Home Curis Sheekadii SODDOHO Q.17aad. W/Q. Ahmed Hayow

Sheekadii SODDOHO Q.17aad. W/Q. Ahmed Hayow

0
SHARE

Codweyn ayaa mar kale Raxmo ku tiri: “ninka inuu ku furo weydiiso” Raxmo intay Daahir fiirisay ayay tiri: “hooyo, Daahir wuxuu iga ballan qaaday, haddii aan ku dhoho i fur in aanu i furin, ilaa uu asaga ka go’aansado, sidaa daraadeed kun jeer haddii aan ku dhoho igama yeelaayo”.

Daahir neef ayaa ka soo fuqday, wuuna gartay in ay Raxmo asaga la hadleeyso, markaa ayuu xakamaha sii adkeystay, si aanu ugu dabacsanaanin dagaalka ku soo fool leh.

Hooyo Codweyn ayaa Daahir ku tiri: “gabadheeyda ii fur, oo madaxeeda i maqashii” Daahir ayaa ku yiri: “Raxmo waxaan ka ballan qaaday in aan ka tegin ilaa aan ka dhinto”.

Codweyn waxay is tustay wakhti badan in ay sii soconeyn sheekadaas, haddii ay gabadheeda ka haysatana uu Daahir guri cidla’ ah joogi karin, markaa ayay ku tiri: “khiyaarkaa, laakiin waxaad ogaataa in ay Raxmo naag kuu noqoneynin inta aan noolahay”.

Intay Raxmo qolkooda u dirtay ayay Daahir ku tiri: “haddii aad bixi rabto, inta albaabku furan yahay bax” Daahir ayaa yiri: “meelna uma socdo”.

Codweyn oo xeerka guriga u sheegeeyso ayaa ku tiri: “gurigaan amar ayaa lagu joogaa, kaas oo ah albaabka aniga ayaa xira, aniga ayaana fura, qof kale oo howshaas shuqul ku leh ma jirto” waxay u raacisay: “meeshi aad rabto joog ama seexo, waxaa kale oo aad ogaataa, albaabka in aad ka degeynin berri subax ka hor”.

Markuu ka ogolaaday ayay albaab bannaanka soo xirtay, qolkeeda intay gashay ayay dhexda ka xiratay.

Kursiga fadhiga ayuu Daahir habeenkaa seexday, in kastoo aanu wax badan hurdin.

Codweyn markay soo toostay, waxay aragtay asagoo jiifa kursiga, ka dibna waxay gashay jikada, alaabta ay dhaqeysay shanqarteeda ayaa Daahir toosisay, markaa ayay albaabka u furtay, Daahir asagoo aan cadayan ayuu guriga ka baxay.

Codweyn waxay aragtay Raxmo oo sii fiirineysa Daahir, markuu ilinka ka degay ayay Raxmo hoos fiirisay, hooyadeed waxaa u caddaatay in ay gabadheedu raali ka aheyn go’aanka ay qaadatay, markaa ayay ku tiri: “fiirin miyaa weli kuugu dhiman Daahir?”.

Raxmo oo aan ka jawaabin su’aashaas ayay Codweyn tiri: “waxaan maqli jiray, in ay Raggu yiraahdaan: (Naag been ayaa lagu guri keenaa, runna waa lagu dhaqaa) laakiin weli ma maqlin mana arag reer fekradaa qaba, oo ku soo heshiiyay in ay xoolaheena been been ku helaan”.

Raxmo oo u dhaqaaqday in ay daashka xaaqdo, ayay hooyo Codweyn ku tiri: “maxaad ii dhegeysanee?” Raxmo ayaa tiri: “hooyo, markaan baranaayay Daahir, wuxuu watay mootadiisa, waana ogahay in uu aabihiis leeyahay baabuurta iyo inuu isagu jecleyn wadista gawaarida”.

Codweyn ayaa ku dooday haddii aanu Daahir jecleyn gawaarida, sababta uu u soo qaadanaayay marki hore, oo uu ugu imaan waayay mootadiisa, wax jawaab ah kama helin Raxmo oo howsheeda ku sii jeesatay.

Daahir wuxuu u tegay mootadiisi oo dhinac u taalo, intuu soo toosiyay ayuu arkay in ay Codweyn ka jebisay muraayad haad ugu dhegenaa isteerinka iyo in ay ka buustay barafaangaha lugta hore, wuxuu fiiriyay in ay lugtu wareegi karto iyo in kale, markuu arkay in ay wax walba caadi yihiin, ayuu ku shaqo tegay.

Xafiiska wuxuu ugu tegay walaashiis Baariis oo la yaabtay sababta uu u soo shaqa tegay asagoo aroos ah, wuxuu u sheegay sida ay wax u dheceen iyo khaladka ay Codweyn ka fahamsan tahay reerkooda.

Baariis ayaa tiri: “waa caqabad kale oo xalkeedu sahlaneyn, waayoo xalay oo dhan hooyo ma seexan, waxayna ka seexan wayday cabsi ay ka qabtay in ay Raxmo hooyadeed wax ku gaarsiiso, haddana haddii ay maqasho in mootadaadi ay kal la dhacday, waxaan hubaa inuu xaalku wanaagsanaaneyn”.

Daahir ayaa yiri: “laga fursan maayo in ay hooyo ogaato waxa jira oo dhan iyo in aabe loo sheego, waayoo waxaan rabaa, fekerka ay naga qabto Raxmo hooyadeed in la tuso inuu yahay feker khaldan” Baariis ayaa tiri: “ma ila qumana in aad hooyo u sheegto iyo in ay maanta ku aragto, ugu yaraan labo ama seddex maalmood waa in ay ku arkin, si hoos ahna aan arrinka u dhammeeyno”.

Daahir wuxuu damacsanaa inuu guriga ka soo qaato gaariga Land cruiser ka ah, reerkana u sheego sababta uu u qaadanaayo, laakiin talada walaashiis siisay ayuu ka aqbalay, sidaa daraadeed wuxuu iska aaday xeebta liido.

Galabti wuxuu ku soo laabtay gurigiisa, cid la hadashay ama wax ku darsatayna ma jirin, wuxuu habeenkaa iska seexday kursigiisi.

Subaxdi markuu soo toosay, asagoo sii baxaaya ayay Codweyn ku tiri: “shaqadaada ma waxay noqotay in aad guriga soo gasho iyo in aad ka baxdo oo kali ah? maba ogid miyaa in marasho iyo masruuf lagugu leedahay inta aad madaxa Raxmo haysato?” intay u tilmaantay miis jikada yaala ayay ku tiri: “miiskaas saar madaxeeda ama masruufkeeda, waayoo xaq ayay kuugu leedahay”.

Laba kun ayuu miiska saaray, dabadeedna albaabka ayuu ka baxay, Codweyn lacagti markay soo qaaday, waxay ku fekertay in ay xoogaa ku darto oo ay alaabta ugu rarto guriga reer Xaaji Cabdi, laakiin cawada markuu Daahir yimaado ay u sheegto.

Raxmo ayaa hooyadeed ku tiri: “maadaama uu Daahir gutay xaqi aan ku lahaa, miyay aheyn in aan anigana guto xaqa uu igu leeyahay?” Codweyn ayaa tiri: “maantana ma sheekadaas ayaad keentay! markuu yimaado gacanta ka qabso, oo meeshi aad doonto kala dhac”.

Raxmo ayaa tiri: “hooyo, waxaad Daahir ku tiri: inta aad madaxa Raxmo haysato, waxay kugu leedahay marasho iyo masruuf, anigana sidaa oo kale miyaanuu iigu laheyn, in aan raashin u kariyo? waana middaa midda aan ka hadlaayay ee laga yaabo in aan kaa raaco sanku neefle oo idil” Codweyn intay run u qososhay ayay tiri: “iga aamus ee waxa aad rabto u kari”.

Wax yar ka bacdi ayay gabadheeda weydiisay: “caawa maxaad u karinee Daahir?” Raxmo intay fekertay ayay tiri: “ninkeeyga waxa uu jecel yahay ma aqaano, laakiin digir salbuko iyo saliid macsaro ayaan caawa siinaa” Codweyn ayaa tiri: “kaas nin kuu noqon maayee, mid dhaama ayaan kuu raadinaa”.

Daahir maalintaa oo dhan wuxuu joogay degmada Afgooye, halkaa ayuu ka qadeeyay, wuxuuna ku soo wareegay xaafadaha Afgooye, inta badana wuxuu ku qaatay webiga dhiniciisa, asagoo ka fekeraaya sidi uu ku xallin lahaa caqabadda soo foodsaartay.

Wuxuu jeclaa inuu Raxmo kala tashado, xalka ugu haboon oo lagu furdaamin karo arrimaha murugsan, laakiin uma muuqato wado ay ugu suurta gali karto.

Codweyn waxay waardiye ka qabatay Raxmo, beerta iyo howlaheediina waxay ku wareejisay dad ay jumlo uga gadatay, in kastoo ay neceb tahay in ay dad u fasaxdo beerteeda, waayoo beerta kama dhammaanaayaan inta uu ka qallalo geedka yaanyada ah oo ay iibsadeen, wakhti badana ayay ku qaadaneeysaa in ay ka faaruqaan, balse waxaa uga muhiimsanaaday in ay Raxmo ka ilaaliso Daahir.

Aamina oo xafiiska ugu timid Baariis, ayaa aragtay in ay xiran tahay katiinadi iyo dhegihi ay soo sameysatay, markaa ayay ku tiri: “dahabkaan lacagti la iigu sameeyay, weli waa laygu leeyahay” Baariis ayaa tiri: “meeqaa lagugu leeyahay?” Aamina ayaa ugu jawaabtay: “dhib malaha anigaa bixinaayo” ayadoo is moogeeysiineeysa ayay Baariis weydiisay: “arooski war ma ka haysaa?”.

Baariis ayaa tiri: “war kama haayo, laakiin todobada shaash saarka ayaan u tegeeynaa”.

Cabbaar marki ay sheekeysteen, ayay Baariis u soo furtay dahabki, oo gacanta ka saartay Aamina, waxayna ka codsatay in ay uga war keento reerka arooska ah.

 

La soco. …..18aad.

SHARE