Home Qoraallo HALGANKII ISLAAMKA YO HALYAYDII MUSLIMIINTA Q1AAD W/T: Cabdiwali Jaamac Barre ( Kiimiko)

HALGANKII ISLAAMKA YO HALYAYDII MUSLIMIINTA Q1AAD W/T: Cabdiwali Jaamac Barre ( Kiimiko)

0
SHARE

 

pizap.com14614920146691

HALGANKII ISLAAMKA YO HALYAYDII MUSLIMIINTA Q1AAD

Hordhac:

Khulafaa’u Alraashidiin, waxay ahaayeen halyeyo halgan dheer usoo galay sidii ay ku hergalin lahaayeen diinta islaamka, isla mar ahaataana umadda muslimiinta ah ku soo hogaamiyay hogaan hanuunsan oo hadafkiisu yahay hergalinta kitaabka Alle iyo Sunada Nabiga ( N.N.KH). KHULAFA’ U RAASHIDIIN waxay ka koobnaayeen 4 khaliif oo kale ah :-

                                     1)Abuu Bakar Al-sadiiq

                                   2) Cumar Bin Khadaab

                                    3) Cusmaan Bin cafaan

                                   4) Cali Bin Abii Daalib.

Allaha ka raali noqdee, Markii uu nabiga geeriyooday ayay la wareegeen hogaankii dowladii islaamka markaasi oo ay taariikhdu ay ku beegneyd 11 Hijriga. waxay lur iyo loolan adag usoo galeen faafinta diinta Islaamka iyo hergalinteeda.Muddo 30 sano ah ayay ka ariminayeen dunida Islaamka, mudadaasi waxa caalamka Islaamka Camiray guud ahaan hidaayo, hanuun, cadaalad iyo sinaan iyo ku dadaalida sidii diinta islaamka loogu baahin lahaa dunida dacaladeeda.

HOGAAMIYIHII KOOWAAD ABUU BAKAR ASADIIQ.

Abu bakar Alsadiiq magaciisa oo buuxa waa C/laahi bin Abii quxaafa waxa uu ku dhashay magaalada Makah Nabiga dhalashadiisii labo sano iyo bar ka hor , Abu bakar xiligiisii jaahiliga waxa uu ahaa nin muunad wacan iyo maqaam sare leh, waxa uu ahaa sidoo kale nin aanan isla wayneyn waxa uu ahaa nin ilaaliya xaquuqda dadka oo dhan. Waxa uu ahaa nin dadka qeemeeya oo qadariya.Markii uu Nabiga (SCW) ugu yeeray inuu rumeeyo ILAAH iyo RASUULKII durbadiiba uu rumeeyay waxa uuna ahaa ninkii ugu horeeyay ee risaalda Nabiga rumeeya arintaa darteed ayaan daano iyo dibindaabyo badan u gaardhay.Mar alle iyo markii uu Nabigu amaray iney hijroodaan waxa uu ahaa qofka kaliya ee ku wehliya .

       HABKII UU HOGAANKA ULA WAREEGAY.

Nabiga (SCW) uu dhintay isagoon cidna aan uga dardaarmin iney xukunka uga danbeyso Ansaar ayaa ku kulmay howlkii reer Banii Zacad, Muhaajiriina wey uga dabayeemaadeen iyagoo ey horkacayaan Abu bakar, Cumar iyo Abu Cubeydah, islamarkiiba Abu bakar ayaa hadalkii qaatay Ansaar ayuuna ku yiri” waxaan raali ku ah inaad doorataan labdaan nin midkood”waa cumar bin khadaab iyo Abii cubeydah.Intaa ka dib Cumar ayaa la baayactamay Abuu bakar dadkii oo dhanna isaga ayay doorteen sidaas ayaana loogu naaneysay khaliifkii Rasuulka maxaa yeelay Nabiga ayuu kaga danbeeyay hogaaminta Muslimiinta,Abu bakar Sadiiq sidaas ayuu ku noqday khliifkii kowaad ee Khaliifkii kowaad ee Khulafaa Alraashidiin durbadiiba dadka muslimiinta ayuu ugu khudbeeyay Masjidka aad ayuuna ugu nasteexeeyay uuna wacigaliyay.

ASTAAMIHII UU KU SOOCNAA ABU BAKAR .

Abuu bakar waxa uu ahaa nin ku caanbaxay go’aan adag, cadaalad, aanan isla weyneyn, waxa uu tusaale u ahaa dadka wanaagsan waxaana intaa u dheeraa u adeegida islaamka iyo sida uu daacada ugu ahaa.

                 WAXQABADKIISII.

Umadda islaamku waxay Abu bakar ku xasuusataan waxqabadkii baaxada weynaa ee uu qabtay mudadii koobneed ee uu talada hayay waxaan howlahaasi ugu muhiimsanaa sadexdaa arimood:-

Diyaarintii iyo diristii ciidankii usaama bin zeyd.

Dagaalkii murtadiinta uu la galay.

Ururinta iyo kulminta qur;aanka .

    1) Diyaarintii iyo diristii ciidankii usaama bin zeyd.

Shaqadii ugu horeysay ee uu Abu bakar ku dhaqaaqay markii talada la wareegay waxa ey aheyd diristii ciidankii uu horumuudka ka ahaa Usaama Bin Zeyd.Ciidankaasi waxa diyaariyay Nabiga scw si ay ula dagaalamaan dowladii ruum ciidankaasi dib ayay u so noqdeen markii ay soo guuleysteen

2) Dagaalkii Murtadiinta la galay.

Wey ridoobeen qaar ka mid ah Muslimiinta oo diinta ayaba ka baxeen kadib markii uu Nabiga scw uu geeriyooday , qaar kale waxey ka biyo diideen Zakada faradka ah bixiyaan, kuwa kalana waxay sheegten Nabanimo Sida ( Musalamatul Kadaab iyo Aswad Al cinsii) .Hase ahaatee Abu baka oo ahaa nin ku caanbaxay karti iyo go,aan adeeg ayaa yiri “ walaahi hadii aad ii diidaan xariga lagu dabro awrta kaasi oo aad rasuulka siin jirteen waa idinla dagaalami”.

Abu bakar waxa uu diyaariyay tiro ciidan ah si ey ula dagaalamaan murtadiinta waxa uuna taliyayaal uga dhigay saraakiishka ciidanka Muslimiinta kowooda ugu qibradada badanaa sida Khaalid bin waliid iyo Cumar bin Caas arintaasina waxey ku soo idlaatay murtadiintii guuldarrestay dibna loogu soo celiyay xidaabka Islaamka .

3) Ururinta iyo kulminta qur;aanka .

Dagaalkii lala galay Murtadiinta waxaa ku shahiiday in badan oo ka mid ah ragii xifdisanaa quraanka, waxaana laga cabasaday in quraanku uu sidaas ku dayacmo sidaad darteed , Abu bakar ayaa la tashaday Cumar bin Khadaab waxa uuna durbadiiba ku dhaqaaqay sidii uu u aruurin lahaa quraanka kariimka dhamaantii.

               GOOBIHII UU FURTAY.

Abu bakar (RC) waxa uu go’aansaday inuu furto Ciraaq si uu ugu faafiyo diinta islaamka, Khaalid bin waliid ayuuna u doortay inuu noqda hogaamiyaha ciidanka muslimiinta ee halkaasi furanaya, Marka ay u dhawaadaan musliimiiintu baladka ay doonayaa iney furtaan waxey ehelkeeda u bandhigayeen in ey soo galaan islaamka, ama jisyo bixiyaan ama ay la dagaalamayaan .Khalid ciidankiisii waxa uu gaaray ciraaq waaxa uuna bilaabay inuu mid mid u furanaayo Magaalooyinka dalkaasi . isagoo howlahaasi ku guda jira ayaa waxa dhambaal soo gaarsiiyay Abu bakar waxa uuna ku amray inuu u safro dhinaca Shaam si uu u kaaliyo ciidamo halkaasi hore ugu sugnaa, Khalid wuu tagay waxa uun aaday falastiin waxa uuna ciraaq wakiil uga dhigay qaa,idkii caanka ahaa ee Muzanaa bin xaaris .

       FURASHADII SHAAM IYO DAGAALKII AJNAADIIN .

Markii uu Abu bakar ku fakaray inuu furto Ciraaq waxa uu sidoo kale ku fakaray inuu gacanta ku dhigo shaam si uu ugu baahiyo diinta islaamka . Waxaa uuna diyaariyay ciidan afar qeybood ah qeyb kastana hogaan ayuu u yeelay,hogaamiyayaashaasina waxa ka mid ah :-Abii Cubeydah Caamir bin Jaraax , Yaziid bin Abii Sufyaan , Sharax Biil bin Xasnah iyo Cumar bin caas .

Markaasi ka dib ciidankii Muslimiinta waxa ay gaareen Shaam oo xiligaasi gacanta ku haysay dowladii Ruum , boqorkii ruum waxa uu ogaaday in uu guluf calaadeed ku soo wajahan yahay waxa uu diyaariayay ciidan badan una diray meesha la yiraahdo Ajnaadiin si ay Muslimiinta ula dagaalamaan , ka hor inta uusan bilaabay dagaalka u u dhaxeeya Muslimiinta iyo Ruum Khalid baa yimid isagoo hogaaminya ciidanka Muslimiinta waxaana u soorto gashay inuu ruum ka qaalib noqdo ..

   GEERIDII ABU BAKAR .

Abu bakar waxa uu geeriooday 13 hijriga waxa uuna ku dardaarmay in khilaafada muslimiinta uu qabto Cumar Bin Khadaab ..

HOGAAMIYE CUMAR BIN KHADAAB .( 13-23 H).

Cumar Bin khadaab naaneystiisu waa faaruuq, waxa uu dhashay Nabiga dhalashadiisii 13 sano kadib, waxa uu islaamay 5 sano hijriyada ka hor , Islaamnimadiisii saameyn balaaran ayay ku laheyd sarre u qaadida islaamka .Waxa uu u hijrooday Madiina isaga oo la jahraya, Nabiga ayuuna la saaxiibay markii uu islaamay, dagaalo badan ayuuna ku wehliyay Rasuulka waxa uuna kala talin jiray arimaha jira. Waxa uu ahaa nin go’aan adag leh oo ra’yi toosan. Dulmiga naceyb xaqana u hiiliya sidaa darted ayuu ku caanbaxay kii wax kale saarayay.

QAABKII DOORASHADA CUMAR.

Markii uu Abuu bakar xanuunsaday waxa uuu kulmiyay Asxaabta kuwooda ugu waa weyn waxa uuna kala tashaday in Cumar uu noqdo hogaamiyaha Muslimiinta ra’yigaasina wey ku waafaqeen.Cumar ayayna kula baayactameeyn inuu Muslimiinta hogaamiyo Abuu bakar ka dib, Khilaafada ayuuna la wareegay Maalinkii uu Abuu bakar dhintay dardaarankiisa Awgees iyo balanqaadkiisa darteed.

GOOBIHII UU FURTAY .

Dhameystirkii furashadii Shaam.

Ka dib dagaalkii Ajnaadiin uga guuleysteen Ruum, Cumar bin khadaab waxa uu muslimiinta ku amray iney furtaan Dimishiq. Muslimiintii waxay hareereeyeem Dimishiq muddo isbuuc ah ilaa ay ehelkeeda ku qasbaan iney hashiis ka dalbaan caamir bin jaraax , sidaasi ayaan arintii ku soo idlaatay Muslimiintiina waxay gudaha u galeen Dimishiq waxayna bilaabeen furashada magaalooyinka Shaam.

DAGAALKII YARMUUK 15 H.

Ka dib markii uu akay boqorkii Ruum iney magaalooyinka Shaam ay ku dhacayaa gacanta Muslimiinta ayuu diyaariyay in ka badan 200,000 oo dagaalyahan, Muslimiintii waxay isku aruursadeen meel u dhaw wabiga yarmuuk markaa ka dib waxa fooda is daray ciidankii islaamka ee uu hogaaminayay Abuu Cubeyda Caamir Bin jaraax iyo ciidankii Ruum ee tirade badnaa. Balse geesiyada Muslimiinta ee kale ahaa Khaalid bin Waliid iyo Cijrama bin Abii jahal waxay muujiyeen geesinimo balaaran ilaa uu Muslimiinta ilaah( SWT) uu uga qoro in ay ka guuleystaan Ruum dagaalkaasi .

   FURASHADA FALASTIIN

Waxaa si buuxda u furtay Magaalooyinka falastiin ee dhaca xeebaha iyo gudaha Sharaxbiil Bin Xaznah, iyo Cumar Bin Caas marka laga reebo Magaalada Qudus. Taasi oo ay hareereeyeen ilaa ka quustaan dadkii deegaankaasi iyo boqorkii Ruum eyna ogolaadaan in ay Magaaladu ay is dhiibto iyadoo ay shuruuda ay ku xireen ay aheyd inuu Cumar Bin khadaab uu yimaado . Markaasi ka dib Cumar Bin Caas fariin ayuu u diray Amiirkii Mu’muniinta taa oo ku aadan codsiga Ruum . Cumarna waxa uu yimid Qudus sanadkii 15 Hijriga waxa uuna dadkii deegaankaasi kula dhaqmay dhaqan wanaagsan sidaasi ayayna Qudus ku noqotay meel islaamku ka arimiyo.

DHAMEYSTIRKA FURASHADII CIRAAQ.

Cumar Bin khadaab markii uu noqday hogaamiyaha Muslimiinta Abii bakar ka dib, Furus waxay bilaawday in ey u diyaar garowdo dagaal cusub, markii uu arintaasi ogaaday Muzanaa dhanbaal ayuu u diray cumar, uu ku dalbanayo ciidan xoogan oo cusub in loo soo diro Ciraaq .Hogaamiye cumarna waxa uu diyaariyay ciidan waxa uuna u doortay geesiga sacad Bin abii waqaas inuu noqdo taliyaha guud ee ciidanka ka dagaalamaya Ciraaq ee kazoo horjeeda Furus.

DAGAALKII ALQAADISYA 15 H.

Waxa uu gaaray Sacad Abii waqaas Alqaadisiya oo ah meel u dhaw Magaalada Kuufa ee dalka Ciraaq, waxaana ku soo biiray ciidankii Mulimiinta iyo kooxo qabaa,il ah waxa eyna noqatay tiradooda 10,000 oo dagaalyahan, waxaana soo qaabilay ciidankii Furus ee uu hogaaminayo Rustam, ciidanka Furus waxa ay adeegsanayeen tiro maroodiyayaal ah, Muslimiinta ayaa weeraray Furus si geesinimo leh ilaah ayaana u qoray guul weyn, waxayna dileen hogaamiyihii Furus iyo tiro cidankiisa ka tirsanaa kuwa kuwa kalana way baqo carareen, Muslimiintii ayaana horumar weyn ka sameeyay dagaalka ilaa ay ka qabsadaan Caasimada Furus ee Madaa’in wena furteen waxay ku baahiyeen diinta Islaamka .

       Qabsashadii Masar .

Cumar Bin Caas ayaa ka codsaday Cumar Bin khadaab inuu furto Masar si uu ugu faafiyo diinta islaamka wuuna uu ku waafaqay .Masar xiligaasi waxay hoos tagaysay Ruum waxaana xukumayay nin la yiraahdo Muqowqas ciidankii Muslimiinta waxay gaareen xaduuda Masar waayna bilaabeen furashada magaalooyinkaa masar sida Askandariya, waxa ayna ku qasbeen xaakinkii marsar ee Muqowqas inuu heshiis aqbalo in badan oo ka mid ah dadka Masarna diinta Islaamka ayay soo galeen waxa ayna dareemeen Nabad iyo nolo Aamin ah .

WAXQABADKII CUMAR BIN KHADAAB .

Amiirkii Mu’miniinta ee Cumar Bin Khadaab RC, 10 kii sano ee uu talada islaamka hayay waxa uu qabtay waxqabad balaaran waxaana ka mid ah :-

Sameynta Diiwaanada Sida :-

Diwaanka bixinta mushaaraadka dowlada .Diwaanka ciidamada . oo lagu qori jiray magacayada ciidamada iyo mushaaraadkooda.

Dowladii Islaamka oo uu u sameeyay gobalo, gobaladaasina waxa uu u magacaabay gudoomiye . Qaali iyo Qasnaji.

Dhisida magaalooyin cusub sida :- kuufa , basra iyo fusdaad.

Hal abuurida taariikhda hijriga oo ay muslimiintu ku qoran jireen dhacdooyinka soo mara.

TILMAAMAHII IYO DHAQANKII CUMAR.

Cumar waxa uu ahaa nin caadil ah oo geesi ah aan cidna uga heebaysan xaqa, waxa uu ahaa mid socda suuqyada habeen iyo maalin si uu u ogaado axwaasha dadka uu masuulka ka yahay cadaaladiisii sida ay taariikhdu qortay nin reer Furus ah ayaa damcay inuu soo ogaado xaalada Cumar iyo Muslimiinta .Magaalada Madiina ayuu yimid dadka ayuuna weydiyay mee Cumar ?  Waxa ayna ugu jawaabeen banaanka Magaalada ayuu jiraa uu soo baxay waxa uuna arkay Cumar oo geed harkii hurday kabihiisa barkan dhididkuna ka qulqulayo markaa buu la yaabay ninka madaxda ah iyo xaalada uu ku sugan yahay waxa uu la amakaagay cadaaladiisu heerka ay gaartay , ninkii qalbigiisa ayaa soo qushoocay waxana afkiisa ka soo burqaday weedhan” hadaa xaalu rajulin takh shaahu jamiical muluuki. Laqad cadilta yaa cumar fa aminta fa numta

QAABKII UU U GEERIYOODAY CUMAR .

Cumar bin khadaab xilli uu Masjidka Salaada subax ku tukanayay ayaa waxa a waran ku muday nin la yiraahdo Abuu lu’lu’Al Majuusii .Cumar inta uusan Rabbigii la kulmay ayuu weydiiyay cidda waranka ku muday markii uu ogaaday in aysan aheyn qof muslim ahna waxa uu yiri “ al xamdu lilaahi idlam yaqtulanii rajulun sajadda li laahi .Waa alle mahadii haduu uusan idilin nin allaah u sajuuda .Maalmo kadib ayuuna geeriyooday isagoo markaa da,diisu tahay 63 sano waxaana lagu aasay Abuu bakar dhinaciisa RC . Mudadii uu talada hayayna waxay ahey 10 sano iyo bar .

HOGAAMIYE CUSMAAN BIN CAFAAN (RC ).         23- 35 H

Macgaciisa rasmiga waa Cusmaan Bin Cafaan Bin Alcaas waxa uu dhashay 5 sano ka hor Nabiga dhalashadiisa waxa uu ku islaamya gacanta Abii bakar. Nabiga Scw ayaa u guurigayay ianatiisa Ruqiya ah markii ay ka geeriyootana siiyay gabadhiisa kale ee Umul kalthuum. Sidaasi Awgeed ayaa loogu Naaneeysay Da Nuureyn .

DAHAQANKIISII SUUBAANAA.

Cusmaan Rc waxa uu ahaa nin ku caanbaxay dabaeecad wanaagan iyo deeqsinimo oo maalkiisa oo dhan ayuu ilaah dartee u bixiyay .

Waxaa tusaale inoogu filan deeqnimadisa hufan bal eeg Mowqifkii oo ka qaaday markii la diyaarinayay Jeyshu Cusra markaasi baanka muslimiinta laga waayay maal lugu maareeyo baahida ciidanka markaasi oo uu nabigu dalbaday teegeero dhaqaalle, Cusmaan ayaa markaasi kaa qaatay Mowqif waxa uuna yiri “ Anigu waxa u tabarucayaa waxa aan leeyay maal ilaahey dartee” markaasi ayaa Nabiga Farxad Fara badan Follkiisa ay hareysay Ciidankiina si fudud goobta dagaalka u gaaray .

Waxaa sidoo Kale, ka mid tusaalooyinka daliilka u ah deeqsinimda Cusmaan Bin cafaan waqtigii cumar ayaa Abaar ba;an ku dhaftay Madiina Cusmaan ayaana dadkaasi tabaalaysnaau deeqay Shixnada kale duwaan oo cunta ah .

QAAFKII LOOLA BAAYACTMAY CUSMAAN RC.

Muslimiintii ayaa Cumar inta uusan geeriyoon waxay ka dalbadeen inuu sii dooro hogaamiye isga talada uga danbeeya . dabaddeed waxa uu kulan la qaataday Asxaabta kuwooda ugu waa weyn , Sida Cali ban abii daalib, Cusmaa bin Cafaan, Sacad bin waqaasiyo dalxa bin cubeydi laahi .arintaasina waxa ay ku soo dhamaatay Cusmaan oo loo doortay inuu noqdo Khaliifka Muslimiinta .

WAQTIGIISII MEELAHA LA FURTAY .

   DHULKA FAARIS (I IRAAN).

Dowlada Musliintu badka ay ku fadhisaywuu bilaaratay xiligii cumar ilaa ey ka gaartay dhinaca Bari Badda la yiraahdo Qaswwiin.muslimiintiina kama ay suulin iney sii wadayaan duulimaadkooda iyo guulahooda sida jooga ah ilaa ay gacanta kuwada dhigaan dhulweynaha faaris ee hada la yiraahdo iraan .

FURASHADII GALBEEDKA IYO BILAADU NUUBAH.

Waqtigii Cusmaan Muslimiintu waxa ay ku duuleen bilaadu nuubah ee dhacda dhinaca koonfureed ee masar waxaana u sootro gashay inay furtaan oo ku faafiyaan dacwada islaamka . xiligaasina waxaa ciidanka islaamku gaary Tuunis.

WAXAQABADKII CUSMAAN RC .

QORITAANKII QURAANKA.

Taariikhda ma guurtadaa ee lagu xasuusto cusmaan waxa ka mid qritaanka quraanka kariimka ah .Muslimiinta oo xiligaasi ku hadli jiray lahjado kale duwan ayaa cusmaan dareemay in baahi looqabo in muslimiinta lagu mideeyo Musxaf kaliya iyo lahjad kaliya, waxa uuna lahjadaasi u doortay tan qureysh taasi ayaa quraanka lagu qoray .

AAS-AASKII CIIDANKII BADDA EE DOWLIDII ISLAAMKA .

Macaawiye oo waqtigaasi ahaa gudoomiyihii gobalka Shaam ayaa Cusmaan u bandhigay in la dhidbo ciidan badeed si ay uga horagaan weeraradii dhanica xeebaha ay Basandiyiintu uga soo qaadi jireen Shaam iyo Masar, cusmaana arintaasi waa ka aqbalay markaasi ayaa Mucaawiye diyaariyay ciidan badeed xoogan waxaana durba u soo gashay inuu furto jaziirada Qubrus .

Dhinaca kale Musliintu waxay guul ka gaareen Macrikadii daatu sawaraa oo ka dhacday meel u dhaw Magaalada Askandariyah .markaasina ciidanka Basandiyiinta oo adeegsanaya tiro duunyaha dagaalka ah ayaa ciidan islaamka u sooro gashay in ay gacansareeyaan .

QAABKII UU U SHAHEEDAY CUSMAAN .

Xisad ayaa ka abuurantay Basra , kuufa , Masar, C/laahi bin safaana waxa uu ahaa yahuudi sheegtay islaanimo waxa uuna dilay cusmaan . qaabkaasi ayuuna Cusmaan ku shahiiday sanadku marka uu ahaa 35 H. xilli da,diisu ay cagacaganaysay 88 sano .

HOGAAMIYE CALI BIN ABII DAALIB .

Magaciisa waa Cali Bin Abii daalib, Nabiga ayay ilmo adeer yihiin waxa uuna cali dhashay hijriyada ka hor 23 sano, waxa uu guursaday ina Adeertiis Faadumo Rc, waxa uu ku barbaaray Howga Nabiga .

Hidaayada ayaana u hogaansamay Markii nabiga la soo saaray sidaas ayuuna ku noqday qofkii ugu horeeayay oo caruur ah oo rasuulka rumeeya xili da,diisu ay aheyd 13 jir .Cali nafsadiisa ayuu nabiga ugu horay kadib markii uu baryay firaashka Nabiga habeenkii uu hijroonayay, isagoo ogaa in muslimiintu isku waafaqeyn in Rasuulka SCW ay dilaan, waxa uu Cali RC ka qeyb galay dhamaan dulimaadyadii marka laga reebo Tabouk .Cali waxa uu ahaa caalim caqli badan oo ku caanbaxay aftahaninmo iyo geesinimo , waxaa daliil noogu filan geesinamadiisa Nabiga Sc woo isaga u doortay inuu furto Kheybar .

Dagaalkii Kheybar:-

Rasuul Naxiise iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee ayay balameen qabaa’il yahuudeed ee daganaa Madiina, hase ahaatee yahuudo wey buriyeen balantaasi, maxaa wacay waxay ku caanbaxeen dhagar iyo balan darro markaas ayuuRasuulku soo baxay oo soo aaday soo aaday qaraabadiisii Kheybar daganeyd markaa bey yahuudo bilaabeen iney maleegaan Shirqool Rasuulkuna wuu ogaaday . Cali Bin daalib ayuu u doortay inuu hogaamiyo ciidanka Muslimiinta si ay ula dagaalamaan Yahuuda una qabsadaan Kheybar sidaasi ayayna Islaamku ugu guuleysteen iney furtaan Kheybar iyo hareeraheeda .

DOORASHADII CALI BIN ABII DAALIB :-

Kadib geeridii Cusmaan Muslimiintu waa ay isku khilaafeen qofka qabanaya hogaanka dowalada islaamka , qeyb Muslimiinta kamid ahi cali ayay doorteen, qeybna wey diideen laakiin aqlabiyadu Cali ayay u badneynd . Khilaafkaasi darteed cali waxa uu xal u arkay in Caasimada uu Madiina ka weeciyo una raro magaalada kuufa halkaasi oo ay ku xooganaayeen taageerayeeshiisu .Markaas kadib cali waxa uu xil ka qaadis ku sameeyay qaar ka mid madaxdii gobalada sida Mucaawiye Bin sufyaan oo ahaa waligii shaam arintaasi Mucaawiye waa uu ka biyo diiday taasina waxa ay soo dadajisay iska hor imaad hobaysan oo ka dhex abuurmay jameecada Muslimiinta taasi oo caqabad ku noqotay faafinta Diinta Islaamka iyo la furto goobo cusub .

QAABKII UU CALI U SHAHIIDAY :-

Cali Bin Abii daalib waxa uu shahiiday 17 kii bishii Ramadaan sanadkii 40 ‘ aad ee tirsiga taariikhda Hijriga . kadibna musliimiintu waxa ay la bayactameen wiilkiisii Xasan Bin Cali .Hase yeeshee, sanad kadib ayuu Xasan xilka uga tanaasulay mucaawiye Bin sufyaan si uu u bad baadiyo dhiiga muslimiinta .

Filo qaybta 2aad ee Taariikhda  Dowladii Umawiyiinta.

Waxaa Tarjumay :- Cabdiwali Jaamac Barre ( Kiimiko) .

 

 

 

SHARE