Home Qoraallo Barnaamij Caafimaadka: Faa’iidada naasnuujinta iyo fahamka hooyada! W/D: Hassan Kheyrre

Barnaamij Caafimaadka: Faa’iidada naasnuujinta iyo fahamka hooyada! W/D: Hassan Kheyrre

0
SHARE

cradlehold1

Barnaamij Caafimaadka: Faa’iidada naasnuujinta iyo fahamka hooyada!

Isbadalka xilliyada waxuu saameyn ku leeyahay Caafimaadka dadweynaha (public Health), hadabba xilliyadaan oo kale gaar ahaan billaha maarso ilaa juun sanad walba waxaa ka dhaca dalka cuddurada Jadeecada, Shuban Biyoodka iyo  Nafaqadarda.  Soo noq-noqoshada cudduradaan sanad walba waxaa loo sababeeyaa 2 arin oo kale ah:- yaraanshaha biyaha wabbiyadda iyo billowga xilliga roobaadka.

Haddaba barnaamijkaan oo ah “Barnaamij horumarinta caafimaadka” Caddadka soo socda ee haduu allah idmo waxaa ugu hadli doonaa cuddurada  Jadeecada iyo Shuban-biyooda, Balse caddadka bishaan waxaa kusoo qaadaneynaa NAFAQADARADA.

NAFAQA-DARADA

Nafaqa-darada waa isku dheeri-tirnaan la’aan u dhaxeysa Qaadashada jirka nafaqada iyo baahida nafaqo uu baahanyahay jirka dhinacyada karoonshiha iyo weliba shaqooyinga kale ee jirka qabto. sidaas darteed Nafaqa-darada deg-degta ah waxaa sababa:-

1. Qaadashada cunto aan isku dheeri-tirneen waayo cuntadda waxay ka koobantahay maadooyinka kala ah Boratiin, Dux, Kaarbooheeydareet, Fitamiin, iyo macdan.

2.  Cuduradda sida Qaaxada, Jadeecada, Shuban biyoodka iyo kuwa kale oo badan.

Wadankeena somaaliya xilliyadaan oo kale Mid ka mid ah afartii carruur ee ku nool Soomaaliya waxaa haysa nafaqo-xumo, sida ay tilmaameyso daraaseyn uu sameeyey Waaxda Lafagurka Nabadgelyada Cuntada iyo Nafaqada ee Qaramada Midooway (FSNAU). dhinaca kale nafaqadaradda ayaa ah mid u badantahay ilmaha u dhaxeeya 6 ilaa 36 bilood. haddaba waxaa la isku raacay in naasnuujinta ee tahay xalka kaliya looga hortagi karro nafaqadarada ku imaato caruurta.

Qormadaan oo ah “Faa’dada naasnuujinta iyo fahamka hooyada” waxay aad u anfacaysaa qeybaha bulshada oo idil, si gaar ah hooyooyinka soomaaliyeed oo intooda badan aan aqoon ulahayn faa’iidada ay caanaha naaska u leeyihiin carruurta.

Guud ahaan bulshadeena muhimad ma siiyaan ’Naasnuujinta” miyi iyo maagalo, balse waxaan muran ku jirin oo baaritaanada caafimaadka dunida oo dhan laga sameeyey isku raaceen inaan laga maarmin naas nuujinta, isla mar ahaantaasna ay muuhiimad weyn u leedahay caafimaadka ilmaha la nuujinayo iyo hooyadaba. Hadaba Qur’aanka kariimka waxa uu caddeeyay muhiimadda naas nuujinta leedahay, isagoo ka dhigay nooca cuntada ee ugu fiican oo ilmaha la siinayo labada sano ee ugu horreeya noloshooda, waxaana jirta in dawladaha qaarkood ay gaareen inay hooyada qasab uga dhigaan inay naaska u dhigto ilmaha maadaama badbaadinta noloshiisa iyo aayahiisaba ay taasi ku xiran tahay halka qaar kale go’aansaday in manhajka waxbarashada dugsiyada dalkaasi lagu daro maadada naas-nuujinta caruurta.

Ururka caafimaadka adduunka WHO iyo sanduuqa badbaadada carruurta UNICEF waxa ay sheegeen in hal malyan iyo bar carruur ah ay sanad kasta dunida ugu dhintaan hooyada oo aan naaskeeda nuujin darted ee isticmaasho.

Ka dib tusaaleynta muhimadda naasnujinta ay siisay diinta iyo caalamka, waxaa muhim ah in bulshadeena ee fahmaan waxa loo la jeedo naasnuujintaas iyo sida saxda ah ee loo dhaqan geliyo.

’Naasnuujinta” waa qaab caruurta yar lagu quudinaayo caano kuwaas oo ka yimaada naaska hooyada. Naas-nuujintu waa arsaaqda koowaad ee bini-aadamku dhadhamiyo marka uu ifka usoo baxo. haddaba hooyada waa in ay dhaqan geliso 6da bilood ee ugu horreeya nolosha cunnuga ”Naasnuujinta baraxtiran ama gaarka ah” oo ah in ilmuhu nuugo caanaha naaska oo qura iyadoo loo raacin waxyaabo kale sida biyo, casiir, caano kale oo aan naaska ahayn, iyo cunto nooc kasta oo ay ahaataba 6da bilood ee ugu horreeya noloshooda. Naas nuujinta waxa ay soconaysaa iyadoo ay cunto la socoto wixi ka dambeeya 6bilood ilaa 2 sano jir, waxaana loo yaqaanaa “naasnuuijnta qeybta ah” hooyada waxaa looga baahanyahay inaaney ka joojin sabab macquul ah owgeed.

Faa’iidooyin kala duwan ayaa laga helaa caanaha naaska marka kowaad waa cunto dabiici ah oo isku dheeli tiran, lagana heli karo wax kasto oo nafaqo ah oo uu u baahanyahay cunugaaga.
sidoo kale faa’idooyinga waxaa ka mid:- Korriinshaha garaadka, Difaaca jirka, ka hortagga Buurnaashaha.

Balse nasiib darro waxaa ah in inta badan hooyada soomaaliyeed ee isticmaalaan “Quudinta aan dabiiciga aheyn” oo loola jeedo quudinta ilmaha la quudiyo, quudin aan aheyn caanaha naaska ayadoo da’da ilmaha aan gaarin lix bilood. inta badan carruurta waxaa la siiyaa caanaha gasacadeysan iyo kuwa kale sida; caanaha lo’da, arrigga. Iyadoo tiro dhan 3 milyan caruur ah ay nafaqo darro soo food saarto isticmaalka “Quudinta aan dabiiciga aheyn” taasoo horseedda inay carruurta ku dhacaan cudurro badan oo dhimasho keena.

Arinta labaad ee nafaqadarada xiriirka la leh naas-nuujinta waxay timaadaa xilliyada dhameystirka quudinta iyo naaska-joojinta. ‘Qudinta dhameystiran’ waa cuntada ama dhareeraha la siiyo ilmaha ayadoo la socoto naasnuujinta, dhinaca kale ‘Naas ka joojinta’ waa gabi ahaan in cunnugga laga joojiyo quudinta naaska.

Labadaan marxaladooda waa labo marxaladd oo isku daba xigga.  Xilliga quudinta dhameystiran cuntada ilmaha yar waxay noqotaa mid isbadasha waayo ilmaha yar markii hore waxuu qaadan jiray caanaha naaska kaliya laakin hada waxuu la qaadanayaa cuntada qoyska lix bilood ka dib, caanaha hooyada kuma filna ilmaha yar waxay u baahanyihiin cunta kale in lagu caawiyo laakin lama joojinaayo naasnuujinta. Waaayo usocoshada Caanaha naaska waa isha kaliya cuntada ka helaan ilmaha yar muddo bilooyin ah laakiin caanaha naaska waxay siisaa caruurta saddex meelood meel tamarta iyo nafaqada uu ilamaha yar u baahanyahay lixda bil hore ka dib.

Xilliga horudhaca quudinta dhameystiran waa waqti Qatar u leh ilmaha yar hadaba waqtigaas waxaa korarta infekshinka, sabatoo ah isbadalka cuntada laga soo bilaawo caanaha naas oo nadiifka ah kuwasoo ku jiraan walxo ka hortaga infekshinka iyo waqtigaan oo cuntada lagu quudiyo badana lagu diyaariyo, lagu keydiyo ama lagu quudiyo cunugga wado aan nadiif aheyn

Nafaqodarada waxay aad u badantahay xilligan kala-guurka marka lala eego lixda bilood ee hore sababtoo ah qoysaska badan ma fahansana baahida qaaska ah ee ilmaha yar, hadane aqoon umalahan sida loo diyaariyo ama loo wajaho naas ka joojinta si loo siiyo ilmaha cunto dheeri tiran oo nafaqaysan

Hadaba Celcelis ahaan da’da ilmaha yar u baahanyahay in lagu bilaawo cuntada waa lixda bilood hore ka dib, sidaas owgeed sii labo waqti maalintii oo cunto ah marka uu jiro lix bilood.  Ka dib Inta u dhaxeesa da’da lix ilaa sideed bilood ilamaha yar badana aad ayee u baahanyihiin waxa uuna rabaa in uu cunno wax badan uu cunto ah sidaas darteed u  kordhi cuntada ee gaarsii ilaa sadex waqti.

Qaar ka mid hooyooyinga soomaliyeed ma siiyaan caruurta cunto kale ilaa halsano da’dooda ka gaaraan ama labo sano. Marka hadii goor dambe loo bilaawo ilmaha cuntada waxay sababtaa nafaqadaro ku imaata caruurta, Sidoo kale waxay dhibaato ku noqoneysaa in ay bartaan cuntada.

Laakiin da’da sagaal ilaa iyo toban caruurta badanaa wee ash-ash badan yihiin Mana doonayaan cuntada ku cusub sidaas darted hadii hooyada ee sugto ilaa ilmaha gaaraan sagaal iyo toban bilood ka dibna ee siiso cuntada waxay kala kulmeysaa dhibaato si ay u barto cuntada oo adag.

Lasoco qeybta 2aad – Tilmaamta Tayadda Tallaalka.

Waxii Faahfaahin, su’aal ama tixraac fadlan ikala soo xiriir.

Hassan Kheyrre

Hasanbiday@hotmail.com 

SHARE