Home Curis Waqtiga iyo tartanka nolosha W/Q: Aqwaan Xasan Jidhi

Waqtiga iyo tartanka nolosha W/Q: Aqwaan Xasan Jidhi

1
SHARE

 

quotescover-JPG-91

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Waqtiga iyo tartanka nolosha

Marka uu ku dhaliilo qof aad ka simantihiin astaamaha horumarka xagga dhaqaalaha tacliinta iyo deegaankaba waxay ka dhigantahay tusaaleyn nafsadaadana siin karta jaanis ay qaladkeeda ku garwaaqsato. Balse adduunyada looma sinnee haddii uu dhaleceyn kuu soo jeediyo qof kaaga sarreeya dabaqada nolosha ha ahaato dhanka bulshada ama xagga deeqda rabbi waxaad dareemaysaa liidnaan iyo yasitaan taas oo ibnu aadamku ku qasabta xilliyadda qaar inay ku kacaan falal aargoosi ah amaba ugu yaraan ay ku noqoto uur ku taalo iyo aano aanan marna duugoobin.

Bartamihi sanadki 2004 subax kamid ah subaxyada waxay ahayd waqti aroor hore ah. Sida caadada ahaydba aad ayay u yaraayeen xilligaas dadka udheelman jiray shaqooyinka. Xaafadaha aan ku dhex lugeynayay waxaa daganaa dadyow aad ukala gadisan xagga aqoonta iyo ilbaxnimada. Qaar ayaa waxay ahaayeen aqoonyahanno kuwo kale waxay ahaayeen dhaqaatiir. Qaar kale run iyo beenba waxa ay sheegan jireen inay ka tirsanaan jireen ciidamadi xoogga dalka.Intaas oo jago iyo aqoonsi ahba majirin wax lagu faa’iido, mid walba oo ayaga kamid ahna qorraxda waxa ay ugu dhici jirtay isla goobta ay ugu soo baxdo, ma jirin qof u arkayay dib udhac bulsho amaba qoys, Balse, qof walba halki uu maalinkaas wax uu afka ku rito ka helayo kama baaqan jirin, Sidaas ayay maalmuhu ku socdeen isbaddal kasta oo imaadana waxa uu saameynayay deegaanka halki uu ka saameyn lahaa dadka.

Niyad jabka heerkaas gaaray waxaa marmarsiyo looga dhigaayay inaanay jirin meel laga shaqeeyo iyo cid loo shaqeeyo toona!Hab dhaqanka nuucaas ah waxa uu ka marqaati kacay sida khiyaaliga ah ee aan u fahannay sirta ka dambaysa in la noolaado, Annagoo si dhab ah u wajahnay waddooyin ay nagu hogaamiyeen aabayaasheeni.Mayee annagaaba rabnay inaan horteena usii ambano, sow annagan subax noolba taagan afaafka hore ee shaneemada,is weydiimahaas iyo kuwo ka badan ayaa maskaxdayda kusoo laalaabanayay mana jirin cid iga siin karta jawaab waafi ah.

Sidi anigoo iskugu buuqsan waxaan maqlay cod qof iigu yeeraya inaan caawiyo. Waxa uu ahaa wiil da’dayda oo kale ah, waqtigaas ay dadka deegaankeygu hurdaan waxa uu wareejiyaa rootiga ay dukaamanka xaafaduhu iibiyaan. Waxay ahayd subixi iigu horraysay oo aan arko kuraygaa yar, balse, dadaal badani uu iiga muuqday xilligaas oo uu iga codsaday inaan la toosiyo gaari gacan yar ee uu ku wareejinayay rootiga oo markaasi kaga gaddoomay wadada dhexdeeda.

Halkaas ayaana isku baranay saaxiibki qarsoonaa waxa uuna magaciisu iigu sheegay liibaan,wuxuu ahaa wiil waqtigiisu u xisaabsanaa, galinka hore ayuu shaqeyn jiray asigoo galabkina wax baran jiray, wuxuu iga codsaday inaan ka caawiyo qaar kamid ah dukaamanka xafadda oo aan isaga rootiga ka qaadan inan usoo xiro leynkooda. anigana waan u sameeyay oo waqti badanba iguma qaadan maadaama aan dadka xaafadda si weyn u kala aqaanay. liibaan wuxuu ahaa wiil ay iigaga muuqatay firfircooni dheeraad ah, guud ahaanba noloshiisu waxa ay cagsi ku ahayd midayda.

Maalmaha sidaa ah aniga lafteeydu waxaan ahay nin dhallinyaro ah. waan shaqeeyaa oo xoogayga ayaan cunaa, waxaan la noolahay hooyadeey iyo walaalaheey oo u badan gabdho, maalmaha aanan helin wax aan ka shaqeeyo waxaa saldhig ii ah shaneemada halkaas oo aflaamta hindiga iyo ciyaaruhu ay ahaayeen waxa kaliya ee laga daawan jiray, waana meesha aan ka bartay in balwadda qaadka iyo sigaarku ay yihiin waxa ugu fiican ee ku iloowsiin kara dhibaatada magaalada ka jirtay, inkastoo maalmihi iigu horreeyay oo ay reerkayagu igu ogaadeen balwadda ay i xireen haddana dib baa lay soo daayay, marki lay caalwaayayna cid walbaahi gacan ayay iga taagtay.

Waxay iigu fiicneed sanadki 2006 markaas oo wadaadadi maxkamaduhu ay waddanka qabsadeen deetana ay qaadki oo dhan ka joojiyeen magaaladi. waxay ahayd marki ugu horraysay oo noloshayda aan si joogto ah u xaadiray goobaha cibaadada, haa salaadaha ayan jamaacada wax kaga dukaday, waxaan isbaray inaan wax sadaqaysto waxaana si xaqiiqo ah u eegay masaakiinta magaalada ku dacdarraysan, waxaana si joogta ah uga warqabay waxa ay hooyaday ku sugantahay, kadib, waxaa xigay duulaanki ay itoobiyaanku ku burburiyeen awooddi maxkamadihi markaas oo inta badan muqdisho laga barakacay.

Waxay ii ahayd qeyb kale oo kamid ah silsiladdi noloshayda, waxaan ka mid noqday kumanaanka qof ee u barakacay duleedyada magaalada Muqdisho halkaas oo aan ku wajahay waqtiyo aad u adag. kuwaas oo nolosheydi u rogay mid aan jirin, waxaa baa ba”ay rajo walba oo aan lahaa, waxaana quus ka istaagay dhammaanba himilooyinkeygi, oo ay igu horreeyeen inaan noqdo nin reer leh oo guursada gabadhi uu noloshiisa jeclaa, oo waa tuma gabadhaasi ?

Waa Faay Muudeey waa gabadhi xaafadda ugu qurxooneyd uguna dabeecada wanaagsanayd, inkastoo gabdho badani jireen, haddana Faay waxay ahayd mid dhammaan iiga soocneydinayd, waa qof dabeecad furan. aan dhaho waa mid dadka ku raali galisa dhoola-caddeyn iyo hadal dabacsan. reerka ay kadhalatay oo xaafaddeena ku lahaa makiinadda lagu shiido cajiinka waxaa xaafadda dhan looga yaqiinay “cidda cajiinka” saas oo kale ayayna Faay Muudeey u bixiyeen gabadhi cajiinka. xanta iyo hadallada suuqa ugu jira Faay reerkooda waa in ay yihiin dadka la liido ee nasab dhimanka ah. malahayga waxaan ahaa qofka kaliya ee hadalkaa dhibsan jiray.

 Muxuu geelu abaarsaday

Jiilaalka gu’ intaan lagaarin

Muxuu gugaca cabsi galiyay

roob ku geeylamay dhaxantuna ugaar.

Waa Muqdisho oo isbaddashay oo noqotay bahallo galeen,geedaha ku baxay waddooyinki beri camirnaa iyo hoobiyaha sida joogtada ugu hoobanaya ayaa soo saaray dhismooyin kale, ciidamada itoobiyaankuna waxa ay ahaayeen halxiraalaha kaliya ee lays waydiiyo waqtiga ay waddanka kabixi doonaan.

Maalin aan magalada usoo aaday bal inaan soo fiiriyo xaalka uu ku suganyahay gurigi an xamar ka daganeyn oo uu dusheenna ka qarxay dagaal aad u darnaa anigoo argagaxsan oo aan garaneyn waddo aan ku baxo waxaa iga daba imaday gaari kuwa raaxada ah, runtii la yaab ayay igu noqotay waxaa isu keey qaban waayay goobta aan ku suganahay iyo nuuca gaariga. gacanta ayaan iskaga haadiyay anigoonan kaqabin rajo badan in la ii istaajin doono. wax yar kadib gaarigi wuu ii istaagay. daaqadda intaan iska furay baan gudaha usoo galay anigoo fadhiistay kuraasta dambe. darawalki gaariga waday ayaa iweydiiyay “xaggee rabtaa walaal” waxaan ugu jawaabay “ceelasha biyaha”

Intuu isoo eegay oo dhoolacadeeyay ayuu iwaydiiyay ma igaranaysaa?Su’aashaas ayaa igu abuurtay cabsi ka badan middi aan hoobiyaha ka qabay, balse, marki aan si run ah u eegay darawalka wajigiisa waxaan ku soo xusuustay waxyaabo badan. haa wuxuu ahaa liibaan wiilki rootiga wareejin jiray!

Maalinkaas wuxuu iiga warramay sheeko walba oo noloshiisa ku saabsan oo iga dambaysay, wuxuuna aad ula yaabay nolosha aan anigu ku suganahay, runtii wuxuu ahaa nin damiir leh wuxuu i geeyay hooygi aan ka daganaa ceelasha biyaha kaas oo ka sameysnaa carshaan iyo baakado, wuxuu ii sheegay inuu noqday dallaal dhulka kala gada uuna halkaas ka tabcay lacago fara badan, wuxuu sidoo kale ii sheegay inuu guursaday oo uu yahay laba xaasle ay ujoogaan dhowr carruur ah, wuxuuna ii raaciyay inuu maalmahaas waddanka katagi rabo oo uu helay deeq waxbarasho oo dibadda ah. wuxuu isiiyay lacag boqol dollar ah balse aniga igala badneyd boqol milyan.

Maalintaas ayaana is macasalaameynay saxiibkeey liibaan. Runtii waxay ii noqotay tusaale aan kaga kacay hurdadi aan sanado jiifa,. waxay igu noqotay sidi anigoo hadda waagu ii baryay, waxaan liqi waayay guul darrada intas la eg in ay noqon karto natiijo gurasho ka dhalatay tacabkeygi.Maanta oo magaalada muqdisho ay inti hore ka nabdoontahay waan kacay oo boorka iska jafay sida liibaan oo kale waxaan ka shaqeeyaa foorno rooti oo kutaalla xaAfadaydi geed jaceyl, waxaan isku qanciyaa inaanan sidi liibaan oo kale dallaal noqoneyn, oo yaa iga dhiganaya?

Waxaan ka shalaayaa waqtigi iigaga dhumay shaneemada. balse waxaan joogaa muqdisho oo guri walbaba shaneemo laga dhigay oo aflaamta lagu daawado. kaba sii drane shaneemada casriga ah ayaa magaalada wareerinaysa taas oo ubadki udiiday inay wax aqristaan. wa shaneemada dhalinyaradi ay ka jeclaadeen goobihi cibaadada, waxaan ula jeedaa internetka oo maanta ah ku jira booski shaneemada.

Galbihi waxaan rootiga bana oolyada ah uqaadaa degmada xamar weeyne, sidoo kale waxaan dib isu aragnay gabadhi xaafadda waxaan kawadaa Faay Muudeey, balse, ma ahan gabadhi cajiinka ee aan beri ku waalnaa, hadda waa carmalad sidata laba gabdhood oo aabbahood uu kudhintay dagaaladdi xamar kadhacay, isgoyska bakaaraha ayayna ku iibisaa sambuus iyo bajiye ay ilmaheeda nolol maalmeedkooda ka dabarto, waan sheekeysanaa Faay waxaana ku ballansannahay inan is guursanno balse waa marki aan helo shaqo iiga roon midda aan maanta ku jiro.

Maanta waxaan qabaa rajo aad u fiican oo nin adeerkey ah oo kujira dowladda ayaa ii sheegay inuu ii iibin doono mootada loo yaqaano bajaajka ama dhugdhugleeyda. wuxuu ii sheegay inuu dad ii soo diri doono uuna maalin xafiiskiisa igu qaabili doono. kama baqanayo inaan ka baaqdo meel layga wacay laakiin waxaan ka baqanayaa in la waayo cid ii wacata.

Saaxiibkeey liibaan sida aan ku maqlay sheekooyinka qaar wuxuu noqday masuul sare oo ka tirsan dowladda maanta xamar ka taliso.Shalay galab mar aan wadada via roma kursi ku fadhiyo oo aan dadka ka iibinayo rootiga. waxaa wadada soo maray gaari madoow oo uu daba socday gaari kale oo ay saarnaayeen ciidan ilaalo ah. meel agtayda ah ayuu istaagay gaarigi madoobaa waxaana kasoo dagtay nin umuuqday inuu kamid yahay dadka dibadaha ka yimid. wuxuu u labisnaa sida nin madax ah. ookiyaalo madoow ah ayuuna watay. inta uu ii soo dhowaaday oo uu ookiyaalihi iska bixiyay. runtii marki aan wajigiisa arkay waxaan kusoo xusuustay waxyabo badan. asigoo dhoollacadeynaya ayuu iweydiiyay ma itaqaanaa?………..

 

Dhammaad

W/Q  Aqwaan Xasan Jidhi

SHARE

1 COMMENT

  1. Aqwaan Xasan Jidhi sheekadaadu wey iga ooyisey. Indhahayga ilmo ka keentay. Fadlan hadda ka dib maqaaladda aad soo qoreysid iimaylkaada kusoo qor. Xusuusso qormooyinkaada waxaa laga akhrisanayaa caalamka oo dhan. Anigu hadda waxaan joggaa oon qormadaada ka akhristay London.

    Illaah waxaan kaaga baryayaa inaad nolosha ku guulleeysato.

    Halgan weeye noloshuye
    Ragga hilmaansanoow
    Aqwaan Xasan hala dhugto

Comments are closed.