Home Qoraallo DHAQANKA IYO AQOONTA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

DHAQANKA IYO AQOONTA. Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

0
SHARE

Nor1

DHAQANKA IYO AQOONTA

Dhaqanka iyo Aqoonta waa labada dabeecad ee ugu saamaynta balaaran Noolaha Bani Aadamka, iyada oo labadaas uun lagu cabiro Shaqsiyadda Qofka, dhinaca ay tahay wanaag iyo xumaanba, maadama ay yihiin labada ugu saamaynta badan nolosheena.

Inta aanan u guda galin Biya dhaca mowduucayga, waxaan jeclaan lahaa in aan xoogaa kala qeexo Dhaqanka iyo Aqoonta oo sida badan maanta Umaddeena ama Madaxdeena saamayn gaar ah ku leh.

Laga yaabee in aad is waydiisaan maxaa iska galay dhaqanka iyo aqoonta maadaama ay kala yihiin laba Dabeecad oo aan isku dhawayn, dhan ay iska shabahaana aysan jirin, haddii aad sidaa ku fakarayso waad khaldantahay ayaa la oran karaa, maxaa yeelay dhaqanka iyo aqoonta waa labada dabeecadood ee ugu saamaynta badan tilmaanteena Shaqsinimo iyo Dadnimo.

Waxaa kaloo wanaagsan in xisaabta lagu daro sida loo kala qaato labadan Aaladood waa dhaqanka iyo aqoontee, in ay ku xirantahay sifaynta la sifeeyo Qofka iyo gaaritaanka horumareed ee noloshiisa.

Dhaqan marka la sifaynayo waxaa lagu sifeeyaa in uu yahay Dabeecad ay wada leedahay Bulsho kasoo bilaabatay Qoys ilaa ay gaarto heer Qaran ama Qabiil, dhaqanka waa mid la iska dhaxlo, Aqoontase ma ahan mid la iska dhaxlo, ee waa mid lagu kala gaaro hadba sida uu qofku u dadaal badan yahay uguna fursad wanaagsan yahay.

Dhaqanka marka laga hadlayo waa midka ugu saamaynta balaaran ayaa la oran karaa Nolosha Aadanaha, isaga ayaana mararka qaar dadka ka hor istaago wax badan oo ay qabsan lahaayen iyo wax badan oo ay gaari lahaayeen, waana Tarbiyeen kasoo bilaabatay Guriga ilee ay gaarto heer Degaan.

Sida wax walba oo Dunida dusheeda yaalo ay dhan wanaagsan iyo dhan xunba u yeelan karaan ayuu dhaqankuna u leeyahay dhan wanaagsan iyo dhan xun, waxay ku xirantahay uun sida ay Umadda ku dhaqmayso u qaadato uguna dhaqanto.

Dhaqanka saamaynta uu leeyahay waa mid mararka qaar gaarsiisan ilaa heer Diimeed sida ku cad Kitaabadeena, oo dadkii hore marka loo soo bandhigo Diinta, waxay oran jireen waxaan kama soo gaarin Aabayaasheena, halkaasan waxaa ka cad in dhaqanku yahay wax la kala dhaxloo oo Jiilba Jiilka kale u sii gudbiyo.

Aqoonta oo koobaysa wax walba oo Iftiinin ah, aqoonta waa ka duwan tahay qaabka aan usoo qeexay dhaqanka, waxayna u baahantahay raadin la raadiyo iyo Waqti badan oo lagu baxsho barashadeeda, markaas ayay noqon kartaa qaabka uu qofku ugu dhaqmo.

Dhaqanka iyo aqoonta sida badan waa Doorasho ay dadku leeyihiin, ayaga ayaa u madax banaan ayaa la oran karaa qaabka ay u qaadan lahaayeen uguna dhaqmi lahaayeen, inkastoo dhaqnku uu yahay wax lagu dhasho laguna bar baaro oo mararka qaar ay adagtahay in la doorto.

Aqoonta waxaa la yiri waa Iftiin, Jahligana waa Mugdi, marka qeexiddaas la sameenayay waxay dadka qaar ku qeexeen in aqoonta sababta loogu tilmaamay iftiinka ay tahay in qofka caqligiisa oo la shiilay ay la micna tahay sidaas darteedna qofka garashadiisa ay siyaaddo inta badan ee uu aqoonta leeyahay, ha ahaato aqoontaas mid Diin ama mid Maaddi.

Balse Jahliga laga hadlayo ayaa wuxuu koobayaa ama la oran karaa wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqayaa dhaqanka, maadaama uu yahay dhaqanku wax ay dadku  iska soo gaareen, aqoontuna ay tahay Hiba Eebo Dadka ku mannaystay, taas oo ah mid aan dhamaad lahayn, balse billow yeelan karta.

Dadka aqoonta lagu qiimeeyo ee  dhaqankooda ku baddashay Aqoonta, aqoontana si fiican ay u dhex gashay, mar walba waa ka horeeyaan kuwa dhaqanka ku dhagan, kuwaas oo lagu tilmaamo dadka uusan wali kobcin caqligooda, balse sifayntaas ma ahan micnhaeeda mid qofka ka dhigaysa in uusan Caqli lahayn, ee waxa laga hadlayo ayaa ah in garashadiisa ay gaabantahay, horumarka dunidana uusan qayb ka ahaan Karin marba haddii uusan dhaqankiisa ku kabayn Aqoonta dunida taala, ee Diiniga iyo Maaddigaba iskugu jirta.

Dhaqanka waa midka dadka qaar indha tiray oo Qofka isaga oo leh Garasho wanaagsan hadana uusan awood u lahayn in wax badan oo Caqliga diidayo uu iska diido, isaga oo marka uu aqoontiisa wax ku cabiro ay usoo baxayso in waxa uu dhaqan ahaan u aaminsan yahay ay noqon karaan wax aan jirin.

Tusaal gaaban Dadka Hindida aha ama Shiinayska ah, Aqoon Alle wuu siiyay oo waad aragteen heerka ay ka gaareen Aqoonta Dunida dhinac walbaba, hadana sidaas ay tahay waxay suuqa kasoo gadanayaan Dhagax uu Qof ayaga la mid ah qoray, ayna og yihiin in uu dhagax yahay ayagana uu qaaditaan ka rabo, ayay inta Guryaha soo dhigtaan oo qurxusadaan ku oranayaan waa Allaheena.

Caqliga saliimka ah ee aqoota leh ma ogolaanayo, xitaa iyaga haddaad waydiiso waxay ku oranayaan waan dareensanahay, hadana maadaama ay yihiin wax ay aabayaashooda hore samayn jiray, micnaha ay dhaqan u lahaayeen  ay sidaas usii wadaan wali, balse Nafsi ahaan way u dareensan yihiin in wax badan ay khaldan yihiin, waxaasa ka maqan qaabkii ay u qeexi lahaayeen, taas waxay ku tusaysaa in Qofka haddii uusan aqoontiisa ku kaban dhaqankiisa uu noqonayo qof Indha la’ oo Dhaga la’ Dhugna aan lahayn, sida ka muuqtao dadkaas aan soo sheegay, dhaqanka oo lagu xad gudbo wuxuu indha tiraa qofka qalbigiisa.

Inaga haddaynu nahay Soomaali, maanta aqoonyahankeena heer walba uu gaarsiisan yahay hankiisa wuxuu dhaafi la’yahay Reerkayga, wuu garan la’yahay ama way garan siin la’dahay aqoontiisa in reerka uu ka hadlayo uu la mid yahay Asnaamta aan soo sheegay, ee ay dadkaas caabudaan.

Aqoonta waxaa la doonayaa qofka haysta in ay dhan walba ka baddasho, tusisana Dariiqa toosan ee Nolosha, ma ahan in waxyaabaha duqoobay ee dhaqanka laga soo darriiyay ee ku dhisan Eexda iyo Nacaybka in Aqoonyahanka ay saamayn uga yeelato.

Haddii aqoonta aad soo baratay ama aad leedahay aysan waxba ku dheeraysiinayn Odayga Geel jiraha ah ee waligiisa aan kor Qalin u qaadin, Fakarka uu ku fakarana aad ku fakarto, maxay tahay Aqoonta aad leedahay? ma aqoonta ayaa ku baddashay? mise dhaqanka  ayaad ku baddalay aqoontaada? hubaal waxaa la oran karaa in dhaqanku uu kaga saamayn batay aqoonyahankaas Aqoonta uu sheeganayo.

umaddeena maanta marka lala bar bar dhigo 30  sano ka hor, maanta ayay aqoon badantahay ayaa la oran karaa, waa marka dhanka wanaagsan looga cabir qaato, balse, Taya ahaan maanta maalin ay ka liidato ma jirto, maxaa yeelay qaabka uu u dhaqmayo Aqoonyahanka Soomaaliyeed ayaa ah sida qaabka uu u dhaqmo Odayga Miyiga waligiis ku noolaa ee aan dunida iftiimayso wali arkin.

Bal eeg isaga oo wax kusoo bartay Dunida horumartay, waxna ka dhiga Jaamacadaha dunida, oo tayo ahaan marka uu ku dhex nool yahay Bulshooyinka kale ee aan ku issirka ahayn qiima sare xagooda ka jooga, marka uu kusoo dhex laabta bulshadiisa, halkii la doonayay in wixii ka qaldamay uu u saxo, ayuu isagu qayb ka noqdo billowga Taariikh Mugdi ah oo kasii xun tii inta uusan imaan jirtay.

Ma rabo in aan shaqsi gooni ah ku qeexo Qormadayda, balse Madaxda maanta inoo joogta ayaa ah kuwa ku magacaaban Aqoon, heerka ay doonto aqoontooda hala ekaato, way ka dharagsan yihiin wayna fahmi karaan waxa Xun iyo waxa wanaagsan, balse waxaa la oran karaa dhaqanka ayaa uga saamayn batay Aqoonta ay sheeganayaan in ay leeyihiin.

Nin walba inta uu Tolkiisa dhinac ka raacay ayuu usoo jeestay in uu Umadda Cadaawad ka dhex abuuro, siina kala fogeeyo, miyuusan ahayn aqoonyahankii laga doonayay Umaddan mugdiga ay ku jirto in uu ka saaro?

Aaway aqoontii sida Hagar la’aanta ah umadaha kale uu wax ugu barayay, yaa uga baahi badan dadkiisa? xitaa tolkiisa waxba uma qaban karo, maxaa yeelay isal ayagii ayuu sii kala qoqobayaa oo maalin walba qolo mel ka qaylinaysaa.

Aqoonta waa in ay qofka baddashaa, haddii aysan aqoontu ku baddalin, kuna hagayn, waxba ma dhaantid kan aan aqoonta lahayn, aqoonta oo ku dhex galin kuna baddalin, waxay la mid tahay Damiir la’aan, haddii qofku damiirka uu la’ yahayna wuxuu la mid yahay Cunto aan dhadhan lahayn,ama Qof dhimirka ka cuuryaan ah.

Gunaanadka hadalkayga ayaa ah in aqoonta haddii uusan qofku isaga u dooran naftiisa in ay baddasho uu isagu isagii lee ahaanayo, macna badan ma lahan aqoonta aad leedahay marba haddii Mugdiga aad ku jirtay aad wali kusii jirayso.

Aqoonyahanka soomaaliga ah ee maanta wuxu la mid yahay Nin doonaya in uu wax aqriyo hadana ku dhex jira Mugdi oo sinnaba aan waxba u arki karayn, Aqoonta waa in ay dhuuxa iyo dhugmadaada degtaa, si ay adiga kuu baddasho, adigana Dadka aad u baddasho.

Aqoonta waxay la mid tahay iftiin, iftiinkaas waa in uu noqdaa mid aad wax ku aragtaa, balse Aqoonyahan ayaan ahay, Qabyaaladiistana waan ka sii ahay Damiir xun,  mana fahmi karo dhagarta ay ii maleegayaan Cadowgayaga, kaas aqoonyahan lama dhaho.

Aqoonyahanka waa midka la tartami kara Assaagiisa, kulana tartami kara Aqoon, Siyaasad, iyo Caqli, dhan walba, kuwa maanta wax inoo yeerinaya Cadowga umaddeenana ah, kan u shaqaynaya ee ay caqligiisa iyo aqoontiisa ku shaqaysanayaan, kaas aqoonyahan inooma ahan, mana noo noqon karo, mana mudna in aan ku tilmaano Aqoonyahan.

Aqoonyahan waa midka garan kara baahida dadkiisa, dantiisa gaar ahaaneedna ka door bida danta guud, maadaama dadka uu wax usoo bartay ay dadkiisa yihiin, dadkiisa marka aan leeyahay waxaan ula jeedaa dadka ku issirka ah dhamaan, ee Qolada uu ka dhashay maahan.

Ugu dambayn Doorashada uu qofku doorto Dhaqanka ama Aqoonta, waa midda saamaynta ku yeelata shaqsiyaddiisa waxa uu noqonayo ama yahay Mustaqbalka iyo waqtiga dhowba, isla doorashadaas uu doortana waa midda go’aamisa Aayatiinkiisa dambe.

Qofka Soomaaliga ah dhaqanka ayaa kaga saamayn badan aqoonta uu ku labbisan yahay ee uu sheegto ama soo bartay, balse Dunida inala tacaalaysa dadkeeda sidaas maahan. Aqoonyahanka dhabta ah waa midka ay aqoontu shaqsiyaddiisa baddasho, una baddasho dhanka toosan.

Qore: Mohamed Musa Sh. Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

 

 

 

SHARE