Home Qoraallo Farsamo mise fursad?! W/Q: Faisal Hussein

Farsamo mise fursad?! W/Q: Faisal Hussein

0
SHARE

pizap.com14568420843781

Farsamo mise fursad?!

Qurbaha waxaa ka jira, dad xirfad ka dhigtay, inay dadka lacago ka aruuriyaan. Dadkaasi waxay wataan gawaadhi, waxay isaga ka la gooshaan gobal ilaa gobal, tuulo ilaa tuulo, qaarkood waxay sitaan buugaag waaweyn iyo faylal ay ku soo qorteen mashruucyo maalgalin u baahan iyo rasiiddo ay u jaraan qofka lacagta ugu yabooha. Xirfadlayaashaasi marba xeelad ayay ku shaqaystaan. Mar waxay kuu sheegayaan, in masaajid la dhisayo ay lagac ururinayaan, mar waxay ku tusayaan sawirro laga soo qaaday carruur iyo dad tabardaran, waxay kuu sheegayaan, inay doonayaan, inay dadkaa caawiyaan, adigana sidaa kuugu yimaadeen. Mar waxay ku dhahayaan meel hebla, oo aan madaraso carruurtu wax ku barato lahayn, ayaa dugsi loo dhasiyaaye wax keen, oo ka qeybqaado.

Xaqiiqaduse intaaba way ka duwantahay, oo lacagahan ay gurayaan iyagaa cuna, oo isticmaala. Waxa laga yaabaa, inay waxyar siiyaan dadkaa ay ku qaraabteen magacooda. Waa caan, wadaaddo ayay is ka soo dhigaan, waa dad la wada yaqaan waa kuwo la ogyahay, inay sidaa ku xamaashaan, la la ma yaabo, oo waa dad shaqaysanaya!

Dhowr sano ka hor soomaalida ingiriiska daggan ayaa u baahday, inay iibsadaan guriweyn oo ay doonayeen, inay masaajid u badalaan, gurigu qiimo lacageed, oo aad u badan ayaa lagu iibinayay, taasi waxay keentay, in dadkii gurigaa rabay, inay iibiyaan u baahdeen awood dhaqaale, si ay dhaqaalahaa u helaanna, wuxuu qorshihii noqday in telefishinka laga baahiyo, in muuqbaahiyaha rag culimo ah la soo fariisiyo, si ay dadka ugu qanciyaan, inay lacag bixiyaan, kuna boorriyaan sadaqada iyo masaajid dhisiddu fadliga ay leedahay. Barnaajikaasi wuxuu ahaa kii u horreeyay ee telefishin laga baahiyo intaan ogahay, waanu guulaystay oo sidii la rabay ayuu u dhacay.

Waxaa jiray isna barnaamij 2006dii lacag adag loogu aruuriyay dadkii ku barakacay fatahaaddii wabiga Shabeelle, kaasoo ka bixi jiray idaacadii Hornafrik. Waxaan xasuustaa, in hal habeen kaliya lagu soo xereeyay lacag boqollaal kun oo dollar ah. Waxay ahayd arrin aad u wanaagsan, oo muujiysay gacan furnaanta iyo isu kaalmeynta soomaalida, waxay marag u ahayd, in soomaalidu wax wada qabsan karto haddii maamulayaal wanaagsan la helo.

Lacagtii faraha badnayd, ee la aruurshay, ma jirto cid si dhab ah u og meel ay martay iyo qaab loo bixiyay toona, waayo? Ma jirin nidaam daah furnaan ah, oo lagu maamulayay iyo cid maamulayaasha la xisaabtamaysay toona.

Maanta muuqbaahiyayaasha soomaalida waxaa ka wada socda lacag aruuris xad dhaaf ah, oo dadka lagac looga guranayo. Barnaamijii halka masjid lagu billaabay maanta wuxuu marayaa meel aad u foolxun. Waxaa la la baxay magacyo kuwii xawaaladaha oo ka la ah oo midba wax gooni ah lagu sheego. Waxaad arkaysaa hal nin oo maalinba hay’ad magac gargaarleh, oo cusub soo bandhigaya, oo leh: waa hay’ad gargaar oo dadka caawinaysee ku soo rida! Waxaa laga yaabaa dadka badankii inaanay la socone, waxaa jira mid ka mida wadaaddada lagacaha dadka ka gura, oo quraanka cod macaan ku aqriya kalkuu dadka lacagaha weydiinayo, ninkaasi wuxuu is ka ahaa macallin tvga quraan ka akhrin jiray, wuxuu furtay hay’ad gargaar markay si fiican u shaqaysay, ayuu mid kalena furtay, oo is la tiifiigii midba habeen ka sii daayaa!

Intaa ku ma joogsane xaaskiisuna mid bay furatay, oo iyaduna habeen ayay tiifiiga ku leedahay iyadaana dadka lacagaha ka gurta. Halkaa marka ay marayso u malayn maayo, inay cidna shaki kaga jirto siifinimada siday wax u socdaan

Sidee lagacahaa loo qeybsadaa?

Lacagaha la aruuriyo %25 waxaa qaata tiifiiga. 20% waxaa qaata nimanka mashruuca wata. Waxay dhahaan 10% xawaaldaha ayay ku baxdaa. 10% kalana waxaa qaata dadka dalkii jooga ee qaybinaya siday sheegaan, dadkaasi intooda badani waa qaraabada mushruuclayda ama qaar ururkooda ka tirsan. 5% waxay ku baxdaa tasiilaadka iyo gawaadhida la is ticmaalayo. Maxaa soo haray 30% sow maha? Intaa ayay dhaheen waxaa la gaarsiiyaa dadkii magacooda lagu soo aruuriyay. Waxaa shaki ku jiraa, in xitaa intaa dadkii gaareen.

Waxaa oo dhan maxaa isoo xasuusiyay?

Maalmahan waxaa baraha bulshada aad u dhexwareegayay mashruuc kuwaa la mid ah oo loo bixiyay “fursad fund” mashruucan sida kuwii hore waxaa ku jiro wadaaddo qamiisyo xiran, siyaasiyiin qamiis soo xirtay iyo dhallinyaro mashruuca lagu sharraxay. Waxaa la sheegayaa mashruucan inay dabada ka riixayaan siyaasiyiin iyo niman ah wadaaddo.

Waxaa barnaamijka suuqgeyn u samaynaya dhallinyaro firfircoon, oo fara fudud kuwaa oo baraha bulshada si fiican ugu faafinaya. Hal ku dhigyadooda waxaa ka mid ah; “Noqo deeq bixiye“. “Fursad abuur” “fursad fund waxaa iska leh aniga adiga, waxaa loo sameeyay innaga” yaa? Oo yaa noo sameeyay? Mooji. Yaa kaaga jawaabaya.

Dadbaa taageeray qaarbaa lacag ku tabarucay, qaarbaa ammaanay oo bogaadiyay. Intaaba way u sacabba tumeen, oo waa la soo dhaweeyay howlokarro halyeeyo ah ayaa lagu sheegay. Bulshada intii dhaliishay ee su’aal ka keentayna waa la huruufay oo layska foogeeyay. Dhallinta suuqgeynta samaynaysa hadalkoodu wuxuu dhanna u dhaafi waayay “is aaminaaddii ummadda ayaan dib u soo celinaynaa“. “Waa inay dadku is aaminaan“. “Na aamin oo lacag is ka soo dir haddii kale naga tag“. Halkaa waxa ka muuqata, in wax la la dhuumanyo jiraan, deg deg iyo hoosaasin badanina ku jiro. Dhallinta waxaa laga dheehanayaan howshan loo soo dhiibay, inaanay si fiican ugu dhacsanayn waxaana muujinaysa inaanay wajihi kari mowjadaha falcelinta ka soo horjeeda.

Durbaba waxaa soo baxay is heysi, waxaa badka yimid dad sheeganaya fikirka in laga soo xaday oo so sharci darro ah loo adeegsanayo fikiradoodii iyo mashruucoodii. Durba isdiiddooyin badan baa ka soo baxay xafladdii furitaanka. Waxay sheegeen inuu yahay barnaamij soomaalidu leedahay afkoodaba u hiillinaya, haddana, macaga mashruuca waxaa ka mida ah “fund” ma soomaalibaa? websitekoodu wuxuu ku qoranyahay luqad qalaad. Lacagta ay dadka weydiinayaan maaha shiling soomaali ee waa doolar. Waxay sheegeen, inay siyaasad ka madax banaanyihiin, haddana, nusdambeedka iyo aas aasayaashuba waa siyaasiyiin. Isla siyaasiyiintaa ayaana daah furay.

Dhallinyarada howsha wadda markaan arkay, waxaa ii soo baxday inay yihiin qaar aan wax badan ka la socon waxa loo soo dhiibay. Waayo? Hadday wax ka la socdaan ama qeyb ka yihiin dadka ka soo horjeeda ayay ku qancin lahaayeen waxan ay wadaan.

In video la soo duubo ama qoraal la soo qoro, oo dadka lagu yiraahdo occount hebel lacag ku soo rida aan wax kale la socon waa ku muxaafsi munaafaqad badani ku jirto. Su’aalahan ayaa u baahan in si saafi ah oo aan saxar lahayn looga jawaabo;

Yaa aas aasay mashruucan? Mashruucani gole dhexe iyo mid fulineed ma leeyihiin? Waa imisa dadkaasi? Dadka madaxda ka ahi ma kuwii mashruuca sameeyaybaa mise waa kuwa guddi doortay oo xilli cayiman iyo howl cayiman qababaya? Sharciyadda ay ku shaqaynayaan maxay tahay? Haddii madaxdu musuqgasho yaa ka masuul ah? Howlaha sidee loo qabanayaa? Hadduu fashilmo oo uu socon waayo lagacaha account yada ku jira, sidee loo maareynayaa? Account yada yaa maamulaya, Madaxda meesha haysata mise dad kale?

Markaad wax badan eegto waxaa kuu muuqanaya, in barnaajikani jalbo iyo xamaasad ku dhisan yahay. Goljilicda ummadda ee wax bixinta iyo gargaaridana laga faaiidaysanayo.

W/Q: Faisal Hussein

Faisalyacni07@gmail.com

SHARE