaas, marba haddii ay shirkad noqdeen Aabe Daahir, misana wuxuu gartay inay Deeqa waxba kala socon shirqoolka uu Saalim damacsan yahay inuu ayada ku helo, markaa ayuu yiri: “hadda waxaan telefoon ka sugaa walaalaheey oo aan ayaamahan isweynay si aadana iiga murugsanaa, markaan soo dhameeyo waxaan soo salaamaa Oday Cawaale, markaa kadib ayaan xaafadsa soo aadaa, wax yar kadib Maxamed Rooble ayaa soo wacay, markii uu u sheegay reer Daahir iyo waxa kala dhexeeya, xabsigi uu galay iyo intuu soo maray, ayuu Maxamed fahmay inuu walaalkii jecel yahay Deeqa iyo inay tahay gabadha uu ka tegi karin, markaa ayuu u sheegay in labadlabadooda uu u haayo dariiq ay Mareykan ku tagaan, markaa ayuu Raage u sheegay inuu fiican tahay arrintaas, laakiin ay hadda Deeqa kaga jirto meel ciriiri ah, Maxamed oo waydiiyay sida wax u jiraan ayuu Raage u sharaxay tartanka ay kula jiraan Kamaal iyo Saalim iyo weliba isbedbedelka Deeqa Aabaheed, markaa ayuu walaalkii ka codsaday inay ka war sugaan inta uu arrinkan meel ka soo saaraayo, markaa kadibna ay u raadiyaan halki ay u heli karaan, sidaa ayay ku ballameen iyo inuu Maxamed woco Xasan Rooble una sheego wax walba, maadaama uu Raage guriga ka bixi rabo.

Xafladi habeenkaas uma dhicin sidi loogu tala galay, waayoo Aabe Daahir iyo Saalim ma ogoleyn inay noqoto mid ay dad badan ka soo qeyb galaan, waxaana xafladda qalqaaliyay oo lacag ku bixiyay Saalim oo rabay inuu ku soo ceshado xiriirka reer Daahir, asagoo iska dhigaaya inuu ka tanasulay doonashadi Deeqa, balse ay u qorsheysan tahay inuu dib u dhigto ilaa uu Oday Daahir ka dhedhemiyo xoogaa lacag ah, waxaa xafladda joogay reer Daahir oo ay wehliyaan Raage iyo Saalim, cashada markii la cunay ayuu Saalim iska tegay, Raagana wuxuu ka dambeeyay wax aan badneyn.

 

La soco qeybaha dambe.

 

 

SHARE