Home Qoraallo
0
SHARE

Faallo-300x132

Danjire : Qaybta 2aad

Danjiradda Jarmanka ee Soomaaliya

 

Waxaan kun sagaal boqol iyo sagaashanka la joogay madaxweyne Muxammad Siyaad Barre isagoo qaabilay danjiraha jarmanka, oo ahayd haweeney, kaddibna markay mudadeedu dhammaatay oo ay arligeeda ku laabatay, noqotay madaxa waaxda habmaamuuska ee dawladda hoose ee Baarlin ee arliga jarmalka, waana intayan labada jarman midoobin.

Waxayaalahay madaxweynaha ku tiri ayaa waxaa ka mid ahaa:

“Soo ma aadan arag madaxweyne inaan run kuu sheegay oo ay SNM waqooyi Galbeed kasoo gashay (Ethiopia) meeshaan hore kuugu sheegay inay kasoo geli doonaan? Oo soo ma aadan arag inay danjirayaalka Maraykanka iyo Ingiriisku run kuu sheegeen markay kuu sheegeen meeshay SSDF iyo USC kasoo geli doonaan xagga Gobollada dhexe?”

Markay intaas tiri ayay waxay aragtay inaan aniguna joogo oo warkeedaas maqlayo, markaasay isoo fiirisay, hadana xagga Madaxweynaha u jeesatay.

Meelahaas ay sheegtay oo ay kasoo galeenna Muslimiin Soomaali ah ayaa labada dhinacba uga dhimatay, oo axad Jarman, ama Ingiriis ama Maraykan ama Amxaaro ah kuma jirin.

Isku dirkoodu wuxuu gaaray inay isku diraan walaalaha wada dhashay, iyo wiilka iyo aabihiis iyo gabadha iyo aabeheed, Maal badan ayayna geliyeen iyo Been abuurid.

Waxay kaloo danjirayaalkaasu ku takhasuseen sida silsiladda isku xirta Dawladda u kala furfuri lahaayeen, oo amar loo kala qaadan waayo, oo ay sidaas fawdo ku dhalato, xagga dawladda iyo xagga ciidammada qalabka sidaba.

Danjirayaalaka maraykanka
Aniga shaqo ayaa na dhex martay, intaan ahaa Agaasimaha Guud ee Agaasinka Guud ee Siyaasadda Amerika iyo Yurub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya laba danjire oo maraykan ah, oo kala ah Frank Trusten Criegler iyo Bishop oo aanan magaciise koowaad xusuusan.

Danjire saddexaadna isagoo madax soomaaliyeed la shiraya ayaan goob joog ahaa, gaar ahaan Wasiirka Arrimaha Dibadda, arrinkiisana iiga warramay.

Markaan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ku wareegayna, halkaas ayaan raadkiisa ka helay.

Inta kun sagaal boqol iyo sagaashankii ka dambaysana, warkiisa waxaan kala socday mediyada, maraykanka, gaar ahaan TV-yada, gaar ahaan TV-iiga CNN, oo uu ka hadli jiray.

Waxaan warbixin kooban idinka siinayaa siday saddex danjire oo maraykanka Soomaaliya u fadhiyay u abaabuleen, u maal geliyeen, u agaasimeen, ugana qayb qaateen burburka Soomaaliya. Waxayna Muqdisho joogeen saddexdoodu inta u dhexeysay kun sagaal boqol toddobaatan (1970) ilaa kun sagaal boqol kow iyo sagaashan (1991) ee qarnigii lasoo dhaafay.

Labatankaas sano anigu waxaan ka mid ahaa shaqaalaha dawladda Soomaaliya, aanna ka qabtay shaqooyin aan wax qabadka saddexdaas danjire wax uga ogaan karay.

Danjire Oakley “Foolxume”

Ninkaan Oakley la yirahdo, soomaaliduna ay u bixisay “ugly” oo macnehiisu yahay ‘foolxume”, isagoo ah nin akhlaaq xun oo fool xun, gaar ahaan Waji fool xun leh, wuxuu ahaan jiray danijiraha maraykanka ee Soomaalia kun iyo sagaal boqol iyo toddobaatameeyadii.

Markaasuu soo fara geliyay arrimaha gudaha ee Soomaaliya, isagoo ku kacay inuu dad ka mid ah Qabaa’ilka soomaaliyeed Maal siiyo, uu qabaa’lladana isku diro, uuna abaabulo inay Dawladda ku kacaan, si uu Dalka xasillooni darro uga rido.

Ninkaas ayaa ka mid ahaa kuwa bilaabay oo abaabulay xasillooni darrada Soomaaliya ka dhacday.

Markaasey dawladda Madaxweyne Maxammad Siyaad Barre waxay dawladda maraykanka ka codsatay in danjirahaas Soomaaliya laga qaado oo maraykanka loo celiyo, taas oo ay dawladda maraykanku yeeshay. Waxaa codsigaas loo diray danjiraha soomaaliyeed ee Washington DC oo dawladda maraykanka u gudbiyay. Si fudud ayaa dalka looga saaray.

Markuu dalka maraykanka kusoo laabtayna waxaa loo magacaabay Agaasimaha Xafiiska la Dagaallanka Aragagixisada kuna yaalla Aqalka Cad ee madaxweynaha maraykanaku fadhiyo, isagoo sida dadka loo laayo, xasillooni darrana Arliga loogu rido khabiir ku ahaa.

Oakley wuxuu Soomaaliya kusoo laabtay isagoo Ciidan uu xooggiisu dhan yahay soddon kun oo Nin oo maraykan ah wata, cududdaas aan hoos ku sheegeynnana leh.

Markay ciidammada maraykanku Muqdisho ka degeen isagaa la socday, lana kulmay madaxda Qabaa’ilka soomaalida oo uu handaday, sidaan CNN uga fiirsannay isagoo leh:

‘Waxaan ku iri in hadday ciidammada maraykanka far ku fiiqaan Ciqaab aysan u adkaysan karin loo geysanayo.”

Wuxuuna isaga laftiisu sheegay inuu warkaas ku yiri Generaal Maxammad Faarax Caydiid, markuu kasoo baxay qolkuu kula kulmay, oo teendho ahayd.

Duullaanka maraykanka ee Soomaaliya 1991 kun sagaal boqol kow iyo sagaashan

Dagaalkaas uu maraykanku ku qaaday Soomaaliya waxaa ka qayb galay qiyaas soddon kun oo askari oo ciidammada maraykanka ka mid ah oo hubka ugu casriyeysan sita, toddoba maraakiibta dagaalka oo qaarkood dayuuradaha qummaatiga u kaca iyo kuwo kaleba xambaarsan yihiin, hub culus iyo mid fududba.

Maraakiibtaasu waxay madaaficda culculus iyo sawaariikhdaba ku garaaceen oo la dheceen Muqdisho, ayna si xaqdarro ah u laayeen dad guryohooda isaga dhex jira ama magaalada umuurohooda qunsanaya, ayagana aan wax u dhimin.

Dayuuraduhuna intay magaalada dul yimaadaan ayay dadka xabbado iyo sawaariikh ku rusheeyaan.

Duullaanka NATO ee Soomaaliya 1992 kun dagaal boqol laba iyo sagaashan

Waxaa sanadkaan hadana Soomaaliya kusoo duulay maraykanka iyo ciidammo kale oo NATO ka socda, huwanna magaca Ciidanka Nabad Sugidda ee Qarammada Midoobay (UNO).

La soco qaybta 3aad

Waxaa dhigay Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM

SHARE