Home Qoraallo Qabiilka Moobilen iyo Amxaaro maxaa isku keenay? W/Q Prof: Yaxye Sheekh Caamir

Qabiilka Moobilen iyo Amxaaro maxaa isku keenay? W/Q Prof: Yaxye Sheekh Caamir

3
SHARE

12928395_1089915514383514_7324495728905640470_n

QABIILKA MOOBLEEN IYO AMXAARO MAXAA ISKU KEENAY?

Waa muhim in aanan adiga lagaa qarin taariikhda soomaalida, geesi kasta ama koox kasta oo Soomaali ah oo maalin uun la dagaalay cadaw somaaliyeed, waad ku faani kartaa.waxaa laga yaaba in adigaba isticmaarku kaa qariyay taariikh deegaankaaga soomaaliya ah ka dhacday ama awoowayaashaa qayb ka ahaayeen. ka raadi oo soo ururi,balse marka hore illa fiiri Aboowe/Abaayo tixraacan.

Amxaaradu mar kasta waxa ay ku hammineeysay in ay qabsato xeebaha Banaadir. Fiiri Marqaati Buugga (SHAPING OF SOMALI SOCIETY) ee uu qoray Dr. LEE V. CASSANELLI, University of Pennsylvania-USA. bogga 200aad kaa oo leh dabayaaqadii garnigii 19aad waxaa jiray cabsi laga qabay ilaa Banaadir in Amxaaradu soo weerarto, xataa sanadkii 1897-dii sarkaal Talyaani ah oo gaadmo lagu dilay Magaalada Marka, Talyaanigu wuxuu aaminsanaa in falkaasi Marko ka dhacay ay Amxaaro ka dambeysay ka Fiiri Marqaati buugga( RICORDI DEL BANADIR) ee uu goray GIORGIO SORRENTINO 1910-kii. isala buugga Dr. Lee bogga 77-81aad wuxuu leeyahay waxaa la isla dhex marayay hadalo leh Amxaaradu Banaadir ayeey u soo socotaa, Arrinta in Amxaaradu Xamar u soo socotay waxa ey rumowday xagaagii, 1905-tii markii kumanyaal ciidan ltoobiyaan ah oo ay ku jiraan guutooyin fardooley ah ay weerar soo qaadeey iyagoo soo raacay hareeraha Wabiga Shabeelle ilaa ay soo gaareen Magaalada BALCAD. Fiiri Marqaati buuga kale ee ( GLI ABISSINI NELLA SOMALIA), ee uu qoray GLULIAN BONACCI 1908-dii bogga 42-46aad duulaanka Amxaarada oo socday muddo saddex sano ah, Amxaarada waxaa jabiyay Qabiilka Moobileenka ee dagga deegaanka YAAQLE, Fiiri Marqaati isla baarigaraafka saddexaad ee bogga 200aad, socodkaa dheer ee Amxaaradu wuxuu ka soo billowday JIGJIGA waxeyna soo mareen dhulka OGAADEENKA oo dagaal ku qabsaday,kadibna KARINLE badan oo la dagaalamay intii ay soo socdeen amxaaradu ayaa lagu laayay gooba badan oo ay isaga horyimaadeen Karinle iyo Amxaaro.

Qabaa’il ka kale ee Amxarada ay dagaal iska hor yimideen waxaa ka mid ahaa qabaa’ilka JIDLE iyo JEJEELE labadaba dad badan ayaa uga dhintay dagaaladaa, ayuu yiri: Dr. Lee, kaddibna waxey yimaadeen Deegaanka JIICIYOW oo wabiga u dhow, kaddibna waxa ay u soo gudbeen deegaanka JIBBIRROW, hakaa oo Amxaarada markeeda aad loogu jabiyay. Hase yeeshee Dr. Lee wuxuu leeyahay Amxaaradu waxa ay xoog ugu jabtay deegaanka YAAQLE, oo Ciidamadii Moobileenku ugu dambeyntii ku jebiyeen Amxaarada, halkaana waxaa ku baaba’ay hammigii Amxaarada ee ahaa iney gaaraan oo ay qabsadaan xeebta Banaadir, qoraagu wuxuu qoraalkiisa ku daray: waxaa la yiraa Moobleenka waxaa gacan siinayay sixiroolayaal GOOBROON ah, Moobileen waxey ku yiraahdeen qoraaga, Amxaarada kaddib gaalo kale oo cad cad ayaa timid, taa oo muujineysa in dagaalka Armaarada iyo Moobileenku ka horreeyay soo gelitaankii Talyaaniga ee dhulka Moobileen. markii ciidamada Moobileen ay dagaalkaa ku daaleen kaddib ayaa isticmaarku tegay deegaanka Moobileen, Dr. Lee wuxuu leeyahay Amxaarada soo socodkeeda waa la sii ogaa oo Moobileenku waa u sii diyaar garoobeen, Moobileenku wuxuu aaminsanaa in Amxaaradu ka daran tahay isticmaarka kale ee caddaanka ah ee berigiisa laga sheegayay in uu soo fidayo .

Waxa la yiraahdaa Moobileenka waxaa dagaalkaa aad ugu dhiirgeliyay kaddib markii addoonsiga la mamnuucay oo qaarna ay ka baxsadeen, ayuu go’aansaday Moobileenku in Amxaarada oo Xabashi loo yaqiin ay addoon ahaan u qabsadaan, ciidamada Moobileenka qaar ka mid ah ayaa Xargo watay si ay ugu soo xirxiraan maxaabiista , Amxaara badan oo ay dagaalka ku qabsadeen ayeyna ka dhigteen addoon beeraha u tacabta dharkana u sameysa.
TALO: Degmeda cabdi casiis-Mogadishu, qaybta ka soo horjeeda dekeda duqda ah waxaa loo yaqaan illaa hadda kaamba Amxaaro,darbi ayaa ku wareegsan ,waxaana weli ku dhax yaal sadaax guri oo ah dhismo qaab Amxaaro u dhisan oo ka haray guryihii ay dhiseen maxaabiistii dambe ee Amxaarada ee talyaanigu ku xareeyay. Halkaasi waxa ay ku habbooneyd in taariikh ahaan loo dhaafo waqtigan aan joogno, si dhallinyarada xeebta liido u socota ay u daawadaan haraagii taariikhda ee xabsiga kaamba Amxaaro.
FG: Iga raali Noqo hadaan kugu badiyay qoraalka,wixii aan ka tagay ku dar, wixii aan qaldayna iga sax, ma ihi taariikh yaqaan, walaala kale oo somaliyeed oo maad adaa ku takhasusay ayaa jira haka raali ahaadeen wixii aqoonyaro ii geeyso.

Qore: Yahya Amir

Yahya Amir's photo.
SHARE

3 COMMENTS

  1. yahye waan kuu mahad celinaa sxb ,
    lkn su,aasha an is weydinaa waxay tahay{ Moobileen} ma qabiil somaliyed baa mise waa cidan magacaa qataya ?
    thanks

  2. Professore waan kaaga mahdinayaa qoraalkaan ku saabsan taariikhda wadankeenna iyo maraajicda aad noo iftiimisayba. Taariikhdu muhimmada aad sheegtay ayay leedahay ee qorraalladaan noo soo badi, oo waan u wada baahannahay dhallinyaro iyo waayeelba. Mahadsanid.
    Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan

Comments are closed.