Home Qoraallo Diinta iyo Dhaqanka suubbani is ma diiddana! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

Diinta iyo Dhaqanka suubbani is ma diiddana! W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

0
SHARE

images

Diinta iyo Dhaqanka suubbani is ma diiddana!

 

Diinta Islaamka waxaa loo soo dejiyay, in dadka noloshooda lagu badbaadiyo, laguna horumariyo. Waxay u timid, in ay xalliso dagaallada qabiilka, addoonsiga, isnacaybka iyo dhaca hantida. Waxay dhiirrigelisay: iskaalmaynta iyo horumarinta dhaqaalaha. Waxyaabaha Diinta loo soo dejiyay, in ay ilaaliso waxaa ka mid ah:

  • Nafta
  • Hantida
  • Sharafka Aadanaha

Diintu waxaa kale oo ay ilaalisaa: wadajirka ummadda, isdhexgalka bulshada, horumarinta caddaaladda iyo dhowrista nidaamka iyo ka la danbeynta. Diintu markii ay soo gaartay Jasiiradda Carabta, dadku waxay ahaayeen kuwo aan intooda badan Diin haysan, ha yeeshee, noloshooda ku maareeya dhaqan. Shaqankaasi wuxuu isugu jiray mid wanaagsan iyo qayb xun. Dhaqammadii wanaagsanaa ee dadkaasi haysteen, Diinta Islaamku way boorrisay, waxaana ka mid ahaa: marti soorka, deris wanaagga iyo geesinnimda, iyo kuwo kale oo suubban.

Haddaba, waa maxay DHAQAN? Erayga dhaqan, dhayal lagu ma fahmi karo, waa eray da’yarta maanta joogtaahi ay fikrado ka la geddisan ka haystaan. Dhaqanku ma ahan mid ku kooban dharka iyo ciyaaraha hiddaha, sida dhallinyarada qaar ay aamminsanyihiin. Dhaqanku wuxuu saameeya dhammaan nolosha. Dhaqanku waa taariikh, waa tusaalooyinka gaarka ah oo ummad lagu tilmaansado, mar na waa istaageeris.

Dhaqanka waxaa kale oo lagu qeexaa: Astaamaha afkaareed, kuwa muuqda ee la taaban karo, kuwa aqooneed iyo kuwa la xiriira dareenka ee u gaar ah bulsho ama koox bulsheed. Waxa uu meel isugu keenayaa, fanka, farshaxanka iyo qoraallada ka sokow, hab nololeedyada, xuquuqda asaasiga ee qofka Aadamiga ah, qiimagelinta, caadooyinka iyo diimaha.

 

Soomaalidu maxay dhaqan u taqaannaa?


Dhaqanka Somaalidu waa mid leh taariikh dheer, oo muddo lagu soo noolaa. Wuxuu caan ku ahaa, waxyaabo badan oo nolosha qiimo u leh sida: farsamo facweyn oo noloshii hore lagu soo maareeyay. Xilligan la joogo dhibaato wayn ayaa haysata dhaqankii, bulshadii dhaqankii waxaa loogu fasiray, in uu yahay fanka iyo suugaanta oo kali ah, fanka iyo suugaantu waa qayb ka mid ah dhaqanka, ha yeeshee, dhaqanku intaa wuu ka guda waynyahay.

Noloshii hore ee Soomaalidu way qurux badnayd, waayo, waxay walba ka raadin jireen dhaqankooda. Dhaqankii hore ee wuxuu kulansaday: Farsamada nolosha lagu soo hagaajiyay, caadooyinka qofka ka caawiya sida uu u noolaan lahaa, hannaanka maamul iyo midka dhaqaale, xeer hoosaad wax walba laga dajiyay, goobo garta lagu gooyo, afmaalmolo iyo Suugaan dunida laga tixgaliyo.

Marka aan u soo laabto Diinta iyo dhaqanka Soomaalida, dadka Soomaalidu waxay ahaayeen, ummad Muslin ah muddo dheer, Diintu waxay soo gaartay Soomaaliya xilli aad u fog, sidaas darteed, ayuu dhaqanka Soomaalidu -intiisa badan- Diinta ku qotomaa, maahmaaho, murti, gabayo iyo geeraarro badan oo Soomaali ah ayaana tusaya, sida dhaqankeennu uu ugu saleysanyahay Diinta, waxaana ka mid ah:

  • Gari Alley taqaannaa
  • Allow gefkeenna iyo gerideenna ha kulmin.
  • Nin is faanshay waa ri’ is nuugtay oo kale.
  • Tala walaalki diide, wuu taraaturroodaa.
  • Iskaashato ma kufto.

Waxaa nasiib darro ah, in waayadan danbe, ay soo baxeen dad dhaqanka Soomaaliya oo dhan ka dhigaya mid jaahili ah, wax kasta oo wanaagsanaana daaqadda ka tuuraya. Dadkaasi waxay moodeen, in dhaqanku si ahaan ba xunyahay! U mana maleynayo in ay si miyir ah, oo qotadheer u dhuuxeen taariikhdii Rasuulk (NNKH. Siirada Nabigu waxay si cad kuugu qeexaysaa habkii uu Nabigu u la macaamilay dhaqammadii ka horreeyay; wax kasta ma diidin, dhaqankastana ma qaadan. Dadka dhaqan la dirirka ahi, waa kuwo aysan u ka la saarnayn, maxaa xun, maxaase dadka anfacaya? Waa dad aan jeclayn aqoonta, caqliga, xigmadda iyo aragti wadaagga.

Ujeeddo kasta oo Diinta Islaamku higsanayso, waxay uun ku dul wareegaysaa laba middood; ummadda oo wanaag loo horseedo (Adduun iyo Aakhiro), iyo wax kasta oo dhib ah, oo looga digo (Adduun iyo Aakhiro).

Dhaqan ama hab nololeed kasta, oo labadaas xaqiijinaya, waa in aan adkeynaa, horumarinaa, aanna bogaadinnaa.

 

W/Q: Cabdulqaadir Cali Axmed

E-mail: abddulkadiralieco@gmail.com 

SHARE