Home Qoraallo Malcolm X to El-Hajj Malik El-Shabaaz.

Malcolm X to El-Hajj Malik El-Shabaaz.

0
SHARE

220px-Malcolm-xMalcolm X to El-Hajj Malik El-Shabaaz.
Qeybta……1aad.
Malcolm X wuxuu dhashay May 19.1925 wuxuu ku dhashay magaalada Omaha ee Gobalka Nebraska oo ah Gobal ka mid ah United States of America, wuxuu ku dhashay magaca Malcolm Little, waxaana iska dhalay Hooyo ku dhalatay jaziirada Granada oo la yiraahdo Louise Helen Little iyo Aabe ku dhashay Gobalka Georgia oo la yiraahdo Earl Little, wuxuu Aabihii ahaa wadaad dadka ku wacdiya diinta masiixiga oo codkar ah, waxaa kale ee uu ahaa hogaamiyaha urur loo yaqaanay Universal Negro Improvement Association (UNIA) wuxuuna carruurtiisa ku soo koriyay inay ku faanaan midabkooda, Malcolm wuxuu ahaa canuga afaraad ee todobada carruurta ah oo ay dhaleen Earl iyo Louise Little, wuxuu mar dambe sheegay Malcolm inay niman cadaan ah dileen seddex wiil oo Aabihii la dhashay.
Hanjabaad uga timid kooxda KKK (Ku Klux Klan) daraadeed ayay reerku ugu soo guureen magaalada Milwaukee, Wisconsin, muddo yar kadibna waxay uga sii guureen Lansing, Michigan halkaasoo ay kala kulmeen cunsuriyad weyn ilaa 1929 laga gubay gurigooda, waxaa Aabihiis Earl lagu eedeeyay inuu yahay hogaamiye ciidan madoow, lix sano markuu jiray Malcolm ayaa Aabihiis lagu dilay waxay ku sheegeen shil baabuur, Hooyadiis Louise waxay rumeysneyd in ninkeed la dilay, waxaana xaq loo siiyay 1,000$ oo waagaas lacag badan aheyd, laakiin waxaa loo siinaayay 18$ bil walba, 1937 waxaa Louise guursaday nin marki dambe ka tegay iyadoo uur leh, markay dhashay kadib 1938 dhammaadkiisi maskaxda ayay ka khalkhashay waxaana la dhigay isbitaal, carruurtina waxaa loo qeybiyay dad ay la noolaadaan.
Malcolm asagoo jeclaa inuu barto sharciga ayuu waxbarashada uga tegay dugsiga sare, kadib markuu macalin cadaan ah ku yiri: “wakhtigaaga ha ku luminin barashada sharciga, ileyn maaha meel ay tiigsan karaan madoowga” mar dambe oo uu Malcolm ka hadlaayay xusuusta hadalka macalinkaas wuxuu yiri: “macalinkaas wuxuu i dareen siiyay dunida cadaanka ahi inay boos u haynin hiwaayada uu rabo qofka madoow, xataa ayadoo aan la fiirin kartida uu u leeyahay” 14 jirkiisi ilaa 21 sano inta uu ka gaaro, wuxuu Malcolm la noolaa walaashiis Ella Little-Colins oo deganeyd Roxbury, Boston, halkaasoo ay madowgu ku badnaayeen, wuxuuna qaban jiray shaqooyin kala duwan, kadibna wuxuu u guuray magaalada Flint, Michigan, 1943 ayuu uga sii gudbay New York City, Harlem, halkaasoo uu ku noqday kuwa daroogada iibiya oo khamaarka ciyaara oo dadka dhaca, inti xumaan ah oo la sameeyo wuu soo maray, waxaa loo diiday in ciidamada loo qaato, kadib markay saraakiishu yiraahdeen: “madoowgaan waxay naga xadaayaan qoryaha, kadibna annaga ayay nagu dilaayaan” 1945ki ayuu ku soo laabtay Boston halkaasoo uu ka sii watay tuuganimada, laakiin February 1946 ayaa lagu qabtay dukaan uu keensaday saacad uu soo xaday si loogu sameeyo, waxaana lagu xukumay 8-10 sano oo xarig ah, waxaana la geeyay Charlestown State prison.

Malcolm wuxuu xabsiga kula kulmay John Bembry oo ah nin islaamay, ninkaas mar uu ka hadlaayay wuxuu yiri: “waa ninki iigu horeeyay oo aan ku ixtiraamo waxa uu ku hadlaayo” saameynta uu Bembry ku yeeshay waxay Malcolm gaarsiisay inuu jeclaado wax akhrinta, islamarkaana waxaa sii kaalmeeyay qaar ka tirsan eheladiisa, kuwaasoo u soo qoraayay kacaan diimeedka (Nation of Islam) kacaankaas oo dadka baraayay Nation of Islam inay tahay Diin u gaar ah dadka madoow iyo diasporaha africanka ah inay dhulkoodi asalka ahaa dib ugu laabtaan, si ay uga xoroobaayaan ihaanada cadaanka.
Walaalkiis Reginald ayaa 1948 wuxuu qoray: “Malcolm sigaar dambe ma cabidoono, doofaar dambana ma cuni doono, waxaana idin tusaa sida looga soo boxo xabsiga” Malcolm wuxuu joojiyay cabista sigaarka, wuxuuna diiday cunista hilibka doofaarka, mar walba uu walaalkiis Reginald soo booqdo wuxuu u sheegi jiray waxa ay guruubku bartaan oo ay ku jirto inuu cadaanku yahay shaydaan, ugu dambeynti wuxuu Malcolm ogaaday (xiriirkasta oo uu la lahaa dadka cadaanka ah inuu ahaa mid ku saleysnaa daacad darro, cadaalad daro, xoolo jecleysi iyo naceyb) wuxuuna si toos ah ugu xirmay Nation of Islam, dhammaadki 1948 wuxuu waraaq u diray Elijah Muhammad oo ah hogaamiyaha urur diimeedka Nation of Islam, kaasoo degan magaalada Chicago, wuxuuna ka helay waraaq dardaaran ah oo uu kula dardaarmaayo inuu iska iloobo wuxuu soo maray iyo inuu dib dambe ugu laaban xumihi uu sameyn jiray, waxaa kale uu kula dardaarmay intuu jilbahiisa dhulka dhigo si uu Alle ugu sajuudo, Malcolm wuxuu mar dambe qoray: “waa waaya’aragnimadi iigu adkeyd inay nafteeydu ogolaato inay jilbaha dhulka dhigto ayadoo cibaadeysaneysa” Malcolm wuxuu ka faa’iideystay waraaqihi uu ka helaayay Elijah Muhammad, booqashadi ay ugu imaanaayeen eheladiisa, gaar ahaan Ella iyo Reginald iyo buugaag badan uu akhriyay, Malcolm asagoo ka hadlaaya intuu xirnaa ayuu yiri: “bilo badan ayaa i dhaafay xataa anigoo aan ku fekereyn inaan xiranahay, anigoo aan kala jecleyn inay i sii daayaan iyo in kale, sida aan nafteeyda xor ugu noqday weligeey xur uma noqon”.
1950ki FBI ayaa file u furtay Malcolm X, kadib markuu xabsiga waraaq uga soo diray president Truman, asagoo caddeeynaaya mowqifkiisa ku aadan dagaalka Korea, asagoo caddeeynaaya inuu shuuci yahay, kana soo horjeedo dagaalka ay Mareykanku ku qaadeen wadankaas, isla sanadkaas ayuu magaciisa u beddelay (Malcolm X) asagoo meesha ka saaray magaci ahaa (Malcolm Little) wuxuuna ku sharaxay in magaca “Little” uu bixiyay cadaan dadka adoonsada iyo inuu “X” yahay magaciisi asalka ahaa oo aanu aqaanin una soo qaatay “X” wuxuuna billaabay inuu noqdo asal raac afrikaan iyo inuu baabi’iyo waxa ay ka dhaxleen shayaadiinta indhaha buuga ah leh.
August 1952 ayaa Malcolm lagu soo daayay sharci qoraaya qofka laga arko isbedel in dhakhso laga sii daayo xabsiga, asagoo soo dhammeystay lix sano oo xarig ah, muddo kadibna wuxuu Chicago ku soo booqday Elijah Muhammad, bishii June 1953 waxaa laga dhigay kaaliye minister oo dadka ka wacdiya Macbadka koowaad ee ku yaala magaalada Detroit, isla markaa ayay FBI ku billaabeen ilaalo gaar ah, kuwaasoo la socda dhaqdhaqaaqa Malcolm oo ay ku eedeeynaayeen inuu fidinaayo shuuciyada, dhammaadki sanadkaasna wuxuu furay Macbadka 11aad ee Boston, bishi March 1954 wuxuu Philadelphia ka furay Macbadka 12aad, laba bilood kadibna waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo Macbadka 7aad oo ku yiilay Harlem, halkaasoo uu ku soo xiray dad fara badan, sanadii 1955 wuxuu Macbad dadka lagu wacdo uu ka furay no.13. Springfield, Massachusetts, no.14. Hartford, Connecticut, no.15. Atlanta, Georgia, dad fara badan ayaa ku soo biiray Nation of Islam.
Marka laga soo tago codkarnimadiisa Malcolm wuxuu ahaa nin heybad fiican leh oo ay ka muuqato nadaafad iyo qurux, wuxuu ahaa nin lagu tilmaami karo inuu yahay nin dhinac walba ka dhisan.
Malcolm waxay shacabka Mareykanka oo dhan arkeen sanadii 1957ki, kadib markay ciidamada New York boolis intay garaaceen ay xireen Johnson Hinton oo ka mid ahaa Nation of Islam, Hinton xirigiisa wuxuu ku yimid asaga iyo laba kale oo ururka ka tirsan, ayaa ku soo bexeen nin African American ah oo ay dilaayaan askar boolis ah, markaa ayuu Hinton la hadlay ciidanka oo uu ku yiri: “meeshaan Alabama maaha, waa New York ee sidee wax leedihiin?” Askarti ayaa Hinton u soo jeestay, waxayna ku billaabeen garaacis, afarti nin waxaa loo watay xabsiga.

Waxaa diyaariyey

Axmed Xaayoow(Dulmidiid)

SHARE