Home Qoraallo Siraha Muslimiinta Dib U Dhigay, W/Q: Axmed-Assad

Siraha Muslimiinta Dib U Dhigay, W/Q: Axmed-Assad

0
SHARE

Siraha Muslimiinta Dib U Dhigay, W/Q: Axmed-Assad
AHMED ASSAD·FRIDAY, NOVEMBER 6, 2015

Assad Pic
Aafooyinka dahsoon ee aan ka bartay – Sheekh Yasir Qadhi, PhD
Dr. Qadhi, wuxuu ku dhashay magaaladda Houston, Texas, USA 1975. Waxaa dhalay aqoon yahayn Pakistani ah. Isna wuxuu noqday Engineer ku takhasusay kiimikada, una shaqeeya Dow Chemicals oo ka mid ah kuwa ugu caansan dunida.
Dr. Qadhi wuxuu ku qanci waayay nolosha cilmiga maadiga ah oo kaliya wuxuuna go’aansaday inuu ku takhasuso diinta Islaamka. Wuxuu tegay jaamacadda Madiina ee Sucuudiga, kadibna wuxuu si hufan uga bartay naxwaha carabiga. Intaa kadib, wuxuu u gudbay inuu kasii barto isla jaamacadda Madiina cilmiga xadiiska & siirada oo uu ku qaatay dajarajada 1aad & 2aad ee Bachelor-ka & Master-ka.
Dr. Qadhi wuxuu ogaaday in xiligii dhexe ee Islaamka aanay qaybo badan oo cilmiga, ilbaxnimada iyo taariikhda Islaamkuba aanay ku qornayn Af-Carabi ee ay ku qoran yihiin Afka-Jarmalka (Deutsch), taasoo ay sababtay mudadii ku dhawayd 700 ee sanno (1299-1922) ee ay dunida Muslimka xukumayeen boqortooyadii Cusmaaniyiinta oo xiriir wanaagsan la lahayd Jarmal-ka, gaar ahaana sanadihii uu xukumayay Qaysar, oo ah markii la dhisay tareenka caanka ah ee isku xira Munikh-Istanbul ee lagu magacaabo Orient Express.
Markaa ayuu haddana go’aansaday Dr. Qadhi inuu si wanaagsan u barto afka Jarmalka si uu xogta ku duuggan uga soo qufo, taasna Illaahay wuu ku guulleeyay . Intaa kadib, wuxuu dib ugu soo noqday Maraykanka oo uu waxbarashadiisii ka sii watay halkaas oo uu jaamacadda Yale oo ka mid ah kuwa dunida ugu caansan ka qaatay shahaadada PhD. Xilligan xaadirka ahna wuxuu hormuud (dean) ka yahay jaamacadda barashada diinta Islaamka ee Al Maghrib Ee Memphis, TN, USA. Wuxuu kalooo wax ka dhiggaa jaamacadda Rhodes College oo iyana Memphis, TN ku taala, iyo xarunta Memphis Islaamic Center (MIC) oo uu ka yahay caalim-ka casharadda diinniga ah ka bixiya.
Haddaba, waxaan taariikhdiisa kuugu soo koobay akhristoow inaan waxyar kaala wadaago waxyaalaha aan ka faa’iiday caalim-kan, saynis-yahanka ah oo ka hadlay dhibaatooyinka & cawaaqib xumada ay madaxda xukunka jecel & culimada fatwooyinka ku degdeggaa ay muslimiinta gayaysiiyaan. Waxyaalihii aan ka bartayna waxaa ka mid ah:
Mar uu ka hadlayay sida madaxda xukunku madax-maray ay u hagardaameeyeen umadda Muslimka ah ayuu tusaale u soo qaatay Shariif Xuseen Ibn Cali.
* Ma ogtahay in, Amiirkii Maka Shariif Xuseen Ibn Cali (riix halkan sawirka Amirka) oo ahaa Sheekh ka mid ahaa warasadii nabiga scw kana tirsan jiray 40 oday, oo isaga iyo qoyskiisu ay Maka xukumayeen 700 oo sanno, uu hoos ahaan ula heshiiyay Ingiriiska oo uu wakiil u ahaa T.E. Lawrence & Sir McMahan si Khilaafadii Islaamka ee Cusmaaniyiinta loo burburiyo Sannadkii 1915kii. Waxa Amiirka loo ballan qaaday in laga dhiggi doonno Boqorka Carabta oo dhan & khaliifka Islaamka. Waxaana la siiyay lacag aad u badan. Dabeetana wuxuu Amiirkii dagaal ku billaabay khaliifadii Cusmaaniyiintii isaga oo la safnaa ciidamadii gumaystihii Ingriiska illaa khilaafadii Islaamka gabi ahaanba laga takhalusay.
Mase og tahay in, Amiirka uu Ingriisku riwaayad u dhigayay, oo isla xiligii dagaalkii 1aad (1914) uu Ingiriisku heshiis qarsoodi ah oo kale la galay yuhuudi Ingiiska dadka ugu taajirsan ka mid ahaa ahaa oo la oran jiray Chaim Azriel Weizmann oo lahaa warshadaha lagu sameeyo baaruudda qaraxda (isotones), kaasoo dawladdii Ingiriiska u balan qaaday inuu lacag la’aan ku siin doonno walxaha qarxa haddii ay dhulka Falastiin ay Yuhuuda uga sameeyaan wadan la yiraahdo Israel. Aakhirkiina waxa heshiiskaas si toos ah loogu dhawaaqay 1917-kii kadib markii uu wasiirkii Arimaha Dibadda ee UK Balfour uu Telegraph u diray Baron Rothschild oo ahaa nin Lord (Guurti) Yuhuudi ah, islamarkaana lahaa bangiyada ugu waawayn Yurub (Akhri:warqadii uu Balfour u diray Rothschild).
Mase og tahay in, Markii Amiirkii ratiga lagu kacsaday ee uu Ingiriisku qabsaday Qudus, Baqdaad, Dimishiq & Istaambuul sannadkii 1918-kii uu u cawday T.E. Lawrence oo ahaa ninkii u dhexeeyay isaga iyo Boqortooyada Ingriisaka islamarkaana in lagu sasabay in 3-diisa wiil gudoomiyeyaal gobol (governors) looga dhiggo 3 wadan. 1-Xijaaz (Sacuudiga) waxaa loo dhiibbay Cali Shariif oo ugu waynaa, markii dambana waxa lagu soo hubeeyay reer Al-Sacuud xukunkiina waxa laga tuuray 1925. 2-Trans-Jordan (Qudus, Falastiin & Urdun) waxa loo dhiibay Cabdala Shariif oo ahaa curad xiggeenkii, awoowe 2aadna u ahaa Borqor Cabdalaha hadda joogga. 3-Ciraaq (Baqdaad) waxa loo dhiibay wiilkiisii ugu yaraa ee Faysal Shariif (Sawirkii Faysal & Lawrence 1919). Kaasoo shirkii Paris heshiis kula galay Dr.Weizemann oo markii dambe noqday madaxwaynihii ugu horeeyay ee Israel, kaasoo ogolaaday in Yuhuuda dhulka Falastiin la dejiyo heshiiskaas oo la oran jiray The Faisal-Weizmann Agreement (Halkan Ka Akhriso Heshiiskaa) oo qalinka lagu duugay 1/3/1919 (fiirso Sawirka Weizmann & Faysal 1919). Boqor Faysal II oo uu awoowe u ahaa Boqor Faysal I waxaa la af-gambiyay 1958 isaga oo 23 jir ah, isaga iyo qoyskiisii oo dhana waa la laayay, waxaana maydkiisii lagu jiiday wadooyinka Baqdaad. Waxaase 19 sanno kadib haddana xukunka la wareegay Sadam Xuseen oo la rumaysan yahay inuu reer Bin Haashim ahaa oo ay is xigeen Boqorka.
Maxaadaradaa oo la yiraahdo: 1914: The shaping of the Modern Muslim World Part 1 oo dhamaystirana (halkan ka daawo).
Mar uu ka hadlayay culimada fatwada aanay aqoonteeda lahayn ku degdegana wuxuu sheegay:
* Ma og tahay in, qaxwaha ay culimadda Islaamku xaaraanimeeyeen sannadkii 1511 muddo boqolaal sanno ka badanna ay ciqaabtiisu la mid ahayd jeedalid iyo xabsi ta khamriga oo kale ah. Aakhirkiina ciqaabkaa waxa la joojiyay kadib markuu nin caalim ahaa oo aaminsanaa in aanu qaxwuhu xaaraam ahayni casuumay rag culimo ah uuna u qariyay qaxwe si ay uga munaaqishoodaan dood diimeed. Markay, habeenkii oo dhan iyagoo falax-falaxsan doodayeen, ayay waydiiyeen cabitaankuu siiyay waxuu ahaa. Markaasuu u sheeggay inuu qaxwe ahaa, aanna lagu sakhraamin ee uu caajiska iyo hurdada uun bi’iyo (Halkan ka dhegayso qisadii qaxwaha).
* Ma og tahay in, hogaankii culimadda Islaamku ay khaliifkii Cusmaaniyuuntu ka dhaadhiciyeen inuu mamnuuco madbacadda iyo buug kasta oo la daabacay. Khaliifkuna wuxuu amray in qofkii lagu arko madbacad in lagu xukumo dil, qofkii lagu qabto buug daabacanna xabsi dheer loo jarro. Culimadu waxay ku doodayeen in haddii madbacad lagu daabaco kutubta sida Bukhaari & Muslim oo kale ah inay caamada iyo jaahiliintu akhrisan doonnaan kaligood, kadibna ay si khalad ah u fahmi doonnaan haddii aanay helin macalin si wanaagsan ugu sharaxa. Xakamayntaasina waxay socotay 350 sannadood, waxaana la rumaysan yahay inay kow ka ahayd sababaha ay Yurub uga hormartay dunnida Muslimka. Aakhirkiina waxaa daabacaadda Muslimiinta ku khasbay boqorkii Faransiiska ee Napoleon markuu qabsaday Masar 1791-dii. Buugtii ugu horeysay ee Islaam ka hadlaysa oo Carabi ku qoranna waxaa la daabacay 1820-1830.
*Ma og tahay in, markii reer galbeedka oo ay horkacayso Boqortooyada Ingriisku ay sannadkii 1807 (USA 1865) ay wadamadooda ka mamnuuceen ka ganacsiga adoonsiga inay culumo waawayn oo Muslim ahi ay ka hor yimaadeen arintaa ayna fatwoodeen inay xaaraan tahay in wax illaahay baneeyay in la xaaraantimeeyo. Mase og tahay in suuqa ganacsiga adoomaha ee Suuqal-Qamaam ee Sacuudi Carabiya ku yaalla uu albaabada isugu dhuftay Boqor Faysal sanadkii 1962.
*Ma og tahay in, markii ugu horeysay ee Raadiye laga sii daayay Sucuudiga inay culimadii kaceen oo ay yiraahdeen waa sixir oo ay siimankii dhaadheerraa qur’aan ku akhriyeen si looga saaro jinka iyo sixirka. Haseyeeshee, Boqor C/casiis oo ahaa nin caqli badan ayaa casuumay culumadii si ay qur’aanka iyo diinta uga baahiyaan idaacada lafteeda markaas ayay ogaadeen in aanu sixir ahayn, maadaama uu quraan ka soo baxayo. Mase og tahay in, boqor Faysal inuu sanadkii 1966 uu TV ka furay Riyaad, kadibna ay dad xagjir ah oo uu ku jiray nin reer boqor ahi ay TV-ga laftiisii afduub ku qabsadeen, taasoo dhalisay inay dawladu xoog ku muquuniso taasoo aakhirkii sababtay in Boqor Faysal laftiisa uu dillo wiil uu adeer u ahaa oo la walaal ahaa ninkii TV-ga afduubka ku qabsaday oo ku dhintay hawl-galkii TV-ga.
*Mase og tahay in, 2013 uu TV-ga MBC ee afka Carabiga ku hadlaa damcay inuu bisha barakaysan ee Ramadaan sii daayo barmaamij taxane ah oo 40 musal-sal ah, kaasoo ka sheekaynaya wanaaggii iyo taariikhdii Cumar Bin Khidaab (RC). Haseyeeshee waxaa arintaa aad uga hor yimi culimada sunniga badankooda oo ay hogaaminayaan Al-Ashar & Salafiyadu oo xaaraam ku sheegay, umadana uga diggay inay bisha Ramadaan Musalsalkaas daawadaan. Haseyeeshee, wuxuu noqday barmaamijkii loogu daawashada badnaa ee abid laga daawaddo TV carbeed. Sheekh Salmaan Cawda oo ka mid ahaa culimadii faro-ku-tiriska ahayd ee TV-ga ka hubinaysay saxsanaanta taariikhda ayaa maqaal dheer ka qoray sida ay culumadu ugu degdegeen cambaareeynta barmaamij noocaas ah. Dr. Qadhi-na wuxuu yiri markaan daawaday musal-salkaasi iimaankayga aad ayuu sare ugu qaaday. Halkan ka daawo Muxaadaraas oo dhamays tiran: Looking Back As We Look Forward (Halkan ka daawo)
Dr. Qadhi wuxuu yiri marka si dhab ah loo eeggo waxyaalaha ay culimadu ku dooddayeen waxay ahaayeen waxyaalo munaasib ah, iyagana dadaal uun bay ka ahayd Illaahay ajar haka siiyee, laakiin, marwalba waxaa ka hoos baxaysay muhiimada ugu weyn oo waxaa ka xoog badinayay cabsi ay ka qabbaan in bulshadu ay khalad ku dhacdo. Wuxuu yiri, Islaamku waxba umuu noqon adoonsigii la mamnuucay maantana ma jiro sheekh u calaacalaya oo leh maxaa nalooga joojiyay, laakiinse, mar walba waxaa jiray culimo kale oo tiro yar oo iyaguna kuwaas ka soo horjeeday.
Wuxuu ku soo gabagabeeyay, waa in tiirarka waawayn ee shubka ah ee Islaamka si kaamil ah loo illaaliyo, waxyaalaha mugdigu ku jirana aan seefta lagula boodin iyada oo ajar laga raadinayo. Wuxuu ku soo xooriyay waa in wadaadka shay ka fadwoonayaa uu khibrad aad u saraysa u leeyahay maadada ama mawduuca uu ka hadlayo.
Duruusta Dr.Sheekh Yassir Qadhi muxaadarooyinkiisa oo English ah kala soco YouTube.
Wixii khalad ah ee aan ka ilduufay waxaan Illaahay swt ka baryayaa inuu iiga dambi dhaafo, aamiin.
Walaalkiin,
Axmed-Assad
Qormooyinka Axmed-Assad kala soco, Twitter: @AxmedAssad, Facebook.com/Axmed.Assad ama Murtisoor. Email: Ahmedy98@yahoo.com

SHARE