Home Qoraallo Hannaanxumo mise hoggaanxumo?! Q1AAD W/Q: Mohamed Abdirizak Farah (Irbad)

Hannaanxumo mise hoggaanxumo?! Q1AAD W/Q: Mohamed Abdirizak Farah (Irbad)

1
SHARE

12528019_990261611033090_1460102745_n

Hannaanxumo mise hoggaanxumo?! Q1AAD

Mahad iyo ammaan aan la koobi karin, waxa ay u sugnaatay Mowlaha weyn, ee i nagu uumay uunkan aan dul soconno. Rabbiga i solansiiyay, in aan dhammeystiro qormadan, aan uga hadli doono arrimo aan is leeyahay, waxay saldhig u yihiin, dhibaatada maanta ka jirta gayiga soomaalida oo ah, hannaanxumo iyo hoggaanxumo is biirsatay, oo aan ku falanqayndoono una ka la qaadidoonna, labo qeybood, oo aan mid walba siin doono ahmiyad gaara.

Waxaan is la qirsannahay, in soomaaliya , oo ah boqcad yar, oo ka tirsan waddammada ku yaal cirifka bari, ee geeska Afrika, ay leedahay kheyraad iyo dabiici badan, oo Eebbe ku galladay, haddana, tan iyo malinkaan gumeystaha ka qaadannay xoriyadda, waxaad moddaa, in aannan helin wali, hannaan aan is ku raacsannahay, oo dowlanimo iyo hoggaan dhab ah, oo jaheeya ummadda Soomaaliyeed. Aan ku hormaro qeybta hoggaamiyaha, waayo, markii hoggaan la helayo, ayaa hannan la dhisi karaa.

 

HOGAAMIYAHA WANAAGSAN

Marka aad aragto, waddankaagu, inuu ka mid yahay, waddammada dunida ugu liita wakhtigan ama qarnigan ama lagu daro sannad walba waddammada dunida ugu faqrisan, uguna musuqmaasuqa badan, marka lagu tilmaamo ummad fashilantay (Failed nation) dalkaaga, marka aad aragto, dacdarrada iyo silica muwaadinka Soomaaliga ah ku haysata dunida meel walba, marka aad aragto sida ummadaha kale ay u qoonsadeen dalkaaga uguna soo duuleen, oo iyagu taladiisa ay gooyaan, ayna u ka la qaybqaybiyeen maamullo iyo gobollo col is ku ah, markaad aragto, inuu waddankaagu yahay kan ugu horreeya inta xun uguna danbeeya inta wanaagsan, waxaad u taahaysaa hoggaamiye badbaadiya dalkaaga iyo dadkaaga. Hogamiyahaas waxuu noqon karaa adiga maanta aqrinayaa maqaalkan. Haddaba, si aan wax badan uga baranno hoggaamiyaha wanaagsan, waxaa muhiima, in aan is waydiinno, waa ku ma hoggaamiye? Noocyada hoggaamiyaasha? Maxaa lagu gartaa hoggamiyaha wanaagsan? Diinta Islaamku maxay ka tiri hoggaamiyaha wanaagsan?

Intaas marka aan is la garano, kuna dadaalno sidii aan ku fulin lahayn, ayaan ku guuleysan karnaa, inaan waddanka isbeddel ku samaynno. Sababta is beddelka iyo in waddanka loo dhiibo hoggaamiye wanaagsan adiga ayaa u noqon kara hormuud, dhalinyarada oo ah cududda iyo haldoorka ummadda Soomaliyeed ayaa xaqiijin kara, in ay kasoo saaran godka iyo silica ay maanta ku jirto soomaaliya.

Si joogta ah illaa maalinkii ay Soomaliya xornimada qaadatay, waxaa hoggankeeda soo qabtay, siyasiyiin, qabqablayaal iyo wadaaddo uusan midkoodna xaqiijin hankiii iyo himaladii dadka Soomaliyeed, waana ta keentay, in aan maanta noqonno dad iyo dal dhib la nool ah.

Eebe weyne wuxuu farayaa kuwa dadka xukuma, inay cadaalad u sameeyaan, wuxuu farayaa, inay amaanadana xaqeeda siiyaan, oo cidda u dhiibatay u gudaan. Waxaa suurtogal ah amaanada, in loo fahmay baadida lunta ama lacag yar oo qof kuu dhiibto, markaasay bannaysteen hantidii caamka ahayd, waxayna ka dhigteen, mid danahooda khaaska iyo qoysaskooda ay ka xigsadaan inta kalena ka qadiyaan.

 

Waa ku ma hoggaamiye?

Dad badan ayaa qeexay hoggaaminta iyo hoggaamiyaha, laakiin aan soo koobno:-

Qaamuuska Af-soomaaliga ee Yaasiin C. Keenadiid, wuxuu hoggaamin iyo hoggaan ku ka la micneeyey:

1- Hoggaamin, in ay tahay hoggaan-ku-qabasho ama ku wadid

2- Hoggaan in uu yahay xarig, inta awrta surka lagaga xiro oo lagu keeneeyo, laguna wado.

Fasiraadda aqoonyahannada ka la duwani ay siiyeen hoggaaminta marka si guud loo eego waxay si toos ah iyo si dadbanba u muujiyeen:-

1- Inay tahay geeddi-socod

2- In saamayntu ay tiirdhexaad u tahay

3- In uu jiro qof wax hogaamiya (hoggaamiye) iyo kuwa la hoggaamiyo (taageerayaal)

4- In uu jiro xiriir is ku xiraya hoggaamiyaha iyo taageeraha, kaas oo ah hoggaaminta lafteeda, iyo

5- In uu jiro yool la higsanayo, oo loo shaqaynayo gaaritaankiisa 

qoom hoggaan xun iyo qoys hooyo xun midna ma hanaqaado’’ Cali Axmed Raabeh (Seenyo)

‘‘Raggii madaxdu ka xumaato waa, marin habaabaaye’’ Cismaan Yuusuf Keenadiid

Soomaalidu marka ay doonayaan, inay hoggaamiyahooda dhaqameed ay doortaan, waxay ka duulaan, si weynna u tixgeliyaan murtida soo jireenka ah ee oronaysa “Tol waxaa u talin kara, nin doofaar cay uga dulqaad badan, oo kurtun qorrax uga adkaysi badan, oo dhagax qabow uga adkaysi badan, oo kudkude gaajo uga adkaysi badan!” Muqadimadii Ibnu Khalduun, wuxuu ka yiri Tilmaamaha Khaliifada (Hogaamiyaha) muslimiinta inuu noqdo “Mid saaxiib u ah cilmi iyo caddaalad, mid dhamaystiran oo lixdiisa lixaad iyo dareemadiisu ay bad qabaan” Field Marshal Montgomery marka uu hoggaamiye ka hadlayey wuxuu yiri:

“Hogaamiyuhu waa kan ka yeela dadka, inay taageeraan, waana inuu noqdaa mid geesi ah, oo leh awoodda rabitaan, ee uu isbaddel ku samayn karo, waana inuu yahay mid haysta kolsoonida taageerayaashiisa, wuxuu curin karaa fikrad kicinaysa xamaasadda dadkiisa wuuna la doodi karaa dadka isaga oo ku qancin kara fikradahaas, wuuna ku kasban karaa qalbigooda iyo caqligooda, wuxuu darsaa dabeecadaha dadka, wuxuu bartaa fanka iyo xirfadaha hoggaaminta, wuuna ku dhaqmaa, ma quusto, waa mid go’aan leh, wuxuu ilaaliyaa mooralka dadkiisa, wuxuu ka adagyahay naftiisa, wuxuu yaqaanaa sida uu u doorto raga/haweenka ku habboon shaqoonyinka ay qaban karaan, wuxuu yaqaannaa waajibaadkiisa, wuxuu sugaa shaqadiisa, wuxuu daacad u yahay howshiisa, wuxuu soo saari kara go’aamo ceeb la’aan ah, waa deganyahay oo ma fududa, wuxuu diyaar u yahay, inuu u bareero khatar walba, ugu dambaynna waa qof si adag u haysta kuna dhaqma diintiisa”.

 

Noocyada Hogaamiyaasha:

1- Keli Taliye( Dictator)

  1. Dad yar ayuu kalsooni ka haystaa (inta danwadaagga ay yihiin)
  2. Dhaqaale ayuu ku qanciyaa mucaaradkiisa, ama xoog ayuu ku muquuniyaa
  3. Wuxuu soo saaraa go’aamo uusan cidna ka la tashan
  4. La ma dhaliili karo, waana ammaan jecelyahay
  5. Ugu dambayn wuxuu hoojiyaa dadkiisa

2- Keli taliye wanaagsan (Good dictator)

  1. Wuu dhagaystaa dadka
  2. Wuxuu is ka yeelaa qof dimuqraaddi ah
  3. Go’aankiisa ayaa u cad marka ay timaado fulinta

1- Talowadaag (Democratic)

  1. Dadku ayuu la wadaagaa talada
  2. Wuxuu oggolyahay, in la naqdiyo, loona ammaano si caqli gal ah
  3. Waa qof u cudur daaran kara dadkiisa, haddii uu khalad galo ama uu fashilmo
  4. Dadkiisa wuxuu la jecelyahay horumarka iyo wanaagga.

Dabacan markaan intaas is la garanno, waxaa hubaal ah, in uu qof walba garan karo hogaamiyaasha ina soo maray waxa ay ahaayeen iyo meesha aan ka gelin karno diwaanka aan kor ku soo xusnay.

 

 

 Fisha qeybta xigta ee qormada.

 

SHARE

1 COMMENT

  1. Qora Maxamed Irbaad, waxa aad noso gudibiisay aqoon aad galiisay wakhti badan, Waxa ann rejeynaya in qormada xiigta ann akhriyo doono, waan la dhacaay farshaxannimada qotada dheer , waxa kale oo ann la dhacaay aragtidada wanaagsan, walaal alle ha kaa dhiigo qora ruun sheega oo arragtidisu samayso bulshada guud ahan,

Comments are closed.