Home Curis Agoonkii Hooyadii Illaaway Q2AAD W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

Agoonkii Hooyadii Illaaway Q2AAD W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

0
SHARE

 

IMG_3559E2-264EEF-F588B1-3014B1-C3C857-F408ED

Agoonkii Hooyadii Illaaway 

Abyan waa ka baxday kalinimo, nolosheeddii wehelka la ahayd wel’welka iyo walbahaarka waxay isku badashay mid waassan u baryey waqalna u hooray.Marxuumkii COLAAD, maanta waa mid Dunida uga tagay Farac, Magaciisuna kama suulin in lagu Abtirsado.

Waa Adduun iyo waayihiise wajigeeda waxaa laga dheehan karaa Nuur iyo naruuro dheeri ah, waxayna u muuqato qof ka soo kabanaya diiftii iyo darxumaddii ka soo gaartey Geeriddii Ninkeeda, Tiiyoo ay u dheerayd Uur ay culeyskiisa la daalaa dhacaysay 9 Bilood oo aysan helin Qof la qeybsada Canaabta iyo Culayska una Ciidamiya.

Abyan reerkoodii ma aysan aadin, iyaguna uma imaan, iyaduna waxay halkudheg ka dhigaatey” Nin fadhigaaga arkaya looma sare joogsado“ waa dhaqankii gobeed lagu yaqaanay Soomaalida inuusan qof baahida la alaladin oo hadba meel isku qaadine, waxaa kale oo jirta deegaanka oo aad u kala foggaa oo billo loo kala soconayey iyo colaad sokeeye oo jirtay.

Haatan xaalku sidii hore maaha,  guriga Abyan maaha mid aamusnaan badan ka jirto sidii hore. Inkastoo ODAWAA dhowr cesho uu Ifka joogo uusanna gaarin xilli uu hadaaqo, hadana Hooyadii  waxay ugu sheekaysaa sidii qof weyn oo warkeeda la jaanqaadaya! Haddii aad soo marto masaaafo u dhow halka ay ku dhaqanyihiiwaxaad Maqlaysaa gurdanka gurigooda ka dhacaya iyo Geeraaro marna lagu amaanayo ODAWAA, marna lagula dardaarmayo, marna Sooyaalkii nololeed ee labadiisa Waalid lagu xasuusinayo.

Abyan si ay u xajiso ALLANA ugu xamdi naqdo  nimcada ( Odawaa) uu siiyey ayey u yeertay Owgii ugu agaca dheeraa Tuftiisana loogu kalsoonaa  deegaanka.  Wadaadka war kuma seeganeen marxaladaha Qoysku ay soo marayn,  waana xog ogaal, maadama uu heyb kore la wadaago Jilib hoosaadka uu ka dashay agoonka Aabbihii.

Ow Geedi wuu aqbalay dalabkii uga yimid Abyan, wuxuna u soo hoyday habeen Jimco ah,  wixii uu kitaab haystay midna kama soo tagin, markii uu ka Af tirtey Lag iyo Lug  laga siiyey neefkii loo loogay, Laqanyadii Baruurtana laabtiisa labanlagdooneyso ayuu Qur’aan aqris bilaabey. habeenkaas wuxuu Aaydo Xijaab xir ah ku wareejiyey  tgurii reerka.  salaadda subax markuu tukadey Ow Geedi waagiina soo Iftiimey ayuu Abyan u yeeray una sheegay in ay wiilka ugu keento geed xalay gogasho u taalllay si uu dabaysha uga dugsado. Howraarsan ayey tiri, waxayna la soo agfadhiisatay Odawaa oo ay labadda gacmood ku hayso dhabtana u saaran, waxaa ka muuqday Abyan feejignaan dheeri ah haddii aad dhab u eegtana waxaad isleedahay; Ma waxay moodaa in uu ka fara baxsanayo Muluqu?

Halkii ayuu kula tufay kuna firdhiyey Tahliil wuxuuna Eebbe waydiistay Wadaadkii in Odawaa aanfo iyo illaaco intaba ka hayo. Abyan ayaa Owgii xasuusisey in uu Xirsi(Qardhaas) u xiro, maadaama uusan mar walba Wadaadku la joogin, suurta galna tahay in xeradaan laga guuro. wuuna yeelay.

Wuxuu gu’ba gu u dhiibo, geedina geedi, gurina guri, qofkii geeridiisu raagtana  gaboow ayaan ka raagayn.Odawaa  waa Gaban, Geela ma raaco laakin wuxuu Hooyadii u noqdey garab oo waa ka adagyahay  raacista Maqasha Ariga.

Abyan waa tii gabadh-nimadeedii ahayd  geenyo qurux u dhalatay, goortaanna waa galladantahay, Rag badan ayaa guur ka dalbay, laakin waxay goosatey in aan Nin dambe Garaarka ka furin. Ayadoo uga gollahayd in uusan Guul guul arkin Wiilkeeda Odawaa oo ay noole ugu jeclayd. Waxay guntiga dhiisha uga dhigatey sidii ay u kori lahayd una gaarsiin lahayd heer uu guri yagleesho.

 

W/Q C/fitaax Maxamed Xaambe

xaanbe@hotmail.com

SHARE