Home Curis Sheekadii Soddoho Q15AAD W/Q: Ahmed Hayow

Sheekadii Soddoho Q15AAD W/Q: Ahmed Hayow

0
SHARE

Aamina waxay shirka ka soo fadhiistay gaariga Daahir, asagoo ka fekeraaya xalki uu ka gaari lahaa mushkiladaha jira ayay Aamina ku tiri: “ma laguu sheegay sababta aan Qoryooleey u soo aaday?” Daahir ayaa ugu jawaabay: “waan ogahay sababta aad u soo aaday”.
Aamina ayaa tiri: “hooyo ayaan kala hadlay arrimihiina, waxay ii qiratay in ay ka dambeeysay diidamada hooyadaa diidan tahay in ay arooskiina ka soo qeyb gasho, waxaaneey ii sheegtay sababta ay sidaa u yeeshay, oo ah in ay adiga kugu adkeyso ogolaanshaha hooyadaa”.
Aamina intay xoogaa aamustay ayay tiri: “waxaan kuu sheegaa sirta ka dambeeyso ku adkeyntaas, oo ah in aad ogolaansho ka soo hesho hooyadaa, markaana aroosku uu dhoco ama diidmada hooyadaa ay sabab u noqoto in aad Raxmo is weysaan”.
Daahir markuu hadalkaa maqlay, ayuu gaariga wadada kala baxay, markuu soo celiyay ayay Aamina ku tiri: “Daahir shil baad na gelin gaadhay ee maxaa ku helay?” waxay ku sii dartay: “bes bes inta aad gaariga wado kula hadli maayo”.
Daahir ayaa yiri: “waa caadi, goorti aan ka soo leexanaayay god laamiga bartamihiisa ku yaala, ayuu taayar wadada ka baxay” ka dib ayuu ku yiri: “soow berri alaabta ilama soo rareysid?”.
Aamina ayaa ugu jawaabtay: “soow taad maqleysay wixi laygu dhigay, midda kale hooyo oo iiga shakisan in aan adiga kula jiro, ayaa igu tiri reerkaa iyo aniga dhexdeena ka bax” Daahir ayaa ku dooday: “ugu dambeynti hooyo Cambaro waa tay laheyd sida aad rabtiin yeela ee i mooda, taa micneheedu soow maaha in ay kuu ogolaatay in aad alaabta ila soo rarto”.
Aamina oo ku faraxday sida uu Daahir uga raali yahay in ay la shaqeeyso, ayaa ogolaatay in ay berri subax ugu timaado gurigooda, laakiin Daahir ayaa ku yiri: “Aamina ha isi soo dhibin, aniga ayaa ku soo doonaaya” sidaa ayuu gurigeedi ku geeyay.
Daahir wuxuu is tusay in Raxmo ay ka soo baxday waajibki hooyadeed ka saarnaa, ayadoo ay Aamina ku adkeysay, asaga waajibka saarana uu yahay in uu hooyadiis qanciyo, cid kasta oo ku adkeeysana ay tahay in uu ka guuleysto, sidaa daraadeed wuxuu iska dhaadhiciyay, hooyadii in ay jeceshahay wuxuu go’aan ku gaarana in ay ku raaceeyso haddii uu ficil la yimaado, waana sababta uu alaabta ugu raraayo Qoryooleey.
Guriga markuu yiri ayuu hooyadiis u sheegay alaabta inuu u raraayo Qoryooleey, hooyo Barni ayaa ku tiri: “islaantaas iyo gabadheeda miyaad nooga guurtay?” Daahir ayaa ugu jawaabay: “Raxmo hooyadeed annagaa wax ka rabno ee ayada waxba nagama rabto, markaan gabadheeda ka helnana waxay noqoneysaa gabadheena, oo carruurta ay noo dhashaa waa reer Xaaji Cabdi”.
Hooyo Barni ayaa tiri: “taasi waa marka aan Codweyn wax ka rabno, waa marka ay gabadheeda na soo siineeyso, laakiin hadda ayadaa wax naga rabto oo wiilkeenu u guuraayaa” Daahir ayaa yiri: “hooyo, waxaad sii diyaarisaa qolka ay degi laheyd Raxmo hooyadeed” hooyadiis oo hadalka ka dhex gashay ayaa tiri: “faan badanaa, asagoo u socda inuu noqdo reer Codweyn, ayuu i leeyahay islaanta ayaan soo rarayaa” Daahir ayaa yiri: “hooyo macaan uma haysan sidaa in aan kuula liito, laakiin waxaan is lahaa hooyadaa waxaad u tahay halyeey wax kasta awood u leh”.
Hooyo Barni oo erayadaa ka calool xumaatay ayaa tiri: “hooyo sidaa ulama jeedin, balse waxaan ogahay in ay arrintaa kugu adkaaneyso” Daahir ayaa yiri: “wax igu adkaanaayo ma jiro, haddii ay hooyadeey i garab taagan tahay” hooyo Barni intay wiilkeeda wejiga ka dhunkatay ayay tiri: “hooyo, har iyo habeen waa ku garab taaganahay, cid aan kaa jecelahayna ma jiro” Daahir ayaa yiri: “inta ay doonto ha igu qaadato, laakiin waxaa ballan ah, in aan reerkaa soo raro” sidaa ayay ku heshiiyeen Daahir iyo hooyadiis.
Baariis markay xafiiska ka timid, waxay aragtay walaalkeed iyo hooyadiis oo wada qoslaaya, way garatay in ay heshiiyeen, laakiin waxay ku heshiiyeen ayay garan weyday (ma Daahir ayaa ka tanasulay guurki Raxmo? mise hooyo ayaa ogolaatay wax walba?).
Qolkeeda markay aaday ayay Baarliin ugu tagto, waxayna u sheegtay inuu Daahir guuraayo berrito, Baariis waxay la noqotay in arrinkaa lagu deg degay, markaa ayay fadhiga ugu timid reerki, waxayna weydiisay sababta keentay deg dega, Daahir ayaa ku yiri: “alaabta uun baa guureeyso maahine, aniga waan sii joogaa” ka dib qaabka howlaha loo gelaayo ayaa laga sheekeystay.
Habeenkaas reer Xaaji Cabdi waxay ku seexdeen farxad, inta aan ka aheyn Daahir oo og in ay u dhiman tahay sida uu hooyadiis uga dhaacin lahaa, inay Codweyn raaligeliso, shuruudaas oo ka mid aheyd shuruudihi uu Codweyn la soo galay.
Laba gaari oo alaabta lagu qaado ayuu Daahir soo kireeyay iyo rag xamaali ah oo alaabta rara, inti ay saabaanka raraayeen ayuu Aamina ka doonay gurigeeda.
Codweyn oo weli guriga ka soo bixin, ayay yimaadeen baabuurti xamuulka siday, laba qol oo firaaqo ahaa ayaa alaabta loo qorsheeyay, waxaase dhib noqotay sida loo gelin lahaa, waayoo qolalka ilinkooda waxaa ka weyn alaabta la gelin rabo, iska daa wax kalee irida bannaanka shay aan furfurneeyn lagama soo gelin karo.
Waxaa laga badin waayay, in kuraasta fadhiga iyo armaajooyinka kor laga soo geliyo guriga, oo ay rag xoog leh isu dhiibaan, deyrka markii la geeyayna meel loo dhaafiyo waa la garan waayay, ileyn qolalka lama gelin karee, sidaa daraadeed deyrka ayaa la dhigay kuraasti salootada aheyd iyo labadi armaajo.
Qol waxaa la geliyay sariirti jiifka iyo armaajo yar, qolka kalana miis iyo kuwaasti qadada iyo maacuunta.
Deyrka guriga waa daash aan laamiyeeri laheyn oo dhis ka sameysan, waxaana saqaf u ah saara saare lagu abuuray, kaas oo aan roobka celineynin balse har wanaagsan leh, hore looguma soo tala gelin darbaal ama bac lagu daboolo kuraasta hadduu roob yimaado, waxaan xitaa laga fekerin alaabta la sido iyo guriga loo sido in ay is anfacaayaan iyo in kale.
Codweyn iyo gabdheheedu way daawanayeen, waxaana u muuqday Aamina oo dhididki kaga dhammaaday soo gurista alaabta iyo amar bixinta halka la dhigaayo, ugu dambeyn, daahyada ayaa loo xiray labadi qol, kuwaas oo la geliyay midba inta geli karto, ka dibna furayaashi qolalka waxaa gacanta loo geliyay hooyo Codweyn.
Marka ay bixi lahaayeen ayay Codweyn weydiisay: “maalintee ugu talagasheen in aad xafladda ka dhigtaan?” Aamina waxay fiirisay Daahir si uu uga jawaabo su’aasha, laakiin Codweyn ayaa tiri: “ma rabo in aad ogaal la’aan guriga iska timaadaan, waayoo haddii aad maanta imaan laheydeen aniga oo maqan, albaabta oo dhan waxaad uga tegi laheydeen bannaanka, sababta oo ah waxaan la tegi lahaa furayaasha qolalka, mana imaan laheyn maqribti ka hor”.
Aamina ayaa tiri: “hooyo anigaa beerta kaaga soo qaadi lahaa” Codweyn intay qososhay ayay tiri: “war ma adigaa naga haayo oo og waxa aan ku suganahay, beerta ayaan kaaga soo qaadi lahaa kute! maba oga in ay yaanyo ii soo go’day oo aan u safarsanaayo Xamar, naa iska aamus”.
Daahir ayaa yiri: “hooyo waxaan kuu soo sheegayaa maalin ka hor marka aan howsha geleyno” Aamina hadal xumada hooyadeed ayay la ilmeysay, waxaa gacanta ka qabsatay walaasheed Raxmo oo qolka la gashay, intay ilmada ka tirtirtay ayay ku tiri: “abaayo waan ogahay dadaalka aad ugu jirto sidi aan reer u yeelan lahaa, waxaana kaa baryaa in aad hadalka hooyo ka xumaan” Aamina ayaa tiri: “hooyo run bay ku hadashay, sababta ilmada iga keenayna waa middaas”.
Aamina ma soo degi karto Qoryooleey, waayo hooyadeed iyo odaygeeda isma arki karaan, waxaa intaa u sii dheer gabadheeda Nasro Cabdullaahi oo ka baqda ayeeyadeed.

La soco. ……16aad.

SHARE