Home Qoraallo JIHAADKU waa DIFAACAHA XAQA iyo XORRIYADDA W/D: Dr. Abdullahi M Husseein

JIHAADKU waa DIFAACAHA XAQA iyo XORRIYADDA W/D: Dr. Abdullahi M Husseein

0
SHARE

JIHAADKU waa DIFAACAHA XAQA iyo XORRIYADDA

Dad baa kolkay jihaad maqlaan jujuub iyo khasab goobta soo dhiga. Arintu sidaa maaha ee asalka kalmadu waa dadaal iyo juhdi bixin si loo joojiyo dulmi iyo gardaro. Culimada islaamku waxay isku waafaqeen inuusan jihaadku qaayada loo socdo ahayn ee uu yahay wasiilo.

Si kale haddaan u iraahdo jihaadku maaha ujeedo ay khasab tahay in la maro ee wuxuu noqon karaa waddo loo maro ujeedooyinka islaamka haddii laga fursan waayo. Sawabtii uu ku yimi ayaaba sidaas ahayd oo kolkii suubane muxamad scw uu ku yiri kuwii uu la noolaa:-waxaan idiin ahay mid idiin nasteexaynaya oo idiinka digaya dulmida

Dacwada aan idiin sido iyo diinkan aan idiinku yeerayana maaha mid khasab iyo jujuub wata ee kaliya waa kalmado idiin dan ah ee aan xagga rabbi idiinka sido oo aad ama dooni kartaan ama diidi kartaan.

-وَقُلِ الْحَقُّ مِنْ رَبِّكُمْ فَمَنْ شَاءَ فَلْيُؤْمِنْ وَمَنْ شَاءءَ فَلْيَكْفُرْ إِنَّا أَعْتَدْنَا لِلظَّالِمِينَ نَارًا. 
Waxaad tiraahdaa xaqa xaga rabigiin ayuu ka ahaaday ee kii doona ha rumeeyo kii doonana ha iska diido kolay anagu daalimiinta gabood falaya naar baan udiyaarinay

-لا اكراه في الدين قد تبن الرشد من الغي. 
Diinku khasab maaha waayo hanuunku waa mid ka muuqasho og baadida 

-فَذَكِّرْ إِنَّمَا أَنْتَ مُذَكِّرٌ (21) لَسْتَ عَلَيْهِمْ بِمُسَيْطِرٍ (22)﴾. 
Adiga waani oo wax usheeg adiga waxaad tahay mid waaninaya oo kaliya dushooda khasab kuma lihid. 

نَّحْنُ أَعْلَمُ بِمَا يَقُولُونَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْهِم بِجَبَّارٍ ۖ فَذَكِّرْ بِالْقُرْآنِ. 

Anagu waan ognahay waxa ay oranayaan adiguna ma tihid mid khasbaya iyaga ee quraanka ku waani cidii uu goodiga alle cabsi galinayo. 

Haddii uu rasuulka muxamad ah scw ujeedadiisii wanaag faridda ahayd u cadeeyay qureysh waxaa qabatay cizo iyo kibir iyo isla weynin Waxay ku jawaabeen dulmi iyo gardaro waxay hor istaageen xoriyatul qowlka waxay yiraahdeen waxba nooma sheegi kartid kamana bixi kartid diinteena namana khilaafi kartid.

Bal intaas kuma aysan ekaysane waxay bilaabeen adyad iyo gacan ka hadal aakhirkii kalifay in nebi muxamad iyo intii raacday ay ufirxadaan meelo kale oo madiina ka mid tahay iyaga oo ka tagay magaaladoodii maka.  Intaas kuma aysan harine waxay oga daba tageen meelihii ay uqaxeen rasuulka iyo asxaabtiisa si ay usoo baabi’iyaan. Xoolo kama sidan xaqna kamay wadan ee waxay ugu xoog sheeganayeen sideed wax noogu sheegi kartaa kibir iyo xadgudub dartiis.

Quraysh kaliya maahayn kuwa xoriyada diiday ee gaaladii hore oo idil sidaas bay xaqa iyo xoriyatul qowlka isu hor taagi jireen oo u handadi jireen.

Waxay rususha ku oran jireen.

– ۖ لَئِن لَّمْ تَنتَهِ لَأَرْجُمَنَّكَ ۖ وَاهْجُرْنِي مَلِيًّا (46) 
Hadaadan ka joogin waxaad waddo ibraahinow waan ku rajmin ee iga dheerow. 

– قَالُوا يَا شُعَيْبُ مَا نَفْقَهُ كَثِيرًا مِّمَّا تَقُولُ وَإِنَّا لَنَرَاكَ فِينَا ضَعِيفًا ۖ وَلَوْلَا رَهْطُكَ لَرَجَمْنَاكَ ۖ وَمَا أَنتَ عَلَيْنَا بِعَزِيزٍ. 
Shucaybow waxaad sheegayso in badan oo ka mid ah anagu ma fahmayno waxaanan kuu aragnaa mid daciif ah hadaysan ciso aan reerkaada uhayno kaaga baqayna waa hore ayaan dhagax kugu dili lahayn mid agteena qiimo ka lehna ma tihid.

– {قَالُواْ لَئِنْ لَّمْ تَنْتَهِ يانوح لَتَكُونَنَّ مِنَ المرجومين} 
Nuuxoow waxaad waddo hadaadan joojin waxaad ka mid noqon doontaa kuwa dhagaxa lagu dilo. 

قَالُوا أَوَلَمْ نَنْهَكَ عَنِ الْعَالَمِينَ (70)
Miyaanan kaa reebin inaad inta dad marti galiso aad meelaha wax ka sheeg sheegto. 

Haddii umadihii hore ee ambiyada rumaysay inta alle ugargaaro uu kuwa dulmiga wado isaga halaagi jiray. Laakiin ummada tan waxaa ilaahay ku badbaadiyay ducadii nabiga raxmadda iyo dulqaadkiisa waayo isagaa rabi weydiistay inaan umadan lagu soo dajin cadaab baabi’iya sidii umadihii hore ilaahayna taa waa ka yeelay.

Taas badalkeedna ilaahay waxa uu sharciyeeyay in layska difaaco kuwa xaqa iyo xoriyatul qowlka hortaagan haddii inta samaha wadda ay helaan awood daalimiinta hor istaagi karta.

– أُذِنَ لِلَّذِينَ يُقَاتَلُونَ بِأَنَّهُمْ ظُلِمُوا ۚ وَإِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ نَصْرِهِمْ لَقَدِيرٌ (39) 
Waxaa la faray kuwan lala dirirayo ee la dulmiyay in ay is difaacaan ilaahayna waa karaa inuu u gargaaro. 

Intaa wixii ka dambeysay muslimiinta waxay bilaabeen dhaqdhaqaaq difaac oo ay kaga hor tagayaan gardarada iyo kibirka qureysh oo intay guryahoodii ka soo saareen misana kaga daba yimid gayigii kale ee ay uqaxeen. Waxaa kale oo la faray inay iska celiyaan kuwa la diriraya oo kaliya oo aysan iyagana xadgudbin.

وَقَاتِلُواْ فِي سَبِيلِ اللّهِ الَّذِينَ يُقَاتِلُونَكُمْ وَلاَ تَعْتَدُواْ إِنَّ اللّهَ لاَ يُحِبِّ الْمُعْتَدِينَ (190) وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ ثَقِفْتُمُوهُمْ واخرجوهم من حيث اخرجوكم. 

Kula dirira jidka alle kuwa idinla diriraya oo kaliya hana xadgudbina waayo alle ma jecla kuwa xad gudbaya
Ku dila kuwaas idinla diriraya goob kastood ka heshaan oo ka saara halkii ay idinka soo saareen

Waxaa kale oo muslimiinta la faray kuwa la diriraya kolay ku tahay haday dagaalka joojiyaan oo ay nabad soo bandhigaan in laga aqbalayo nabadda oo dagaalka laga joojinayo.

– وَإِن جَنَحُوا لِلسَّلْمِ فَاجْنَحْ لَهَا وَتَوَكَّلْ عَلَى اللَّهِ ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْعَلِيمُ (61) 

Haday nabad soo bandhigaan ka aqbal oo allana talo saaro waayo waa mid maqla oo cilmi badane.

Waxa kale oo uu alle yiri

وَلَوْ شَاءَ اللهُ لَسَلَّطَهُمْ عَلَيْكُمْ فَلَقَاتَلُوْكُمْ فَإِنِ اعْتَزَلُوْكُمْ فَلَمْ يُقَاتِلُوْكُمْ وَأَلْقَوْا إِلَيْكُمُ السَّلَمَ فَمَا جَعَلَ اللهُ لَكُمْ عَلَيْهِمْ سَبِيْلاً. (سورة النساء أية 90).

Haddii alle doono gaalada wuu idinku salladi lahaa markaasay idinla diriri lahaayeen ee haddii ay idinka dheeraadaan oo aysan idinla diririn oo ay nabad idiinku baaqaan markaas alle idiinma yeelin jid aad kula dirirtaan. 

Islaamka waxa uu ka dhigay dagaalka loo galo difaaca kalmadda alle ee cadaalada iyo xoriyadda ah dagaal midka ugu karaamada badan wuxuuna ku booriyay muslimiinta in ay naf iyo maal uhuraan.

– انفِرُوا خِفَافًا وَثِقَالًا وَجَاهِدُوا بِأَمْوَالِكُمْ وَأَنفُسِكُمْ فِي سَبِيلِ اللَّهِ ۚ ذَٰلِكُمْ خَيْرٌ لَّكُمْ إِن كُنتُمْ تَعْلَمُونَ (41) .
Baxa oo duula idinka oo ah kuwo fudud iyo kuwo culus oo ku difaaca maalkiina iyo naftiina wadada alle taasaa idiin khayr badan haddii aad tihiin kuwo wax garanaya

(39) إِلَّا تَنصُرُوهُ فَقَدْ نَصَرَهُ اللَّهُ إِذْ أَخْرَجَهُ الَّذِينَ كَفَرُوا ثَانِيَ اثْنَيْنِ إِذْ هُمَا فِي الْغَارِ إِذْ يَقُولُ لِصَاحِبِهِ لَا تَحْزَنْ إِنَّ اللَّهَ مَعَنَا ۖ فَأَنزَلَ اللَّهُ سَكِينَتَهُ عَلَيْهِ وَأَيَّدَهُ بِجُنُودٍ لَّمْ تَرَوْهَا وَجَعَلَ كَلِمَةَ الَّذِينَ كَفَرُوا السُّفْلَىٰ ۗ وَكَلِمَةُ اللَّهِ هِيَ الْعُلْيَا ۗ وَاللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٌ (40)

Hadaydaan ugargaarin rasuulka ilaahay baa hore ugu gargaaray waqti ay soo bixiyeen kuwii gaaloobay isagoo uu mid kale wehliyo oo god ku jira markii uu kulahaa saaxiibkii ha murugoonin waayo alle ayaa nala jira oo markaas uu alle ku soo dajiyay xasilooni oo uu ku taageeray ciidamo aydaan arkaynin oo uu ka dhigay kalmada kuwii gaaloobay mid hoosaysa kalmadda allana mid saraysa ilaahayna waa mid ay mar kasta tiisa uun socoto oo fal suuban.

Rasuulka scw wuxuu yiri:-

-(من قاتل لتكون كلمة الله هي العليا فهو في سبيل الله)
Qofkii u dagaalama in ay kalmada alle noqoto midda saraysa kaas uun baa jidkii alle haya. 

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم لا يكلم أحد في سبيل الله والله أعلم بمن يكلم في سبيله إلا جاء يوم القيامة اللون لون الدم والريح ريح المسك قال أبو عيسى هذا حديث حسن صحيح 
Rasuulku scw euxuu yiri axad kasta oo lagu dhaawaco difaaca wadada alle maalinka qiyaame wuxuu yimaadaa iyada oo uu dhaawucu midab dhiig leeyahay laakiin uu carafku yahay sidii miski. 

– عن أنس بن مالك رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: ((لغدوة في سبيل الله أو روحة خير من الدنيا وما فيها)).
Ku jarmaadid jidka alle ama ku caraabid ayaa ka kheyr badan adduunyada iyo waxa dulsaaran oo dhan. 

Jidka alle waa cadaalad iyo wixii ka farcama oo wanaag oo dhan ah
Jidka alle waa xoriyadda iyo towxiidka iyo ka dheeraanshaha shirkiga iyo wax kasta oo alle ka soo haray
Jidka alle waa nabadda iyo nolosha aadanaha
Jidka alle waa in laga dheeraado layskana diido dulmiga
Jidka alle waa in lagu dhaqmo kitaabka alle laguna toosnaado wanaaga uu farayo
Jidka alle waa raxmada iyo naxariista
Jidka alle waa akhlaaqda iyo dabeecadda wanaagsan
Jidka alle waa soo jiidashada wax kasta oo wanaag iyo maslaxad u ah aadanaha
Jidka alle waa iska fogaynta wax kasta oo liddi ku ah amniga iyo nabadda ummadda
Jidka alle waa iskaashiga iyo wadajirka 
Jidka alle waa midnimo iyo wax wada qabsi
Jidka alle waa isticmaalka caqliga oo ka mid ah nimcooyinka uu ku galadaystay aadanaha kuwooda ugu mudan
Jidka alle waa in laga dheeraado adyadda oo qof kasta laga nabad galo afkiisa iyo addinkiisa

Ugu dambayntii waxaan alle ka baryayaa in uu inaga dhigo kuwo si dhab ah ufahmo maqsadka diintiisa oo ku dhowrsada ilaalinteeda adduun iyo aakhiraba

W/D: Dr. Abdullahi M Husseein

SHARE