Home Qoraallo DAGAALKII CIRAAQ. QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan,

DAGAALKII CIRAAQ. QORE: Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan,

3
SHARE

dagaalka ciraaq

1 بسم اهلل الرحمن الرحيم Dagaalka Ciraaq Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, dagaalka Ciraaq\العراق ee kun sagaal boqol iyo sagaashan ee qarniga lasoo dhaafay ilaa maanta socda wuu ka hadlay, oo Axaadiith badan ayaa kasoo aroortay, ayna wariyeen Al Bukhaarii\البخاري iyo Muslim\مسلم. Waxaan halkaan kusoo qaadanaynnaa laba Xadiith. Xadiithka Muslim waxaa wariyey Ubayyah bin Kacb\كعب بن أبية ,oo yiri: Xadiithka Ubayyah bin Kacbكعب بن أبية ee Muslimمسلم “Cabdu Allaahi bin Al Xaarith bin Nawfal\نوفل بن الحارث بن هللا عبد wuxuu yiri: “Waxaan la taagnaa Ubayya bin Kacbكعب بن أبية ,markaasuu wuxuu yiri: “Madaxdu way isku khilaafayaan siday adduun ku heli lahaayeen (Waana siday Madaxweynaha fransiiska Chirac iyo Madaxweynaha ruushka Putin iyo Wasiirka koowaad ee jarmanka Shroeder iyo midka Kanada ugu khilaafeen Madaxweynaha mareykanka George W. Bush iyo wasiirka koowaad ee ingiriiska John Blair sida batroolka Ciraaq\العراق gacanta loogu dhigi lahaa, ayna u diideen inay ciidammo qalab sida oo dagaalkaas ka qayb gala Ciraaq\العراق u diraan. Ingiriisku waa asalka aabaha dhalay maraykanka intiisa xukunka iyo maalka leh qaarkood, oo Maraykanka, Kanada, Australia iyo New Zeland waa faracooda iyo dhashooda. Markaasaa faracii iyo dhashii ka fara badatay oo ka xoog badatay asalkii ingiriiska ahaa, markaasuu asalku wuxuu khaadimiin u noqday iyo la taliyayaal asalkooda. Dabaqada maraykanka xukunta, maalkana leh waxay ka mid yihiin kuwa la yiraahdo W.A.S.P., oo macneheedu yahay White oo ah midabka haraggoodu caddaanka yahay, Anglo oo ah inuu ingiriis u dhashay, Saxon, oo ah inuu jarman u dhashay, Protestant, oo ah inay diintiisu tahay midda la yiraahdo protestant oo ah qayb ka mid ah diinta krishtaan oo dalalka ingiriiska iyo jarmanka laga diin yeesho. Sidaas ayay dawladda maraykanu waxay ku dhisantahay qabiil iyo diin, uusan dadkoo idilna xukunka u sinnayn). Markaasaan waxaan aniguna ku iri: “Wa sidaas.” Markaasuu Ubayyahأبية wuxuu yiri: “Waxaan maqlay Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, oo leh: “يوشك الفرات أن يحسر عن جبل من ذهب، فإذا سمع به الناس ساروا إليه. فيقول من عنده: “إلن تركنا الناس يأخذون منه ليذهبن به كله.” قال: “فيقتتلون عليه. فيقتل من كل مئاة تسع وتسعون.” “Yuushiku al Furaatu an yaxsira can jabalin min thahabin, fa ithaa samica bihi al nnaasu saaruu ilayhi. Fa yaquulu man cindahu: “La’in taraknaa al nnaasa ya’khuthuuna minhu la 2 yath-habanna bihi kullihi.” Qaala: “Fa yaqtatiluuna calayhi. Fa yuqtalu min kulli mi’atin tiscun wa tiscuuna.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Waxaa soo dhowaaday waqtiga wabiga Furaat\الفرات) oo dalka Ciraaq\\العراق mara) hoostiisa laga heli lahaa buur dahab ah (patroolkana waa isaga lagu magacaabo dahabka madow, ama dahab ayaaba lagu gadan karaa oo lacagtu waa dahab). Markaasey markay dadku maqlaan dahabkaas la helay ayay xaggiisa soo wada aadayaan, si ay wax uga qaataan. Markaasey kuwa dalkaas deggan oo dahabku agtooda yahay waxay leeyihiin: “Haddaan dadka u oggolaanno inay dahabkaas wax ka qaataan, isagoo idil ayay qaadanayaan oo la tegayaan.” Wuxuu yiri: “Markaasey dahabkaas daraadiis iyo qaadashadiisa ku dagaallamayaan. Markaasaa boqolkii ninba waxaa laga dilayaa sagaal iyo sagaashan.” Waana Xadiithka laba kun iyo sideed boqol iyo shan iyo sagaashan ee Muslim\مسلم ee ku xusan Kitaabu Al Fitani\الفتن كتاب. Riwaayada Abuu Hurayrah\هريرة أبو waxay warisay inuu Rasuulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, yiri: “ال تقوم الساعة حتى يحسر الفرات عن جبل من ذهب، يقتتل الناس عليه. فيقتل من كل مئاة تسعة وتسعون، و يقول كل رجل منهم لعلي أكون أنا اللذي أنجو.” “Laa taquumu al ssaacatu xattaa yaxsira al Furaatu can jabalin min thahabin, yaqtatilu al nnaasu calayhi. Fa yuqtalu min kulli mi’atin tiscatun wa tiscuuna, wa yaquulu kullu rajulin minhum lacallii akuunu anaa allathii anjuu.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Saacaddu dhici mayso, oo adduunkaanu dhammaan mayo, jeer wabiga al Furaat\الفرات hoostiisa laga helo buur dahab ah. Markaasey dadku ku dagaallamayaan. Markaasaa boqolkiiba waxaa laga dilayaa sagaal iyo sagaashan. Nin walbana wuxuu leeyahay: “Waxaa dhici karta inaan anigu noqdo midka badbaada.” Waana Xadiithka laba kun iyo sideed boqol iyo afar iyo sagaashan ee Muslim\مسلم ee ku xusan Kitaabu Al Fitani\الفتن كتاب. Sidaan hore ugu soo sheegnay, in yar ka hor bilaabashada dagaalka Ciraaq\العراق , iyo markuu Maraykanku Ciraaq\العراق guulguulayey, ayuu Dhaariq Caziiz\عزيز طارق ,Madaxweyne ku xigeenka Ciraaq\العراق ee krishtaanka ahi wuxuu yiri: “Batroolkeennay rabaan.” 3 Lafdiga Xadiithkaas ee Bukhaarina\البخاري wuxuu ku wariyay Xadiithkiisa toddoba kun iyo boqol iyo sagaal iyo toban, uuna ka wariyay Abuu Hurayrah\هريرة أبو inuu Rasulka Ilaahay, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: “يوشك الفرات إن يحسر عن كنز من ذهب. فمن حضره فال يأخذ منه شيئا.” “Yuushiku al Furaatu an yaxsira can kanzin min thahabin. Fa man xadarahu falaa ya’khuth minhu sha’an.” Xadiithka macnihiisu waxaa weey: “Waxaa soo dhowaaday in wabiga Furaat\الفرات hoostiisa laga helo buur dahab ah. Marka kiinna goobjoogga ahi waqtigaas yuusan waxba ka qaadan.” Sababtuu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, dadka uga reebay qaadashadaas, siduu ibnu Xajar\حجر إبن Fatxu Al Baarii\الباري فتح ugu sharxay, waa ayadoo qofka qaata ay fitnadaasi iyo dagaalkaasu gaarayo. Dagaalka labaad ee Ciraaq\العراق , oo bilawday sagaal iyo tobanka bisha Maarso laba kun iyo saddex, ahna in ka badan mar hadda toban sano laga joogo, wali waa socdaa waxaana lagu dilay malaayiin Cirraaqiyiin ah, malaayiinna waxay ku noqdeen qaxooti. Dalkaasna waxaa ku duulay oo qabsaday ciidammada afar dawladood oo kala ah Maraykanka, Iungiriiska, Australiya iyo Poland, walina waa socdaa. Al Iskandar\األسكندر iyo Ciraaq\عراق Qiyaas sideed boqol iyo toddobaatan sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam, ka hor, ayuu boqorka dawladda Griigga ee Al Iskandar bin Filips, – ahna ninka loo yaqaanno Alexander the Great, wuxuu kusoo duulay boqortooyada Iiraan, oo uu markaas boqor ka yahay Kisraa Daaraa bin Daaraa, uuna jebiyey oo ka adkaaday. Marka dagaalka la gelayey ayuu Al Iskandar wuxuu ciidankiisa amray inaan Daaraa la dilin ee lasoo qabto oo isagoo nool isaga laftiisa loo keeno. Mase ayan ahaanoo laba askari oo ka mid ahaa kuwa Daara ilaalisa ayaa dhabarka ka wareemay oo dhaawac culus u geystay, waxayna sidaas u yeeleen ayagoo Al Iskandar abaalgud uga doonaya. Labada nin waa lasoo qabtay waxaana loo keenay Al Iskandar, kaasoo amray in madaxa laga gooyo, kaddibna maydkooda la waro. Labada nin waxay la yaabeen xukunkiisa oo filan waa ku noqday, ayagooba abaalgud ka sugayey. Markaasey waxay weydiiyeen sababta uu xukunka dilka iyo waridda ah ugu xukumay, ayagoo boqorkii cadawgiisa ahaa dilay. Al Iskandar wuxuu ku yiri: “Taas weeye abaal marinta qofka dadka dalkiisa khayaana!” Sidaas ayaana la yeelay, oo inta marka hore madaxa laga gooyey ayaa kaddibna maydkooda laba qori oo istillaaba lagu xiray oo la taagay, si loo arko oo loogu waano qaato. 4 Daaraa oo wali nafi ku jirto ayaa waxaa dul yimid Al Iskandar, markaasuu intuu madixiisa soo qaaday ayuu bawdadiisa soo kor saaray, kaddibna uu ku yiri: “Dadka hoggaamiyohoodow! Dilkaaga ma doonayn, raallina kama ihi, ee ma leedahay xaajo aan kuu oofiyo?” Wuxuu yiri: “Haa. Gabadaydha Rushnak\رشنك guurso, kii i dilayna dil.” Kaddibna wuu dhintay. Alexander iyo Daara walaalay ahaayeen Waxaa la yiri inay labadaas boqor walaalo ahaayeen, ayna wada dhashay haweeney madow oo uu lahaa Daaraa aabihiis oo isagana Daara la oran jiray, oo ay markaas u dhashay Daara bin Daaraa. Kaddibna waxay boqorka Grigga ee magaciisu yahay Filips u dhashay wiil uu u bixiyey Al Iskandar. Haweeneydaas, siduu Al Suhaylii\السهيلي ugu wariyay Al Rawdu\الروض mujalladka labaad bogga sideed iyo lixdanaad, wuxuu afkeedu lahaa kah aan carfooneyn. Markaasaa waxaa lagu daaweeyey bagal ama dhir la yiraahdo andaruus oo kahdii ka bi’sey. Markaasey waxay qaaday uur, waxayna dhashay wiil loogu magac daray bagalkaas lagu daaweeyey oo waxaa loo bixiyey Inkandaruus, oo halkaasuu magaca Al Iskandar ka yimid. Runtana Rabbi ayaa og. Al Iskandar wuxuu dagaal ku qabsaday Bariga Dhow ilaa dalka Masar\مصر ,isagaana aasaasay magaalada Al Iskandariyyah\اإلسكندرية la yiraahdo oo isaga loogu magac daray. Culummada qaarkood ayaa waxay yiraahdeen: “Al Iskandar waa Thuu Al Qarnayn\القرنين ذو ninkuu Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا ku xusay Suuratu Al Kahfi\الكهف سورة ,”intooda badanse waxay yiraahdeen isaga ma aha, oo Thuu Al Qarnaynالقرنين ذو wuxuu ahaa boqor muslim ah, Al Iskandarna islaannimo laguma sheegin. Runtana Rabbi ayaa og. ملوك الطوائفGoobaha Boqorrada Al Iskandar markuu boqortooyada Iiraan jebiyay, si uu u wiiqo xooggooda wuu kala qaybqaybiyay, oo intuu gobollo ka dhigay ayuu gobol walba nin madax uga dhigay, qabaa’il Carbeedna intuu soo raray ayuu soo dhex dejiyay. Sidaas ayaa waxaa ku dhashay bortooyooyinkii iyo boqorradii la oran jiray Muluuku Al Dhawaa’if\الطوائف ملوك ,oo macneheedu yahay Boqorrada Goobaha ama Kooxaha, looguna bixiyey ayadoo uu boqor walba cad dhul ah xukumay. Sidaas ayayna ahaayeen ilaa ay boqortooyada Iiraan ka gashay gacanta Boqorrada Saasaan bin Bihmaan, ahna Boqorrada Saassaaniyiinta oo ay hal dal iyo hal dawlad dib ugu noqdeen. Boqortooyadaanna waxaa dumisay Dawladda Islaamka ah ee Khulafada Raashidiinta الخلفاء .ah الراشدين\ Al Suhaylii\السهيلي wuxuu mujalladka koowaad boggiisa saddex iyo lixdanaad ku xusay inuu “Al Dhabarii\الطبري yiriinuu xukunka boqorradaas Muluuku Al Dhawaa’ifالطوائف ملوك afar boqol iyo sideetan sano socday, intas ka yarna waa la sheegay. 5 Al Mascuudina\المسعودي wuxuu yiri: “Shan boqol iyo labaatan sano”, zamankooda ayaana Ciise ina Maryama\مريم ابن عيسى ,Calayhissalaamu, lasoo diray, taasoo ku beegneyd saddex boqol oo sano dhimashada Al Iskandar dabadeed.” Waa intaas warkaan kasoo qaadannay. Carabta iyo Alexander the Great Cabdu Al Xamid Jawdah Al Ssaxxaar\السحار جودة الحميد عبد wuxuu kitaabkiisa “Muxammadun mujalladka”, محمد رسول هللا صلى هللا عليه وسلم\Wasallam Calayhi Allaahu Sallaa, Allaahi Rausulu afaraad bogga labo iyo sagaashanaad ku yiri: “Boqortooyada Al Iskandar waxay u fidday xagga sharqiga (ilaa Hindiya) iyo xagga galbeedkaba..wuxuuna caasimad boqortooyadiisa ka dhigtay Baabil\بابل ,ee dalka Ciraaq\العراق , halkaasoo uu qasrigiis ku xasilay. Markaasey shucuubta arligu isu dulleeyeen Baabilبابل ,ayna u keeneen hadiyooyin, una aqoonsadeen boqorka addunka oo aan la isku khilaafsaneyn, ayna u hoggaansameen. Laakiin Carabta deggan waqooyiga Jaziiradda Carabta iyo koofurteedaba way iskala weynaadeen, markaaseyan hadiyado usoo dirin, ergooyinna uma ayan soo dirin, balse wayba ka aamuseen. Markaasuu Al Iskandar carooday oo uu sanku bararay, uuna ku guulguulay dadka Jaziiradda Carabta deggan burburin, kuna dhaartay inuu arligooda qoobabka fardihiisa iyo cagtiisaba marinayo, uuna inta goynta seeftiisa ka badbaadda uu ayagoo xargo lagu xirxiray oo la duulleeyey soo kexeyn doono oo ayagoo addooma ah Baabilبابل keeni doono. Laakin intuusan guulguulkiisaaas fulinba, uusanna Jaziiradda Carabta soo weerarinba ayuu Baabilبابل ku dhintay, isagoo aan saddex iyo soddon sano dhaafin. (Alexander the Great waxaa dishay kaneeco cuntay, oo duumuu u dhintay). Markaasey Rushnaak, oo u dhashay wiil uu u bixiyay Daara Kii Saddexaad, tiiraanyootay oo ay is dishay, ayadoo cunnada diiday oo gaajay u dhimatay.” Waa intaas warkaan kasoo qaadannay. Xaaladda Soomaaliya ee Maanta Xaaladda ka jirta Soomaaliya maantadaan aan joogno, soo la mid ma aha xaaladduu Alexander the Great ka abaabulay arliga Ciraaq qiyaas sideed boqol iyo toddobaatan sano dhalashada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wa Calaa Aalihi Wa Sallam ka hor? Xagga “Boqorrada/Madaxwaynayaasha Gobollada”, la’aanta dawlada dhexe oo dalka wada maamusha, amxaarada dalka Soomaalida lasoo dhex dejiyay? Gumaysi waa isku mid, qarni kastoo uu joogo, isku waxbay doonayaan, isku dariiq ayayna u maraan: ujeedada isticmaarku waa gumaadka iyo dullaynta shacabka uu qabsado iyo gurashada khayraadka uu Ilaahay\هللا arligooda geliyay. 6 Googooynta Ciraaq\عراق ee hadda socota Waxaa waqtigaan hadda ah socota siyaasadda ah in si Ciraaq\\العراق loo wiiqo batroolkeedana looga qaato, hadana gobollo loo qaybiyo, oo gobol walbana boqor loo yeelo, sida in koofurta dalkaas shiicada la siiyo oo ay dawlad shiico ah ka dhistaan; waqooyiga dalkana kurdiga la siiyo oo ay halkaas ayaguna dawlad kurdi ah ka dhistaan; gobollada dhexena sunniyiinta la siiyo. Qaybqaybinta casrigaan waxay tii hore uga duwan tahay oo keli ah, waxaa markaan lagu saleeyey, inta badan, umuuro diinta la xiriira iyo gobolladuu patroolku u badan yahay, oo ah waqooyiga iyo koofurta dalkaas. (Sidaasay Maraykan Soomaaliya u qaybiyeen mar hadda qiyaas labaatan sano laga joogo, oo intaasoo gobol oo mid walba dawlad u gooni ah leedahay: arrinkaanna waxaan uga hadlay kitaabkayga “Taariikhda Soomaalida iyo Soomaaliya” oo halkaasay ciddii danayneysa ka doonan kartaa: xasanwali) Ciraaq\عراق iyo Mongolka Markaan uguma horreyso mar ay Ameerikaanka, Ingiriiska, Fransiiska, Jarmanka, Australia, Kanada iyo New Zeland Ciraaq\العراق weeraraan. Waxay marka koowaad kusoo duuleen sanadka lix boqol iyo lix iyo kontonka, waana mar hadda qiyaas sideed boqol oo sano laga joogo. Muslim\مسلم wuxuu Abuu Hurayrah\أبوهريرة ka wariyay inuu Nabigu, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, yiri: ال تقوم الساعة حتى يقاتل المسلمون الترك، قوما وجوههم كالمجان المطرقة يلبسون الشعر و يمشون في الشعر.” “Laa taquumu al ssaacatu xattaa yuqaatila al muslimuuna Al Tturka, qawman wujuuhuhum ka al majaanni al mudhraqati yalbasuuna al sh-shacara wa yamshuuna fii al sh-shacari.” Xadiithka macnihiisu waxaa weeye: “Saacaddu istaagi mayso jeer ay muslimiintu la dagaallamaan turkiga, ahna dad wajiyadoodu ay la mid yihiin gaashaan dubbe lagu dubbeeyey, waa burrise (oo leh wajiyo balaaran oo siman, oo aan sanqaroor oo gooman midna lahayn), dharkooda ay labbisan yihiinna uu dhogor ka samaysan yahay, kabahay ku socdaanna ay dhogor ka samaysan yihiin.” Riwaayada kalena uu Salla Allaahu Calayhi Wasallam, ku tilmaamay waji balaaran oo fidsan, san gaaban oo bagafsan, wajiyo guduudan, indho yaryar. Waana mongolka oo turki u dhashay. 7 Al Thahabii\الذهبي Kitaabka la yiraahdo Al Muntaqaa min Minhaaji Al Ictidaali fii Naqdi Ahla Al Rafdi wa Al المنتقى من منهاج اإلعتدال في نقد أهل الرفض و اإلعتزال Sunnah Al Minhaaji Mukhtasiru huwa wa Ictizaali \السنة منهاج مختصر هو و waxaa dhigay Al Imaamu Al Xaafithu Abuu Cabdu Allaahi Muxammad dhexeysey u inta noolaa oo, اإلمام الحافظ أبو عبد هللا محمد بن عثمان الذهبي\Thahabii Al Cuthmaan bin sanadaha lix boqol iyo saddex iyo toddobaatan ilaa toddoba boqol iyo sideed iyo afartan Hijriga. Kitaabkaasu waa soo gaabin kitaabka Siirada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, ee uu dhigay Ibnu Taymiyah\تيمية إبن ee la yiraahdo Minhaaju Al Sunnah\السنة منهاج. Ibnu Taymiyahتيمية إبن wuxuu noolaa inta u dhexeysey sanadyada Hijrada ee lix boqol iyo kow iyo lixdan ilaa toddoba boqol iyo sideed iyo labaatan, kuna noolaa Dimishiq\دمشق ,uuna goob joog ahaa markay mongolku soo galeen. Kitaabka Al Thahabiiالذهبي waxaa xaqiijiyey Muxibbu Al Ddiini Al Khadhiibuم\الخطيب الدين محب , waxaana daabacday dawladda Sucuudiga: Al Ri’aasatu al caammah li idaaraati al buxuuthi al cilmiyyah wa al iftaa’i wa al dacwati wa al irshaadi الدعوة و اإلفتاء و العلمية البحوث إلدارات العامة الرئاسة \اإلرشاد و sanadka kun iyo afar boqol iyo sagaal Hijrigaهجرية ,daabacaad ka horreyseyna way jirtaa ee kun iyo saddex boqol iyo afar iyo todobaatanka. Waxaana lagu daabacay Riyaad\رياض. Kitaabkaanu wuxuu ka keenay Quraanka iyo Sunnada Nabi Muxammad, Sallaa Allaahu Calayhi Wasallam, adillada iyo xujjooyinka caddeynaya beenta iyo khuraafaadka caqiidada shiicada. Kitaabkaasu wuxuu boggiisa saddex boqol iyo sideed iyo soddon ku yiri: “Shiicadu waa beenlowyaal fulayo ah, khaa’iniin dulli ah, waxayna la kaashadaan kufaarta la dagaallanka muslimiinta, siday u yeeleen Jenjis Khaan boqorka turkiga kaafirka ah, oo shiicadu waxay ugu hiillisay la dagaallanka muslimiinta. Waxaase taas kasii cad siday wiilka uu Jenjis Khaan wiilkiisu dhalay oo magaciisu ahaa Huulaakuu Khaan u taageereen markuu Khurasaan\خرسان) oo ah gobol Iiraan ka mid ah) iyo Ciraaq\\العراق iyo Shaam\الشام yimid, tanoo ka cad oo ka caansan inay qofna ka dahsoonaato. Oo sidaasey waxay u ahaayeen taageerayaalkiisa ugu wayn, ha qarsoonaadaan ama ha muuqdaane ee Ciraaq\العراق iyo Khurasaanخرسان . Wasiirka (waana waxaan maanta niraahnoo Wasiirka ،oowaad) Khaliifka (waana Madaxweynaha Dawladda Islaamka) oo xaruntiisu Baghdaad\بغداد ahayd wuxuu magaciisu ahaa Muxammad bin Axmad Al Baghdaadii\البغدادي أحمد بن محمد loona yiqiin ibnu Al Calqamii إبن \العلقمي ,oo dhashay sanadka Hijriga ah ee lix boqol iyo lix iyo konton, oo shiica ahaa. Ninkaasu wuxuu dhex galay Ahlu Sunnada, wuxuuna ka mid noqday shaqaalaha dawladda ilaa uu Wasiirka Koowaad ka noqdo Dawladda reer Banii Al Cabbaas\العباس بني ,xilkaasna uu hayey afar iyo toban sano. Markaasuu Khaliifka ugu dambeeyey ee ubadka Al Cabbaasالعباس ahaana Al Mustacsim\المصتعصم kalsooni siiyey, uuna umuurtiisa gacanta u geliyey. 8 Markaasey markay ciidammada Haaluukuu dalka Iiraan soo galeen ayuu ibnu Al Calqamii إبن \العلقمي u ciddiray, uuuna u faray isagoo ku boorrinaya inay xagga Baghdaad\بغداد usoo kicitimaan. Ujeedada ibnu Al Calqamii\العلقمي إبن waxay ahayd in markay dawladda Cabbasiyiintu dhacdo, isaguna uu dhiciddeeda ka qayb qaatay, inuu Haaluukuu gacan iyo abaal ku yeesho, uuna markaas u oggolaado inuu isaguna Khaliifah noqdo oo uu sidaas dawlad shiico ah ku dhisto. Markaasuu Haaluukuu xagga Baghdaad\بغداد usoo wareegay, isagoo wata ciidan ka kooban laba boqol oo kun oo Mongol ah iyo Karaj\الكرج) Karj waxaa la oran jiray dalka maanta la yiraahdo Georgia, oo arliga turkiga xagga qorrax kasoo bax ka xiga iyo caasimaddiisaba Tibliisi, arliga ruushkana koofur ka xiga. Dadkaasu waa qabiil turkiga ka mid ah oo sidaasay ku yihiin qabiil ka mid ah Ya’juuj iyo Ma’;juuiyoمأجوج و يأجوج (iyo Ya’juuj iyo Ma’juuj\مأجوج و يأجوج) .Ya’juuj iyo Ma’juuj\مأجوج و يأجوج waa Ingiriiska, Fransiiska, Jarmanka, Ruush-ka iyo inta ka farcantayba, sida dalalka Skandinavia, Switzerland, Austria, Amerika, Kanada, Australia, New Zeland, iyo dalaka Yurubta Bari). Ibnu Al Calqamii\العلقمي إبن way la suubanaatay khayaanada uu khayaanay Al Khaliifah Al Mustacsim المستعصم الخليفة ,amarkuna wuuba la fududaaday. Markaasey ciidammada Haaluukuu waxay soo degeen bariga magaalada Baghdaad\بغداد iyo galbeedkeedaba. Markaasuu ibnu Al Calqamiiالعلقمي إبن wuxuu Khaliifka ka idan qaatay inuu ciidammadaas u tago, uuna dhexdexaadiyo sidii nabad lagu heli lahaa, oo lagu heshiin lahaa. Markuu Khaliifku taas u oggolaaday ayuu Haaluukuu u tegey, uuna ka xirtay xarig adag iyo ballan inta isaga laftiisa ku saabsan, uuna ciidankaas duullaanka ah u sheegay inuu isaguna ayaga ku biiray oo la dhan yahay. Sidaas markuu dawladdiisa usoo khayaanay ayuu wuxuu usoo laabtay Khaliifka, wuxuuna u sheegay inuu Huulaakuu doonayo inuu gabadhuu Huulaakuu dhalay u guuriyo wiilka Khaliifka ee la yiraahdo Amiir Abuu Bakr\أبوبكر األمير ,ayna tahay inuu Khaliifku la dhinac noqdo Huulaakuu siday Khulafadii hore Saljuuqda\السلجوق u ahaayeen oo kale. Wuxuu ku marti qaaday Khaliifka iyo wiilkiisa iyo madaxda dawladda inay booqasho ugu tagaan Huulaakuu. Wuxuu sidoo kale u marti qaaday culummada iyo madaxdoo idil inay kasoo qayb galaan nikaaxaas, siduu yiri. Markaasey markay xerada ciidanka Huulaakuu tageen ayuu wuxuu amray in madaxda laga wada gooyo. Markii sidaas loo laayey ayay raaciyadii, shacbigii dawladda islaamku waxay noqdeen raacii iyo madax la’aan. Markaasey Ya’juuj iyo Ma’juuj\مأجوج و يأجوج waxay galeen Baghdaad\بغداد oo ay dadka seefo ku laayeen, ayna layntaasu iyo qafaalku iyo dhacu iyo bililiqeysiguba ay afartan maalmood socdeen. 9 Waxaa la sheegay in markaas kaddib uu Huulaakuu amar ku bixiyey in lasoo tiriyo inta mmadda islaamka laga dilay. Markaasey tirada inta la tiriyey waxay kor u dhaaftay kun kun iyo sideed boqol oo kun (ahna hal milyan iyo sideed boqol oo kun). Intaan la tirinna waa intaas laablaabkeeda. (Waxaa la shaaegay inay mongolka, Ya’juuj iyo Ma’juujمأجوج و يأجوج iyo Al Karaj\الكرج ay Baghdaad\بغداد galeen markay taariikhdu ahayd tobanka bisha Fabraayo ee sanadka kun laba boqol sideed iyo konton ee Miilaadiga – 10/02/1258 Gregorian -). Wixii kutubbo magaalada yiilna, ahaana malaayiin kitaab, waxay ka dhigeen waxay gubaan iyo waxay wabiga Dajlah\دجلة ku daadiyeen. Wabigaasu wuxuu la guduutay dhiigga dadka inta la dilay lagu riday iyo kutubbada lagu dhex daadiyay oo buuxiyay oo inta lagu kor socdo wabiga looga tillaabi jiray.. Cadawga Ilaahay\هللا ee ibnu Al Calqamiiالعلقمي إبن muraadkiisa ma helin oo uu naftiisa u doonayey, oo wuu hungoobay, umana ayan suurtoobin inuu isaguna Khaliifah iyo boqor noqdo uuuna dawlad shiico ah dhisto, maxaa yeelay Huulaakuu iyo raggiisuba way xaqireen oo ay hoos u dhugteen, sida loo xaqiro oo loo yaso mid kasta oo khaa’in ah, wuxuuna dhexdooda ku noqday sida addoon la leeyahay oo kale, wuxuuna u dhintay calool xumo, wuxuuna tiriyayba tixdaan uu ku leeyahay: “Wa jaraa al qadaa’u bi caksi maa aamaltuhu\آملته ما بعكس القضاء وجرى “oo ah “Qadaduna, waa xukunka Ilaahayeeهللا ,waxay noqotay caksiga siday yididiilladeydu ahayd”. Waa intaas warkaan kasoo qaadannay Al Thahabii\الذهبي Allaahaهللا u naxariistee. Dagaala Ciraaq ee NATO 1993 George W. Bush iyo dawladda ingiriiska oo uu hoggaaminayo J. Blair, oo ayaduna krishtaanka ah waxay weerareen Ciraaq\العراق. إياد عالوي\Callawii Iyaad Marykanka iyo Ingiriiskaba waxaa u yeertay oo Ciraaqالعراق inay soo galaan weydiistay, una soo hoggaamiyey weeraridda Ciraaq\العراق ninka reer Ciraaq العراق u dhashay oo la yiraahdo Iyaad Callawii\عالوي إياد oo shiico ah, una qornaa CIA (Central Intelligence Agency), wakaaladda wardoonka dawladda Maraykanka, siduu isaguba afkiisa uga qiray oo aan televisionka uga fiirsannay isagoo uu lahadlayo wariyaha NBC Tom Brokow oo ku yiri: “You are on the payroll of the CIA, is that correct?” He replied: “Yes.” Warkaas ma nihiisu waxaa weeye: “Soo sax ma aha inaad diiwaanka mushaarka laga siiyo shaqaalaha CIA (Hay’adda dhexe wardoonka ee dawladda Maraykanka) aad ku jirtay?” Wuxuu ku jawaabay: “Haa.” Markaasuu Tom Brokow wuxuu u akhriyay inta lacag ah oo ay CIA siisay tan iyo maalintaas, Iyaad Callaawi-naعالوي إياد wuu qirtay inuu lacagtaas qaatay. Iyaaad Callaawiiعالوي إياد , mar kale oo uu Tom Brokow waraysi la yeeshay laba iyo labaatanka bisha Agooso laba kun iyo afar wuxuu yiri: 10 “..We are very sympathetic to our friends and partners who –and to the brave woman and men who are fighting shoulder-to shoulder with us in Iraq, whether Americans or British or Italian or Japanese or-from the multinational force. We are losing a lot of people, but the Iraqi nation is determined to stand against terror and to stand against terrorists and to break the back of the terrorist.” Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Waxaan ku faraxsannahay inay saaxibbadeen iyo kuwaan danta wadaagno, iyo rag iyo haween geesiyaal ah, ay garab ka garab Ciraaq\العراق dhexdeeda nagala dagaallamaan, ha ahaadaan Maraykan ama Ingiriis, ama Talyaani ama Japan, ama gaashaanbuurta dawladaha badan ka kooban. Waxaa nalaga laayay dad badan, laakiin shacabka Ciraaq\العراق wuxuu go’aansaday inuu argagaxa la dagaallamo, uuna ka horyimaado argagixisada, ayna dhabarka ka jebiyaan.” Brokow outlined Allawi’sعالوي background, with an emphasis on his CIA ties: “Allawiعالوي ,a neurosurgeon who went into exile and worked with the CIA after he survived a Saddam assassination attempt, has been trying to rally Iraqis to fight for what is now their country.” Warkaas macnihiisu waxaa weeye: “Tom Borokow wuxuu si tifaftiran uga hadlay taariikhda Iyaad Callaawiiعالوي إياد , gaar ahaanna uu u tilmaamay xiriirkuu la leeyahay CIA, wuxuuna yiri: “Callaawiiعالوي waa takhtarka qalidda maskaxda,, dalkiisana wuxuu ka qaxay, uuna la shaqeeyey CIA, kaddib markuu ka badbaaday isku dayid dilkiisa uu damcay Saddaam\سدام , wuxuuna u guntaday inuu dadka Ciraaqالعراق ku boorriyo inay u dagaallamaan dalkooda hadda Ciraaqالعراق ah.” Weekly Standard of June 30, 2004 on Allawiعالوي: “But as the CIA’s favorite Iraqi exile, Allawiعالوي was in a unique position to assess the Iraq-al Qaeda relationship. “End quote. http://www.weeklystandard.com/Content/Public/Articles/000/000/004/286anvto.asp 1:45 PM, JUN 30, 2004 Warkaas macnihiisu waxaa weeye (waxaan dhigtay “Weekly Standard” ee 30 Juunyo 2004): “Laakiin ninkay CIA ugu jeceshahay Ciraaqiyiinta\العراقيين ,oo ah Callaawiعالوي ,wuxuu taagnaa meel uu ka qiyaasi karo xiriika ka dhexeeya Ciraaq\العراق iyo Al Qaacidah\القاعدة) . Taasoo ka mid ahayd sababaha dalka Ciraaq\العراق ay NATO ugu duushay, oo isagaa u xalaaleeyey, isagoo caddeeyey annagoo fiirsanaynna inuu Saddaam Hussein\حسين صدام xiriir la lahaa Al Qaacidah\القاعدة .(Waa intaas warkiisu. Khayaanadaas Ciraaq\ العراق waxaa Iyaad Callaawiiعالوي إياد – oo xizbi siyaasi ah oo shiico ah guddoomiye ka ahaa – kala qayb galay rag kale oo shiico ah oo dhammaantood sidaan televisionka uga aragnay u qornaa wakaaladaha wardoonka ee Mareykanka iyo ingiriiska. Ilaahay\هللا caddaladdiisa ha ku dhaqo. Iyaad Callaawiiعالوي إياد wuxuu Maraykanku ka dhigay Wasiirka Koowaad ee Ciraaqالعراق , kumase raagin xilkaas, oo wuxuu hayay qiyaas hal sano: wuxuu dhaamay ibnu Al Calqamii إبن العلقمي oo aan waxba la siin! 11 Bilowga iyo dhammaadka Khilaafada Cabbaasiyiinta\العباسيين خالفة Waa dambe, kaddib markay arliga Ciraaq\العراق sidaas u galeen, mongolkoo idil way islaameen. Sanadka Hijriga ah oo ay mongolku kusoo duuleen Baghdaad\بغداد oo kan ugu dambeeyey ee khulafada Cabbaasiyiinta\العباسيين خالفة la dilay waa lix boqol iyo lix iyo kontonka, waana mar hadda qiyaas sideed boqol oo sano laga joogo. Khaliifkaas ugu dambeeyey magaciisu wuxuu ahaa Abuu Axmad Cabdu Allaahi Al Mustacsimu oo, أبو أحمد عبد هللا المستعصم باهلل بن المستنصر باهلل\Allaahi bi Mustansiru Al bin Allaahi bi khaliif ahaa inta u dexeysey lix boqol iyo afartan ilaa lix boqol iyo lix iyo konton markay mongolka turkiga ahi dileen, una dhigantah sanadka Miilaadiga ah ee kun iyo labo boqol iyo lix iyo labaatan ilaa kun iyo laba boqol iyo sideed iyo kontonka. Khulafada Cabbaasiyiintanaالعباسيين waxaa ugu horreeyey Abuu Al Cabbaas Al Saffaax Cabdu Allaahi bin Muxammad bin Calii bin Cabdu Allaahu bin Al Cabbaas bin Cabdu Al Mudhadhalib bin Haashim المطلب عبد بن العباس بن هللا عبد بن علي بن محمد بن هللا عبد السفاح العباس أبو \هاشم بن oo khaliif ahaa inta u dhexeysey boqol iyo labo iyo soddon ila boqol iyo lix iyo soddon Hijriga\هجري una dhigantah toddoba boqol iyo konton ilaa toddoba boqol iyo afar iyo konton Miilaadiga.. Caasimadiisuna waxay ahayd magaalo uu isaga laftiisu dhisay uuna u bixiyey Al Haashimiyyah\الهاشمية ,una dhoweyd gobolka Al Anbaar\األنبار ee Ciraaq\العراق . Walaalkiisa khaliifnimada isaga ku xigay oo ahaa Abuu Jacfar Al Mansuur\المنصور جعفر أبو ayaa magaalada Baghdaad\بغداد dhisay, una bixiyey Daaru Al Salaamu\السالم دار ,oo loogu bixiyey inay u dhawdahay wabiga Dijlah\دجلة نهر oo la oran jiray Qasru Al Salaamu\السالم قصر, caasimadna ka dhigtay. بغدادBaghdaad Dhismaha Baghdaad\بغداد waxaa la bilaabay sanadka boqol iyo shan iyo afartan, wuxuuna soo degay marka la dhammeeyey sanadka boqol iyo sagaal iyo afartan, una dhigantah sanadka toddoba boqol iyo lix iyo lixdanka Miilaadiga ah, siduu Al Khadhiibu Al Baghdaadii الخطيب \البغدادي ugu wariyay kitaabkiisa “Taariikhu Baghdaadبغداد تاريخ“. Baghdaad\بغداد marka loo fiiriyo Dimishiq\دمشق ,caasimada Suuriya\سوريا oo dhisnayd waagu ayadaba soo galay Nabi Ibraahiim\إبراهيم ,Calayhissalaamu, oo in ka badan shan kun oo sano magaalo madax ah, way fac yartahay. Oo ay cusub tahay. دمشقDimashq Nabi Ibraahiim\إبراهيم ,, Calayhissalaamu, markuu Dimishiqدمشق tegey magaalada dibaddeeda ayuu khaymadihiisa ka dhistay oo uu degay. Markaasuu intuu magaalada galo oo uu suuqyada dhex istaago ayuu dadka Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا ugu yeeraa. Sidaas ayaa dad badani ku islaamay. Markaasey dadka islaama, oo danyarta u badnaa, waxay u guuraan beeshuu khaymadihiisa ka dhistay oo magaalada dibaddeeda ah. 12 Markaasaa maalqabeennada magaalada waxaa hoos u dhacay lacagtii soo geli jirtay ayadoo dadkii wax ka gadan jiray qaarkood ka guureen, taasoo ay ka caroodeen. Sidoo kale waxaa guuriddaas ka carooday kuwii macbadyadooda u adeegi jiray oo asnaamta maalkooda maamuli jiray, ayadoo ay ayagan dakhligoodu hoos u dhacay. Markaasey labadaas kooxood is bahaysteen oo inta ciidan abaabuleen Nabiga iyo asxaabtiisa ku duuleen. Markaasuu Nabi Ibraahiimإبراهيم , Calayhissalaamu, inta iska dhiciyey, uuba jebiyay oo ka adkaaday. Sidaas ayuu wuxuu Nabi Ibraahiimإبراهيم , Calayhissalaamu, xoog ku qabsaday magaalada Dimishiqدمشق ,waxayna noqotay magaalo islaam. Kaddib wuxuu u magacaabay nin asxaabtiisa ka mid ah oo la yiraahdo Ilyaacaazir Al Dimishqiyyi\الدمشقي إلياعازر oo reer Dimishiqدمشق u dhashay, inuu Dimishiqدمشق guddoomiye u noqdo, isaguna wuxuu uga sii gudbay arliga Falasdhiin\فلسطين. Macnaha Baghdaadبغداد Carabtu, gaar ahaan kuwa cilmiga fiqiga yaqaanna, ma ayan jecleyn magaca Baghdaadبغداد, ayadoo uu kaasu ahaa eray afka faarsi ah oo macnihiisu yahay: bagh\بغ oo ahaa magaca sanam halkaas olli jiray oo ay iiraaniyiintu caabudi jireen, iyo daad\داد oo macnihiisu yahay “waxaa i siiyey” ama “siinta” ama “hibada” oo sidaasey Baghdaad\بغداد waxay ku tahay afka faarsiga “hibada sanaka bagh. Markaas la dhisayana inay caasimad noqoto waxay ahayd suuq meel cidla ah ku yaalla oo aan la degganayn, siduu Al Khadhiibu Al Baghdaadii\البغدادي الخطيب kitaabkiisa “Taariikhu Baghdaad “بغداد تاريخ ugu sheegay, mujalladka koowaad bogga sideetanaad. Siday shiicadu\الشيعة gaalada ugu hiilliso Taariikhda islaamka waxaa la arkay inay shiicadu markay usoo martaba ay gaalada ugu hiilliso laynta muslimiinta, oo ay gaalada ka jecel yihiin muslimiinta aan shiicada ahayn. Al Thahabii \الذهبي wuxuu kitaabkiisaas nasoo maray ku wariyay bogga saddex boqol iyo sideed iyo soddon: “Taariikh yaqaanka shiicada ah ee la yiraahdo Al Miirzaa Muxammad Baaqir Al Khuunsaarii \الخونساري باقر محمد المرزى wuxuu bogga shan boqol iyo sideed iyo toddobaatanka kitaabkiisa la yiraahdo Rawdaatu Al Jannaatiالجنات روضة ,dabcada labaad ku dhigay mawqifkaan dulliga ah, wuxuuna markuu ka hadlayo shiikhooda Al Nasiir Al Dhuusii\الطوسي الناصر ka yiri: “Guud ahaan amarkiisa mash-huurka ah oo la yaqaanno oo lasoo guuriyey inuu wasiir , xilka iyo culayska la qaybsada iyo kaaliye u noqday suldaanka gobolka Iiraan joogay ee Hulaakuu Khaan ina Tuulli Khaan ina Jenjis Khaan, kana mid ah kuwa waaweyn ee suldaannada Tartarka (waa mongolkee) iyo turkiyiinta mongolka ah, iyo inuu la socday ciidanka suldaankaas uu taageerayo isago hubaysan oo dagaal heegan u ah, uuna soo galay Daaru Al Salaamu Baghdaadبغداد السالم دار, si uu addoommada (Ilaahay\هللا (u hanuuniyo, beledkana u suubiyo, uuna dhabar gooyo silsilada xadgudubka iyo fasaadka iyo daminta kacdoonka xaqdarrada ah iyo beenta, intaasoo lagu gaarayo tirtiridda boqortooyada reer Banii Al Cabbaas\العباس بني iyo laynta guud ee inta asnaamtaas raacday iyo ilaa dhiiggooda wasakhda ah uu u dureero oo loo daadiyo uuna la mid 13 noqdo wabiyo oo kale. Markaasuu dhiiggoodaas ku daray wabiga Dijlah\دجلة ,halkaasna uu uga sii gudbay naarta jahannama, daarta lagu hoogo iyo meeshey leeyihiin kuwa shaqiyyiinta ah oo ashraarta xunxun ah.” Sidaas ayuu ninkaas taariikhda dhigay wuxuu imaatinka odayga shiicada Al Nasiir Al Dhuusii الطوسي الناصر uu ula socday dhiigyo cabeenka asnaamta caabuda ee Halaakuu Khaan, uuna Iiraan uga yimid oo uu Ciraaq\العراق u yimid wuxuu ku magaacaabay irshaadan lil cibaadi\للعباد إرشادا , oo ah hanuuninta addoommada Ilaahayهللا iyo islaaxan lil bilaadi\للبلد إصالحا oo ah suubinta beledka. Wuxuu ictiraafay oo qiray inay hanuunintaasi iyo islaaxaasu ku ahaanayo oo uu ku meel marayo laynta iyo dilka guud oo dadka lagu laayo caasimada islaamka, oo waagaas ka mid ahayd caasimadaha adduunka ugu waaweyn. Al Miirzaa Muxammad Baaqir Al Khuunsaarii\الخونساري باقر محمد المرزى oo shiiciga ah wuxuu ku faanayaa inay ciidammada dhiigyo cabka asnaamta caabuda ay dhiigga muslimiinta u daadiyeen sida wabiyo oo kale. Wuxuuna u arkay inay shuhadada muslimiinta ee kawaankaas waxashnimada ah lagu laayey ay aroorayaan naarta jahannama, daarta lagu hoogo, taasoo macneheedu yahay inuu Halaakuu Khaan midka wathaniga\الوثني ah oo asnaamta caabuda oo kan soo hoggaamiyey oo shiicada ah ay jannada gelayaan, daarta lagu waaro. Taasna wa siduu qarriray oo uu dhigay Shaykhu Al Islaami ibnu Taymiyyah\تيمية إبن اإلسالم شيخ , oo loo soo guuriyey xaraf xaraf, siduu u qirtay Al Khuunsaariigaالخونساري shiicada ah, kuna tirinaya layntaas guud ee muslimiinta la laayey inay tahay yididiillada iyo bartilmaameedka shiicada. Ilaahayهللا ha kula dhaqmo waxay istaahilaane.” Waa intaas warkaan Al Thahabii\الذهبي kasoo qaadannay Allahaهللا u naxariistee. Batroolka Ciraaq Ilaahay Tacaalaa\تعالى هللا wuxuu batroolka arliga ku sugan geliyay ilaa 80% dalalka carabta iyo muslimiinta. Xoogaana wuxuu ka siiyay Ruushka iyo dhawr dal oo kale. Dawladaha NATO waxba kama siin, intuu siiyayna waa ka dhammaaday, sida Amerika oo kale iyo Ingiriiska. Ameerika iyo Yurubta galbeed ma laha lacag ay batrool uga soo gataan dalalka batroolka leh, marka waxay goosteen inay dalalkaas xoog ku qabsadaan, dadka deggan ka saaraan, oo ay dhulka kala warweegaan, siday ku faleen dawladaha carabta oo ay Soomaaliya ka mid tahay. Haddayan Ameerika iyo Yurubta Galbeed ku duuli lahayn sanadka kun sagaal boqol saddex iyo sagaashanka Ciraaq, waxaa dalalkooda ka dhici lahaa waxay ka mid yihiin: *Warshado badan ayaa xirmi lahaa, waana kuwa ka shaqeeya haraaga batroolka oo ka sameeya blastikada. Blastikada waxaa laga sameeyaa inta badan oo dadku ku isticmaalo, sida baabuurta, dayuuradaha, maraakiibta, guryaha, mataaca guryaha, qalabka teknolojiyada cusub, hubka, is gaarsiinta iyo inta la midka ahba. Hadday warshaduhu xirmaanna waxaa xirmaya dukaammaday dadka warshadahaas ka shaqeeya wax ka gadan jireen, iyo makhaayadaha, iyo bangiyada iyo caymisyada: dhaqaalohoo idil waa istaagayaa. 14 *Warshadahaas la xiray waxaa ka dhalanaya in malaayiin shaqaale ay ku shaqo waayaan iyo lacag ay ku noolaadaan ayaga iyo caruurtooduba. Taasuu waxay keenaysaa: *Dagaal sokeeye oo ay isaga horyimaadaan kuwa xoolaha leh, oo dadka caddaanka ah u badan, iyo kuwaan waxba lahayn oo kuwa haraggooda uu ku jiro midabka madow. Taas ayaana hadda u sabab ah inay booliska caddaanka ee Maraykanka iyo Ingiriiska ahi laayo ragga madow iyo sbaanishka, ayagoo lagu tuhmayo inay dukammada caddaanku leeyahay ama xadayaan ama dhacayaan. Layntaanu waa ka hortegid inuu dhaco bato oo sidaas xoolaha caddaanka la dhaco. *Dawladda dhexe oo furfuranta, oo meeshaba ka baxda. *White House-ka iyo caasimadaha Yurubta galbeed oo nalku ka damo. *Awoodda militari ee Ameerika oo meesha ka baxda, haddii batrool la waayo. *Batroolka Ciraaq\العراق waxaa tan iyo 1993 laga maamulaa guri baraako ah oo laba dabaq ah oo ku dhex yaalla duurka gobolka Idaho ee dalka Maraykanka, ayna ka shaqeeyaan dad tiro yar oo Komputarro ku shaqeeya, sidaan TV-yada Maraykanka uga fiirsannay. *Madaxwaynaha Russia, Vladimir Putin, wuxuu dhawr goor ku celceliyay inay Amerika iyo NATO doonayaan inay dalkiisa kusoo duulaan oo ay batroolkooda iyo macaadintooda ka qaataan. Danjire Dr. Xasanwali Sheekh Xuseen Cismaan, DVM Makkah Al Mukarramah\المكرمة مكة Talaado afar iyo labaatanka bisha Shacbaan\شعبان kun afar boqol toddoba iyo soddonka Hijriga\هجرية ,una dhiganta kow iyo soddonka bisha Maajo laba kun lix iyo toban Miilaadiga.

SHARE

3 COMMENTS

  1. Qoraaga inkastoo juhid badan geliyey qoraalkaan qiimaha leh. Hadana waxey aheyd inuu kala qeybiyo oo uusan sidaas is daba taxan u qorin, una yeello joogsi iyo hakad si loo fahmo macnaha uu xambaarsan yahay.

    • Ikraam walaashey qoraalka wuu lahaa inta aad sheegtay oo dhan, Cilladda waa xageena oo qaabka aan usoo galinayay ayaa wax ka khaldanaayeen, ee Qoraha qoraal dhamaystiran oo wax walba leh ayuu inoo soo diray, insha allah waan dadaalnaynaa in mar dambe uusan khaladkaa dhicin, dhanka kale kala qaybinta qoraalkana kaligaa ma ahan qofka sidaa yiri, Dad badan oo aad ka mid tahay ayaa codsaday in qoraalka qaybo badan laga dhigo, waan ka dhigaynaa insha allah hadda wixii ka dambeeya si qoraalka nuxurkiisa uusan u dhiman, qofka aqrinayana uusan ugu daalin, isku dhex yaac nuucan ahna uusan u dhicin, raali galin ayaan ka bixinaynaa khaladkan dhacay.
      mahadsandidiin

Comments are closed.