Home Qoraallo Xisaabtan ka horreeya go’aan & Go’aan ka horreeya xisaabtan.

Xisaabtan ka horreeya go’aan & Go’aan ka horreeya xisaabtan.

0
SHARE

Xaayoow1. Xisaabtan ka horeeya go’aan.
2. Go’aan ka horeeya xisaabtan.

Waa laba kala doorroon, dadka caqliga u saaxiibka ahna, way kala yaqaanaan midka mudnaanta leh.
Waxaan hadda ka hor dhegeystay, odayaal ruug cadaa ah oo wax laga weeydiiyay haddii Iiraan dagaal lagu qaado, faa’iidada iyo khasaaraha ka dhalan kara, waxay yiraahdeen “hal faa’iido ayaan ka gaareynaa, haddii aan dagaal ku qaadno Iiraan, taasoo ah inaan 72 saacadood ku burburino (infrastructure) kooda” erayga infrastructure waa dhismahooda dowladeed, waayoo maalinta ay duqeynta ku billaabato, waxaa lumaaya tashiilaadki dowladnimo, tusaale macalin shaqo aadaaya majiro, waayoo cid iskool joogta malaha, shaqaale waraaqaha u qaadaayo sanduuqyada boostada majiro, waayoo cid sanduuqa furineysa malaha, shaqooyinki dowlada intooda badan ma shaqeeynaayaan, midda kale dhismayaashi dowlada, saldhigyadi ciidamada, garoomadi diyaaradaha, goobihi keydka hubka iwm, waxaa ku socdo duqeymo, ciidankana waxay ku jiraan difaac, xabadaha ay ridaayaan iyo kuwa wadanka ku soo dhacaaya dhawaaqooda ayay shacabku ka argagaxaayaan, odayaashu waxba kama sheegin dadka ku dhimanaaya oo labada dhinac ah.
Khasaaraha ka imaan kara waxay ku sheegeen seddax, midka koowaad maraakiibta ganacsiga oo wadada ka xirmeysa, midka labaad inay Iiraan gantaalo la dhacdo wadamada saaxiibada la ah, gantaalahaas meesha ay wadamadaas uga dhacaan, waxay ka sheegeen ceelasha shidaalka oo ah meesha ay ka naxaayaan, laakiin kama hadlin dadka ay ku dhacaayaan, khasaaraha seddaxaad, waxay ku sheegeen, marka ay dowlada hadda ridaan, dhibka ka qabsan karo inay dowlad kale ka dhisaan, waayoo waxay yiraahdeen ma dhici karto inay jirto bugcad adduunka ku taal oo aan dowlada lagala hadlo laheyn, taladi odayaashaas waxay keentay in dhaka kale la keeno, waa xisaabtan ka horeeya go’aan qaadasho, sidaa daraadeed waxaa loo baahan yahay inay ummadda Soomaaliyeed barato (critical thinking) oo ah markay xaaladu murugsan tahay in maskaxda laga shaqeeysiiyo.
2009ki waxaan ka qeyb galay mu’tamarki lagu qabtay Gotinperg Sweden, waa marki iigu horeeysay oo aan fool ka fool u dhegeysto Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil oo ah wadaad isku darsaday culuumta diiniga iyo maadiga, waa nin buugaag badan soo akhriyay oo aan jecelahay dhegeysigiisa, raali iga noqda, waayoo waa Sheekha kali ah oo aan ku taxanahay oo aan ka qaato inta iga anfacda, intaasoo aan lafteeda la soo koobi karin, maalintaa aan hor fadhiyay wuxuu yiri hadal aan weli illoobin: “tan iyo goorti aan billoownay muxaadarooyinkaan, waxaan laheyn (manil xal?) xalku muxuu yahay? in badan ayaan xal soo raadineynay, haddii uu dhib yimaado, dadku waxay yiraahdaan (masaajidka aan u orodno) ka warama hadduu masaajidka dhib ka yimaado? waa (aynal mafar?) xagee loo cararaa? waxaan ula jeedaa culimadi hadday isqabatay maxaa haray? haddii laydin yiraahdo buur baa foolatay, maxaad ka fileysaan inay buurtaa foolatay dhasho? ka warama haddii laydin yiraahdo dooli yiraahdo dooli bay dhashay! ………”
Muxaasaradu way dheereyd, Sheekhana raali ha ahaado haddii aan si kale u dhahay ama aan u fahmay, laakiin waxaan halkaa ka dareemay inay Go’aan ka hor mariyeen xisaabtan, waayoo ma aanay fiirin khasaaraha ka dhalan kara shacabka lagu dul dagaalaayo iyo aragtida caalamku u arkaayo, welina waxay Soomaalidu fahmin waxa leysu yahay iyo waxa laysku diidan yahay midka mudnaanta leh.
Fadlan maskaxda ka shaqeysii.

Qoraa: Axmed Xaayoow.(Dulmidiid)

SHARE