Home Qoraallo QALINKA QORAAGA W/Q Mohamed Musa Sh. Noor

QALINKA QORAAGA W/Q Mohamed Musa Sh. Noor

0
SHARE

Nor1

QALINKA QORAAGA

 

Wax qoriiddu waa qayb ka mid ah hababka wax la iskugu gudbiyo waxaana lagu tiriyaa in ay u tahay udub dhexaad wax walba oo Saxaafad la dhaho,  maxaa yeelay wax aan la qorin lana soo tafa tirin markaa Bulshada looma soo gudbin karo.

Qoraaga waxaa lagu tiriyaa mar walba in uu yahay qayb ka mid ah Bahda Warbaahinta, sideedaba qof walba meel ayuu ku fiican yahay, Qof waa Cod kar oo in uu codka wax ku baahiyo ayuu ku wanaagsan yahay, Qofna waa Hal Abuur oo in uu wax abuuro ayaa awooddiisa ah, Qof kalana waa Farsama yaqaan ku dheereeya qaabka wax loo gudbin karo ama loo gudbin lahaa.

Qoraaga  marka laga hadlayo wuu ka saamayn badan yahay ayaa la oran karaa kuwa dhawaaqa wax ku gaarsiiyo Dadka, maxaa yeelay waa Wariye shiban, si tartiib ah oo Dhuuxa iyo Lafaha wax looga dareemi karo ayuu wax u gudbiyaa, inkastoo Qoraaga waxa uu qoro mar walba ay ku wanaagsan tahay in inta wixiisa meel lala fariisto lagu nasto iyada oo la aqrinayo waxa uu qoray.

Hadaba Qoraaga mar walba oo uu wax qorayo waxaa sal dhig u ah wax qoriddiisa, ama la oran karaa waxay ku wajahantahay Saddex qodob oo kaliya, taas oo marka aan tilmaamayo aan ka eegay dhanka wanaagsan ee ku salaysan Anshaxa Qoraalka .

1 QEEXIDDA DAREENKIISA: Qoraaga mar walba oo uu wax qorayo waa qasab in uu dareenkiisa ku saleeyaa, maxaa yeelay Qof aan qabin Dareen ama waxba dareemayn ma ahan mid wax soo gudbin kara, sidaa darteed waxaa qasab ah in uu jiro mar walba dareen uu tabanayo Qoraaga oo uu is leeyahay markaas la wadaag Bulshada kale.

Waxaa mar walba Su’aalo ama faham dhinacya badan yeesha ka dhashaan Qodobkan Koowaad ee Assalka aan uga dhigay ee Qoraagu uu ku qeexayo dareenkiisa gaar ahaaneed, laga yaabo in mararka qaar qaabka uu usoo bandhigo Qoraaga ay keento Tashuush badan oo aysan jeclaysan Dadka qaar, waasa Fakar uu qof leeyahay, sida saxda ahna marka qof uu fakarakiisa ka hadlayo ama soo bandhigo waa lagu raaci karaa waana lagu diidi karaa, si wanaagsan waa loo arki karaa, si xunna waa loo fasiran karaa, balse, taas macna badan ma suubinayso, waxa macnaha sameenaya ayaa ah waxa Qoraaga uu qalbigiisa kasoo qufay, jeclaystayna in lala arko, maxaa yeelay isagu marka uu soo bandhigayay wuu ogaa in Dadka oo dhan aysan ku qanci doonin mar walbana ay wax sheegi doonaan kuwa wax sheega.

Hadaba Qoraaga qalbigiisa in uu ka hadlaa Xaq ayuu u leeyhay, maadaama uu yahay Xubin muhiim ah oo Bulshada ay ku tiirsantahay wax badana laga filayo, wax badana la doonayo in uu Tooshka ku ifiyo Sax iyo qaladba sida la rabo haloo arkee, marka Qallinka Qoraaga ma ahan mid mar walba amaanan ama eedaysan, wuxuu u dhaxeeyaa uun Jawiga uu markaa la kowdsado sida uu yahay.

Waxaa jirto in mararka qaar Qoraagu uu Gafo ama sax sheego, balse markaa Dadka wax laga sheegayo aysan raali ka noqon Karin in sida dhabta ah ee wax looga sheegay in Bulshada loo tuso, sidaa darteedna uu Qoraagu ku mutaysto Ciqaab uusan mudnayn, waxa uu qoray inkastoo Qoraagu ay mas’uuliyad ka saarantahay in ay noqdaan wax dhab ah oo Runta ka hadlaya bulshadana si u taaban kara, ma ahan inuu wax qoraalkiisa ku saleeyaa Maslaxaddiisa gaar ahaaneed ama uu Qallinkiisa u isticmaalaa sida Ninka Qoriga sita ee Waddada Dadka ku isbaaraysta uu isaguna Qallinka wax ugu isbaarayto.

Qaybtan dambe ee qodobka qeexiidda dareenka qoraaga aan ku qaadaa dhigay waxa jira in waayadan dambe si qalad ah loo isticmaalay Qallinka oo lagu waxyeeleeyay Dad aan waxba galabsan, Qalllinka sidiisaba waa Cilmi.

Cilmi marka laga hadlayana waxaa wanaagsan in uu u faaiideeyo Dadka ee  cilmi ma noqdo wax Dadka dhibaato u gaysta, sidaa darteed, Qallinka loogu adeegayo waxa kaso horjeeda danaha Bulshada ama Qaranka waxaa la dhihi karaa uun waa Qallin la mid ah Qarayga lagu dunshay Dalka iyo Dadkaba.

Hadaba waxaa wanaagsan qofka leh Xirfadda Qoraanimada in uu muujiyo Mas’uuliyadda la saaray ama uu hayo, waana in uu mar walba ugu adeegaa Qallinkiisa, qumanaanta toosan ee Qofnimadiisa iyo Qarankaba, taas oo u soo hoyn kara Sharaf iyo Caddaaladba.

2 QALAD SIXID: qoraaga waa mid qayb wayn ka qaadan kara qalad sixidda markaa bulsha ahaan la wada doonayo, tusaala ahaan Soomaali oo dhan ayaa wada qaldantay maanta oo qof Soomaali ah oo oran karo si ayaan Saliim uga ahay waxa maanta ka dhacay Waddankeena ma jiro, Qof walbaba qayb ayuu ku leeyahy dayaca iyo dhibaatada Maanta dul taal qaybaheena kala duwan ee Nolosha.

Sidaa darteed Qoraaga qayb wayn ayuu ka qaadan karaa waa haddii uu si dhab ah Qallinkiisa u qaato una istaago sixidda waxa qaldamay, waxaa dhici kartaa in Su’aalo badan la iska waydiiyo qaabka uu wax u sixi karo qoraaga, taana waa iska sahal iyada waxaana loo mari karaa in mar walba la tuso Bulshada wanaaga, wixii qaldana qallinka lagu tuso, wixii saxana qallinka lagu tuso, maadaama Sax iyo Qalad aysan marnaba isku midab ahayn oo mar walba ay yihiin kuwa kala Midab ah.

Qoraaga waa Bani aadam, mararka qaar isaga ayaa qaldami kara Shaqsiyan ama si qaldan ayuu ugu adeegi karaa shaqsiyaad markaa ku helay Duruufo adag oo uu ku jiro ama xaalada kale oo dhinac walba ka imaan kara, marka ay taas dhacdo Qoraaga waxaa u furan mar walba Jaanis ah, in u qaladkiisa dib u saxo, waxaana wanaagsan Qof walba shaqada uu markaa ku magacaaban yahay in ay Masuuliyad ka saarantahay, astaana uu u yahay Bulsha isaga u baahi qabtaa, sidaa darteed la doonayo in uu astaantiisa wanaajiyo Qoraaga, oo haddii uu qaldamo qaladkiisa inta qirto kasoo laabto dibna u saxo .

Qodobkan labaad ee aan kaga hadlayo sixidda waxyaabaha qaladan ee ka dhaca qoraaga waa qodob muhiim ah, maxaa yeelay Xaaladda hadda lagu jiro ee ka bulsha ahaan aan wajahayno ayaa ah xaalad kala qaybsanaan ah oo uu Qof walba Qoomka uu ka dhashay dhinac ka raacay sax iyo qaladba ha ku raacee.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadana waxaan arkay in waayadan dambe si aad u dhaqan xun qallinka la iskugu godayo, oo qof walba qallinkii la rabay in uu ku saxo qaladaadka Bulshada uu isagu dhinac kasii noqday, waliba ay taas u sii dheertahay in uu bulshada kusii dhiiri galinayo in ay sii suubiyaan qaladaad kale oo sii kala fogeeya.

Marka aan ka hadlayo Bulshada uu Qoraagu Qalllinkiisa ku qaldayo, waxaan ula jeeda Bulshada uu markaa qallinkiisa ugu xaglinayo, ha noqoto Qabiilkiisa ama Qolo ay dan wadaag wada yihiin, waxaana la oran karaa ayaantan dambe taas aad ayay noogu badatay, waxaana wanaagsan in Qofka qallinka sitaa uu dib u fakaraa, isna eegaa, fahmaana waxa uu u taagan yahay shaqsi ahaan iyo waxa uu Bulshada ka yahay.

Waxaa wanaagsan in Qoraaga uu fahamsan yahay in uu yahy mid ka mid ah Tiirarka ay Bulshada ku taagantahay, lana doonayo in uu waddada saxan mar walba Bulshada ku hago, isaguna uu yahay sida Macallin wax baraya Arday Fasal ku jirto, lana doonayo in uu sida macallinkaas uu ardayda wax ugu faaiidaynayo uu isaguna bulshada ugu faaideeyaa .

Waad furan kartaa Bar wax laga aqristo, waad soo daabici kartaa Waraaqo Dadka wax ka daalacdaan, waana soo diyaarin kartaa Qoraal markaa laga aqriyo Idaacadaha ama Taleefishinada ama qaybaha kale ee Warbaahinta, balse, waxaa muhiim ah in qaabka aad wax u gudbisay uu mar walba kuu xisaabsan yahay, mar walbana aad tahay qof ku miisaaman waxa uu gudbinayo, ma ahan in aad isticmaashaa qaab qaldan oo Bulshad aad markaa ku wax yeelaynayso ama qaab aad shaqsiyaddaada kaliya wax ugu adeegayso.

Shaqa walba marka la qabanayo qofka qabanayo waxaa wanaagsan in uu ogyahay waxa uu u waxan u qabanayo, waana in ay noqotaa markaas sababta uu waxaas u qabanayo Maslaxaddiisa, ma ahan in uu Magac ama Hunguri ku doonaa, taas haddii ay dhacdana waa Qof qaab qaldan u isitcmaalay shaqada uu qabanayo kuna xad gudbay, Qof walba oo xad gudbaana waa hubaal in uu dhadhansho Natiijada ka dhalato Ficilkaas Guracan ee uu sameeyay ciqaabtana dhinac walba ayay ka imaan kartaa, hadaba, Qoraaga qalllinka sitoow taas maankaaga ku haay.

3 WACYI GALINTA DADKA: Qoraaga qodobkan qayb wayn ayuu ku leeyahay, in Bulshada la wacyi galiyaa mar walba waa muhiim dhankii la doonanaba hala wacyi galsho xaga wanaaga in loo badshaa ayaysa ku wanaagsan tahay.

Qoraaga qaybtan dambe ee qodobka wacyi galinta qayb muhiim ah ayuu ku leeyahy, balse, waxaa u wanaagsan in mar walba uu wax ka eegaa dhanka Maslaxadda guud ee uusan ka eegin dhanka maslaxaddiisa gaar ahaaneed.

Waxaa dhacda mararka qaar marka Dadka u dhaq dhaqaaqa Howlaha wacyi galinta Dadwaynahay ay jeclaystaan in Qoraaga uu Qallinkiisa ku caawiyo, uu markaa soo bandhigto waxa uu doonayo, amaba uu arko qolooyinkaas qolooyin Qandaraasla yaal ah oo wax ku helaya Wacyi galinta ay markaas wadaan, sidaa darteedna maadama ayaguba ay wax helayaan uu isagu iska dhaadhacsho in shaqada qaybta ay ka qaadanayaan maadaama ay wax ku helayaan ay isagana xoogaa Jeebka ugu ridaan, si loo sii dabaqo Howlaha markaa la wado.

Taas aad ayay u xuntahay runtii, haddii ay dhacdana ma ahan wax ku wanaagsan Qoraaga, waana mid wax u dhibi karta qallinkiisa iyo shaqsiyaddiisa, wixii wanaag ah ee markaa Buslhada loo wada hayo Xil ayaa ka wada saaran Dadka oo dhan, way dhici kartaa in Qof Shaqsi ah ama Koox ay wax ku helaan, balse, ma ahan intaas la eegaa, haddii ay ayaga shaqsiyaddooda gateen ama ay u arkeen shaqada ay hayaan mid ay wax ku helayaan in aan lagu dayan ayaa wanaagsan, balse, haddi la dhaho Saxiib adigaba meesha waxbaad ka helaysaa kistayda ii soo tuur markaas  waxba la isma dhaamo, kullina waxaa wada tihiin kuwa quudanaya Qallinka loogu tala galay in loogu gar gaaro Dadka u baahan.

Hadaba, Qoraaga waa mid xambaarsan Mas’uuliyad aad u wayn, in uu middaas gartaana waa ku qasab, maxaa yeelay haybad marka uu Alla ku siiyo waa in aad muujisaa sababta laguugu mannaystay xilkaas lagu saaray, haddii kale waxaad noqonaysaa mid Mugdi kula luma waxa loo dhiibtay Natiija xunna ka dhexla ugu dambaynta, maxaa yeelay Ficil walba oo xun Caaqiba xun ayuu leeyahay.

W/Q: Mohamed Musa Shiikh Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

SHARE