Home Qoraallo Alle Aamin si aad u gaarto Ujeedkaaga adduun( Dhacdo...

Alle Aamin si aad u gaarto Ujeedkaaga adduun( Dhacdo dhab ah) W/ Q Cabdi Nuur Waddani

0
SHARE

11753272_407581792785865_4043140117631554681_n

  • Rumeynta eebbe iyo waxtarka Runnimada

Waxaa jiray qoys ka kooban Aabbe,Hooyo iyo hal wiil oo ay dhaleen, qoyskaasu waxay ku noolaayeen dhulka miyiga waxayna ahaayeen dad iska xoolo dhaqato ah, qoyski waxaa ku dhacay amar xaga eebbe ka yimid(ST) waxaa dhacday in hooyadi iyo aabbihi ay hal mar indhaha ka wada dhacaan(indho beeleen) wax dhaq dhaqaaq samayn karana waxaa qoyski ka soo haray halki wiil.Waa Alle awoodii iyo arrinkii oo lala yaabi maaye hooyadi iyo aabbihi waa ku mahdiyeen kuna qanceen wixi ku dhacay, qoyski asigoo in mudda ah sidaas ku noolaa, ayaa waxaa haddana dhacday in abaar xuni timaado, abaartaasna waxay galaaftay dhammaan wixi reerkaas duunyo xoolaad u joogay reerkiina waxaa usoo haray halki rati (Awr )oo ay dhaansan jireen kaliya.

Qoyski ma qawadin mana qaylo dhaamine, waxa mar labaad ku dhacay oo waxay wada aaminsanyihiin awooda alle (ST) iyo in shar iyo khayrba ilaaheey lagu mahdiyo lana oggolaado hadba ayaan samida iyo ayaandarrada tii kula soo gudboonaata.

Maalin ayey hooyadi iyo aabbihi wiilkoodi u waceen, oo ku yiraahdeen wiilkeeniyow waad noo jeedaa annagu indhahaan ka dhacnay oo wax aan qabsa karno haba yaraatee ma jiraan, inaan iska cibaadeysano mooyee, waxi aan duunyo xoolaad qabnay ratigaas baa nooga soo haray, saas darteed waxaad sameysaa ratiga noo safri oo na soo iibi ,waxaad nooga soo baxeysana ha noqdaano wax Faataxa la socoto, yacni hooyada iyo aabbuhu waxay kala jeedaan ratiga wax duceysan nooga soo bixi, oo wax qayla ku jirto ratiga ha nooga soo bixin.

Wiilki warsan iyo weersan ayuu yiri: hooyo iyo aabbe idinkuna ducada iyo alla bariga igu soo kabba. Ratigiina dacayga ayow soo surey oo magaaladi ugu dhawayd ayuu la soo aaday,wiilka waxaa lagula soo dardaarmay in uu ratiga kasoo bixiyo wax Faataxa la socoto(Baraykan) se wilku si dhabba uma fahmin u jeedka hooyo iyo aabbe, ratigi ayuu suuqa keenay dad badan ayaana kusoo xuumay maadaama ratigu ahaa mid bilic san oo qof kastaba jecleysanayey, qof kasta beec ayuu wiilki u gaaray.

Wiilku marki qofi tiraahdo intaas oo lacaga iga siiso, wuxuu ku yiraa xaa la socda intaas, asigoo raba inuu hooyadii iyo aaBbihi u geeyo wax dheef Faataxa la socoto, qof kasta wuxuu yiraa intaas baan kuugu sii daray asigoo u qaba in wiilka weli beec u dhimanyahay,bal se, wiilku haddana waa ku sii celiyaa xaa la jira, qof kastana halkeey dhaafi waydo ayuu uga tagaa oo ratigiisa ayuu wataa, ileen waxaa la yiri: “ laba kala bariday kala war la’ e” waxaan war isu hayn wiilka iyo qofka ratiga raba, hadda ogoow wiilku wuxuu fullinayaa dar daarankii hooyo iyo aabbe oo wuxuu rabaa qof wax dheef Faataxa la socoto ratiga ka siisata, oo tiraa intaas iyo faataxo iga siiso.

Muddo bil ah ayoow wiilki ratigi suuq geynayay wuxuuna waayay qof lacag amma xoolo Faataxa la socoto ratiga ka siisata, balse weli kama reja dhigin mana quusan, maalin kale ayuu sidi caadada u ahayd ratigi suuq geeyay, beecyo kala duwan ayaana loo gaaray waagasa lama haayo qof halkow raba wax mar siiya.

Ammin galab gaaba ayuu suuqi ratigiisi kasoo gerqaatay(Hoggaamiyey) oo dhankii guriga soo qabtay dabeedna asigoo socda ayaa waxaa dhabagi uga hor yimid nin magaalada uu ka yimid u socda oo qoryo uu rabo inuu soo iibsado duudka ku sita, waa is baryeesteen, war waran adeer beriga xaala sheegay magaalka iyo wax daran ma maqal adeer alla hanaga haayee, intaas ka dib ayaa ninki qoryaha sitay ee magaalada ku socday ninki ratiga watay waydiiyay adeer muxuu yahay ratiga caddeysimada ah, Rati(Aan heeryo saarneyn iyo rar) ee aad wado makaa soo lumay asaad magaalada beriga kasoo heshay? Wiilkii ayaa ugu warceliyey maya adeer ee safar baan ka soo celshay oo qof iga gadataan waayay ayow isna uga jawaabay, intaas markey dhex martay ayuu yiri ninki magaalada ku socday adeer qoryahaan ma iga siisaneysaa anigu xoolo kale ma heystee, dabeedna wuxuu ugu jawaabay adeer qoryaha xaala socda? markaas ayuu yiri ninki ratiga rabay adeer waxaa la socota afar Faataxo, war kuma soo celine hoo gerkiisa adeer ee faataxada noo mar ayuu yiri, halkaasna waxay kula kala wareegeen ratigi iyo qoryihi, dusha ayow qoryihi u ritay waa ninki ratiga laga gataye gurigi ayuuna toos u abbaaray oo hooyo iyo aabbe oo indhala ay joogaan.

Goor ay tahay ammin fiid ah, ayow u gurigi tegay inta qoryihi debka agdhigtay ayowna hooyo iyo aabe oo hoogaalka(Ardaaga) aqalka isaga werdaaya u tagay oo warsaday bal sida beriga xaaladoodu ahayd? Waxay ugu hal celsheen:  “Waa wanaag sanahay alla mahadiis ee adigu warran ratigii ma noo soo gaday mise waad nosoo celisay? ayeey ku yiraahdeen” asna wuxuu ugu jawaabay; “ Ratigi waa noo soo geday

hooyadi iyo aabBihi aadbey u farxeen waxayna waydiiyeen:“Maandhow xaad nooga soo bixisay waa duceysatee, bal orodo wax wal noO soo kari ayeey yiraahdeen” isna wuuxu uga jawaabay:“ Waxaan nooga soo baxshay sid qoryaa iyo afar Faataxo, hooyadi iyo aabbihi ma nixin wiilkoodana qaylo iyo habaar kalama dul dhicine iyagoo sidoodi u faraxsan ayeey ku yiraahdeen waa reysaahe bal qoryaha debka noogu shid aan qaaqanee(Kulaalne”aWiilkii waa yahay ayow yiri afar qoray ayuuna debki saaray, markuu noolaadana hooyadi iyo aabbihi ayow midba gacanta ka soo qabtay oo debki u soo weday, balse marki uu dabki ag keenay, ee midna dhinac ka fariistay, gacmaha ugu dul aadiyey oo saddexdoodii ku heeraarsadeen, ayaa waxaa dhacdey arrin la yaab iyo ashqaraar leh.

Qaaci(Qiiqi) is daba mulmulayey ayaa wuxuu beegsaday indhaha labadii TAWLANE(waalid) ka dibna waxay dareemeen indha qaaca ka socda, iyagoo marmarnaya ayaa labadii waalid, mid weliba si lama fillaana indhaha u kala qaaday, mise wuxuu arkaa, Dabka baxaya iyo wiilkoodii oo ag fadhiya, waxayna ku noqotey kediso iyo filan waa in aragoodii dib Allaha weyni ugu soo celiyo.

Farax iyo Obsi ayaa lala ilmeeyey, qofbana qofka kale ayuu isku duubay, si wada jirana waxay u mahadnaqeen ilaaheey waxayna u duceeyeen wiilkoodaa oo dardaarankoodi fulliyay.Hooyadi iyo aabbihi, waxaa dib u soo noolaatey rajadoodii nololeed, waxaanna sii laba jibaarantey,” Rumeyntii iyo Runnimadii Eebbe” waxaaney dib u billaabeen noloshoodii iftiinka ahayd iyagoo sii labanlaabey alla barigii iyo kaashiga ilaahay.Waxaa waagu u baryey iyagoo faraxsan oo noloshoodi sidii horre ku soo laabatay, iyagoon markaan aan cidina hageyn oo usha u haynin, sidii hore wax u arkaya si ay farxada ula qaybsadaan ehelkooda iyo deriskooda.

Waxaase Ashqaraariso(Mucjiso) noqotey side qof indho beelay haddana aragu ugu soo noqon karaa, su’aashan ayaa ku soo noqnoqotey. Kadib waxay uga sheekeeyee, sida wax u dhaceen iyo sida aragooda allihii siiyey eek a qaaday ugu soo celiyey.Arrinta kale ee la yaabka lahayd ayaa ahayd, in markii arrintii la ogaaday, laga dalbaday wiilkii iyo reerkii inay dadka kale caawiyaan ee indhaha la’a xoolana looga bedesho, qori walba oo yar, si loo qiiqsado oo indha iyo araga dadka indhoolayaasha ah ugu soo noqdaan.

Markaasa waxaa la isu keenay dhammaan wixi carradaas ku noolaa indhool, iyadoo qof kasta rabto qoryihi hooyadaan iyo aabbahaan indhana dib ugu furey ee u ifiyey, reerki waxaa qoray kasta looga iibsaday dhawr halaad oo geela, qof kasta oo indhool ahaydna marki ay qoryahaas shidatay waa ay reysatay oo indhihi iyo aragii waa u soo noqdeen.

Reerki indhoolaha iyo saboolka ahaa hal cawo ayeey indhoodi usoo wada noqdeen in muddo yarna waxay noqdeen dad maalqabeen ah oo afarta maal aduunyo haysta, 
Haddaad imaan yeelato ilaaheyna aad aamminto waxaa xaqiiqo ah inaad guuleysaneyso aakhiro iyo adduun,

W/Q: Cabdi nuur waddani

SHARE