Home Qoraallo Dib u milicsiga magaalada Muqdisho.1286 – 2011. Q3AAD

Dib u milicsiga magaalada Muqdisho.1286 – 2011. Q3AAD

0
SHARE

Mogadishu_marketplace_1882

Dib u milicsiga magaalada Muqdisho.1286 – 2011.

Q-3aad:- Marka aynu xusuus ahaan dib uga sii sheekeyneyno sooyaalka il milicsiga dhacdooyinkii taariikheed ee ilbaxnimada magaalada Muqdisho, waxaad dareemeysaa in ay magaaladu waayeheedii wanaagsanaa horay ugu soo dalxiistay xumaheediina ay gadaal soo marsatay.

Xilli baa jiray Muqdisho hareeraheeda uu mari jiray xadiidka waddada tareennada kaas oo ka soo bilaaban jiray magaala Jowhar soona gaari jiray Muqdisho ilaa waddada dheer ee Afgooye.

Muqdisho daafaheeda waqtigaasi waxey ahaayeen duur ay carruurta iyo dumarka u soo doonan jireen geedo miroodyada la cuno sida ( Shanfaroodka, Ontorta, Murcoodka iyo waxa la midka ah ) suuq bacaad, siinaay, suuqa bakaaraha ilaa iyo waddada dheer ee afgooye sii aadda ayaa xamar miyi baaddiya ah u aheyd magaaladuna xilligaasi waxey aheyd xaafado yar oo kooban sida ( Xamar jajab, Xamar weyne, Shangaanni, qeyb yar oo C/casiis ah, qeyb yar oo Boondheere ah iyo qeyb yar oo W/dhiigley ah.

Waxaa jiri jiray tareen Muqdisho ka dhaqaaqa oo dad rakaab ihi ay Jowhar ku sii jeeda, ay horay u sii raaci jireen, waxaase laga yaabaa akhristow in aysan taasi adiga maanta kaa dhaadhaceynin, amaba aadan aqbaleynin!, weyse dhacday ee ogsoonow inuu dalkaagu waddo tareen lahaan jiray, iminkana lagaaga baahan yahay inaad ku fekerto sidii uu mid casri ah u yeelan lahaa!!!.

Sarkaalkii talyaaniga ahaa ee soo sahmiyay dhul beereedka labada shabeelle, isla markaana abuuray waddada xadiidka ah ee tareen mareenka ah, waxaa la dhihi jiray ( luigi Amedeo ) waxaana waddadaasi loogu tala galay in uu tareenku xamuulka qasabka ee beeraha gaar siiyo warshadda sokorta S.N.A.I oo sameynta qorshaheeda markaasi un la sii diyaarinayay.

Sameynta xadiidka tareenka, wuxuu ahaa qorshe horumarineed oo aad u wanaagsanaa, laakin gumeystihii talyaaniga ahaa oo qaab shuftanimo ah u dhaqmayay, wuxuu waddadii xadiidka aheyd u raray oo uu ka iibsaday mid ka mid ah dalalka aynu deriska nahay, wuxuuna qeyb yar oo xadiid ah oo beeraha qasabka lagaga soo raro uga tagay magaalada jowhar kaas oo uu weli raadkiisa ka sii muuqdo bartanka magaalada Jowhar, siiba dhinaca waddadii ka iman jirtay aseendooyinka dhul beereedka qasabka.

Magaalad Muqdisho markii ugu horreysay bey heshay boliis soomaaliyeed oo sugidda amaanka caasimadda u guntaday, isla markaana shisheeyihii caddaa kala wareegay howl qabadkii boliiska ee ay ku faraxsanaayeen shacabka soomaali yeed.

Boliisku waxey ku shaqeynayeen si naf hurnima ah waxeyna ciidan ahaan kala ahaayeen kuwo lugeynaya iyo kuwo farda saaran oo habeen iyo maalinba howsha isku beddelayay, maxaa yeelay waqtigaasi baabuur ma aysan heysan, wuxuuna ciidanka amaba booliiska aan idiin sheegayo uu muuqaal koodu ahaa sida ay kuu muujinayaan sawirro oo iminkaba raadkooda la soo heli karo.

La soco qeybo kale.

Bashiir Cali Xuseen.

Barbaariye@hotmail.com

SHARE