Home Qoraallo MA HILMAAMI DOONO ERAYGA “MALAKA” (SHEEKO GAABAN)

MA HILMAAMI DOONO ERAYGA “MALAKA” (SHEEKO GAABAN)

0
SHARE

malaka

MA HILMAAMI DOONO ERAYGA “MALAKA”

(SHEEKO GAABAN)

Jaziiradda aan ku dagnay waxaa lagu magacaabay (Samothrace), mahad Eebe ayey ahayd in aan halkaas si nabad ah ku nimid, waxaanu moodnay in uu naga dhamaaday safarkii khatarta, nabad galyana ay hadda inoo bilaaban doonto maadaama aan kasoo baxnay Dalkii qaxarka iyo dhibaatada, misana uu Alle nasoo mootiyay khatartii kale ee Doonta iyo Badda.

Waxaanu bilownay in aan u lugayno lug dheer dhanka saldhiga Pooliska si aan xagaas isaga dhiibno oo Qaxootinimadeena loo aqoonsado, socod dheer oo muddo qaatay kaas oo na raja tiray, mararka qaarna aan ku murmeynay in aan lunnay ayaa waxaa inoo suura gashay in Nin dalka aan ku dhex socono u dhashay in aan waydiino halka uu ku yaalo Saldhiga pooliska.

Nasiib wanaag inaga oo isku wareersan oo dhibaato dhanka Luuqadda ay taagantahay ayaa waxaa isla goobtii yimid pooliskii aan baadi goobka ugu jirnay, isla markii aan aragnayana waxaa indhaheena kaso wada daadatay illin farxadeed maxaa yeelay waa albaabka ugu horeeya ee aan uga fakan karno dhibaatada ina haysata, maxaa yeelay goob aan pooliska ahayn la iskama dhiibo.

Maadaama pooliskiina ay iyagii oo socda ay inoo yimaadeen  waanu ku faraxnay runtii, balse, maxaa inoo xigay? Maxaasa dhacay? Waxaa dhacday in labadii nin ee askarta ahayd ay isla markiiba nagu qabteen hubkii ay siteen ayaga oo u eg in ay qabteen Dad Dilayaal ah.

Dadka aan la socday dhamaantood xaga luuqadda waa ka arradnaayen oo aniga wax I dhaamo ma jirin, askartii sida aan ka filaynay ayey inagu dhaheen, istaaga oo gacmaha kor u qaada dilayaal yahow dalkiina soo gubay.

Waxaan ku iri anaga dilaayaal ma nihin, dagaalada dalkeena ka jira ayaan kasoo cararnay, waxaanu nahay dad masaakiin ah oo Qaxooti ah, fadlan na caawiya idinka ayaan caawinaad idinka soo doonanay oo nafteena usoo halignay si aan usoo gaarno halka aad ku nooshihiin.

Jawaabta aan helay waxey noqotay “aamus Malkaal yahow” ma hilmaami doono eraygaas inta noloshayda ka dhiman, maxaa yeelay waqtiga uu kusoo aaday iyo xaaladda aan ku sugnaa iyo dadka igu dhahayba saamayntooda ayey lahaayeen.

Malakaal, malakaal, malkaal, waa Erayga ay inoogu yeerayeen, isla markiiba waa kuwa inta nagu guray Gawaari ay wacdeen na geeyey xabsiyadooda, dhibaato badan ayaa inaga muuqatay, saacado badan oo Badda aan kusoo jirnay waxba ma cunin.

Dharkeena wuu qoyanaa Qabow badana wuu dhacayey, wax Cunta ah ma aanan wada cunin saacado badan, jirkeena aad ayuu u jareynayey, ma seexan Karin hurdana inagamaba soo dhici Karin.

Qabowga maalintaas i qabtay ilaa hadda waxaan ka dareemayaa lafahayga, si gaar ah ayuu ii xanuujiyaa, saddex maalin nama aysan siin wax Cunta ah iyo Biyo ah, waxaanu ku wada cataabeynay, war cunto ma idinka rabno ee biya lee na siiya, baahida aan biyaha u qabnay ayaa ka badnayd baahida aan u qabno cuntada.

Xaaladda aan ku sugnayn ma ahayn mid wanaagsan, waad dareemi kartaan qof ku cataabaya cunta ma rabno biya na siiya in xaalkiisu uusan sahlanayn oo uu quus ka gaaray cunto biyana uusan fara ku hayn, maxaa yeelay, cuntada waaba la waayaa balse biyaha in la waayo sida badan ma dhacdo, goobta aan ku xirnayna ma ahayn goob biya la’aan ah ee waa naloo diiday in aan cabno Biyaha.

Waxaanu dhowr jeer ka codsanay Taliyaha qaybta sladhigaas in uu na siiyo biyo, balse mar walba jawaabta uu ina siinayey ayaa ahayd naga aamusa Malakaal, micnaha malakaal eray ahaan marka aan u baaray ayaa waxaa iisoo baxday in uu yahay eray Greek ah oo la macna ah qof aan dareen lahayn, markii aan erayga baarid sii dheer kusii sameeyey waxaa kaloo iisoo baxday in erayga la macna yahay qof garashada ku yarta.

Waan xusuusan doonaa taliyaas naxariita daran wajigiisa inta noloshayda ka dhiman, wuxuu ahaa Nin Fanax leh mar walba oo aan kaalmo waydiisanana wuu inagu candhuufayey, waa ninka doortay in toddobo qof oo inaga mid ah in uu daawado ayaga oo u dhimanaya Gaajo iyo Harraad.

Ma ahayn wax aanu ku riyoonay ama aan ku fakarnay in qof bani aadam ah oo fahmi kara xaaladda inaga muuqato uu cadaawad nuucaas ah inoo qaado, hadana daawado inta ay nafta mid mid inooga baxeysay inaga oo isaga ka tuugayno ama ku dhahayno nagu caawi Biyo.

Nafti bad baadaysa Alle xagiisa ayaa laga amraa, muddo saddex bari ah markii aan sidaa u rafaadsanayn ayaa doon naloo saaray Gudaha Giriiga ah, laba iyo toban maalmood ayaan xagaas joognay waxay ahayd meel kaam ah oo naloo diyaarshay.

Waxaanu joognay laba usbuuc inta aan naloo qaadin Waqooyiga Giriiga, waxaa jirtay in goobta la inoo sii waday nalagu amray in aan u lugayno muddo saddex Usbuuc ah, maxaa yeelay waxaa nalgu dhahay in aanan u qalmin in dhaqaalaha Waddanka Giriiga oo liicaya aan qayb kasii cunno.

Waxaan la yaabay sida ay dadkan u wada fakarayaan isma lahayn qof bani aadam ah ayaa sidan u naxariis daran, laga yaabee in dadka dhan aysan arrintu wada saamayn, micnaha dadka giriiga aysan sidan u wada naxariis darnayn, balse dadka gacanta nagu dhigay ay sidaa iska noqdeen.

Waxaan u noolayn inta aan lugeynaynay sida Xayawaanada oo kale,wax Cunta nalama siinayn, Biyo xitaa nalooma ogalayn, waxaan biya ka cabeynay wabiyada iyo goobaha ay biyaha iskugu soo uruuraan ee hareeraha Waddada.

Sida aan u lugeynayey waxaa i bararay lughii, jeer aan awoodi waayay in aan kabaha sii sito, waxaan goystay in aan iska baxsho kabaha, la yaabka ayaa wuxuu noqday in sidii naloo lugeysiinayay ay markii dambe askartii inaga kal siibteen.

Goobta aan joogno ma naqaano, meel aan u socono ma naqaano, waanu iska sii lugeynay ilaa aan markii dambe aragno nin aanan aaminin, balse, ay duruufta igu qasabtay in sida uu yeela na dhaho aan iska yeelno, maadaama aan socon weynay oo daal iyo lugihii oo in ay na qarxaan ku sigan darteed.

Waxaanu gaarnay Xuduudka Albaaniya, ninka aan aragnayna wuxuu ahaa Nin Askari ah oo albaaniyaan ah, wuxuu na waydiiyay in aan qaxooti nahay, waxaan u ku niri haa qaxooti baanu nahay.

Wuxuu inoo sheegay in uu ina caawin doono wuxuuna inaga codsaday in aan isku qarino kaynta inta aasku ka madoobaanayo micnaha ay habeen noqonayso, ma aaminn ninkaas laakin in aan socdo ayaa igu adkayd, sidaa darteed waddo kale iima furnayn in aan nasto ayaan rabay, maadaama aan imid Waddan kale oo aan Giriigii naxariis darrada aan uga soo baxnay ahayn.

Habeenkii markii la gaaray ayuu inoo yimid oo gaarigiisa inagu qaaday, wuxuuna ina geeyay gurigiisa oo inagu hayey hal usbuuc isaga oo inoo soo gaday Dhar, Cunto, Degaan fiicana inoogu deeqay.

Wuxuu ii sheegay in aanan wal walin Ceebna aanan dareemin, qaxootinimadu ceeb maahan waa Duruuf ku qabsata ayuu igu yiri, aniga xitaa waxaan ku noolaa Xaalad Qaxootinimo dagaaladii ina qabsaday darteed, marka waan dareemi karaa xaalka aad ku sugantahay, is adkee, waqtiga waa laga baxayaa ayuu igu samirsiiyay, wuxuuna igu yiri hadda qoyskayga ayaad ka mid tihiin, soo dhawaada inta aad rabtaana joogaa. Sidaas ayaan uga sii gudbay Albaaniya, ilaa aan ka gaaro halka aan tiigsanayey ee ilaa jarmalka.

Shaqsiga sheekaynaya waa shaqsi Suuriyaan ah, magiciisa kuma qornayn halka aan sheekadan kasoo tarjumay oo ahayd bog lagu magacaabo Humans of Newyork

Tarjumadii Mohamed Musa Sh.Noor

ekisyare@hotmail.com

xabuu8@gmail.com

SHARE