Home Qoraallo Hogoog li’i habluhu haybad ku ma leh! W/D: Hodan Sh. Cumar

Hogoog li’i habluhu haybad ku ma leh! W/D: Hodan Sh. Cumar

0
SHARE

images

Hogoog li’i habluhu haybad ku ma leh!

 

Ummad waliba diin, dhaqan iyo hidde soo jireen ah leh, ayadoo diinta Islaamku tahay tan kaliya ee xaqa ah, haddana, waxaa diin la yiraahdaa, wax kasta oo qoom ama qolo meel ku nooli ka caado dhigato, xaq iyo baadilba. Haddaba, dhammaan ummadaha dunida joogaahi, waxay ku dhaqmaan diimo ka la duwan, gaalo iyo islaamba, sidoo kale, waxaa qolo kastaahi leedahay, dhaqan iyo hidde soo jireen ah.

Soomaalidu waa ka qayb, diintooduna waa Islaam, oo ah; diinta kaliya Ee Rabbi iyo Rasuul oggolyihiin. Waa diin aan la baddalin, sideedana loogu dhaqmo. Waa diinta kaliya, ee aakhirada shaqayn doonta, si kasta, oo maanta loogu dhaqmo diimo fara badan.

Diinta islaamku maahan, wax la dafalaqsado, micnaha maahan, wax sidii waliba laga yeelo, ee waa jid sax ah, oo la raaco ama laga haro. Qofka raaca, waxaa hor yaalla, shuruudo loo baahan yahay inuu fartoomo, calashaan wax ay ka reebeyso iyo wax ay fareyso, kan dadka wax faraahi waxna ka reebaahina sidaan wada ognahay maahan Cali iyo Caasha toona, ee waa Rabbi.

Waxyaabaha diintu na fartay, haddii aanu nahay ummad Islaam ah, waxaa ka mid ah:- In gabadha muslimadda ah jirkeedu yahay cawro, is la markaana aysan banneyn karin, haddii ay banneysana Rabbi naar ugu gooddiyay, haddii ay asturatanna, Rabbi janno ugu yaboohay. Waa xad Rabbi diiday, in laga gudbo, in jirkeeda gabar muslimad ihi banneyso.

Ha is oran, mashquul badanaa middaani, ee bal Walaaleey, adiguba is barbardhig, waxa aad ku jirto iyo waxa Rabbi yiri, raadi haddii aadan xitaa ogayn, ee soo ogaaw, ugana cabso Alle, in aad cadaab adigu is ku hor kacdo.

Waxaa jira dhaqan Soomaalidu leedahay, waafaqsanna inta badan diinta suubban, kaas oo aan oggolaaneyn marna in gabar Soomaaliyeed jirkeeda muujiso.

Markaad dib u milicsato Sooyaalka Soomaalida, markaad akhriso taariikho badan, oo ku saabsan Soomaalida iyo dhaqankooda, mar hore iyo mar dambaba, waxaa ka soo muuqanaya, in hablaha soomaalida ihi, ahaayeen, ahaana jireen, kuwa in oogadooda oo bannaan la arko ay kaga dhigneyd dhimasho. Xagga kale waxaad arkeysaa, in gabdhuhu ahaan jireen kuwa xishood badan, kana soo muuqan madalaha raggu isugu yimaado, xitaa gabadha aan aqoon diinta u lahayni, waxaa ay u dhaqmi jirtay, sida qof aqoon diineed hageyso, sababtuna waa xishoodka iyo akhlaaqda Rabbi ugu deeqay gabdhaha Soomaaliyeed, waana tan lagu ammaano inta badan hablaha Soomaaliyeed, ayna ku muteen sharaf iyo cisi.

Aan idin la wadaago sheeko gaaban, oo muujineysa xishoodka aan sheegayo, ee hablaha Soomaaliyeed. “Nin Soomaali ah baa wuxuu soo martiyay nin kale oo Soomaali ah, oo ay beri hore is garan jireen, kolkaas ayuu ninkii wuxuu arkay gabdho afar ah oo inammo ah, ayagoo yaryarna ugu dambeysay, oo u jooga ninka uu u soo martiyay, wuxuuna ku yiri ninkii dhalay gabdhaha asagoo la hadlaya “Hebeloow gabdhahaaga maad gabar i siisid?”

Gabdhaha aabbohood ayaa ku jawaabay:- “Haddaba waan ku siinayaa gabar, oo ma jiro nin aan sii lahaa, oo kaa mudan, ee bal aan u yeero afarta gabdhood” ninkii martida ahaa ayaa yiri:- Haddii aad u yeerto gabdhahaaga anigu ma dooran karaa midda aan rabo? Wuxuu yiri gabdhaha aabbohood:- Haa, laakiin aniga ayaa su’aal waydiindoona gabdhahayga marka hore, markeey afartoodu iiga jawabaan su’aasha aan waydiiyo wixi kaaga baxa wax ku qaado, adaana dooqa iyo doorashada leh, markaas ka bacdi, aniga gabdhahaygu waxba igama diidaane”

Wuxuuna gudagalay aabbihii, inuu u yeero afartii gabdhood, oo uu uga yeero madasha ay wada joogaan ninka martida ah, balse, waxaa yeeriddii ajiibay gabadhii ugu yareed maahane, saddexdii ka waawayneed, waxayna middii ugu wayneed timid goobta uu joogay ninka martida ah, ayadoo soo garab istaagtay aabbaha, xishood badanina ka muuqdo, tii labaad ayaa aabbaha dhabarkiisa isku soo aadisay, tii saddexaadna geedka ninka martida ah duggiisa gogoshu u taal bey dhanka kale isaga soo aaddisay. Aabbihii ayaa waydiiyay gabadhiisa Wayn:- aaway inantii yarayd? Waxay tiri aabbe guriga ayeey ku hartay, wuxuuna ku yiri u yeer.

Waxaa soo noqday gabadhii wayneed waxayna tiri “aabbe heblo waa diidday in ay soo baxdo, waxayna ku tiri :- aabbe waa qalad inuu noogu yeero meesha ninku joogo, ee wuxuu noo hayo ha noo keeno”

Halkaas markii ay xaajo mareyso ayuu yiri aabbihii, intuu la hadlay ninkii martida ahaa, “haddaba gabdhahaygii in ay ku soo qaabilaan waa ka xishoodeen, ee annaga ayaa is ku laaban doonna, go’aankana soo gaareyna, ee naga war sug”

Laakiin ninkii martida ahaa ayaa yiri, “hebeloow waxaan kaa codsanayaa inaad i siiso gabadha gabdhahaaga ugu yar, maadaama aad ii sheegtay in aysan waxba kaa diidin gabdhahaagu” Gabdhaha aabbohood ayaa yiri :- waayahay waan ku siiyay, oo waa runtaa waxba igama diidaan gabdhahaygu, laakiin, adiga haddii aan ku waydiiyo, sababta aad gabadha gabdhaha u yar u dooratay, ma ii sheegi kartaa, maadaama aadan si fiican u arag xitaa, aysana ku jirin kuwa soo baxay? Ninkii ayaana ku jawaabay “waxay ku qanacday ayaduba, in aysan arag waxa aabbohood u wado, balse, uu u keeno, is la markaana yeeridda waalidkeedu uu ka xoog batay xishoodkeedu, sidaas ayaan anna ugu qancay” halkaas ayuuna ku siiyay gabadhii aabbeheed.

Waxaad ka dheehan kartaa sheekadan yar, xishoodkii hablaha Soomaaliyeed iyo siduu ahaa, waliba in lagu dooran jiray. Ogaaw afarta gabdhood mid aan xishoon ku ma jirin, balse, mar kasta sida ay u kala xishood badan yihiin, ayaa gabdhuhu u kala wanaag badan yihiin.

Waxaanse ognahay, in maanta innaba ha la ekaadee, uusan jirin xishood, oo uu si toos ah uga baxay meesha, maragna adinkaaba ka ah.

In kasta oo maanta dhibkaba haysta uusan ahayn kaliya kan aan ka hadlayo, is la markaana aysan jirin wax dhaqan, diintii lafteedii iyo dhaqankii lagu gaban jirayna la oran karo waa la burburshay, ayna taas ka dambeysay burburka qarankii Soomaaliya, haddana, waxaa wanaagsan, in aan marna laga tagin Alla ka cabsiga, oo gabadhu xasuusato, in ay jirkeeda awooddo iney banneyso maanta, balse, aysan awoodin, in ay berri khiyaame naarta ka hor joogsato.

Waalidkii ababin jiray carruurtooda, gaar ahaanna gabdhaha bari jiray diinta iyo dhaqanka ma jiro, waana ka mid sababaha dhalanrogga keenay, waalidkii laftoodii ayaabana arag wax wax bara, oo hooyoda maanta joogtaa, ee ka yar soddonka sano, waa yar tahay in ay heshay ayadu wax barbaarsha, oo diinta iyo bara dhaqankeeda.

Marka hore si gabadha xishood iyo akhlaaq in ay ku waynaato loogu garabsiiyo, waa in aabbaha iyo hooyadu masuuliyad is ka saaraan, waa in la ka la duwaa wiilasha iyo gabdhaha, ka la duwguna maahan si kale, ee waa in aan lays la jiifin, cuntada laysugu darin, lana baro gabadha marka ay yartahay, in ay ka hagoogato markii ay aragto qof aysan aqoon rag iyo dumar wax kasta ha ahaadee, ubadka yaan layska dhalin uun!

Haddii aan taasi imaan waxaa xiga, waa in gabadhii surwaalka ku baxdo, schoolka ku aaddo, carradeeda kalana ku marto, madaxa faydato, illeen markii ay yareedba qarso la ma oran jirine, wiilashana la laactanto kii ay aragto, illeyn markii horeba ha la ciyaarin la ma oran jirine. Waa halka sartu ka quruntay!

Gabar kasta oo aan aadaabteeda, diinteeda, iyo dhaqankeeda la wanaajin, ogaaw in aysan wanaajin doonin ayaduna gabadha ay dhasho, saas ayeeyna ku socon doontaa xaajo.

Ugu dambeyn:- Gabar yehey inaad is qaawisid ku ma yeelan doontid haybad iyo hannaan qurxoon, oo kaa maqnaa, ku mana heli doontid qurux iyo sharaf gooni ah oo kaa maqneyd, laakiin, waxa kaliya oo aad ku heli doontaa, waa cadaabka Alle iyo caradiisa, oo waliba adigu aad gacantaada ku raadsatay, ee ka digtoonoow taas, kana wardoon inaad xishooto, isna asturto, bal inaad ku qasaarto iyo in aadku faa’iiddo soo kala ogaaw.

 

W/D: Hodan Sh. Cumar

SHARE