Home Qoraallo Geela iy Geeska Afrika Q2AAD W/Q Bashiir Cali Barre

Geela iy Geeska Afrika Q2AAD W/Q Bashiir Cali Barre

0
SHARE

 

Geela iy Geeska Afrika Q2AAD

35arlw6.jpggfsdvg

Geelluhu muxuu dheeryahay Geel laawaha?

Ninka Geela leh

Mudanaha geela leh wuxuu ahaa nin haysta ama heli kara waxkastoo ninka aan geela lahayn uusan haysan ama aan u sahlanayn. -Waa hintiile la hubo oo goob bannaan xaartay, tolkii ka sheeggan naftiisana ku kalsoon. -Geelluhu waakan geedka iyo golaha raggu joogaaba sida gobaysan u garwaaxeedsan talada tusaalaha halkaa yaalna waxka gorfeeya ee aan goob joogaha ku sinnayn.

Waa ninka gabar kasta oo uu haweysto ay macquul tahay inuu hantiyo 90% in ka badan, sida caadiga ah guurka miyigu laba siyoodba waa kuyimaadaa labadaasoo kala ah :- in labada ruux ee is guursanayaa ay is afgartaan taasoo badanaaba kusoo dhammaata in lays masaafaysto ama laysla dhuunto iyo in gabadha korkaas laga arkoodo dabadeedna reerkeeda laga doono.

Labadaan qaab ee furaha u ah guurka soomaalida kan hore waa mid inta badan raggu ay faan iyo nin karmeednimo u arka, maxaa yeelay wuxuu gabar reero soo korsadeen ka dhaadhiciyay inay isla baxsadaan, halka tan dambe ay gabadha reerkeeda laga soo doontay sharaf iyo karaamo u tahay ayna isku aragto gabar waalidkeed meeqaam sare u yeeshay ee aan la xadin sida neef xoolaa oo kale.Aan usoo laabto halkey daarnayde, wiilka kadinka soofsada labada nuuc ee guurku leeyahayba waa mid dhanka guusha u badan, maadaama la hubo in gabadha u xero gashaa aysan ka cabsanayn amaad gaajo ugu ag dhimataa iyo armuu reerkaada geel ka hirqin waayaa toona. Qaabka wiilka & Gabadha dhalinyarada ah ee magaalo ku dhaladka ah loogu sharxi karo qiimuhuu lahaa ninka geela leh ayaa ah inaan tusaale ugu soo qaadano wax uu yaqaan ama ay taqaan, taasoo noqon karta heerka maanta uu sharaf iyo karaamo ahaan gaarsiisan yahay ninka ganacsadaha ah ama hantida magaalo haysta Ninkaan Geela lahayn Soomaalida oo ah qoomiyadda leh xoolaha ugu badan caalamka, waxaa ninka aan geel lahayni uu xisaabsanaa nin CAYR ah ´oo aan xoolo lahayn. 2 sababood dartood :

 Ninka geel laawaha ah

Dhib ayey ku ahayd inuu u hawoodo guurka gabdhaha gayaankiisa ah, Guurku waaba calaf uune xitaa shukaansiga gabdhaha ugub ayuu ku dhibbanaa maxaa yeelay ma haysto waxa gabadhaas reerkeedu uga fadhiyo markuu u geed-fariisto, taasoo ah qiyaastii laba meelood meel diyadeeda (25 halaad), haddii ninka aan geela lahayn uu yahay kan ragga ugu nin karmeedsan isla markaana uu niyaddiisa ka saaro geel malihid iyo wixii lamid ah ee gabadhuu arkaba uu horay horay isugu tuuro, waxaa ku adkaaneysa inuu helo gabar weji furan kusoo dhaweysa ee inta hurdadeeda uga kacdo ka war gurta, waayo waxay ka duulaysaa oraah gabdhuhu ku halqabsan jireen kolka nin geellaawe ah usoo haasaawe doonto oo ahayd “HADDUUSANBA HAANEEDIN MAXAAN U HURDO SEEGAYAA?.”

Taas oo micnaha ka danbeeyaa uu yahay hadduusan geel lahayn waxba yuu I dhafrin.Sidoo kale geel laawuhu waa nin aan lagu xisaabtamin, geedka iyo golahana aan looga wicin marka tolkiis iyo xigtadiisu ay dhib gaystaan isla markaana diyo & wixii lamid ah iska bixinayaan, maxaa yeelay maahan nin ugu yaraan tulud lagusoo qaybayo suu maba lahane. Sifaha kaliya ee sababi kara in ninaan geelahayn geedka tolkiisu fadhiyo looga woco waxay tahay inuu labo midkood yahay :-

1- Wadaad kutubo ruug ah oo aan looga maarmin Faataxa & Iqlaas ku gunaanadka talada tolku geedka ku go’aansaday,

2- Nin cod kar ah ama oday gar-cadde ah oo aan taladiisa laga maarmin ee kaliya golahana looga wacay inuu talooyin murti iyo tusaalooyin badan ku lammaansan yihiin kasoo jeediyo. (sifaha danbe inta badan ma dhici jirin ama dhif iyo naadir bay ahayd oo nin islaanta uu qabo yaredkeeda loo qaaraantay amaba geel la’aan darteed wali la guurla’ badanaaba uma suura galaynin inuu helo dhiirranaan ka dhigi karta nin codkarnimadiisa laga maarmi waayo). Waxaa jiri jiray qaabab badan oo ninka geel laawaha ah guurka u mari jiray ama loo maarayn jiray, tusaale ahaanna waxaa kamid ah:- 1- In laba reer oo wada geellaaweyaal ah ay laba gabdhood is dhaafsadaan, sidaana labada wiil ee reerahaas u joogay ay kaga badbaadaan inay doobnimo kuweynaadaan. 2- In wiilku ku naag doonto geela laga baxsho gabadha asaga la dhalatay (waaba haddii ALLE la dhaliyaye). 3-In gabar qaraabo ah loo jilib dhabeeyo (abla ableeyo) sidaana ay ina adeertiis ama ina habreeddiis oori ugu noqoto. —

Wax dhibaalka & dhanka xun ee geela

Waxkasta oo wax dheef leh waxaa ku hoos qarsoon wax dhibaal isla shaygaasi uu leeyahay, ha yaraado ama ha badnaado wax dhibaalkaase. Haddaba sidaa darteed ayaa geeluna yahay mid lagala kulmo dhibaato inteeda la eg oo ay kala kulmaan ragga geelleeyda ah. Waxaa xusid mudan anna aan doonayaa inaan sheego, in wax dhibaalka geelu aysan ahayn wax dabiici ah ama wax lama dhaafaan ah, balse taas baddalkeeda ay tahay xumaan geelluhu uu gacantiisa iyo maskaxdiisa ku sameeyay inkastoo ay jiraan dhacdooyin qasab ka dhigaya inay wax dhibaallada qaarkood dhacaan haddana waxaa qoruhu aamminsan yahay in laga gaashaaman karo inta aysan dhicin. Wax dhibaalka geelu waa badan yahay laakiin laba qodob ayaan jeclaystay inaan si gaar ah usoo qaato, taana lama macne ahan inaysan jirin dhibaatooyin kaloo la xiriira geela. Labada qodob ee aan soo qaatay ayaa kala ah :-

Salaad la’aanta geel jiraha.Kala dhaca geela iyo colaadda ku lammaan.Salaad la’aanta geel jiraha Salaad la’aanta ninka geel jiraha ah ayaa ah mid laba arrimoodba ku timaada,(B)- waa tan koowaade waxaa laga yaabaa in ninka geel jiranimada ku weynaaday uusan fursad u helin inuu dugsi quraan dhigto, haddii uu wax bartood dhigtayna uusan lahayn cilmi intaas dheer oo quluubtiisa ku shuba naxariis iyo EEBBE ka cabsi. Marka haddii xaalka shaqsigu ay sidaa ku sifowdo waa wax sababi kara inuu noqdo MA TUKADE/ MA SALAADE. Waatii Mataan Shide yiri :-

  • Sidii aan dab uga beyr is iri’ illaa sabankanaan joogo
  • Sahdi maysid geelyohow intaan’ Suudi kuu maraye
  • Wax badanbaan saraar laga baqoo’ saarleh kuu raraye
  • Wax badanbuu shisheeyiyo i sigay’ aarka sahayaaye
  • Sikad aarayuub lagu sidoo’ suunka lagu giijay
  • U siffeeyay suubay dartaa’ subici gaabnaaye
  • Subaxyana ku raadguray adoo’ sayrmay waranweere
  • Kuu sahayday garanuug baryaba’ saban xumaadkiiye
  • Saqdhaxana biyaha kaaga shubay’ samadan ooyoode
  • Soddon bay waxdheeryiin intaan’ kugu saloognaaye
  • Salaad aniga igu waajibtiyo’ soonna maan gudane
  • Faral iyo sunnaba waanigaan’ kaaga saahidaye
  • Sidaan qabo saaxiibtinimadaadu waa’ siiga iyo boore
  • Kuwii nagaga kaa siibtay waa’ wada saraakiile
  • Intaad sababtay aadmiga haddii’ lagu su’aalaayo
  • Sidan qabo asfalasaafiliin’ kama sokeyseen!!!.

Abwaan Mataan shide

 

(T)- waa tan labaade waxaa la arkaa in shaqsi aan salaad salaad ku dari jirin ay duruufta geel jirenimo ku kalifto inuu salaadda segsaago ama gebigeedaba uu meesha ka saaro, kiiyoo sabab ka dhiganaya ku mashquulidda hawlaha faraha badan ee geela ku meersan ee isugu jira :- oodis, raris, aroorin iyo shubaalba.

Nin geelleey ah oo geeliisa waraabsanaya ayaa xiligii salaaddu kusoo gashay, sidaan is leeyahayna ma jirin ciidan ku filan oo geela wadaanta usii baxsha inta uu salaadda iska bixinaayo, markaa ayuu asagoo muujinaaya in salaaddu aysan sahlanayn isla markaana mudan tahay in la hor mariyo balse taasi hadda aanay suurto gal ahayn, wuxuu ku heesay :-

  • Salaaddiyo saha
  • Salaaddaa daran
  • Saha se hormari.

 Sheeko xifaale ah baa jirta oo wiil aabbihiis la dardaarmayo inta geelii la xer geeyey, wuxuu yiri odaygii:-“ Aabboow geella salaadda ka daa, oo haddaadan ka daynin, tan maqrib ka daa, oo haddaadan ka deyneyn, Nuunuuda dambe ka daa” Tan maqrib waa xiliga geela la uruursho ee uu baxsado Habardugaagna   godka ka soo baxdo oo waraabe iyo Libaaxba ugaarsan karaan, halkaasey cibaado iyo nin geel leh kala joogaan.

Labadaas arrimood (B&T) ee mid walbaa ay suugaan iyo hees hawleed jiritaankeeda iyo suurta galnimada qodobadaas dhidibka u adkeynaya ay wadato waxay noo caddaynayaan in salaad la’aanta ama salaad yarida ay geel jiraha soomaaliyeed u tahay summad uu ku sifoobay !.

2- Kala dhaca geela iyo colaadda ku lammaan. Nin geel kala dhicista iyo colaadda ku sayn saaban ay dhibtay ayaa laga sheegay inuu yiri ; saddex baan geel ku nacay:-“Gaashaan dhiigleh -Gabangabo joogtaa -Hebel shaluu go’ay.”

Mid kaloo geela ku heesay ayaa ku ammaanay in geela uu yahay shay loogu dhabar adaygo waran wadnaha lagaala dhacayo, intaad warmahaas ka carari lahaydna aad ka door bidayso inaad ku dhimato adoo geelaaga difaacanaya, Wuxuuna yiri:- 

  • Tumaatida waran
  • Ee wadnaha tegi
  • Wallee tiireey
  • Lagaagama tago.

Rag ayaa ku heesay ayagoo tilmaamaya inuu geelu yahay aalad faraha looga gubtay oo laysku xasuuqo waxaana heesahaas kamid ahaa:-

  • Deeleey laba duul
  • Oon dal wada degin
  • Oon dab wada shidan
  • Dagaalamiyaay.

Hees kale ayaa ayana ahayd:-

  • Qooryareey qalin
  • Qoorey joogtaba
  • Qooro(1) go’an
  • iyo Qaar rag baayaal.

(1)Qooro= madaxyo;

Ma garanayo halka ay kasoo bilaabatay geel kala qaadka soomaalidu ka caadada yeelatay, balse ogaantayda iyo Ab & oday ka sheekeeba soomaalidu sidaa ayey geela u kala dhici jireen isla markaana isugu layn jireen.Mararka qaar ayaad is leedahay ‘’ma jiro nin geel leh oo xalaal quute ah’’, lagama hadlaayo ninka 10 halaad iyo wixii lamid ah leh oo ay ariga ula daaqaan, ee waxaa laga hadlayaa waa geelleeyda ku sifaysan KADINLEEYDA.

W/Q  Bashiir Cali Barre

SHARE