Home Qoraallo Abaalgudkii Soomaaliyaysnaa! W/Q: Abdisamed Bashe

Abaalgudkii Soomaaliyaysnaa! W/Q: Abdisamed Bashe

0
SHARE

unnamed

ABAALGUDKII SOOMAALIYAYSNAA!

 

Ganacsi kasta oo uu sameeyo waxuun baa si ka noqda oo macaash daayoo kharashkii ku baxay ma soo celiso meheraddii uu furtaaba. Inay tahay farsamo xumo, khibrad la’aan iyo in kaleba wali uma kala cadda, Waa khasaare u joog! Talo niyad jab ka abuurantay, aakhirkii ayuu Cabdulle naftiisa ugu warramay in aan carrigan soomaalida lagu macaashi karayn, markaasna uu dhul soomaaliyed oo dhan ka fogaado. Ka dib Waddamadaa afrikada bariga ayuu u socdaalay. In Muddo ah wuxuu waddanba waddan usii dhaafo, maalinkii danbe waxa uu ku soo beegmay meelay tuulo yar oo dad cawaan xoolo dhaqato iyo beeralay ah iskugu jirtaa dagto kana mida waddanka Uganda.

Nimcada iyo barwaaqada deegaankan ka muuqata inaad ku nagaato meelna uga dhaqaaqin ayay naftaadu jeclaysanaysaa marka ay ishaadu qabato. Khudaarta nooc walba isugu jira, xoolaha dhalay ee wada irmaan hadyad ayaa looga dhigay deegaankan.

Hal meherad kaliyaata ayaa ka dhisan deegaankaas, dadkaasina ka adeegtaan. Mararka qaar lacagta in wax lagu kala iibsadaa waa laga maarmaa oo wax kala badalasho ayay u dhacdaa; caano ama midhahaa beeraha ka soo go’a ayaa dukaanka wax lagaga iibsadaa oo habkii ganacsi ee loo yaqaan barter trade (Wax-kala-badalasada) ayaad xasuusanaysaa haddii aad joogi lahayd deegaankan iyo haddiiba aad imika akhrisanayso sheekadan.

Nasiib wanaagiisa Hantiilihii meheradu wuxuu noqday nin somali ah oo uu afgaranayo, sidii dhaqanka soomaalida ahaydna martida soor weynbaa loo hayay oo xil wayn bay iska saari jireen qofka martida ah. Markii uu sheedaa ka arkay in ninka dukaanka soo dhex kuududaa uu sinji soomaali u eegyahay, ayuu markiiba inta uu sare codkiisa u qaaday yidhi “ waar maxaa la sheegay ninkaw” Soo dhawayn diiran oo hor leh ayuu markiiba kala kulmay Oddowaa. cabdulle waayahiisii iyo safarkiisiiba uga warran odowaa. In khasaare ganacsi oo mar iyo laba toona ahayn la kulmay intii uu waddankii joogay uga warran, ujeedada socdaalkiisu inay tahay Arrin ganacsina u sheeg. Oddowaa dhibta iyo dheefta dhul shisheeyo oo aad ka ganacsataa leedahay si qoto dheer ayuu ugu sheegay, oo marmarka qaar hantidaada lagaa xoogi karo. Deegaankan uu hadda joogana in uu ku ladanyahay, dadkaasina si fiican uga adeegtaan si walaaltinimo ku dheehantahay uga sheekee. Haddii uu rabo inuu la soo dagana uu soo dhawayn doono isweheshen doonaana ayuu oddowaa hadalkii ugu soo dhameeyey.

Meheraddii odowaa hadda cabdule tiisii ayaa ku labba ah oo ka agfuran. Bulshadii meesha daganayd meharadoodii hore ayuun bay wax ka iibsadaan, cabdulena hal qof kuma soo leexdo dukaankisa, ganacsiba kama faa’iido oo waligiina meel lagu jabuu jaqala waynaa! waa khasaare u joog dhul soomaliyeed iyo mid shisheeyaba. Habeenkii oo dhan ayuu fikirayay waxaan daba socda ee macaashba u diiday, ma falbaa mise waa habaar kugu dhacay? Waxbaa mardanbe oo saqdhexe ah oo uu hurdada ladi waayay maskaxdiisa ka dhex yidhi “waar ka dhakada waynaw hadaad kun wayday ma kaartaad wayday” allaylehe hadalkaa in meel cuncunaysay uu uxoqay ayuu naftiisu dareentay, Su’aashii uu iswaydiinayayna hada inuu jawaab u helay ayuu yaqiinsaday.

Haddaba subaxnimadii ayuu kaarto xalay oo dhan maankiisa ku dhex miranaysay saaka qorshaheeda sidii loo fulin lahaa dhigay. “Faa’idadu saw macaamiisha kuma xidhna” ayuu is waydiiyay; “haaaaaa” haddaba waa in aan badh ka soo weecsadaa dukaankaas” beryo ayuu darsayay qorshahii lagu soo xero gelin lahaa macaamiisha dukaanka odowaa ku xidhan.

Nimcadii iyo barwaaqadii deegaanku ku sugnaan jiray hadda Roob la’aan iyo abaar xun oo isa saaran ayaa lasoo daristay. Hore roob la’aanta intan oo kale uma ay arkin bulshada ay la daganyihiin. Waa cawaan diin iyo cilmi toona male oo caaddo dhaqameed soo jireen ah ayay lahaayeen Mararka roob la’aantu ku dhacdo samayn jireen, inta ay ragga xoogga ah kaynta ku xidhxidhaan ayay odayaashuna shaabug la dhacaan. Intaa ka dibna roobkii ayaa u da’i jirey, balse doorkan intaasiba way shaqayn waayeen oo roob la’aantii uun baa jirta, waanay la yaabanaayeen waxa isbeddeley oo dhinac ay u qaadaan arrinkan sidan u dhacay beryahanba way garan la’aayeen. Goor ku beegan casar gaab oo ay sii kala caraabayeen ayuu cabdulle sii raacay nimankii intuu dukaankii soo yara xidhay, fursad uu muddaba gaadayay ayuu helay si uu uga faa’idaystana qorshahaheedii hore ayuu u si dhigay. Markiiba ragii afka ayuu la galay iyaga oo aan barasho sidaa u fog ba lahayn balse isaga waxba kama saarna oo qorshahaa ka soo galay.

Cabdulle: “Waar maxaa la sheegay raggaw”.

Mid ka mid ah raggii; “Waa caafimaad qab iyo abaar sidaad ka warqabto maandhaw” ayaa loogu jawaabay

Cabdulle:-“Haa waan ka warqabaa oo dad iyo duunyaba yaraysay, laakiin waxay aydaan ka war hayn baa jira”

Raggii mid ka mid ah“War haye warbaabad haysaaye soo dhawoow oo halkan soo istaag”

Cabdulle;“Roob la’aantanba waxa keenay Ayaan ogahay idinkuna aad ka moogantihiin”

Mid ka mid ah Raggii“Waaryaadhaheen ninka warbaaba ku dhan, bal noo fasir”

Cabdulle;“Ninkan odowaa magaranaysaan ee aad ka adeegataan ayaa hab dhulkayagii lagu yaqaan oo roobkaba lagu kala kaxeeyo ku sameeya deegaankan mar alla marka ay daruuruhu isku soo ururaaanba”

Mid raggii ka mid ah “Waxaasi wax jira malaa ma aha waad na harawsanaysaa, oddowaa waxaas kumaanu aqoonini nin fiican ayuu ahaaye”

Cabdulle;“anaa huba oo habkan waxa loo yaqaanaa eeras(earth), inta uu dhulka waayir ku taago ayuu kitaabna ukala furaa oo uu sidaa ku kala kaxeeyaa daruurtaba”

Mid ka mid ah Raggii deegaanka: “War ninku shaw waa waxan uu galab kastaba marka aynu sii kala caraabayno uu wadwado, waxan uu sheegayo waxbaa ka run ah, ayuu mid kamidi si xanaaq ka muuqdo u yidhi”

Cabdulle:“ina marshaba hadaan idin soo tusayaaye” ayuu ugu soo jaray hadalkii.

Cabdulle, nimankii qorshahiisii wuu ka soo dhaadhiciyay, hadda xagii dukaanka oddowaa ayaa lagu soo socdaa si bal loo eego waxan waxa ka jira. Meel aan sidaa uga fogayn ayay ka soo daawanayaan dhaqdhaqaaqa odowaa.

Odowaa marka uu salaada casar iska tukado waxa uu caado ahayd inuu dukaanka hadh-qoodaarkiisa caw goglado rikoodhkiisana rakibto, si uu BBC-da uga dhagaysto. Raadyawgii hore weeye oo aanteenada(Eryalka) inta xasaw yar lagu xidho ayaa quraarad ciid iyo biyo ku jiraan lagu xidhaa si uu tashuushku uga baxo codka Raadyowga. Mar alla markii uu dhulka ka taagay xasawdii kitaabkiina laa soo kala baxay ayaa la dulmaray mar kaliya mid feedh ku dhufta, mid ul la soo gaadha, mid laad qac ku siiya iyo mid bud ku dhuftaba, odowaa dhulka ayaa loogu tuuray.

Ma garanayo wax lagu dilay, midna godob kamuu galin waligii oo macaamil fiican baa ka dhexeeyay. Isagoo Khamiiskiisii oo daldalooshamay xidhan, labada dibnooda midna bararsantay midda kalena dhiigayso ayaa boolisku soo kaxeeyeen isaga iyo kuwii kale oo uu ku jiro saaxiibkiisii Soomaaliga ahaa ee dukaanka ku xigay haystay. Ka dibna mikirifoon ayaa magaaladii lagu soo xidhay suuqeeda lala dhex maray si loo ogaysiiyo bulshada in aroorta kiis adag gartiisa la qaadayo sidaas aawaadeedna laysku wada yimaado.

Subaxnimadii markii ay gaadhay ayaa la billaabay, kiiskina waxa lagu hor billaabay su’aalaha qoladii cawaanka ahayd oo la weydiiyey “Waar maxaad ninkan ku disheen aad inta badan soo wada degenaydeen?” Mid kamida ayaa inta uu istaagay ugu jawaabay garsoorkii “Ninkan aad arkaysaan waxa uu ahaa nin aad u wanaagsan oo muddaba waxbaanu ka adeegan jirnay balse hadda beryahan danbe wuu xumaaday oo Cilmi aanan aqoona ayuu roobkii noo da’i jiray nagaga joojiyay inta uu galabtii dhulka xadhig galiyo kitaabna ku akhriyo. Anagu maanu aqoone nin ay isku degaan yihiiin baa noo sheegay in cilmigan dhulkoodii lagu yaqaanay”

Cabdulle garawsay in qorshahiisii aanu marnaba sidii uu qorshaystay u dhicin, waxaanu go’aansaday inuuu ka hor qirto maxkamada danbigan inuu isagu ka danbeeyay, fidnadanna isagu dhex dhigay dadkaas heshiiska ahaa, Cabdulle ayaa yidhi;

“Xaakim horta anaa raggan waxan ku soo akhriyay mase islahayn waxan ayay samaynayaan ee kaliya inay dukaankiisa ka yimaadan oo ay kayga ka adeegtaan ayaan rabay si aan dhaqaale uga helo, waxan oo dhana waxa igu kalifay dukaankii oo iga socon waayay. Markaas halay cafiyo ninkanina waa ninkii meeshan igu soo dhaweeyay”

Laba kaliya oo soomaaliya waddan shisheeye wada degen ayaa fajidaas isku dhigayee, marka ay waddankoodii joogaana maxaa ay isku sameeyaan? Waa su’aashii garsoorkii meeshu iyo dadkuba is waydiiyeen. Hadda adiga ayay akhriste ku hor taallaa ee isku day inaad ka jawaabto su’aashaa maxkamada laysku waydiiyay.

Qallinkii: Abdisamed Bashe 

 

 

SHARE